Dagaalka Sh. Hoose
Sidan ayuu ku Dambeyn Doonaa
Qiyaasta Yusuf-Garaad
Gobolka
Shabeellaha Hoose colaaddiisu wey dhammaan doontaa. Waxay ku dhammaan doontaa
in qof kasta oo aan dhiman uu gurigiisa degganaado, beertiisana lahaado.
Waxay
ku dhammaan doontaa in qof waliba gurigii uu doono iyo beertii uu doono oo kiro
ah oo uu awoodo uu kireysto.
Waxay
ku dhammaan doontaa in ninkii ku dhaawacma ama ku naafooba uu isagu isu qabo
dhaawiciisa.
Waxay
ku dhammaan doontaa in kii qof dila lagu eedeeyo in uu yahay mooryaan
gacan-ku-dhiigle ah. Waxay ku dhammaan doontaa in ninna aan la siin shilin
uusan shaqeysan.
Waxay
ku dhammaan doontaa in aabbaha iyo hooyada uu wiilkoodu ku dhinto asaga oo
dagaaalllamaya, in aan cidina u ogeyn abaalna looga hayn doonin.
Waxay
ku dhammaan doontaa sida dagaal kasta oo na soo maray uu ku dhammaaday.
Waxay
ku dhammaan doontaa xaflad weyn oo niman aan baahi qabin, qofna uga dhiman
dagaalka, iyaguna aan ka qeyb gelin, ay bariis, hilib iyo cabitaan baraf leh oo
caynba cayn ah ay ka wada dhergaan. Iyaga oo findhicilanaya oo qosqoslaya
ay gacanta is geliyaan ayada oo video laga duubayo sawirrana laga qaadayo.
Waxay sheegi doonaan in dadku is dilo kana heshiiyo. Labadaan beelood oo is
dilay waxay dhihi doonaan waa dad
weligoodba saaxiib iyo xataa walaalo ahaan jiray.
Nimanka
heshiiska gelaya waxaa soo ururin doona NGO ama niman is habeeyay oo mashruuc
ka dhigtay howhaas fulinteeda, oo dowladda ama hey’ado shisheeye lacag badan uga
qaatay.
Nimanka
heshiiskaas gelayaa, hadday doonaan waxay isa siin doonaan gabdho ay ku
xaraarad gooyaan oo ay xaasaskooda ku labaystaan, saddexystaan, afareystaan
ama…
Waxay
ku dhammaan doontaa in magaalada ay u arrimiyaan Guddoomiye Degmo iyo Taliye
Booliis oo ay u badan tahay in ay warmoog ka yihiin dagaalka hadda socda wax
dan ahna aanay ka lahayn.
Wiilasha
intii ay wax baran lahaayeen dagaalka ka doortay, hadday xabbadda ka badbaadaan
waxay ku dambayn doonaan in ay xamaali ka noqdaan beeraha mooska ee gobolka. Haddii kale ay doomaha iyo shabaqa u xafidaan, u nadiifyaan ama u jiidaan doomaha kalluumeysatada. Howshaas waxaa xisaabayayaal iyo Madaxba ka ahaanaya amaba ay lahaan doona wiilasha dagaal-moogga
ah ee hadda wax baranaya.
Ragga hadda dagaallamaya iyo qabiillada ay
sheeganayaan in ay u dagaallamayaan midna marti loogama ahaan doono Shabeellaha
Hoose iyo meel kale toona.
Soomaali iyo ajnebi badan iyo Dowladda ayaa intuba
hanti gashaday Gobolka. Mustaqbalkana qaar intaas ka sii badan ayaa imaan doona
oo hanti gashan doona.
Malleeshiyada is dileysa marka la isu geeyo waxaa
ka tiro badan dadka kale ee Gobolka nabadda ku jooga, Dimuqraaddiyad maalinta
la gaaro Gobolka kuwaas ayaa xukumi doona. Wixii Dimuqraaddiyad ka horreeyaana
waa ku meel gaar.



