Ciid Wanaagsan
Inqaasta Yusuf-Garaad
Soomaaliyeey ciid wanaagsan. Waa maalin farxadeed. Waxay maalin
farxadeed u tahay carruurta iyo qof kasta oo soomay. Waa maalin cibaado. Waana
maalin saddaqo.
Farxaddaas si ay u muujiyaan, dadka awoodaa waxay isku marti
qaadaan qado, casho ama qaxwo. Qaarkood waxay isku casuumaan qaad. Qaarkoodna
miyuusik ama cayaaro dhaqan ayay tuntaan. Qaarkood waxay u baxaan dalxiis.
Carruurta waalidkood awoodo waxay ku labbistaan dharka ciidda. Waa
dhar cusub oo loo soo iibiyay si ay ugu ciidaan maalintaan farxadda leh. Waxaa
kale oo loo iibiyaa haddiyad sida mobile cusub, cayaar ama filim video ah, buufin,
firimbi, kubbad iyo waxyaabo kale. Ehelka soo booqda iyo deriska ayaa laga
yaabaa in ay ugu daraan lacag caddaan ah oo haddiyad ah. Waxaa loo kaxeeyaa
qaraabo salaam, makhaayad, xeebta, filim dibadda lagu soo daawado ama wareeg.
Marka laga reebo farxadda ciidda looma sinna damaashaadka kale. Waxaan ummadda inteeda kale la wadaagin dadka
saboolka ah iyo carruurtooda.
Waxaa laga yaabaa carruurta kuwooda aad u sii da’ yar ineysanba
garan karin sababta uu waalidkood sideedaba dhar ugu iibin waayay ama mid cusub
hadda ugu soo iibin waayay. Sidoo kale ma fahmi karaan sababta uu waalidkood ugu
keeni waayay haddiyadaha carruuraha kale loo keenay kuwo la mid ah.
Dadka saboolka ahi waxay joogaan xaafadaha magaalo kasta oo geeska
Afrika ah. Haddaad geeska Afrika joogto, uma baahnid in aad meel dheer ka
raadiso qof sabool ah. Bal daqiiqado yar jooji akhriska qormadaan ee hareeraha
fiiri bal in ishaadu qaban karto qof sabool ah.
Waan gartay. Haddii ay ishaadu qabatay qof sabool ah, is weydii – ma
ka farxin kartaa qofkaas?
Hadday ishaadu qaban weyday, mar kale akhriska jooji oo ka feker
deriskaaga. Ma ku jiraa qoys sabool ah?
Ma xasuusatay? Is weydii – maxaad qoyskaas u qaban kartaa ciiddan?
Maxaad uga farxin kartaa?
Dadka saboolka ah ee gargaarka u baahan waxaa ka mid ah kuwa ku
jira xeryaha Barakacayaasha iyo kuwa Qaxootiga.
Waxaan iyaguna farxadda si buuxda bulshada ula wadaagin dadka
yaalla Isbitaallada iyo kuwa kale ee iyaguna xanuunsan laakiin aan isbitaal gaarin
ama aan awoodin.
Dadkaasi waxay u baahan yihiin daawo, qaarkood waxaa kale oo ay u
baahan yihiin raashin, gogol iyo hu’.
Dadka xabsiyada ku jira, haddayba magaaladaadu ay xabsi leedahay,
iyagana farxaddoodu ma buuxdo. Baahi aanay iyagu dabooli karin ayaa u dheer
tahay.
Waxaa jira iyaguna dadka waayeelka ah ee ku nool qurbaha oo ay cidladu haysato, lagana yaabo in ay keligood nool yihiin.
Dadkaas oo dhan waa dad u baahan in la xasuusto, la booqdo, loo
gargaaro, lagana farxiyo ugu yaraan maalinta
ciidda. Maalmaha kale qofkii ku daraana
waa rag-ka-rooni.