Total Pageviews

Monday, 21 November 2016

Maalmahaygii Bankiga Dhiigga


Bulshada Soomaaliyeed cuqdad ayay ka qabi jirtay in ay dhiig ku deeqdo. Sheekooyinka aan maqlay waxaa ka mid ah nin xaaskiisu ay xanuunsatay, markii loo sheegay in loo baahan yahay in uu dhiig ugu deeqo ayuu cararay oo derbiga isbitaalk ka booday. Waxaa laga sheegay in uu ka baqay in carruurtiisu ay isku mar noqdaan rajo iyo agoon.

Dadka qaarba wax uun bay ka aamminsanaayeen bixinta dhiigga. Waxaas marka la isu geeyo waxay isugu soo biyo shubanayeen wax laga baqo oo ah in aad ka qaadi karto daciifnimo iyo xanuun aadan weligaa ka soo kabsan, haddiiba aadan u dhiman.

Agaasimaha Bankiga Dhiigga, Dr. Cusmaan Aden Cabdulle, oo annaga oo arday ah Jaamacadda nagula hadlay ayaa nooga warramay dhibka haysta keydka dhiigga. Wuxuu nooga warramay xaaladda bukaanka iyo dhaawaca u baahan dhiigga. Isla markasna si baaq ah oo talo weydiin iyo codsi ah ayuu noola hadlay.

Aniga oo ah Guddoomiyaha ardayda Kulliyadaha Gahayr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ayaan dhegeysanayay hadalka Agaasimaha, mana ogeyn in aan ka mid noqon doono shaqaalaha Bankiga dhiigga ee uu Agaasimaha u yahay.

Gocasho


Aniga iyo saaxiibbo kale oo ardayda ka mid ah waxaa macna weyn noo sameeyay eray uu yiri Agaasimuhu. Dhiiggu waa daawo aan warshad lagu sameyn karin, ayuu nagu yiri. Weedhaas dib ayaan u soo goconnay.

Arrintii ayaan ardeyda la dhex marnay. Ka dib markii ay is qoreen liis arday ah oo u diyaar ah in ay dhiig ugu deeqaan walaalo aanay garaneyn oo xanuunsan ama hadda ka dib dhaawacmi doona ama la qali doono, ayaan xafiiskiisa ugu tagnay oo soo wargelinnay Agaasimaha. Markaas waxaa Gahayr noogu yimid kalkaaliyaal caafimaad oo Bankiga ka tirsan oo qalabkoodu u dhan yahay.

Intaasi markii ay noo qabsoontay ka dib ayaan annaga oo saddex ah oo labada kale ay yihiin dhakhaatiir hadda waaweyn laakiin berigaa ahaa arday Kulliyadda Caafimaadku waxaan ku heshiinnay in aan wacyi gelin u sameyno bulshada. Waxaan goosannay in aan ka billowno dhallinyaro yaryar oo aan hadda looga baahneyn in ay dhiig bixiyaan – waa ardayda Dugsiyada Sare. Ujeeddadu waxay ahayd in ay weynaadaan iyaga oo aan dhiig ku-deeqidda cuqdad ka qabin oo markaa ay noqdaan dhiig-bixiyayaal.

Isku daygii howshaas oo aan qorsheynay in aan ka billowno Dugsiga Sare ee Banaadir nooguma hirgelin sidii aan jecleyn.

Markaa ayaan dhowr barnaamij oo wacyi gelin ah ka abaabulay Radio Muqdisho oo marna aan dhakhaatiir ku marti qaaday marna aqoonyahanno kale iyo weliba shacab caadi ah bal waxa ay ka aamminsan yihiin in ay ku deeqaan dhiig.

Aakhirkiina waxay noqotay shaqadeeda in aan bankiga Dhiigga u qaabbilsanaado dhanka Xiriirka Dadweynaha iyo wacyi gelinta.

Markii dadka ka baqaya dhiig ku deeqiddu ay iga badiyeen doodda ah in laga qaado wareer iyo madax xanuun joogta ah iyo daciifnimo, waxay noqotay in aan anigu dhiig ku deeqo.

Wax dhib ah ma dareemin markii aan dhiigga ku deeqay, inkasta oo miisaankeygu uu ahaa mid soo jiitay muran ay kalkaaliyayaasha caafimaadku iga geliyeen in aan dhiig ku deeqi karo iyo in kale.

Dhiig ku-Deeqayaal


Shakhsiyaadka aan xusuusto ee dhiigga sida joogtada ah ugu deeqi jiray waxaan soo qaadanayaa dhowr magac oo ka mid ah. Shakhsiyaadkaas qaarkood waxay dhiig ku deeqeen afartameeyo jeer.

Waa Dhakhtar Cusmaan Aden Cabdille, oo mararka qaar isaga oo aan dhammaysan saddexda bilood ee ay tahay in qofku uu sugo inta aanuu mar kale dhiig ku deeqin isku dayi jiray in uu dhiig bixiyo. Kalkaaliyayaasha caafimaadka ayaa marmar iska hor taagi jiray haddii ay ogaadaan in aan saddex bilood u dhammaan.

General Cabdinuur Yusuf oo ka tirsanaa booliiska iyo maamulka Sportiga isla markaasna ahaa Guddoomiye ku Xigeenka Ururka Bisha Cas ayaa isaguna ka mid ahaa. Si joogta ah ayuu mudda dheer u bixinayay dhiig.

Cali Ugaas Cabdulle oo ahaa Duqa Magaalada Muqdisho isaguna wuxuu joogta u bixin jiray dhiigga.

Dadka qaar waxay bixin jireen dhiigga Plasma oo ay si joogta ah ugu baahan yihiin carruurta Hemophiliac ah.  Ku deeqidda Plasma waa howl ka culus dhiig mar qura la bixiyo oo inta qofka laga qaado dhiig ka badan inta uu awoodo in uu ku deeqo ayaa la geeyaa sheybaarka oo laga soocaa Plasma. Markaas ayaa unugyada cas iyo unugyada cad ee Dhiigga iyo walaxda loo yaqaan Platelets oo ah dhiig-xinjireeyaha dib loogu shubaa qofkii ku deeqay. Inta dhiigga la kala soocayo, qofka ku deeqay waxaa suran faleebbo ku shubaysa milan ku sima inta dhiigga lagu soo celinayo.

Dhiigga nooca ugu yare ee dadka Soomaalida laga helo waa nooca loo yaqaan 0 Rh- ama loo soo gaabiyo 0 Rh -.

Haddii qof dhiiggiisu yahay 0 Rh – oo jooga Soomaaliya uu dhiig baxo ama xanuun ama qalliin dartiis uu ugu baahdo dhiig waa ay adag tahay in dhiiggaas dhakhso loo helo haddii marka hore aanuu keydka ku jirin.

Mararka qaarkoodna waxaa dhacaysa in haddii muddo aad u kooban dhiigga lagu heli waayo aanuu bukaanku badbaadin.

Prof. Shahiid
Sidaa darteed Bankiga dhiiggu wuxuu diyaariyay liiska mutaddawiciin nooca dhiiggoodu uu yahay 0 -, oo mar kasta oo dhiig noocaas ah loogu baahdo si emergency ah, diyaar u ah in ay dhiig ku deeqaan.

Liiska oo aan u maleynayo in uu ahaa tiro ka yar toban mutaddawac, waxaan ka xusuustaa Prof. Shahiid oo lagu dilay qaraxii Hotel Shamo isaga oo ka qeyb gelaya qalin jebinta arday uu dhakhtarnimo u tababbaray. Isaga iyo macallimiin kale iyo dhakhaatiirtii ay wax bareen iyo madax munaasabadda ka qeyb gashay. Waxaa dilay wiil aanay aqoon isaguna aan iyaga aqoon, kana warqabin sida ay dadkaasi muhiim ugu yihiin bulshada Soomaaliyeed.

Allah ha u naxariisto Dr. Shahiid waxaa dhiiggiisa daadiyay nin aan aqoon, aan hubana in isagu uu dhiiggiisa u shubi lahaa si uu naftiisa u badbaadiyo.

Dr. Cabdi Faarax Taano
Waxaa kale oo aan liiskaas ka xusuustaa Dr. Cabdi Faarax Taano. 

Saaxiibkeey Cabdi Faarax Taano oo aan Jaamacadda isku xilli ahayn, ahaana Guddoomiyaha Ardeyda Kulliyadda Daawada, beri dambe ayaan isaga oo dhakhtar ah aniguna aan ka tegey Bankiga dhiigga aan raadiyay, soo helay oo aan weydiistay dhiiggiisa in uu iigu deeqo. Wuxuu i weydiiyay cidda iga xanuunsan. Waxaan u sheegay qofka aan u doonayay taas oo waxoogaa kaftan ah na dhex dhigtay. Waxaan dhiig u doonayay maxbuus Ethiopian ah oo dalkeenna ku xirnaa oo waayeel ah oo xanuunsanaa.

Caymis


Beri dambe waxaa la gartay in dadka ugu badan ee dhiig u baahdaa ay yihiin dadka ku dhaawacma shilalka waddooyinka. Taas waxaa macnaheedu yahay in shil kasta uu ku lug leeyahay ugu yaraan wadaha hal gaari. Haddii ay yihiin laba ama ka badan baabuur oo isku dhacayna ay tirada wadayaashu intaas ka badan tahay.

Si dhaawaca shilalka dhiig loogu helo waxaa is afgarad sameeyay Wasaaradda Gaadiidka iyo Bankiga Dhiigga. Waxaa la gartay in qofka doonaya in uu qaato Shahaaddada Wadidda Gaadiidka in shuruudaha ku xiran in uu buuxiyo ay ka mid noqoto in uu ugu yaraan hal mar ku deeqo dhiig.

Ra’yi kala duwan ayaa laga qabay arrintaas laakiin waxay xal u noqotay in yar oo ka mid ah baahida dhiigga ee ay qabeen Isbitaallada dalku.

F. G.
Dhowr jeer ayaa la ii sheegay in la jeclaan lahaa dadku marka ay dhintaan keliya in aan laga hadal wanaaggooda ee inta ay nool yihiin la sheego. Sabab waxaa badiyaa laga dhigaa in la jeclaan lahaa in wanaaggooda lagu qaddariyo loogana mahadnaqo. Shakhsiyaadkaas wanaagga badan ee samafalka ah dadkooda ugu deeqay ee aan ku xusay qormadeydu waa ay nool yihiin marka laga reebo Dr. Shahiid.

Saturday, 19 November 2016

Keydka Boostada

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta, dhowr sano ayaan ka shaqeeyay labadeeda waaxood oo waaweyn; waa midda Boostada oo aan maamule ku xigeen ka noqday Boostada Degmada Hodon iyo Waaxda Isgaarsiinta oo aan ka shaqeeyay qeybta Xisaabaadka gaar ahaan xisaabadka taararka ay hey’adaha dowladdu dirsadaan.

Qormadaan waxaan jecelahay in aan uga warramo xog ku saabsan nooc Banki ah oo ay boostadu lahaan jirtay oo anigu aanan ka shaqeyn laakiin aan ka mid ahaa macaamiishiisa.

Xogtaan waxaan ugu talo galay dhallinyarada aan soo gaarin xilligaas, dadkii markaa miyaga ku noolaa oo qaar badan uu hadda magaalo joog yahay qaarkoodna ay taliyaan ama talada dalka dhinac haystaan iyo kuwo magaalooyinka ku sugnaa laakiin laga yaabo in aanay ka warqabin adeegga Keydka Boostada.

Boostadu waxay ahayd ku dhowaad sida Booliiska. Waxay xafiisyo ku lahayd Degmooyinka dalka oo dhan.

Keydka Boostada


Keydka Boostadu waxaa uu ahaa nidaam aad lacag dhigan karto boostada si aad ugu keydsato ama ugu xawisho. Marka lacagta lagaa qabto waxaa lagu siinayaa buug aad baalashiisa mid walba kula bixi karto lacag u dhiganta hadba inta aad adigu ku qorto, keydkana kuu taal.

Lacagtaas waxaad ka qaadan kartaa boosta kasta oo dalka ku taalla.

Waxaan xusuustaa aniga oo qaraabo salaan u tegey degmada Ceelbuur in aan aaday boostada. Aniga oo markaa aan lacag u baahneyn ayaan haddana si aan u hubiyo in nidaamku shaqeynayo waxaan baal buugga keydka boostada ka mid ah ku qoray Sh. So. 100, waan saxiixay waxaanna u dhiibay ninkii boostada fadhiyay.

Wuxuu iga qaaday buuggeyga keydka boostada. Lacagtii iigu qornayd in ay i taallo boostada ayuu 100 ka jaray, maxsuulka cusub ayuu halkaa ku qoray. Ceelbuur iyo taariikha ayuu raaciyay. Wuu saxiixay.  Tiimbare ama shaabbad ayuu ku dhuftay. Ka dibna wuxuu farta iga saaray 100 shilin.

Ma jirin wax lacag ah oo lagugu dallacayo adeeggaas dartiis.

Monday, 14 November 2016

Safaaradda Soomaaliya ee Washington

Danjire Axmed Cawad iyo Danjire Yusuf-Garaad
Waxaan maanta la joogaa Danjiraha Soomaaliya ee Washington Axmed Cawad si aan uga qaato warbixin ku saabsan howlaha Safaaraddeenna iyo wadashaqeynta kala dhexeysa Dowladda Mareykanka iyo Soomaalida Mareykanka. Sidoo kale waxaan isla soo qaadnay  sida ay labadeenna xafiis ay u yeelan lahaayeen wadashaqeyn dhow.

Waxaan jecleystay sida Soomaalida Mareykanku ay isugu xilqaantay gacansiinta safaaradda, siiba xagga dayactirka xafiiska quruxda badan ee Safaaradda iyo taageerada guud. Waxaan u bogay dhallinyaro si mutaddawacnimo ah ula shaqeysa safaaradda. Cosob oo ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee mutaddawiciinta ah ayaa naga qaadday sawirka.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington waxay hadda ku jirtaa qabanqaabada soo dhoweynta wafdi ka socda Wasaaradda Qorsheynta oo maalinta Jimcaha ah Washington ku soo bandhigi doona Qorshaha Horumarinta Dalka ee Saddexda Sano ee soo socota.

Maalintaas oo ah 18-ka November waxay ku beegan tahay sannadguurada koowaad ee dib u furitaanka Safaaradda Soomaaliya ee Washington.

Saturday, 12 November 2016

Qaabbilaadda Ban Ki-moon


Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon, ayaa maanta iga guddoomay waraaqda aqoonsiga Danjirennimo ee wakiilnimada Soomaaliya ee Qarammada Midoobay iyo Faracyadeeda.

Intaa ka dib, ayuu Xoghayaha Guud igu martiqaaday xafiiskiisa magaaladan New York, halkaas oo aan ku qaadannay kulan gaaban.

Waxaan uga mahadceliyay sida ay Qarammada Midoobay u garab taagan tahay Soomaaliya, laga soo billaabo maamulkii Qarammada Midoobay ee Soomaaliya gaarsiiyay xorriyadda. Waxaan uga mahadceliyay sida inta uu xilka hayay uu Soomaaliya isugu howlay in uu gargaaro xag aadminnimo, xag amni iyo xag siyaasadeedba. Waxaan xusay in Soomaaliya ay ka soo baxday ku meel gaarka, in ay sameyneyso horumar, ayna u baahan tahay in la joogteeyo lana xoojiyo kaalmada maaddaama ay hey’adaha dalka iyo weliba horumarkeedu ay weli curdan yihiin.

Maaddaama ay Soomaaliya ku biirtay Qarammada Midoobay isla sannadkii ay xorriyadda qaadatay, waxaan Xoghayaha Guud uga mahadceliyay guulaha inta uu xilka hayay uu gaarsiiyay Qarammada Midoobay. Waxaa guulahaas ka mid ah taageerada dalalka colaaddu ay soo wajahdo iyo horumarinta xuquuqda haweenka.

Waxaan xusay horumarka xagga siyaasadda ee Soomaaliya gaar ahaan dhinaca doorashooyinka oo dhowaan la dhammeystiri doono iyo ballanta Soomaaliya ay higsaneyso oo ah in uu muwaaddin kasta oo Soomaali ah uu codkiisa dhiibto doorashada 2020.

Wuxuu Xoghayaha Guud sheegay in Qarammada Midoobay ay u heellan tahay Soomaaliya. Wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay dalka. Wuxuuna sheegay in howlo badani ay weli harsan yihiin si loo helo xasillooni buuxda iyo Dowladnimo si dhammaystiran u hanqaadda. Wuxuuna ku cliyay in Qarammada Midoobay ay Soomaaliya garab taagan tahay wuxuuna igu dhiirri geliyay in aan xoojiyo xiriirkeyga wakiillada Dowladaha daneeya Soomaaliya iyo Laamaha Qarammada Midoobay ee dalka ka howlgala. 

Golaha Guud ee Qarammada Midoobay ayaa ah goobta loo siman yahay oo ah Dowlad iyo Cod.

Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-moon wuxuu iiga warramay mar uu Soomaaliya tegey. Isaga oo ka jawaabaya su'aal aan weydiiyayna wuxuu ii sheegay in marka uu shaqada ka fariisto uu ku laaban doono dalkiisa, Kuuriyada Koofureed.

Fadhiga waxaa igu wehliyay Maxamed Rabiic Yusuf oo ka tirsan ergada Soomaaliya.


Mahadcelin


Waxaan u mahadcelinayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo ii wakiishay in aan Qaranka Soomaaliya ku matalo fagaaraha Diblomaasiyadda wadar-geesoodka ah ee ay ku falgalayaan wakiillada 193 Dowladood. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa Ra’iisaln Wasaare Cumar Cabdirashiid, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Cabdisalaam Hadliye iyo dhammaan xubnaha Golaha Wasiirrada.

Waxaan u mahadcelinayaa saaxiibbada iyo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan ee igu hambalyeeyay magacaabidda xilkaan, kuwa talooyinka ila wadaagay iyo kuwa martiqaadyada iigu sameeyay Muqdisho inta aanan ka soo dhoofin.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Danjire Dr. Cilmi Ducaale oo muddo dheer soo hayay xilka aan maanta sida rasmiga ah u billaabay isaga oo weliba ku shaqeeyay xaalad ka sii adag midda maanta. Waxaan isagana u mahadcelinayaa Danjire Cawaale Kulane oo ahaa Ku Xigeenka isla markaana sii hayaha Ergada ee xilliyo badan, anigana intii aanan Muqdisho ka soo safrin i siiyay macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Ergada Soomaaliya ee Xarunta Qarammada Midoobay.

Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa una duceynayaa dhammaan Madaxdii soo qabatay xilkaan oo ay ku jiraan kuwii Xafiiska hayay xilligii Dowlad la’aanta. Iyo Danjirayaasha xilkaan soo qabtay oo uu ugu horreeyo Danjirihii markii aan gobonnimada qaadannay la soo magacaabay ee furay Xafiiska Ergada Soomaaliya ee New York, Danjire Xasan Nuur iyo Danjirayaashii kale ee soo maray oo dhan oo ay ugu magac weynaayeen Cabdirisaaq Xaaji Xuseen iyo Cabdiraxiim Caabbi Faarax.

Fadlan ducada igu kaba in Rabbi igu gacan qabto xilkan aan Qaranka u hayo ee ku wajahan ilaalinta iyo hore u marinta danaha Soomaaliya iyo kobcinta xiriirka Soomaaliya ee saaxiitinnimo iyo wax wadaqabsi ee kala dhexeeya Dowladaha adduunka iyo Laamaha Qarammada Midoobay. 

Friday, 11 November 2016

Aniga iyo Beatrix - Shalay iyo Maanta

New York 2016
1987 waxaan safar baabuur ah uga baxay Muqdisho. Waxaan ku tegey Borama.
Waxaan ku sii hoyday Beled Weyne, Gaalkacyo, Berbera oo bandow ay saaran tahay. Ka dib waxaan tegey Hargeysa oo aan uga gudbay Borame aniga oo ku soo hakaday Gebileey oo uu roob lixaad lihi ka da'ayay iyo Gurayo-Cawl. Howsha aan waday awgeed magaalo kasta oo aan sii maray sida saacado ayaan ka shaqeynayay qaarkoodna maalin gelinkeed.

Soo laabadkii waxaan ku hoyday Sheekh iyo Garowe ka dibna waxaan aaday Boosaaso. Waxaan ku hakannay Qardho oo gabar walaalkeed uu ku xiran yahay Ethiopia aan farriin u geynay midna aan ka soo qaadnay. Waddada Garowe iyo Boosaaso markaas ayaa la dhisayay. Gabadhaas oo sannadkan aan la xiriiray aniga oo walaalkeed raadinaya waxaan ka war helay in uu geeriyooday. AUN.

Muqdisho markii aan ku soo laabtay waxaan u baxay safar kale. Waxaan aaday Luuq aniga oo ku sii hoyday Buur Hakaba iyo Baydhaba. Markii aan laba habeen joogay xerada Qaxootiga Halbo ee Luuq, waxaan aaday Garbaahaarreey, Buurdhuubo iyo Qansax Dheere si aan Baydhaba ugu hoydo inta aanan Muqdisho ku laaban.

Buurta Sheekh 1987
Intaas waxaan wada soconnay Beatrix Attinger oo labadeenna uu midba mar waday gaariga Land Cruiser-ka ah ee aan ku soconnay. Waxaan labadeennuba u shaqeynay Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ICRC. Howsha aan wadnay waxay ahayd sidii aan Maxaabbiista ay dagaalka ku qabsatay Ethiopia ee dalkeeda ku xirnaa 10 sano aan ehelkooda oo mooda in ay dhinteen oo ka samray ugu sheegi lahayn in ay nool yihiin oo ay xabsi ku jiraan.

Berigaas ayaa Beatrix isugu keen dambeysay. Xalay ayaan isku aragnay New York oo ay safar ku joogto iyada oo ka timid Afrika. Waan wada casheynay oo sawirrada carruurteenna aan is tusnay. Sida laba Soomaali ah oo qurbo iska helay horena isu yaqaannay ayaan marba magaalo ka sheekeysannay.

Waxaan u sheegay in aan jeclaan lahaa in aan Soomaaliya ku martiqaado si aan isla waddadii ugu safarno oo magaalooyinkii oo dhan aan dib u booqanno aragnana isbeddelka ku dhacay laakiin hadda aanuu suurta-gal ahayn safar kii la mid ah.

Labada Sawir mid waa xalay waa New York. Beatrix waxay hadda u shaqeysaa UN. Midka kale waa 1987 sawir aan uga qaaday buurta Sheekh dusheeda inta aynaan ka hooban oo aynaan qado u fariisan Huddus ama Huddisa.

Tuesday, 8 November 2016

Aniga iyo Laptop-keyga - Saaxiibbo aan is Aqoon

MacBook Air-keyga waxaan ku aqaan in uu yahay mid maskaxdeyda kaba. 

Intaa wax baan ka akhristaa. Cod baan ka dhegeystaa. Muuqaallo xargagan iyo kuwa dhaqaaqaya ayaan ka daawadaa. Xogteyda ayaan ku keydsadaa. Waxaan ku qoraa xogta aan akhristayaasheyda la wadaagayo oo ay ka mid yihiin sadarrada aad hadda akhrineyso.

Marmar isaga ayaa ila taliya ama i tilmaama. Laakiin saaka waxaan ogaaday in aniga iyo computer-keygu aynaan weli si fiican isu aqoon.

Maskaxdeydu waa ay og tahay in aan Soomaaliya ka soo tegey. Laakiin jirkeygu wuxuu la hasytaa wakhtiga Soomaaliya. Xilli halkaan weli habeen ah ayaa jirkeygu i soo toosiyay, asaga oo mooda in hurdo ila tagtay oo galab aan joogo sida dalkii aan ka imid.

New York

Markii aan shiday compiyuutarka waan qiyaasayay in uu isagu og yahay magaalada aan joogo. Wuxuu igu yiri, waa maalin doorasho ee kac oo codkaaga dhiibo. Bar ayuu ii tilmaamay uu i leeyahay dhag-sii si aad u ogaato sida aad ku tegi karto 1,205 goobood oo New York laga codbixinayo.

New York waa magaalada ugu weyn Mareykan. Waa magaalada ay maanta indhaha adduunku hayaan. Waa magaalada ay ku sugan yihiin labada murashax ee ku tartamaya doorashada Madaxweynaha Mareykan oo maanta dhacaysa.

Jaziiradda Manhattan oo igu dad badan 5-ta xaafadood ee NY
Waa New York magaalada ay labada murashax ay caawa ku daawanan doonaan marka ay natiijadu billowdo in ay iska soo daba dhacdo. 

Waa magaalda la filayo in labada murashax midkood uu isaga oo ay hor taagan yihiin taageerayaal badan kaga dhawaaqi doono in uu guuleystay oo uu yahay Madaxweynaha dooran.

Doorashadaan waxaa codeeya dadka Mareykanka oo keliya, laakiin saameynteeda tooska ah ama dadban waxaa laga dareemaa dunida oo dhan.

Dad iyo Dowlado aan Mareykan ahayn ayay saameysaa siyaaddooda, qaar kale waxay saameysaa nolosha, fursadaha iyo horumarkooda, qaar dhaqaalahooda, qaarna waxay saameysaa amnigooda.

Kombiyuutarka oo mararka qaar iga feejigan mar kastana iga xusuus badan sideen u baraa in doorashadani ay aniga iyo isagaba ay na saameyn karto, laakiin aynaan cod ku lahayn!