Total Pageviews

Tuesday, 5 May 2015

Farriinta John Kerry


Tarjumo aan Rasmi ahayn 
Yusuf-Garaad


Maanta waxaa sharaf ii ah in aan noqday Xogayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee ugu horreeyay ee booqda Soomaaliya.

Waxaan la kulmay hoggaamiyayaasha Dowladdiinna iyo wakiillo bulshada rayidka.

Laakiin waxaa kale oo aan rabaa in aan fursadda ka faa’iideysto oo aan idinla hadlo dadka Soomaaliyeedow.

In ka badan 20 sano mar laga joogo, Mareykanka waxaa lagu khasbay in uu ka baxo waddankiinna. Hadda waan soo laabaneynaa annaga oo la kaashaneyna beesha caalamka. Annaga oo rajo weyn qabna, laakiin uu ku dhafan yahay walaaca jira.

Booqashadeyda gaaban waxay ii xaqiijisay wixii diblomaasiyiintayadu ay ii sheegi jireen. In Soomaalidu ay tahay dad adkeysi badan, ayna idinka go’an tahay in dalkiinna iyo mustaqblkiinna aad dib uga hanataan arga-gixisada iyo kooxaha malliishiyada ah ee isku dayay in ay idinka qaataan.

Rubuc qarnigii na dhaafay waxaa idin soo maray xanuun aad u badan. Oo idiinka yimid dagaal, dembiilayaal, dhib xag jir, cunto yari ba’an iyo in aad nabad ku joogi kari weydeen xataa tuulooyinkiinna iyo guryihiinna.

Waxaan shalay Kenya kula hadlay qaxooti ka yimid Dhadhaab oo guryahoodii ka soo qaxay si looga magan geliyo waxyeello, baqdin iyo dagaal.

Waxaan la kulmay 15 jir ah, 18 jir iyo 20 jir Soomaali ah oo aan weligood ku noolaan meel aan ahayn xero qaxooti, ayada oo lagu jiro xilli aan asaga oo kale hore noo soo marin oo dunidu ay koobnaatay.

Laakiin Soomaaliya ayaan maanta imid sababta oo ah dalkiinnu wuu is beddelayaa. Saddex sano ayaa ka soo wareegtay markii Dastuur cusub oo KMG ah la qaatay.  Baarlamaan la dhaariyay.

Ayaga oo taageero ka helaya AMISOM, ciidammada Soomaaliya waxay al Shabaab ka saareen xarumiha ay dadku ku badan yihiin. Dadaal caalami ah oo ujeeddeysan waxaa uu suuqooda soo xiray ku dhowaad dhammaan burcad badeeddii Soomaaliya.

Abaalka badankiis idinka oo ah dadka Soomaaliya ayaa leh. Idinka dartiin ayay nolol cusubi ku soo laabatay waddooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhaba iyo Garowe iyo meelo kale. Ganacsiyo hor leh ayaa la furay. Qurbo joogtuna wey soo laabanayaan si ay uga faa’iideystaan fursadaha dhaqaale ee cusub iyo si ay gacan uga geystaan dib u dhiska dalkooda.

Dabcan shaqo badan ayaa harsan si dalkiinna loogu xaqiijiyo mustaqbal nabad ah oo wax soo saar leh. Waan fahamsan nahay taas. Intii aan maanta wadahadalka kula jiray madaxdiinnana, waxaan culeyska saaray tallaabooyinka soo socda ee ay tahay in la qaado ee Higsiga 2016, si kor loogu qaado horumarka Soomaaliya iyada oo mideysan haddana Federaal ah.

Dowladda Federaalku waxay hadda la shaqeyneysaa Maamul Goboleedyada Cusub, si loo xoojiyo xasilloonida looguna abuuro miraha wax soo saarka qeyb kasta oo ka mid ah Soomaaliya. Waxaa taas ka mid ah in la helo miisaanka saxda ah ee awoodaha iyo mas’uuliyadaha ay kala leeyihiin Federaalka, Gobollada iyo dowladaha hoose.

Waxaanna rajeynayaa in aan mar dhow arki doono horumar laga sameeyay in ciidammada Gobollada lagu daro ciidanka Qaran ee Soomaaliya si aan u awoodno in aan ballaarinno taageeradeenna amni ee xoogaggaas.

Dowladdu waxay kale oo ay ka shaqeyneysaa dhammeystirka dastuurka iyo qabashada doorashooyin dimuqraaddi ah 2016. Adinku, waa adinka dhammaantiin, waa khasab in aad cod ku lahaataan howshaas.

Madaxdiinnu waxay mar kale maanta ii xaqiijiyeen in ay ka go’an tahay in ay horumar ka sameeyaan arrimahaas. Iyo in ay xaqiijiyaan in is afgarad baahsan laga gaaro sida ay dib u eegista dastuurku u dhaceyso iyo sida doorashooyinku ay u qabsoomi doonaan.

Kulligeen waxay dani noogu jirtaa guushiinna. Dunidu ma xammili karto goobo khariidadda ku yaal oo aan maamul lahayn. Taas ayaa u sabab ah in Soomaaliya ay ka dhisanto dowlad waxgal ah in ay tahay fursad taariikhi ah.

Aqoonsiga horumarka la sameeyay iyo tallaabiyinka la ballan qaaday dartood, waxaan ku faraxsan ahay in aan ku dhawaaqo in Mareykanku uu billaabayo shaqada lagu suurta gelinayo howlgal diplomaasi oo Muqdisho ka hirgala. Inkasta oo aynaan qabsan taariikh go’an oo si rasmi ah Safaaradda dib loogu furayo, waxaan kor u qaadeynaa wakaaladdeenna diblomaasi.

Ayada oo ay rahman tahay ansixinta Senate-ka, Diblomaasi ruug caddaa ah, ayaa hoggaamin doona dadaalkaas. Waxaana uu ahaan doonaa Danjirihayagii ugu horreeyay ee Soomaaliya tan iyo markii aan xirnay safaaraddayadii Jannaayo 1991.

Waxaan dhowrayaa, Madaxweynuhuna sidoo kale, maalinta Mareykanka iyo Soomaaliya uu mid waliba kan kale caasimaddiisa ku lahaan doono Safaarad dhammaystiran.

Waxaa kale oo aan dhowrayaa marka aan dhihi kari doonno, ayada oo caalamka oo dhami uu arkayo hubinna karo, in dalkani uu si buuxda u mideysan yahay. Uu awood Goboleed ku biirinayo Himilo Qaran. Awood u yeesho in uu qaxootigiisa dib ugu soo dhoweeyo dalka. Uuna xaqiijiyo Soomaaliya cusub oo maqaam sharaf leh ku leh Golayaasha heer Gobol iyo kawa heer Caalami, qarniyo badan. Howshaasi waa midda adinka oo keliya - dadka Soomaaliyeedow aad keligiin qaban kartaan.

Ayada oo ay kala mid yihiin xubno badan oo beesha caalamka ah, Dowladda Mareykanku waxay diyaar u tahay in ay sameyso wax kasta oo aan karno si aan u caawinno Soomaaliya, in ay gaarto amniga, horumarka iyo nabadgelyada aad mudan tihiin.

Waad mahadsan tihiin dhammaantiin.

Sunday, 3 May 2015

Guuleed maxaa la Gudboon?


Cabdikariin Xuseen Guuleed waa La Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynaha. Waana Murashax Dowlad Goboleed – ay dhisanayaan Galguduud iyo Mudu… Raalli ahow, Dowlad Goboleed Gobollada Dhexe.

Waxaan maanta dhegeystay Guuleed oo idaacad ka dhaliilaya war murtiyeed shalay ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha oo ku saabsan fadhigii Garowe. Ma hubo in uu murashax ahaan u hadlayay iyo in uu u hadlayay La Taliye Madaxweyne ahaan.

Waan fahmi karaa Cabdikariin maaddaama uu murashax yahay wuxuu rabaa in uu dadka Gobollada Dhexe isugu muujiyo in uu iyaga u hadlayo oo ayaga u maqan yahay. Waana laga yaabaa in ay taasi sax tahay.

Laakiin waxay taasi wax u dhimeysaa dhaqanka Dowladnimo ee dalkeenna. Maaddaama aanay habbooneyn in uu La Taliyaha Siyaasadda ee Madaxweynuhu uu idaacadaha ka dhaliilo war siyaasadeed oo ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Guuleed waxaa la gudboon in uu xilka faraqa ugu jira iyo midka geedka saaran ee uu ku hamminayo labada mid ka tanaasulo.

Taasi waxay u suurta gelineysaa in midka uu doorto uu u madax bannaanaado, uguna adeego si buuxda oo xor ah oo aan midka kale lagala tashaneyn lagana tasdiiqineyn.

Thursday, 30 April 2015

Siyaasadda iyo Soohdinta Sarkaalka




Taliyaba Booliiska (bidix); Taliyaha Asluubta (midig)
Golaha Wasiirradu wuxuu maanta magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Maxamed Sheekh Xasan Xaamud iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta, General Bashiir Maxamed Jaamac.

Waa laba sarkaal oo aqoon u leh amniga, horeyna u soo noqday Taliyayaal ciidan. Waa laba wax bartay oo dhal magaal ah. Waan u hambalyeynayaa. Waxaan Ilaaheey uga baryayaa in uu ku guuuleyo daryeelka ciidanka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha si sugid amni oo sharciga waafaqsani ay ugu suurta gasho.

Dhanka kale, lama inkiri karo in ay yihiin siyaasiyiin Xubno ka noqday labada Gole. Ciidan iyo siyaasadna waa la kala leexiyaa. Waa laba shaqo oo dalku u baahan yahay, ayaguna isu baahan laakiin aan is geyin. 

Siyaasaddu iyadaa dejisa hindisaha guud ee ciidanku ku shaqeynayo, baaxaddiisu inta ay noqoneyso iyo miisaniyaddiisu waxa ay tahay. Si kale haddii loo dhigo siyaasaddu iyada ayaa hagta ciidanka.

Taliyayaasha ciidanku waa in ay ahadaan qaar aan go’aankoodu ku saleysneyn siyaasad ee ay hagto baahida amniga iyo tan ilaalinta sharciga. Marnaba aan mowqif iyo go’aan siyaasadeed qaadan, marka laga reebo in ay si dimuqraaddi ah codkooda qarsoodi ugu dhiibtaan sida muwaaddin kasta oo kale.

Ciidan waa laga dallici karaa oo siyaasad waa loo gudbi karaa sida General Diini iyo qaar kale o badan. Laakiin siyaasadda inta laga soo baxo Generaal ciidan ma la noqon karaa? Waa su’aal ay u baahan tahay in ay dowladdeennu is weydiiso, xeer ka dejiso, ciidankana ay ku wargeliso.

Midda kale si loo dhowro heybadda iyo anshaxa saraakiisha, mooraalka ciidanka iyo kalsoonida uu shacabku ku qabo ciidanka, waa in la dabraa hammiga siyaasadeed ee sarkaalka. General xaq waa u leeyahay in uu siyaasadda galo, laakiin horta waa in uu ciidanka ka baxaa isaga oo og inuusan ku soo laaban kari doonin. Waa in ay noqotaa markii ugu dambeysay ee ciidankeenna lagu dhex arki lahaa isaga oo lebbisan.

Madaxdana waxaan ka codsanayaa in ay u turaan oo xurmeeyaan dalka iyo nidaamkiisa. Ma ahan in ay ahaato waan falayaa, sababta oo ah waan karaa.

Waa maxay farriinta ay magacaabiddani u direyso sarkaalka waddaniga ah, anshaxa wanaagsan ee howlkarka ah ee khibradda leh ee hammiga ku haya in uu maalin ciidanka hoggaamiyo?

Anigu waxaan siyaasi u aqaan xubnaha Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirrada ee heer Federaal iyo heer Gobol, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo xubnaha Xisbi Siyaasadeed oo diiwaan gashan.