Total Pageviews

Saturday, 5 November 2016

Muqdisho sidaan Waad ka dhigi Kartaan

Saaka markii aan toosay waan kallahay. Waxaan maray mid ka mid ah waddooyinka laamiga ah oo uu Turkigu ka dhisay caasimadda Soomaaliya.

Waxaan tegey Terminalka cusub ee gegida daayaradaha ee Aden Cabdulle oo isagana uu Turkigu dhisay.  Waa terminal yar laakiin qurxoon. Nafis ayaad dareemeysa maaddaama saqafkiisu uu aad u sarreeyo, ifitiin wanaagsan aad haysato dibaddana aad arkeyso.

Miraayado ayuu ka sameysan yahay intiisa badan. Amniga, habsamida iyo nadaafadda waxaa si wanaagsan u dhowra ciidammada booliiska iyo kuwa kale ee amniga iyo hey’adda maamulka Airporka.

Waxaan iibsaday tikid dayaaradeed. Waxaan halkaa ka raacay dayaarad ah nooca Air Bus 321 – 200 oo ay leedahay Turkish Airlines oo ah sharikadda keliya ee caalamiga ah ee subax walba aad ku tegi karto kana raaci karto Muqdisho.

Intaas iyo qaar kale oo aanan xusin waxay astaan u yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ee sii xoogeysanaya.

Taas ayay muujineysaa in Madaxweynaha Turkigu, Recep Tayyip Erdoğan, uu laba sano oo isku xiga safar ku yimaado dalkeenna.

Isla sababtaas ayaa Turkigu Muqdisho uga dhisay Safaaradda ugu weyn ee uu adduunka ku leeyahay.

Xaflad dhowaan lagu qabtay Safaaradda Turkiga ayaa dadka lagu martiqaaday waxaa ka mid ahayd gabar Soomaaliyeed oo Muqdisho moogeyd muddo dheer. Xafladda markii ay ka soo laabatay waxay ii sheegtay dareenkeeda.

Waxay igu tiri, dhismaha safaaradda Turkiga quruxdiisa markii aan waxoogaa daawaday waxaan illoobay in aan Muqdisho joogo. Waxaan u fahmay, ayay tiri,  farriin uu Turkigu u dirayo Soomaalida. Wuxuu ku leeyahay, “Muqdisho sidaan waad ka dhigi kartaan”.

Laba usbuuc ka hor ayay ahayd markii in ka badan boqol weriyayaal iyo blogle isugu jira ay Turkish Airlines ku martiqaadday magaaladan taariikhiga ah ee Istanbul si ay noo tusto horumarkeeda iyo sida uu Turkigu uga kabtay afgembigii dhicisoobay.

Mar aan la kulannay, Madaxa Turkish Airlines, Tamel Kotil, wuxuu noo sheegay in ay sharikaddu higsaneyso in ay sannadka 2023 ay dayaaradaheedu gaaraan 500.

Waxaa nala geeyay goobo dalxiis oo Istanbul ah waxaana meel kasta oo aan tagnay taariikhdeeda nooga warramayay dad loo tababbaray oo saddex bas oo aan la soconnay mid Ingiriis ugu fasirayay, mid Faransiis midna Carabi.

Markii uu Erdoğan booqday Muqdisho isaga oo Ra’iisal Wasaare ah, ayaa waxyaabo aan Turkiga ka akhriyay waxaa ka mid ahaa buugga qoraaga weyn ee reer Istanbul, Orhan Pamuk ee la magaca ah magaaladiisa. Wuxuu ka hadlayaa xusuustiisa magaalada iyo dagaalka joogtada ah ee dhaqanka ku saleysan ee ka dhexeeysa ilbaxnimada casriga iyo bartii yaqaannimada. Ilaa berigaas labaatameeyo jeer ayaan tegey Istanbul welina kama bogan xiisaha aan u qabo taariikhdii hore ee magaalada iyo nolsheeda maanta.

Dayaaradda saaka naga soo qaadday Muqdisho waxay galabta na keentay gegida dayaaradaha ee Ataturk ee Istanbul oo isu diyaarineysa in ay ahaato gegida saddexaad ee Yurub ka dib Heathrow oo ku taalla duleedka London iyo Charles de Gaulle oo ah Paris.

Baasabboor Soomaali ah


Safarkeyga maanta waxaan ku kulannay dhallinyaro mas’uuliyiin ah oo ka socda Hey’adaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo shaqo iyo tababbarro u tegaya dibadda.

Waxaa ka mid ah labo mas’uul oo ka kala socda Arrimaha Gudaha iyo Beeraha. Midkood wuxuu u socday Geneva oo Switzerland ah midka kalena Bangkok oo ah Thailand.

Lix sarkaal oo ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay tababbar u tegayeen Denmark.
Waa kuwa sawirka ka muuqda. Waa Daa'uud Cabdi Caddaawe, Mahad Cabdi, Xasan Maxamed Yusuf, Cumar Macallin Nuur, Maxamed Cabdullaahi Aden, Cabdiraxman Caadle iyo Cabdullaahi Xasan.

Waxaa isaguna sawirka ka muuqda Agaasime ka tirsan Wasaaradda Beeraha, Cabdullaahi Xasan oo safar Shaqo ku tegeya Bangkok, Thailand Iyo aniga.

Marka aad joogto Istanbul, Turkish Airlines waxay kugu xireysaa 243 magaalo oo ku yaal 116 dal oo jiha kasta kaa xiga.

Halkaas ayaan ku kala leexannay oo aan jihooyin is khilaafsan u kala duulnay aniga iyo saaxiibbadeyda hey’adaha Dowladda ka socday ee aan saaka Shaqo Qaran awgeed uga soo wada safarnay Muqdisho.


Howlwadeennada Dowladda ee aan safarka wada ahayn, midkeenna kuma socon Baasabboor aan Soomaali ahayn.

Thursday, 3 November 2016

Aaska Cabdullaahi Ciise 1988 - Qeybta Koowaad

Inta aan taariikhda ku hayo waxay ahayd markii ugu horreysay ee meel maxfal ah uu Maxamed Siyaad isaga oo Madaxweyne ah uu la soo istaago Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Aden Cabdulle Cusmaan.

Waa Qabuuraha Qaranka oo ahaa meel ka soo horjeedda Tiribuunka. Waa aaskii Cabdullaahi Ciise, oo ahaa halgamaa Gobannimo doon ah, isla markaana hoggaamiye u ahaa Xukuumaddii Daakhliga ahayd.

Waa ninkii ay Soomaalidu u dirsatay Qarammada Midoobay magaalada New York si uu qaddiyaddooda u daafaco.

Waa ninka markii Talyaanigu yiri waa in lagu tallaalaa si aad buug caafimaad u qaadato marka aad aadeyso New York sy Soomaalidu ka baqday in la sumeeyo ama ugu yaraan uu ku qandhado tallaalka. Halgamaa Maxamuud Yusuf Muro oo ay isu ekaayeen Cabdullaahi Ciise ayaa noo sheegay in uu isagu qaatay aqoonsigii Cabdullaahi oo uu magaca Cabdullaahi isku soo tallaalay una bareeray khatarta looga baqay Cabdullaahi Ciise.

Muro waxaa uu hadalkaa noo sheegay mar isaga iyo halgamayaal kale oo SYL u badan la keenay Jaamacdda oo ay nala hadleen annaga oo markaa arday ah.

Muro waxaa uu Cabdullaahi Ciise sidaa ku guddoonsiiyay buuggii caafimaadka isaga oo aan la tallaalin oo ka bedqaba khatarta lagu tuhmay tallaalka.

Naftii-hure Muro waxaa iigu dambey
Naftii-hure Maxamuud Yusuf Aden Muro
say isaga oo waayeel ah oo xanuunsan. Dadkii i dhihi jiray dadku inta ay nool yihiin waa in wanaaggooda la sheego si loogu qiro ama looga abaalmariyo, waa runtood, waxaan ku xujeysanayaa sida ay u qiimeeyaan Muro.

Cabdullaahi Ciise waa ninka ilaa beri dhow aan London ku arki jiray niman badmaax ah oo ku faana in ay ka mid yihiin Soomaalidii London ku soo dhoweysay kuna jiscintay Cabdullaahi Ciise.

Markii ay gobinnimada qaadatay, Soomaaliya waxay Cabdullaahi Ciise u magacwday Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda ee ugu horreeyay.

Qabuuraha Qaranka


Waa 1988. Galabta waxaa fagaaraha loo taagan yahay aaska Cabdullaahi Ciise.

Maxamed Siyaad wuxuu soo gaabiyay safar uu dhib kala kulmay oo uu ku marayay Gobollada woqooyi ee dalka. Wuxuu Madaxweynuhu wajahay Rabshado iyo kar aanuu hore ugala kulmin woqooyi. Dabcan karkaasi wuxuu marayay meeshii ugu dambeysay inta aanuu qarxin isla sannadkaas gudihiisa. Madaxweyne Maxamed Siyaad wuxuu toos ugu soo duulay Muqdisho si uu goobjoog uga ahaado aaska.

Ummad aad u fara badan ayaa isugu soo baxday xabaalaha. Qaar waxay daba socdeen baabuurka meydka sida. Annaga oo koox weriyayaal ah ayaan dusha ka saaran nahay baabuur siible ah oo dhigo leh.

Qaar kale waxay sii joogeen qubuuraha. Dadka qaarna marka ay arkeen aaska sida weyn loogu soo baxay ayay iyaguna ku biireen dadka xabaasha tuban.

Madaxweynaha waxaa dhinacyada ka taagnaa ragga ugu dhowdhow ee isaga ku soo xiga. Meel aan ka fogeyn oo isla safka hore ah kuna beegan Madaxweynaha Garabkiisa midig ayaa waxaa taagan Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Aden Cabdulle Cusmaan. 

Aden-Cadde in badan ayay soo wada shaqeeyeen Cabdullaahi Ciise. Markii uu Cabdullaahi madaxa u ahaa Xukuumadda, Aden-Cadde wuxuu ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kama badna laba ama saddex dadka labada Madaxweyne u dhexeeya. Ma arkayn anigu markii hore sida ay labadoodu isu salaameen ama loo soo dhex galay, laakiin waxaan si wanaagsan u xusuustaa markii la aasay meydka wixii dhex maray Madaxweyne Maxamed Siyaad iyo Madaxweyne Aden-Cadde.

Waxaa la keeny xirmo ubax ah oo lala soo hor istaagay Madaxweyne Maxamed Siyaad si uu qabriga u dul dhigo. Muu qaban ubaxa. Isaga oo gacanta Midig ku soo taagaya ayuu yiri u dhiiba Adan.

Keyd Media
Markiiba Adan-Cadde wuu ka cudur daartay, isaga oo gacnahana ka taagay si maya ah. Maxamed adigu qabo, adigaa xilka hayee, ayuu ku yiri cod aad u culus oo lagu yaqaannay Aden-Cadde lagana yaabo in murugada geerisu ay uga sii dartay.

Qof kale ayaan codkiisa maqlay. Wuxuu yiei maad isla qabataan. Qof kalena wuu ku celiyay erayadaas.

Markaas ayaa Maxamed Siyaad uu ubaxa dhinac qabtay, durba soo eegay Aden-Cadde isaga oo ku marti qaaday in uu dhinaca kale qabto.


Halkaas ayay Maxamed Siyaad iyo Aden-Cadde wadajir ubax u dul dhigeen qabriga Cabdullaahi Ciise. Saddexdaba Allah ha u naxariisto.

Tuesday, 1 November 2016

Maxaabbiis Ajnebi ah

Qeybta Labaad

Maxbuus kasta mar gooni ah ayaan soo saarnay oo la marsiiyay nidaam uu ku qaato bug caafimaad iyo waraaqo uu ku dhoofo iyo weliba tikit.

Maxbuuska u dhashay dalka Senegal wuu sitay Baasabbor laakiin wuu dhacsanaa. Waxba ma ahaateen haddii uu dalkiisa toos u aadayo. Laakiin dayaaradda uu u baahan yahay in uu raaco si uu dalkiisa u tago wuxuu ka soo raacayay Paris.

Annaga oo adeegsaneyna magaca wanaagsan ee ICRC, waxay safaaradda Faransiiska ee Muqdisho ay noo oggolaatay in ninkani uu Paris sii maro isaga oo sita Baasabboor dhacsan.

Meeday Lacagteydii?

Weriyaha Senegal iyo ciidanka Asluubtu isma jecleyn. Waxay ku tilmaami jireen nin aan run aqoon. Oo dhib badan, oo mar kasta ka cawda wax aan laga halleyn.
Waxaa mushkilad noqotay maalintii Saldhigga loo wareejiyay ee uu i weydiiyay aaway Kaameradeydii iyo lacagteydii? Lacagtu waxay ahayd lacag badan oo markaas kumanyaal dollar ah.

Arrintii markii la is weydiiyayna Xabsigu waa uu beeniyay. Wuxuu sheegay xabsigu in ninkaasi markii la soo xiray 10 sano ka hor wixii laga reebay oo dhan ay yihiin waxa hadda la guddoonsiiyay oo ay ka mid yihiin Baasabboorkiisii iyo waxyaabo yar yar.

Danjire iyo Maxbuus

Mushkiladdaas waxaa in badan ka dhib badnayd midda aan kala kulannay Maxbuuska ka soo jeeda Morocco.

Waa kii Saldhigga ka baxsaday. Magaciisa iyo sawirkiisa waxaa la dhigay Saldhig kasta oo booliis oo dalka ku yaalla.

Maalintii dambe taar ayaa ka soo dhacay Kismaayo. Booliiska Kismaayo ayaa sheegay in ay Maxbuuskaas gacanta ku dhigeen oo ay hayaan. Waxay u soo sheegeen Taliska Booliiska oo na soo wargeliyay.

Waxaa amar lagu siiyay in ay keenaan Muqdisho. Amarkaas ayay billaabeen in ay u hoggaansamaan. Laakiin halkii laga sugayay in ay yimaadaan ayaga oo Maxbuuskii wada ayaa waxaa soo dhacay taar kale. Intii ay waddada ku soo jireen ayuu Maxbuuskii mar labaad baxsaday.

Sidii markii hore oo kale oo kale ayaa mar labaad la billaabay baadi goob. Kiiskii Maxbuuska baxsadka ah oo awal Saldhigyada oo dhan lagu wargeliyay in uu xirmay ayaa hadda dib loo furay. Waxaa lagu wargeliyay xaaladda cusub. Iyaguna baaritaan ayay billaabeen aan lagu guuleysan.

Maalintii dambe ayaa Xafiiskeenna waxaa la soo xiriirtay Safaarad. Ballan ayay dhigatay. Markii uu yimid Danjiruhu, waxaa gaariga la saaran Maxbuuskii baxsadka ahaa Morocco.

Waxay noo sheegeen in uu safaaraddooda ugu tegey oo weydiistay in laga badbaadiyo ciidanka Soomaaliya oo uu laba jeer ka baxsaday.

Waan waan lala galay hey’ado badan oo kala duwan oo Dowladda ah, aakhirkii ninkaasi wuxuu ka mid noqday maaxaabiis aan midba mar ka dhoofiyay gegida dayaaradaha ee Muqdisho oo aan ku hubsaday in uu ka dhoofay dalkeenna.

Dal Laawe

Waxa aanan hadda xusuusan ninkii dhalashadiisa la garan waayay, oo dhowr dal looga dalbay dib u dejin in ay u suurta gashay iyo in kale.

Maxaabbiistaas in la sii daayo waxaa ka shaqeysay hey’adda ICRC, dhinaca Dowladda Soomaaliya waxaa suurta geliyay sii deyntaas Cabdullaahi Maxamed Maax oo macallin ka ahaa Kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Cabdullaahi wuxuu hore u noqday Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha. Laakiin wuxuu mas’uul ka ahaa dhinaca Dowladda Soomaaliya is weydaarsiga Maxaabbiista Soomaaliya iyo Ethiopia. 

Maxaabbiis Ajnebi ah

QEYBTA KOOWAAD

Sannadkii 1988 ayaa Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia waxaa ay isu celiyeen  Maxaabbiis ay ku kala qabsadeen dagaalkii dhacay 1977. Maxaabbiistaas intooda badani waxay xirnaayeen toban sano ama ka badan.

Xabsiga Dhexe ee Xamar, 2015
Howlo badan oo Maxaabbiista labada dhinac ku saabsan oo ay ka mid tahay wargelinta kuwa Soomaalida ah ee ehelkooda iyo kala beddelashadu waa mid aan ka qeyb qaatay. Waxaan safarro arrintaa ku saabsan ku tegey Gobollada dalka badankood iyo weliba magaalada Dire Dawa, aniga oo ka mid ah samafalayaasha hey’adda ICRC.

Xilli kale ayaan wax ka qori doonaa mowduucaas.

Hadda Qormadani waxay ku kooban tahay arrin aan kula kulannay xabsiga Muqdisho inta aan howlaha maxaabbiista ku jirnay.

Maxaabbiista Ethiopia ka sokow, waxaa xabsiga Muqdisho ku jiray maxaabbiis kale oo iyaguna ajnebi ah, aan isku dhalasho ahayn tiradooduna ay toban ku dhowaad tahay.

Morocco iyo Congo


Waxaan aragnay nin u dhashay dalka Morocco oo lix sano ku xiran xabsiga. Wuxuu noo sheegay in markab Badweynta maraya ay niman ka soo tuureen. Ka dibna uu soo dabaashay oo ilaaheey soo badbaadiyey.

Sida uu ku doodayo markii isaga oo kaba la’, feera qaawan, wada qoyan, gaajo iyo dhaxan u dhiman raba uu xeebta soo gaaray oo ay naftiisuba halis gashay ayaa askartii igu soo baxday waxay i weydiiyeen ayuu yiri visa ama dal-ku gal. 

Markii aan xaaladdeyda u sheegeyna waxay igu eedeeyeen ayuu yiri in aan dalka ku soo galay sharci darro. Baasabboor aanan sidan, visa aan wakhtigeedii dhicinna aanan haysan. Sidaa darteed xabsiga ayay ii taxaabeen.

Nin isaguna sheegay in ay baddu soo tuftay ayaa jiray oo aan u maleynayo in uu sheegtay in uu u dhashay dalka Congo.


Senegal


Maxaabbiista aan aragnay waxaa ka mid ahaa nin u dhashay dalka Senegal, oo suxufi ah. Waxaan tegey ayuu yiri dalka Ethiopia si aan dagaalka wax uga qoro.  Waxaan u gudbay goobaha dagaalka.

Harar ayaan tegey ayuu yiri. Ka dibna waxaan damcay in aan u tallaabo dhinaca Soomaalida. Markii aan ciidanka Soomaalida u tegey oo aan isu sheegeyna waxaa la igu eedeeyay ayuu yiri in aan ahay basaas. Xabsiga ayaa la ii taxaabay. Marka hore Hargeysa ayaa la igu xiray ayuu yiri. Ka dibna Xabsiga Muqdisho ayaa la ii soo wareejiyay. Waxaan hadda xiran ahay 10 sano.

Dal Laawe 


Waxaa jiray nin gaaban oo xoog badan oo inkasta oo aanuu wax waraaqo ah haysan, haddana sheegtay in uu u dhashay dalka Indonesia. Waxaa lala xiriiriyay safaarad ay leedahay Indonesia. Safaaraddii markii ay wareysi ka qaadday ka dib waxay sheegtay in aanuu ninkani ahayn nin dalka Indoneisa u dhashay. Sidaa darteed safaaraddu waxay sheegtay in aanay dalkeeda u oggoleyn.

Ka dib markii sidaa lagu wargeliyay wuxuu yiri waxaan u dhashay Singapore. Waxaa lala xiriiriyay safaarad Singapore. Iyaguna wareysi ka dib waa ay iska diideen waxayna yiraahdeen ninkaasi uma dhalan dalkeenna.

Yemen in uu mar sheegtay waan filayaa iyaduna ay diidday.

Ka dib wuxuu noqday nin dal laawe ah.

Beddel Xabsi iyo Baxsad


Waxay Dowladda Soomaaliya oggolaatay in nimankaas ay xabsiga ka sii deyso haddii dalka laga masaafurinayo oo dalalkooda lagu celinayo iyada oo aan Dowladda wax kharash ahi uga bixin.

Si haddaba taas loo suurta geliyo waa in loo helaa dokumenti ay ku dhoofaan, buug caafimaad iyo visa maaddaama qaarkood ay sii marayeen dalal kale oo aan kooda ahayn si dayaarad dalkooda tagta ay u helaan. Iyo weliba in dalka ay sheeganayaan in ay u dhasheen uu oggolaado in loo celiyo.

Waxaa loo baahday inta mid kasta marka dhoofkiisa la diyaarinayo xabsiga laga soo saaro dhowr jeer si loogu diyaariyo dokumentiga. Laakiin waxaa aad u adkaa dariiqa loo maro in xabsiga qof laga soo saaro iyo in lagu celiyo labadaba.

Sidaa darteed waxaa Ciidanka Asluubta iyo Arrimaha Guduhu ay aqbaleen in midka ay howshiisu soo dhowaataba loo wareejiyo Saldhig Booliis. Taasi waxay Laanqeyrta Cas u sahashay in ay ka soo saarto Saldhigga oo la geeyo marba Xafiiska looga baahan yahay. Aniga oo howshaas u xilsaarnaa marka ay maalintaas ii soo dhammaato waxaan Maxbuuska ku celin jiray Saldhigga.

Inta badan waxaa la igu dari jiray askari booliis ah laakiin waa ay dhacday in maalmaha qaar aan keligeey ama aniga wade aan soo qaadnay maxbuuska kuna celinnay xabsiga. Badiyaa waxay taasi dhici jirtay marka ay arrimihiisa dhowdhow yihiin oo uu arko in uu dhoofayo maalmo gudahood.

Raadiyaha hadda loo yaqaan Gacanka iyo mid baabuurka iigu rakiban ayaan sitay.

Maalin ayaan ku waa beriisannay war aynaan fileyn.

Nin aan ka soo saarnay Xabsiga oo loo wareejiyay Saldhig booliis ayaa baxsaday. Waa maxbuuskii u dhashay Morocco.

Baadi goob ayay galeen ciidanku. Taar ayay qabadsiiyeen Saldhig kasta oo booliis. Sawirkiisana wey u direen. Baaritaan sida uu ku baxsadayna waa la furay.

Bloggan kala soco qeybta labaad ee sheekada Maxaabbiis Ajnebi ah - Qeybta Labaad.