Total Pageviews

Monday, 24 November 2014

Aan ka Qaangaarno Dhaqanxumada Siyaasadeed


Siyaasiyiinteennu waa in ay wax ka bartaan oo ku daydaan hannaanka siyaasadda ee caalamka Dowlad wanaagga looga dhaqmo. Haddii ay yaqaannaan laakiin ay la tahay in aan Soomaaliya looga baahnayn ama aan Soomaalidu u qalmin, waxaan u haystaa in ay nagu dagmeen.

Baarlamaanku sharci ayuu dejiyaa, siyaasaddiisana sharci ayuu ku meel mariyaa. Sidoo kale, khilaafkiisa sharci ayuu ku kala saaraa. Ma ahan in la isku dayo in wax aan ku qorneyn xeerka Baarlamaanka la isku hor taago ama lagu meelmariyo mooshin.

Golaha Wasiirrada oo tiro ahaan ka kooban Baarlamaanka ayaan isaguna dhaliil la’aan ahayn.

Mucaarad ayaa Ra’iisal Wasaare ugu baaqa in uu is casilo. Sababta oo ah mucaaradku xukuumadda cod kuma laha, kamana tirsana.

Weyna dhacdaa in Wasiir uu sinnaba ugu qanci waayo habka Ra’iisal Wasaare ku socdo ama uu wax u maamulayo. Markaas Wasiirka ayaa laga rabaa in uu is casilo oo iska beri yeelo siyaasaddaas uu ku qanci waayay. Markaasna isaga oo aan Xukuumadda ka tirsaneyn uu mucaarado siyaasadda Ra'iisal Wasaaraha.

Yaan dhinacna wax igu seegin. Oo Xukuumadda aan isku dayo in aan rido, haddii aan ridi waayana aan isaga jiro oo yaan jagadeydu i seegin, ma ahan dhaqan siyaasadeed oo wanaagsan.

Hore ayay u dhacday, haddana way taagan tahay. Waxaan rajeynayaa in ay siyaasiyiinteennu ay ka koraan oo ay ka qaangaaraan daneysiga shakhsiga ah ee mutuxan ee aan mada’ iyo dan dal midna ku saleysneyn isla markaana aan lagala xishooneyn shacabka Soomaaliyeed.

Ku meel gaarkii waan ka qaangaarnay ee dhaqanxumadii siyaadeed ee ku meel gaarka waa in ay siyaasiyiinteennu ay ka qaangaaraan.

Tuesday, 18 November 2014

Shariifka Kooyi


Shariif Xasan Shiikh Adan, oo ah siyaasi aad u xarfad badan, ayaa loo doortay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed oo ay xarunteedu tahay magaalada Baraawe.

Shariif Xasan wuxuu hore u noqday Af hayeenka Baarlamaanka Federaalka, Wasiirka Maaliyadda iyo xilka aan rasmiga ahayn oo ah gacanta midig iyo weliba labada dhegood ee Madaxweynaha.

Hadda oo uu u soo saftay dafka hore ee siyaasad goboleedka, maxay noqon kartaa saamentiisa siyaasadda degaanka iyo tan Federaalku?

Maxay saameyn ku yeelan doontaa maamullada cusub ee aan weli la dhisin ee gobollada Shabeellada Dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug-Koofureed? Gobolladaas waxaa labada dhinac ka xiga laba Dowlad  Goboleed oo ay Madaxweynayaal ka yihiin Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaare hore. Waxaan is weydiinayaa yaa iyaga u soo safan doona?

Saturday, 15 November 2014

Guddoomiyaha ha loo Garaabo


Laba fadhi ayaa baarlamaanka laga benneday in uu howshiisa guda galo. Waxyaabo kale oo kharriban ayaa iyaguna dhacay.

Koox ayaa soo qaadatay waraaqo iyo calaamado ay ku qoran yihiin erayo ay muuqato in ajnebi lagula hadlayo oo aan ku macneyn lahaa Codkayagu iib ma ahan.

Kooxda kale oo arrintaa ka xanaaqsan waxay adeegsatay saxaafadda waxayna ku eedeysay kooxda buuqa sameyneysaa in ay tahay laaluush qaatayaal la yaqaan.

Marka aad isku darto codka labada dhinac wuxuu markhaati u noqonayaa hadalkii ay markii hore Xildhibaannadu ka xanaaqeen ee ka soo yeeray Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay. Wuxuu sarbeebay in uu walaac ka qabo in codadka Mudanayaasha Baarlamaanka qaar la iibsado. Hadalkaas markii uu soo baxay aad ayay uga caroodeen waxayna ku eedeeyeen in uu u gefey Baarlamaanka Soomaaliya.

Hadda waxay u muuqata in hadalkii uu saray ay ayagu saafeen.

Guddoomiyuhu kuma faraxsanaan karo eedeymaha labada dhinac isu jeediyeen iyo buuqa ka dhacay gudaha Baarlamaanka.

Waan qiyaasi karnaa in culeyskaa uu Guddoomiyaha u dheer yahay cadaadis uga imaan kara Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha. Sidoo kale labada dhinac ee Baarlamaanka ee aan iyagu is qaban laakiin la kala safan Madax is qabatay. 

Guddoomiyaha waxaan shaki ku jirin in uu kulammo la qaatay wakiillo ka socda Dowlado kale oo arrinta daneynaya, taas oo iyaduna ka mid noqneysa cadaadiska isaga saaran.

Haddana in loogu daro eedeymaha dhinacyada qaar ka yeeraya ee ah in la rabo in isaga laga keeno mooshin loo bixinayo ka-caga-jiidis mooshin meesha ma qabato.

Waxaan u baahan nahay in aan fahamno culeyska saaran Guddoomiye Jawaari. Sidaa darteedna waa in aan u garowno.

Waxaan hubaa in uu og yahay in haddii arrinta dib uun loo sii dhigo iyada oo aan xal kale laga shaqeyneyn, in waxa keliya oo ay dhali kartaa ay tahay in cadaadisku uu sii bato. Waxa keliya oo furan waa laba mid. In arrinta si uun meel looga neefiyo. Iyo in lagu dhiirrado oo la guda galo.

Marka aan Guddoomiyaha ka yareyno buuqa, eedeynta iyo cadaadiska si uu u helo dariiqa ugu habboon ee sharci ah ee Baarlamaanku uga gudbi karo caqabaddan.

Saturday, 8 November 2014

Anigaa kaa Shiish badan - SHEEKO GAABAN


Laban in ayaa ku dooday anigaa kaa shiish badan iyo anigaa kaa shiish badan. Dhowr waxyaabood oo ay shiisheen labaduba isku si ayay ula heleen. Markii ay wax kale oo dhan ku kala bixi waayeen, labada ninna ay ka go’nayd in mid la reebo, ayaa midkood talo soo jeediyay. Wuxuu ku taliyay in ay madaxa xiirtaan, oo markaa digo geel madaxa midba mar loo saaro kan kalena laga rabo in uu xabbad kaga tuuro digada madaxa saaran asaga oo aan qofka wax gaarsiin.

Madaxa ayaa la xiirtay. Ninka koowaad ayaa qoriga qaatay. Midka kalena madaxa ayuu digo saartay. Ninkii koowaad ayaa soo toogtay oo digadii ka tuuray asaga oon ninka labaad xagatin gaarsiin.

Ninkii labaad ayaa qoriga loo dhiibay, ninkii shiishka wanaagsanaana waxaa madaxa loo saaray digo. Ninkii labaad ayaa soo shiishay oo xabbaddii soo riday.
Madaxa ayay xabbaddii uga dhacday ninkii koowaad.

Markii uu sii nafbaxayay wuxuu yiri - Waan kaa saxsanaa oo anigaa kaa shiish badan.

Shirka ATM ee Istanbul



ANTI-TRIBALISM MOVEMENT TO HOST ANTI-EXTREMISM CONFERENCE

HIGH PROFILE VOICES FROM SOMALIA AND EAST AFRICA SET TO ATTEND

London-based Anti-Tribalism Movement (ATM) is preparing to host a four-day anti-extremism conference in Istanbul from Monday 10 November. The conference will discuss the threats from Al-Shabab and ISIS how Somalis should respond to protect their communities from the groups’ warped ideologies.

The conference sessions will feature a range of speakers who have the credibility to counter Al-Shabaab and ISIS’s messages. These include Somali and other East African scholars, Somali women, people who have been the victims of Al-Shabaab, and academics from Al-Azhar University in Cairo (the seat of Sunni Islamic thought).

Managing Director of ATM, Adam Matan, said:  “Vile groups like Al-Shabaab and ISIS are un-Islamic and do not hold any Islamic values and their views is incompatible with East African culture and identity. Collectively, We need a strategy to combat violent extremism that should be constructed with a clear, realistic end state. Our hopes for this unique conference are to work together to develop a single narrative and plan of action to combat terrorist groups around the world, which threaten all our communities. A solution led by Somalis for Somalis possesses the capabilities to eliminate support for extremist ideologies of violence and stands a chance of succeeding in stamping out their threat.”

The Anti-Tribalism Movement will convene Somali and East African religious credible community leaders, Somali professors and Somali youth representatives to discuss conflict resolution, extremism, violence and Tribalism and issue joint communiqué against Al-Shabaab and others who practice violence.

The conference will welcome some victims of extremist violence and invite them to share their stories and give them a platform to raise awareness of their ordeals.

The conference will take place in Istanbul from 10th November 2014-13th November 2014.

-Ends-

For all media enquiries and requests please contact the Press Team on T: +447415 590 969 or E: presstheatm@gmail.com

Ururka Dhaqdhaqaaqa la-dagaalanka qabiyaaladda oo shir lagaga soo horjeedo xagjirnimadda ku marti gelinaya Istanbul Ururka dhaqdhaqaaqa la-dagaalanka qabyaaladda ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan ATM, waa urur saldhigiisu yahay magaaladda London ee wadanka Ingiriiska, ururkaas oo qaban qaabinaya shir socon doona sadex maalmood oo ka dhici doona Magaaladda Istanbul ee Turkiga maalinta Isniinta ee bishan November tahay10 ilaa 13 bishan.

Shirkaas waxa lagu falaanqayn doonaa hanjaabaadaha kooxda al-Shabaab iyo ISIS iyo sidii ay Soomaalidu uga difaaci lahaayeen bulshadooda fikradan qalafsan ee kooxaasi ay fidinayaan.

Waxa aad faah faahin dheeraad ah oo khusaysa shirkan aad ka heli kartaan barta ururkan oo ahhttp://www.theatm.org/2014/11/07/credible-voices-press-release/ fadlan waxa aad la wadaagtaa shirkan bulshadaada.

Saxaafadda iyo Xagjirnimada


Waxaa la i weydiiyay in aan ka hadlo kaalinta saxaafadda ee xagjirnimada. Waa su’aal adag. Xagjir wuxuu yahay xataa la iskuma waafaqsana. Wax bandanna waa laga qoray. Waxaan isleeyahay muddooyinkan dambe Soomaalidu khibrad badan ayay u yeelatay shakhsiyaad iyo kooxo xagjir ah iyo la noolaantooda ama iska dhicintooda. 

Waxaan markaa saaxiibbadeey ka codsanayaa in ay gacan iga siiyaan jawaabaha laba su’aalood:

1) Waa maxay kaalinta ay saxaafaddu ku leedahay dhiirri-gelinta dhallinyarada qaadanaya fikradaha xagjirka ah?

2) Waa maxay kaalinta ay saxaafaddu ka cayaari karto in dhallinyaradu aanay qaadan fikrado xagjir ah iyo in kuwa horey u qaatey ay ka soo noqdaan?

Waxaan ka hadlayaa dhallinyarada Soomaaliyeed. Saaxaafadda aan ka hadlayaana waa Radio, TV, Wargeysyada, Baraha internetka iyo saxaafadda bulshada sida Facebook, twitter, youtube iwm. Qofkii aan jecleyn in uu fikirkiisa halkan ku soo bandhigo, waxaan ka codsanayaa in uu keligeey ii soo diro.