Total Pageviews

Sunday, 24 February 2019

Aqoonyahan Allah-aammin ah, Maxamed - Rashiid, AUN

Dr. Maxamed - Rashiid Shiikh Xasan
Waxaan akhriyay in uu geeriyooday Maxamed Rashiid Shiikh Xasan. Allah ayaan uga baryayaa naxariista Janno. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisa oo dhan oo ay ugu horreyso xaaskiisu.

Maxamed Rashiid waxaan 1992 isku barannay London, gaar ahaan daarta Bush House markii aan ku biiray Laanta Soomaaliga ee BBC World Service.

Wuxuu ka shaqeynayay waaxda xiriirka iyo baarista dhegeystayaasha BBC iyo heerka BBC marka la barbardhigo Idaacadaha kale. Gaar ahaan wuxuu qaabblisnaa Xafiiska ay ku soo dhacaan waraaqaha ay soo diraan dhegeystayaasha Laanta Soomaaligu. 

Waraaqaha oo ay dhegeystayaashu soo dhigi jireen boostada waxay ahayeen dariiqadda ugu habboon ee ay BBC kula soo xiriiraan maaddaama aan internet markaa na soo gaarin.

Waraaqahaasi waxay isugu jireen kuwo u socda  barnaamij gaar ah sida Baafinta, Tacsida, Waxay ila tahay, Wax weydiin ogaal, Suugaanta, Arrimaha Qoyska, Qubanaha Talaadada, Bandhigga Sabtida, Caweyska Sabtida, Muusigga iyo Salaamaha iyo qaar kale.

Waraaqaha qaar waxay ku saabsanaayeen keliya in ay codsadaan in waraaq ahaan loogu soo diro mowjadaha laga dhegeysan karo Laanta Soomaaliga ee BBC magaalada uu qorayaha waraaqdu uu markaa joogo.

Waraaqaha qaarkood waxay ahaayeen dacwad ama bogaadin ku saabsan warbixin, wareysi ama barnaamij ay Laantu hore u sii deysay.

Laanta Soomaaliga wuxuu u shaqeyn jiray toddobaadkii laba maalmood. Wuxuu qaabbilsanaa wararka iyo wareysiyada ka baxay BBC kuwooda noqon kara taariikhi in uu keydka ku daro.

Maxamed – Rashiid wuxuu ahaa nin la saaxiib ah aqoonta iyo waxbarashada, muujiya, weliba jecel in sidaa loo arko. Nin wax akhriya ayuu ahaa.

Isaga oo labadaa shaqo haya ayuu Maxamed- Rashiid wuxuu ku mintiday in uu dhowr Jaamacadood ka qalin jebiyo, ka dibna sameeyo cilmi baaris uu ku qaadanayo shahaaddada PhD.

Wuxuu tegi jiray in uu soo dhegeysto muxaadarooyin cilmi ah kana qeyb galo shirar iyo seminaarro aqooneed oo qaarkood uu ugu safro magaalo kale oo UK ka tirsan amaba dal kale.
Taas ayaa keentay in rag ka tirsan tiimka BBC ay ku xifaaleyn jireen naaneys ah aqoonyahanka.

Wuu safar badnaa, wuxuuna jeclaa in uu arko qof Soomaali ah oo guul gaaray, gaar ahaan heer caalami ah. Wuxuu mar igu yiri, saaxiibtinnimo aan dayaarad loo raacin si la isu siyaarto ma aha saaxiibtinnimo weyn.

Waxaa kale oo uu jeclaa diinta Islaamka wuxuu ahaa nin ahalu dariiqa ah, waxaanna filayaa in uu markiisii horeba iskuulka ku dhigtay Shiikh.

Anigu si gooni ah ayaan u saaxiibnay waxaana naga dhexeeyay wax shaqada ka baxsan. In badan ayaan sheekeynay, cashooyin bandanna waan isu raacnay qaar noo gaar ahaa iyo kuwo aan dad ajnabi ah la casheynayba.

Habeen ayuu igu yiri waxaan doonayaa in aad ii raacdo. nin Muqdisho ka yimid oo aan doonayo in aan soo salaamo. Nin magaciisa aan aqaan laakiin aanan weli arag oo ah ganasade, siyaasad-ka-warqab ah ayuu ahaa. Waan is raacnay. Ma ogeyn in ganacsaduhu uu isna suufiyadda ka ag dhow yahay. Habeenkaas waxaan saacado badan ku dhex jirnay in la marsado bun lagu soo shubay kurbin, la qariido daango, foox la shito iyo iga rumeyso waliba digri salaan.

Saaxiibkeey Maxamed Rashiid, inkasta oo guur hore iyo carruur uu soo maray anigu waxaan ku xusuustaa nin keligii noolaa.

Habeen ayaan xusuustaa in annaga oo joogna xaflad BBC oo sannad cusub oo dhalan raba loogu dabbaaldegayo Bush House uu ii sheegay in sannadka cusub uu qorshihiisu yahay in uu guursado. Waxaan weydiiyay gabadha nasiibka u heshay midda ay tahay. Wuxuu iigu jawaabay weli ma aqaan.

Waxaan xusuustaa in uu arrinkaa ka dhabeeyay oo sannadkaas uu aqal galay.

Habeen ayaan isaga iyo xaaskiisa cusub ku wada casheynay London. Ka dibna jawiga oo wanaagsanaa awgiis waxaan goosannay in aan ku lugeyno webiga Thames jiinkiisa. Webigu wuxuu London u kala qeybiyaa Koofur iyo Woqooyi. Jiinka woqooyi ayaan lug uga billownay buundada Waterloo annaga oo London Galbeed u soconna. Ilaa Baarlamaanku na soo xiro ayaan lugeyneynay.

Wuxuu ahaa nin caashaq hayo oo aad u faraxsan. Dhowr jeer ayuu istaagay, ii dhiibay kameradiisa oo iga codsaday in aan isaga iyo marwadiisa ku sawiro webiga jiinkiisa. Runtii waan ku farxay in saaxiibkeey aan aniga iyo isagu isku sheeko daalnay isaga oo keligii hoyda anna aan qoys leeyahay, aan hadda nahay barbardhac.

Wuxuu ahaa nin aamminsan in Afrika ay midowdo. Dhaqdhaqaaqa PanAfrikaanism ayuu ka mid ahaa.

Maxamed – Rashiid wuxuu ahaa nin ay Soomaalinnimadu ku weyn tahay. Ku fog Afkrikaannimada kuna faana. Muslinnamudu ay aad ugu weyn tahay. Suufi ah.

Haddana wuxuu ahaa nin degaameed oo aad u jecel, si dhab ahna u rumeysan degaankiisa Awdal iyo ka dib Somaliland. Wuxuu iyadana jeclaa magaalada Muqdisho oo uu ii sheegay in uu Baanka ka shaqeyn jiray ka hor inta aanuu ku biirin BBC. Sannadkii 1989 mar uu fasax ku tegey Muqdisho, wuxuu la kulmay bannaabixii lagu dhintay ee Masjidka Shiikh Cali Suufi, arrinkaa oo markii dambe uga warramay BBC.


Maxamed – Rashiid wuxuu ka qeyb qaatay mashruuca BBC ee tababbarka suxufiyiinta Soomaaliyeed. Wuxuu tababbarro ka soo bixiyay Muqdisho iyo Hargeysa isaga oo ay wadashaqeynayaan tababbarayaal ay ka mid yihiin Maria Fraunrath, Yonis Cali Nuur, Celeste Hicks iyo Yusuf Xasan.

Markii internetku soo baxay, waxaa fududaatay welibana dhakhsa badisay in ay dhegeystayaashu email kula soo xiriiraan BBC.  Idaacaddana ay ka dhegeystaan internetka. Sidaa darteed, waxaa la xiray Waaxda Maxamed – Rashiid la shaqeynayay.

Dhanka Keydkana waxaa la soo rogay in cajalad laga maarmay oo barnaamijyada lagu diyaariyo hab digital ah, idaacad kasta oo la sii daayana gebigeedba la keydiyo.

Markii uu BBC ka tegey, Hargeysa ayuu degay. Guri magaalada galbeed uga baxsanaa ayuu dhistay oo isaga oo ku faraxsan uu gaari igu qaaday oo i soo tusay.  Saaxiibkeey Maxamed Rashiid wuxuu aayar aayar ugu qancay aragtida ah in Somaliland ugu badiso in ay gooni isu taagto. Wuxuu Wasiiru Dowlada Arrimaha Dibadda ka noqday Xukuumaddii Silaanyo.

Arrimo badan ayaan ka tashannay Maxamed – Rashiid. Wuxuuna ahaa saaxiib aad ii dhiirri geliya, gaar ahaan marka aan ku jiro tartan gudaha BBC ah iyo marka aan u shaqo tago Waax kale oo shaqadeedu barasho iyo hanasho iiga baahan tahay.

Maxamed- Rashiid mar uu ka mid ahaa Madaxda UCID
Aad ayaan uga doodnay fikirka cusub ee uu qaatay. Waxaan ahayn saaxiibbo isku kalsoon oo si adag oo aan turxaan lahayn uga dooda mowduucyo aad u kala geddisan taariikh, siyaasad, dhaqaale, amni, shakhsiyaad, jacayl, isbarbar dhig magaalooyin ama waddammo iyo dabcan mustaqbalka Soomaalida midnimo mise… 

Laakiin sida aan markaa ka dib bartay, Maxamed Rashiid wuu dhibsaday dooddeyda. Waxayna saameysay xiriirkii dhowaa ee naga dhexeeyay.

2012 aniga oo Hargeysa u tegey aaska Abwaan Gaarriye, ayaan Maxamed Rashiid isku aragnay Hotel Mansuur. Si qabow ayuu ii salaamay. Salaadda maqrib ayaan wada tukannay.  Ma hubo in ay ahayd in uu weli iga xun yahay iyo in ay sababtu ahayd xanuun culus oo uu beryahaa ka soo kabanay.

Shakhsiyadda Maxamed – Rashiid, waxay ahayd mid aqoon jecel una saaxiib ah, Soomaalinnimada jecel, aamminsan in ay Afrika Midowdo, aan cidna iskala sarreyn ama ha noqoto shakshi ama ha noqoto qowmiyad kale. Mar walbana ah arday jecel in uu aqoon hor leh kororsado.

Intii uu BBC ka shaqeynayay xiriir dhowna uu la lahaa Laanta Soomaaliga, waxyaabaha ugu waaweyn ee ay dhegeystayaashu ku soo xusuusan karaan waxaa ka mid ah warbixintiisii qalalaasihii Muqdisho ee July 1989, Taxanaha SAHAN oo uu ka soo xulay keydka cajaladaha ee BBC Laanta Soomaaliga iyo wareysi uu General Caydiid oo badanaa aan saxaafadda la hadal uu uga soo qaaday magaalada Kampala oo ay labaduba uga qeyb galeen shir Pan Africanism ah.


Allah ha u naxariisto Maxamed – Rashiid. Haddii aan soo koobo wuxuu ahaa akhyaar qiimo badan. Wuxuu ahaa nin ku adag salaadda, quraankana akhrista. 

Allow u naxariiso Maxamed Rashiid Shiikh Xasan.

Sunday, 20 January 2019

Cashar ma noogu jiraa maaryenta weerarkii Dusit?

Booliiska Kenya
Weerarkii Westgate iyo weerarkii Dusit labadaba waxaan joogay Nairobi. Waxaan daawanayay Telefishinka, dhegeysanayay idaacadaha, akhrinayay wargeysyada, dhex mushaaxayay saxaafadda bulshada, la sheekeysanayay Kenyan iyo ajnebi.

Waxaa hubaal ah in ciidanka amniga ee Kenya, siyaasiyiinta, suxufiyiinta iyo xataa shacabku ay wax weyn ka barteen weerarkii Westgate taas oo daliisheedu ay tahay sida ay Kenya ula falgashay weerarka Dusit.

Dalka Soomaaliya, hey’adaheenna amniga, saxaafadda iyo waliba dadka adeegsada saxaafadda bulshadu waxay ila tahay in ay wax badan ka baran karaan howlgalkii amni, kii maareynta xogta iyo kii saxaafadeed ee Dusit.

Waa marka hore ee sidii booliiska iyo Dowladda Kenya ay u maareeyeen xogta oo xataa ay iska dhegatireen sheegashada Shabaab ilaa ay hubsadaan soona afjaraan weerarku waxay ahayd farsamo sarreysa. Goobta lagu qabanayay shir saxaafadeedka macna weyn ayay gudbineysay. Mas'uuliyiinta loo xulay in ay hadlaan sida af hayeen booliis, Wasiirka Gudaha iyo Madaxweynaha iyo mid waliba goorta uu hadlayay, goobta uu ka hadlayo iyo farriinta uu gudbinayo waxaa ka muuqatay in aad looga fekeray.

Sida ay saaxafaddu uga hadashay iyo shacabka Kenya qaabka ay u adeegsadeen saxaafadda bulshadu waxay mudan yihiin in si dhug leh loo derso.

Siyaasiyiintu Kenya iyagu waxay xaqiijiyeen kuna ammaanan yihiin in ay ilaaliyeen wadajirka Shacabka Kenya ee diin iyo isirwadareedka ah. Waxay ka shaqeeyeen in aan dad culeys gooni ah la dul dhigin isirka ay ka soo jeedaan ama diinta ay aamminsan yihiin awgeed.

Howlaha xasaasiga ah ee Marxaladdaan oo kale waxaa ka mid ah miisaanka la saarayo maareynta xogta iyo wargelinta shacabka oo keliya aan ku koobnayn waxa dhacaya ee ay ka mid tahay waxa shacabka la gudboon.

Si ay ka muuqato mas'uuliyad, oo faham qoto dheer iyo deggenaani kaashatay ayaa loo maareeyay xogta, midda ay tahay in la keydiyo, midda ay tahay in dadweynaha lagu wargeliyo, tan ay tahay in dadweynaha looga digo, goorta la gudbinayo iyo goobta, mas'uulka gudbinaya intuba waxay ahaayeen kuwo ka dambeeyay u fiirsasho iyo ka fiirsi badan.

Waxaan is leeyahay cashar ay sahlan tahay in lagu tababbarto ayaa Soomaaliya ugu jira - Dowlad iyo Shacabba.

Inta caqliga u saaxiibka ah cashar ayay ka bartaan dhacdooyinka soo mara iyo waxa ka dhacaya hareerahooda.

Saturday, 22 December 2018

Eheb Shabaab

Soomaaliya dhibaato xoog leh ayaa ka jirta. Shacabka Soomaaliyeed waa dhibban yahay. Soomaali kasta waxaan ku leeyahay, haddii xalka aadan qeyb ka noqon karin, dhibaatada qeyb ha ka noqon.

Shabaab ma ka tirsan tahay? Soomaali ma tahay? Haddii ay jawaabtu haa tahay, waad og tahay in aad dhibaatada ka mid tahay. Laakiin hadalku intaa kuma eka. Ujeeddadeyduna eedeyn ma aha.

Maanta waxaa gacantaada ku jirta qeyb weyn oo xalka ka mid ah. Taas oo ah in aad shacabkan rafaadsan ka deyso dilka, dhaawaca, cabsida iyo arga-gaxa.

Waad ogtahay dadka ugu badan oo gacantaada ku dhintaa waa shacabka.

Cidda aad dileysaan oo aad jihaadka kula jirtaanna waa muslimiin, waa Soomaali, waa waalid iyo walaal. Waa dadka dad kuu xiga quruumaha balaayiinta ah ee dunida ku nool.

Ka Soomaali ahaan, ha eegin meesha aan maanta joogno oo keliya. Arag meesha aan gaari karno waa haddii dhallinyarada aad adigu ka mid tahay ay ka shaqeeyaan horumarinta dalka. 

Ka feker inta dad waayeel ah oo dhibaateysan aad caawin karto. Ka feker inta aad barakacayaal caawin karto. Ka feker inta carruur kaa yaryar oo qaar badani agoommo yahay aad bari karto akhris iyo qoraal.

Ka feker haddii aad xorriyad iyo nabadgelyo haysato, aad iskaashataan dhallinyaro kula mid ah, heerka aad adigu shakhsi ahaan higsan karto. 

Ha ka fekerin in aad is qarxin karto oo keliya. Ha ka fekerin in aad dagaallami karto ilaa askari dhulka jooga ama mid dayaarad saaran uu ku dilo. Ha ka fekerin oo keliya in aad diyaar u tahay in gantaal meel fog laga soo riday ama kuwa ku rararn dayaaradaha is wadaa ay ku dilaan.

Ka feker taa cagisgeed. Ka feker in aad khatarahaas oo dhan aad naftaada ka badbaadin karto. Ka feker in aad naftaada wax tari karto. In aad qoys iyo jacayl abuuri karto. In aad waalidkaa iyo ubadkaaga aad biili karto marwadaadana aad dhaqan karto. Waad og tahay in ay cibaadada ka mid tahay.

Ha ka fekerin qof in aad dili karto oo keliya. Is weydii - Qof ma badbaadin kartaa?

Nolosha dadka qiimee. Ilaaha dadka uuntayna ka cabso. 

Waad ogtahay in aan Ilaaheey loogu dhowaaneyn dhallinyaro lagu qalqaaliyo in ay naftooda halligaan isla markaasna ay dilaan dad dariiqaas maraya, dembi aan gelin, Maxkamad dil ku xukuntay aanay jirin, laga yaabo in ay salaad hadda soo tukadeen ama ay u socdaan Masjidka,  cid ay duullaan ku yihiinna aanay jirin.  Laga yaabo in ay ku jiraan dhakhaatiir bukaanka daaweysa, taajiriin masaakiin masruufa, aabbayaal carruur badan koriya, macallimiin ubadka wax barta, hooyooyin sebi naaska nuujiya, ama sidkoodii dhammaaday bal qiyaas bambaano waddo lagu qarxiyay inta ku go'i karta!

Waad ogtahay in dadka aad leyneysaan ee gacantiinnu ay gaarto uu yahay oo keliya dadka Soomaaliyeed ee colaadda, qaxa iyo horumar la’aantu ay dalalka asaaggood ah ka reebtay. 

Waad ogtahay shacabku in aanuu mas’uul ka ahayn siyaasadda Dowladda iyo siyaasadaha kale ee aad sheegtaan in aad ka gilgilaneysaan. Kaba sii fog ee waad ogtahay in aan shacabku cod ku lahayn dowladaha, ciidammada iyo ururrada shisheeye danaha kala duwan ee mararka qaarkoodna is khilaafsan ee dalkan ay ka leeyihiin in aanuu mas’uul ka ahayn qofka Soomaaliyeed ee iska lugeynaya waddooyinka Muqdisho, jirinaaya muufo ee tiisa u meel la’ haddana aad qarxineysaan.

Bal isu miisaan waxa aad ka cabaneysaan iyo dhibta aad ku haysaan shacabka Soomaaliyeed.

Waad ogtihiin in qaraxyadiinna ay ku naf waayeen dad baahan oo aan qado haysan. Waan ogahay in meelaha aad ka talisaan aan shacabka aydnaan toos u gumaadin, laakiin haddana waxaan ogahaya Muqdisho iyo magaalooyin kale dhibka aad shacabka ku haysaan.

Waxaad ogtahay in si kasta oo aad u qarxisaan aan shacabku magaalada ka dhammaan doonin. Waxaad ogtahay in si kasta oo aad dhallinyarada Soomaaliyeed u qarxisaan in aan Dowladdu garowsan doonin in ay xukunka idiin banneyso inyarba ha ahaatee. 

Waad ogtahay in ciidanka shisheeye aanuu dalkan uga baxeyn in dad Soomaaliyeed oo masaajid ku tukanaya ama waddo maraya ay dad kale oo Soomaaliyeed ay weeraraan oo ay laayaan. Waad ogtihiin in aan ciidanka shisheeye dalka ka bixi doonin haddii aad cunaqabateysaan shacabka sida ka dhacday Xuddur, Buulo Burte iyo Ceel Buur.

Waad ogtahay in aan adduunka lagu faa’ideyn aakhirana aan lagu liibaaneyn in ummaddaada loo xoog weynaado oo la laayo.

Ilaaheey isaga ayaa culeys kasta qaadi kara. Dadka Soomaaliyeed ee muslimka ahina wuxuu maanta u baahan yahay in loo turo, loona gargaaro.

Qofkii aan karin in uu u gargaaro qofka kale ee Soomaali ah, waxaa la gudboon in  uu u turo ugu yaraanna uu ka magan galo.

Marka aan taas idin leeyahay khasab ma ahan in macnaheedu yahay in dowladda Soomaaliyeed ay had iyo goor wax wanaagsan u qabato shacabka ama ay baahidiisa dabooshay. Ma ahan in aan idin leeyahay ajnebiga Xalane ka shaqeysta iyo kuwa Gobollada dalka qaarkood jooga ayaa jacayl Soomaaliyeed halkan u wada yimid.

Ma ahan in aan idin leeyahay taageera. Xor ayaad u tihiin in aad diiddaan. In aad diidmadiinna ku muujisaan wax kasta oo aan ahayn xabbad iyo qarax. Xor ayaad u tihiin in aad ka shaqeysaan in Soomaaliya ay amnigeeda ku filnaato oo ay ka maaranto ciidan shisheeye. 

Ogow Qarax kasta oo aad sameysaan waxaa uu qiil u sameynayaa joogitaanka ciidanka iyo dadka aad sheegeysaan in aad dooneysaan in aad dalka ka saartaan.

Qarax kasta oo aad sameysaan wuxuu sii fogeynayaa sidii loo gaari lahaa Dal dhisan, soo saara dhaqaale ku filan lehna Madax Qaran, mid gobol iyo mid degmo oo uu shacabku toos u soo doorto lana xisaabtamo, haddii uu ku qanci waayana uu shaqada ka fariisiyo.

Qarax kasta wuxuu agoon ka yeelayaa ubad Soomaaliyeed, wuxuuna kordhinayaa baahida daawo iyo midda gargaar kale oo ay Soomaaliya caalamka ka tuugto.

Haddii aad Soomaali tahay, haddii aad Islaam tahay, qofka Soomaaliyeed marka hore adiga ha kaa nabad galo. Dhiiggiisa ha xalaaleysan. Adduunyada haddaad nacday isaga ha seejin. Aaakhiradaada ha ku waayin dilka aadane aanad aqoon, gef kaa gelin in aad nafta ka goyso.

Marka aad nabadgeliso qofka Soomaaliga ah waxaan shaki ku jirin in wax kasta oo kale laga gaari karo xal.

Ugu dambeyn, haddii aad Shabaab tahay, Soomaali tahay, Allah taqaan, ummadda Soomaaliyeed dhiiggeeda ha xalaaleysan oo ha kaa nabad gasho.

Ka feker xal aan qori iyo qarax ahayn oo adiga iyo shacabka intiisa kaleba ay u aayaan.

Tuesday, 18 December 2018

Tusaalaha Aden - Cadde

Madaxweynihii Soomaaliya ugu horreeyay, Mudane Aden Cabdulle Cusmaan (Aden - Cadde), wareysi aan 1995 uga qaaday Degmada Cabdulcasiis ee Muqdisho, ayaan dib u dhuuxay.
Xikmadihiisa iyo daacadnimadiisa cajiibka ah waxaa ka mid ah in uu igu yiri: "Waxaan ku dhaartay Soomaali ninka Aabbahay iyo Hooyadeey ay dhaleen iyo ninka hayb iigu shisheeya in ay isugu keey mid yihiin".
Aden - Cadde, Allah ha u naxariistee, ilama aha in uu damacsanaa in uu ku faano erayadaas. Waxaan u haystaa in uu doonayay in uu dhaqankiisa caddaaladda ku dhisani uu ahaado tusaale wanaagsan oo looga daydo.
Madaxda maanta joogta, kuwa u hanqal taagaya hoggaanka, iyo kuwii hore noo soo maray ee raba in ay soo laabtaan, waxaan jeclaan lahaa in uu mas’uul waliba iskii isu weydiiyo su’aal muhiim ah.
Rabbigeen hortiis sida Aden-Cadde ma dhihi kartaa - Ninka aabbahaa iyo hooyadaa ay dhaleen iyo kan Soomaali hayba ahaan kuugu shisheeya in ay kuu siman yihiin?
Jawaabtu hadda khasab ma aha.

Thursday, 13 December 2018

Dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha

Mas’uul ma jiro, iyo muwaaddin kale toona, ka sarreeya sharciga dalka.

Waddanka adduunka ugu muruqa weyn jeebkiisuna ugu gun dheer yahay waxaa hadda ka socda baaritaan laga doonayo in uu ka jawaabo in Madaxweynaha iyo kooxdiisu ay si sharci darro ah ku heleen kursiga iyo in kale.

Qareenkii Madaxweynahana xabsiga ayaa loo taxaabay.

Markaa ma qabo, marnabana kuma talinayo in Madaxweyne ama mas’uul kale uu isku dayo in uu ka sare maro sharciga dalka u yaalla.

Aniga oo afeeftaas hor marsaday ayaan jecelahay in ra’yi shakhsi ah aan ka dhiibto mooshinka ka dhanka ah Madaxweynaheenna.

Waxaan inta badan maqlaa Siyaasiyiin xukuumad kasta oo ay ka maqan yihiin, muddada ay ka maqan yihiin, si ba'an u mucaarada sidii oo ay tahay middii ugu xumeyd ee abid na soo marta, haddii aan la ridinna uu dalku dib u noqon doono. 

Waxaa kuwaas u jawaaba qaar xukuumad kasta oo ay ka tirsan yihiin, muddada ay ku jiraan, afka ugu ekeysiiya middii la sugayay ee dalka ka saari lahayd dhibka.

Labada dhinacba waxaan ku arkaa mas'uuliyiin aan qaarkood og ahay sababo ku xeeran oo ka yeersiinaya waxa ay ku hadlayaan.

Uma gelayo waxa ku qoran mooshinka oo ma baarin, cid kale oo aan ku qanco oo baartayna ma arko. Sidoo kale uma gelayo sharciyadda ama la’aanteed uu ku saleysan yahay mooshinku.

Uma gelayo qiimeynta waxqabadka Dowladda oo aan dhaliil la’ayn laakiin tallaaboyin horumar ah oo la taaban karo ku tallaabsatay. 

Umana gelayo in hanjabaadda la meelmar karo iyo in kale.

Waxaan rabaa hal dhinac oo yara xasaasi iigu muuqda in aan iftiimiyo si talada loogu darsado.

Xilalka siyaasadda ee dalka marka laga reebo Aqalka Sare, waxaa lagu qeybsaday hab qabiil ayada oo Soomaalida loo kala saarayo shan qabiil.

Shanta qabiil midkiis aad ayaa loo duudsiyay oo xataa lama qeyb aha afarta kale. Taas waxaa lagu saleyay mala’awaal ah in ay inta kale mid mid uga tiro yar yihiin.

Caddaalad darrada koowaad uguna weyni, malahayga, waa middaas.

Dhanka kale afarta qabiil waxaa jira xeer aan u qorneyn ase ay ku dhaqmaan. Inkasta oo aan hibo iyo xataa qabiil la isu siin, laga soo billaabo maalintii aan xornimada qaadannay, laba qabiil oo keliya ayaa Madaxweyne ka noqday dalka.  Marka ay doorasho joogto iyo xataa halkii mar ee ay afgembi militeri ahayd waxaa shabaqa u dhigtay siyaasiyiin labadaa reer ah. Tan militerigu inkasta oo ay hal mar ahayd, haddana waa ay daba dheeraatay oo waa middii ugu wakhtiga dheereyd.

Labadaas qabiil oo siman ayaad haddana mooddaa in ay sii kala mudan yihiin.

Labada qabiil midkood, Madaxweyne kasta oo la doortay waxaa uu fursad u helay in marka uu xilligiisu dhammaado sidii ballanku ahaa uu kursiga dib ugu tartamo, marka uu waayana uu xilka si nabad ah ku wareejiyo.

Madaxweynayaasha ka soo baxay qabiilka kale, midkoodna weligii fursad looma siin in uu xilligiisa dhammaysto, oo uu doorasho galo, xilkana nabad ku wareejiyo maaddaama aan Soomaaliya weli mas’uul Madaxweyne soo noqday aan mar labaad la dooran.

Waxa keliya oo taa weydaaran waa Madaxweynihii Militeriga ahaa oo wakhtigiisu aad u dheeraaday aakhirkiina dagaallo jabhadeed oo lagu hoobtay iyo kacdoon shacab oo is kaashaday ay meesha ka saareen.

Maanta oo Madaxweynaha xilka haya muddadii loo doortay aanay kala bar gaarin ilama qummana isku dayga ah in Madaxweynaha maanta lagu daro liiska Madaxweynayaasha aan rabitaankooda uga tegin xafiiska. 

Dooddeydu ma ahan in ay dhan walba ka eegtay dacwadda oo ay soo gunaanadday, ama ay tahay fikirka keliya ee laga qabi karo.

Ma aha wax qurxoon oo dood lagu saleeyo, laakiin xaqiiqada aan qorneyn ee siyaasadda Soomaaliya ee 2018 ayaa sidan qoreysa.

Waanan ogahaya aragti dooddeyda lid ku ah in la keeni karo,  oo sannadkan nuskiisii hore nin aan arrinkaan ka sheekeysannay wuxuu igu yiri, 'kala daa waa Madaxweyne iyo waa loo turayaa'.

Laakiin muhiim ayay iila muuqataa in taariikhdan lagu darsado sawirka guud.

Xagga sharciyaddana marka hore ayaan ka afeeftay sababta oo ah ma haysto awood aan uga daba tago eedeymaha duulaya ee weerarka iyo rogaal celiska ah guntoodu waxa ay tahay.

Sunday, 9 December 2018

Maan la Heshiinno Shabaab!

Ciidanka Shabaab badankiis waa dhallinyaro Soomaaliyeed. Waa dhallinyaro uu gabay Qarankoodu. Waa dhallinyaro ku dhashay ama ku barbaaray iyada oo uu maqan yahay Qaran suga amnigooda. Waayay Dowlad siisa adeeg waxbarasho iyo mid caafimaad. Aan helin Hey’ado u abuura fursado shaqo. Aan arag adeeg garsoor oo cidda ku xad gudubta uu isaga qaban karo. 

Waa dhallinyaro loo diiday nidaam u suurta geliya in ay codkooda ku cabbiraan doorasho degaan iyo mid Qaran oo hadba qofka ama xibsiga ay doonayaan ay ku taageeraan. Waa dhallinyaro uu Qaran burburka nagu dhacay u diiday nabad iyo nololba.

Intaas oo dhan waxay noqotay in iyaga loo daayo in ay is dabbaraan.

Waxay ka mid yihiin malaayiinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee dacdarreysan. Qaarkood waxay ka qeyb galeen dagaallada noocyada kala duwan ee dalka ka dhacay. Qaar kale waxay noqdeen burcad badeed.  In badan ay iyaga oo qax ah ayay badaha isku qaadeeen kuwaas oo qaar badani ay ku naf weyeen.  Qaarkood ay xeryo qaxooti oo aad u nolol adag ay ku qaateen tobannaan sano.  Qaar badan lagu soo dhoweeyay xabsiyo dalal shisheeye. 

Intooda dadaashay ee Ilaaheey u suurta geliyay in ay xaalad adag ay wax ku bartaan, in yar oo nasiib leh ayaa shaqo heshay.  Inta kale ayaga oo shahaaddo Jaamacadeed ama laba haysta ayay ku shaqo la’ yihiin dalka gudihiisa.

Waxaas oo dhan waxaa sabab u ah Qaran burburka dalka ka dhacay.  Kaas oo aanay wax mas’uuliyad ah ku lahayn dhallinyarada maanta joogtaa.

Meesha Bannaan Buuxi

Kaalintii ay gabtay Dowladda Soomaaliya oo hawada ka maqnayd ugu yaraan toban sano, waxaa u loollamay in ay buuxiyaan kooxo kala duwan.

Qaarkood waa wadaaddo ay qaarkood isku dayeen in ay wax ka qabtaan baahida waxbarashada. Qaar kalena sugidda amniga iyo garsoorka. 

Waxaa iskaashaday wadaaddo ay qaarkood qabaan afkaar aad u durugsan iyo kooxo ajnebi ah oo dalalkooda dembiyo ka soo galay oo gabbaad iyo markii dambe saldhig ka dhigtay dalkeenna. Kooxda dambe sababta ay dalkeenna u xusheen waxay ahayd in ay ka faa’iideystaan maqnaashaha awood Dowladeed oo ka hor istaagta.

Dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed oo arka caddaalad darrada ku haysata dalkooda gudihiisa ee Soomaali ama ajnebi u gaystay, maqla caddaalad darrada ku dhacaysa muslimiin ku sugan degaanno kale oo caalamka ah, waxaa loo jeedsiiyay in sida keliya ee caddaalad ay ku heli karaan ay tahay qori caaraddiis.

Waxaa la tusay in ay sidaas guul ku gaari karaan. Haddii lacalla ay militeri ahaan ku guuleysan waayaanna aakhiro Allah ku abaal marin doono Jannada.

Dhallinyrada ku jira howlgalka noocaas ah, waxaa ku goobtay amni darro joogta ah iyo caddaalad darro la deristay.  Cidda keliya oo wax u sheegtaana waxay ku akhrineysaa afkaar xag jir ah, midka keliya oo wax siiyaana wuxuu siinayaa tababbar sida qof ama wadar-qof loo dilo iyo aaladdii lagu dili lahaa.

Waxaas oo dhan waxaa u sabab ah in Qaranku uu gabay mas’uuliyaddii ka saarnayd ubadkiisa ee xagga sugidda amniga, barbaarinta iyo ka ilaalinta in niman caalamka la doondoonayaa ay u helaan in ay u noqdaan macallimiin lagu daydo.

Caddaalad-darro Bulsho

Waxaa colaadda Shabaab sii soofeeyay caddaalad-darrada bulsho ee Soomaalida dhexdeeda ah ee lidka ku ah diinta Islaamka iyo ilbaxnimada casriga ah sida dadka lagu takooro dhalashadooda iyo dulmiga saami qeybsiga siyaasadeed ee qabaa’ilka qaarkii lagu hayo. Dulmigaas oo mar kastaba ka jiray dalka Soomaaliya wuxuu ugu sii darnaa tobankii sano ee xigay burburka Dowladda.

Doodda Shabaab waxaa iyaguna qiil u doonay falal xad gudub ku ah xuquuqda aadanaha oo ay ciidammo ajnebi ah ama wakiilladoodu ay ka geysteen dalka Soomaaliya gudihiisa xilliyo kala duwan.

Dowladdii ay fashilaaddeeda iyo maqnaashaheedu eeddaas geysteen, marka ay hadda soo naaxdo, ee ay billowdo in ay isku daydo in ay amniga sugto caddaaladna raadiso, sax ma tahay in ay isla dhallinyaradii ay gabtay ay ku tilmaanto dembiilayaal? Weliba dembiilayaa ay tahay in wadajir loo laayo ama la soo qabqabto si mid-mid loogu toogto?

Marka dhallinyarada noocaas ah la wajahayo, maxaa Qaranka la gudboon?

Wadahadal, Qarax-joojin iyo Is-af-garad


Waxay iigu muuqataa intii dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ku jira laga horgeyn lahaa dhallinyaro Soomaaliyeed oo ciidan ah, oo markaa ay dhallinyarada Soomaaliyeed isku dhammaan lahayd, in ay waajib tahay in laga fekero in la helo hab loo kala badbaadin karo dhallinyarada.

Waxaan ognahay in isu geyn dhallinyarada Soomaaliyeed ay ahaan karto cudud Soomaaliyeed, ayada oo isla markaasna la xaqiijinayo in khatarta Shabaab laga badbaado amaba dhammaanteed la soo afjaro.

Waan ogahay oo waa wax sahlan in afka laga sheego, xaqiijintuse ma sahlana.

Laakiin waa ayo qofka u haysta in Qaran burburka nagu dhacay xal loo helo in ay tahay howl sahlan?

Xalku kuma imaanayo in annaga oo aan si cad uga doodin, aragna sida ay xal u keeni karto aan soo minguurinno siyaasadda dalal kale ay Shabaab kula dhaqmaan.

Shabaab badankeed waa Soomaali. Cidda uga badan ee ay dilaan waa Soomaali. Cidda ay nabad iyo horumar ka hortaagan yihiin waa Soomaali. Waxaa waajib nagu ah in aan helno hab aan ku qanacsan nahay in aan wakhtiga ugu yar ku gaari karno in aan dhibkooda ka gudubno, iyagana inta ugu badan aan ku badbaadin karno maaddaama ay mas'uuliyadi naga saaran tahay oo ay yihiin dhallinyaro Soomaaliyeed oo uu Qaranku gabay.

Aragtideydu waxay tahay in si dhab ah looga shaqeeyo in Shabaab lala galo wadahadal ujeeddadiisu ay tahay in lagu soo xero geliyo intooda Soomaalida ah.

Waan ogahay in ay Dowladda hadda jirta iyo Dowlado ka horreeyay ay ku baaqeen in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafin doono.

Laakiin waa kala laba in idaacadaha laga sheego in Shabaabkii isa soo dhiiba la cafinayo iyo in si dhab ah looga shaqeeyo in dhallinyarada Shabaab ku jirta la helo waalidkood iyo walaalkood, la helo "Shiyuukhdii" wax bartay, in la helo saaxiibbadood. In intaas oo dhan lala kaashado in ay badbaadiyaan naftooda iyo tan walaalahooda Soomaaliyeed. In marka lagu qanciyo in ay soo laabtaan, haddana si tifatiran loogu sheego sida ay u soo laaban karaan iyo meesha ay ku laabanayaan. In loo diyaariyo barnaamijyo u abuuraya fursado. Intaa wixii ka dambeeya in ay helaan xuquuqda muwaaddin kasta uu leeyahay ee datruurku uu u oggolaanayo.

In Madaxda al Shabaab ee Soomaalida ah lala furo wadahadal si qoto dheer oo miisaaman looga fekeray, ujeeddaduna ay tahay in marka hore la gaaro xabbad iyo qarax-joojin marka xigtana lagu gaaro is afgarasho si loo kala badbaado loogana wada qeyb qaato dib-u-dhiska dalka.

Dulucda qoraalkeygu waa in aan xakameyno carada ay nagu khasbayaan wiilasha is qarxinaya ee isku dhex qarxinaya shacabka. Laynaya dad ehelkooda ah oo aan waxba galabsan welibana aanay aqoon.

Waa in aan fahamnaa una xanuunsannaa midka isqarxinaya laftiisa ee naftiisu ay xabbadda la qiimaha noqotay. Waa in aan ka fekernaa in aan isaga badbaadinno, si ay bulshaduna uga badbaaddo.

Tallaabo wax ay tarto mooyee aan waxba dhimenyn oo laga billaabi karo waxay tahay in marka hore ay Dowladdu joojiso toogashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee Shabaab ka tirsan ee xabsiyada ku jira.