Total Pageviews

Sunday, 13 September 2015

"Isu-gacan-qaad" ma aha "Is-gacan-qaad"

Saxaafadda qaar waxay qoreysaa Baarlamaanka Somaaliland oo la isku gacanqaaday.

Haddii la is-gacan-qaado macnaheedu waa in gacanta la isku salaamo ama la heshiiyo.

Haddii arrinta aad ula jeeddo in la is yeday ama yed la isku dhuftay waa la isu-gacan-qaaday ee la isma-gacan-qaadin.

Saturday, 12 September 2015

Xeer iyo Xeer - Jajab

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxman Cirro (dhex) iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Baashe Maxamed Faarax (bidix) oo ah laba mas’uul oo aan ixtiraamo waxay maanta ku kaceen gef iyo foolxumo.

Inkasta oo ay raalli gelin bixiyeen haddana Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenkiisu in ay isku feeraan Golaha Wakiillada Soomaaliland oo fadhiya waxay ahayd sharaf-dhac.

Inkasta oo maalmahan aan murankooda si xiiso leh ugala socday saxaafadda, haddana doorkeyga ma ahan in aan isku dayo in aan labada mas'uul midkood aan si gooniya farta ugu fiiqo. Mana doonayo in aan mid la safto.

Waxaan arrintaan maanta Hargeysa ka dhacday aan u soo qaatay ma ahan in aan uga sii daro ceebta labada mas’uul. Waxaa iiga muhiimsan casharka laga baran karo.


Kala dambeyn, shuruuc iyo xeerar kala haga dadka marka la hareer maro waxa keliya oo dhici karaa waa fowdadii maanta ka dhacday Golaha Wakiillada Somaliland.

Khalad wuu dhacaa, laakiin waxaa la isku dhaafaa sida loo saxo ama looga gaabiyo in la saxo.


Saturday, 5 September 2015

Xaashi Bulxan


Xalay waxaa aad ii damqay markii aan daawaday Sarkaal sare oo militeri ah, oo dalka u soo shaqeeyay, oo waayeel ah, oo jooga caasimaddiisa oo kamera horteed ku ooyaya. Waa Gaashaanle Sare Xaashi Bulxan.

Waxa uu tirsanayaa caddaalad darro. 

Anigu ma ogi kiiska. Dhinacyada kalena ma dhegeysan dooddooda.

Xaq ayuu ugu leeyahay Dowladda Hoose iyo Dowladda Federaalkuba in ay ka garbaxaan mas’uulkaas. Oo haddii uu gar leeyahay la siiyo gartiisa.

Annaguna shacab ahaan, xaq ayaan Dowladda ugu leennahay in ay noo fasirto sida ay wax u dheceen, isla markaana ay si daahfuran noogu xaqiijiso in mas’uulkaas kiiskiisa la marsiiyay sharciga dalka.

Caddaalad soo daahday waa caddaalad xumo.


Friday, 4 September 2015

Qaboojiye


Wiil ka mid ah dhallinyarada ilaalisa madaxda ayaa la weydiiyay bal in uu yaqaan AC. Wuxuu ku jawaabay waan aqaan oo waa kan kuleylka badan.

Ninkii sheekada ii sheegay wuxuu ku macneeyay in wiilkaasi uu mar kasta taagan yahay qolka uu qaboojiyuhu ku jiro dibaddiisa oo ah dhanka uu qaboojiyuhu ka sii daayo hawada kulul. Qolkaas oo Xafiis ama guri u ah qofka madaxda ah ee uu ilaalinayo. Waxaan u qaatay in ay tahay sheeko curis ah laakiin nuxurkeedu intaa ka badan yahay.

Marka aad meel qabow ku jirto xusuusnow meel qorrax ah waxaa taagan dad dhallinyaro u badan si ay u xaqiijiyaan in aad adigu qabowga fariisato. Haddii aad Hotel ama guri deggan tahay dadka qorraxda kuu taagan waxaa ka mid ah ilaalada albaabka hore joogta. Waa haddii degaankaagu uu ilaalo leeyahay.

Haddii aad magaalo nabad ah deggan tahay, dad ayaa meel ay xabbadi ka socoto ama mar kasta ay ka billaaban karto jooga si ay u xaqiijiyaan in aad adigu halkaaga nabad ku joogto.

Waa muhiim in la is xasuusiyo in Dhallinyarada qorraxda iyo khatarta jooga lagu qaddariyo dadaalkooda loona abuuro fursado ay hore ugu tallaabsadaan.

Saturday, 29 August 2015

Gunaanadka Carwada Buugaagta ee Muqdisho



Xalay waxaa la igu casumay in aan hago Dood ku saabsan saameynta shisheeye ee dhaqanka iyo af Soomaaliga. Waxay ahayd Dood lagu soo gunaanaday Carwada Buugaagta ee Muqdisho.

Waxaan aad u jecleystay qorayaasha iyo cilmi baarayaasha culculus ee  dooddii xalay, sida Prof Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Faarax Cali Idaajaa, Jawaahir Cabdalla Xaaji, Maxamed Shiikh Xasan iyo Axmed Johari Bilaal.

Waxaa iyaguna i cajab geliyay dhallinyarada faraha badan ee wiilal iyo gabdho leh iyo dadweynaha kale ee halkaa isugu soo baxay, oo weliba kuwoodii hadlay ay muujiyeen faham, codkarnimo iyo daneyn i cajab gelisay.

Isugeyn waxaan ku faraxsan ahay sida quruxda badan ee loo soo abaabulay munaasabaddaas. Waxayna ka mid tahay waxyaabaha i rumeysiiya in dhallinyarada Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin aqoon iswedyaarsi iyo horukac haddii lagu dhiirri geliyo, gacanna lagu siiyo in ay is abaabulaan.

Sawirradu waa saddexdii maalmood ee ay Carwadu socotay.

Friday, 14 August 2015

Halbeeg

Waxaan si deggan u akhriyay sagaalka bog ee dacwadda ka dhanka ah Madaxweynaha oo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanku ay u gudbiyeen Guddoonka. Waxaan si taxaddar leh u dhegeystay labaatameeyo daqiiqo oo ah jawaabta Madaxweynuhu uu ka bixiyay arrinkaas.

Waxaa ii soo baxday kala war la’aan. Waxaa ii soo baxday in aan isku mowjad laga hadleyn.

Labadii Dowladood ee tan ka horreeyay waxay galeen qulub markii uu soo dhowaaday dhammaadkii xilligoodu. Qulubkaas waxaa uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ku kallifay in uu isagu iskiis isu casilo. Halka Madaxweyne Shariif uu isagu helay sannad kororsiimo ah, ka dib markii uu aqblay in Ra'iisal Wasaare Maxamed Cabdullaahi uu dibadda dhigo.

Laakiin hadda waxaa ii soo baxday in la galay marxalad siyaasadeed oo aanuu jirin siyaasi Soomaaliyeed oo khibrad u leh. Waa markii ugu horreysay ee Guddoonka Baarlamaanku uu si rasmi ah u qabto mooshin la doonayo in xilka looga qaado Madaxweyne muddadii loo doortay aanay dhammaan.

Waxaa ii soo baxday in aanay jirin Maxkamad Dastuuri ah oo is hor taagta mooshinka ama u qirta in uu haysto qiil sharci ah oo ay tahay in Baarlamaanku uu dood ka furo aakhirkana cod u qaado.

Waxaa ii soo baxday masiirka umadda Soomaaliyeed in uu aad gacanta ugu sii galay tiro yar oo aan saanta isla haysan.

Wuxuu mar kale marayaa meel u baahan in inta yar ee go’aanka ku lihi ay aad uga baaraan degaan waxa ay ku dhaqaaqayaan, sida ay sharciga dalka u waafaqsan yihiin iyo sida ay ugu adeegayaan danaha dadka Soomaaliyeed. Meel u baahan in ay ka dhowrsadaan nin jecleysi ama nin iska dhicin.

Waxaa ii soo baxday in loo baahan yahay in laga dhowrado oraah ama fal kasta oo xaabo u noqon kara dabka la shiday in uu sii qaxmo.

Waxaa ii soo baxday in amniga loo baahan yahay in la xoojiyo si aan khilaafkan looga faa’iideysan.

Waxaa ii soo baxday in Guddoonka Baarlamaanka looga baahan yahay in hey’adaha Dowladda iyo dalkaba aanuu ku sii dheereyn dhiig baxa ee arrinkaan dhakhsa u soo afjaro.

Waxaa ii soo baxday in go’aan kasta oo la qaadanayo ay tahay in laga baaraan dego sida uu meel mar ku noqon karo.

Waxaa ii soo baxday halbeegga lagu jimeyn karo xalku in uu yahay in la is weydiiyo waxa u dan ah dadka iyo dalka Soomaaliyeed marxaladda uu 2015 marayo.


Waxaan xusuusinayaa jilayaasha siyaasadda maanta, in aanay dalka keligood lahayn. In in badan oo fahamsan waxa socda, xog ogaal ah, dalkooda daneynaya, bannaanka ka ah xeyndaabka siyaasaddu ay daawanayaan cayaarta garoonka ka socota iyo garsoorayaasheeda. In ay daawanayaan qofka si sharci ah u cayaaraya iyo midka sharci darrada ku socda. In dadka Soomaaliyeed ugu yaraan qaar ka mid ahi ay gartaan qofka dadka u adeegaya iyo kan ka adeeganaya sida in aan berri la gaari doonin.

Tuesday, 4 August 2015

Kulan Danjiraha Shiinaha, Warsame


Zhang Nan oo ey tababbaraya
Saldhigga militeri, Linti, Shandong
November 17, 2009.
Iqilu.com
Shalay ayaan isku soo baxnay Danjiraha Shiinaha ee Muqdisho, Wei Hongtian.

In kooban oo aan wadahadalnay, Danjire Warsame waxaan u gudbiyay tacsi shakhsi ah khasaarihii soo gaaray Safaaradda Shiinaha, gaar ahaan geerida Zhang Nan oo ka mid ahaa ilaalada safaaradda oo weerarka ku geeriyooday iyo kuwa dhaawacmay.

Danjiraha oo ay Soomaali badani u taqaan Warsame, waxaa magacaas loo bixiyay mar aan arday ka wada ahayn Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Waana nin dhaqanka iyo Afka Soomaaliga wax badan ka yaqaan.


Meydka Zhang Nan,
garoonka dayaaradaha ee caalamiga ah ee Jinan,
Gobolka Shandong. Sawir: Sinhua / Lu Yaqi
January 2014 ayuu habeen ii sheegayay aragtidiisa Muqdisho oo ahayd in waxa ugu muhiimsan in magaalada laga qabtaa ay tahay in amniga la sugo. Annaga oo weli sheekadeenna wadanna ayaa laba baabuur oo is qarxinayaa ay weerar ku soo qaadeen goobtii aan fadhinnay.

Wuxuu berigaa u yimid sahan ay dowladdiisu u soo dirtay in safaarad laga furi karo Muqdisho iyo in kale. Qaraxyadii, rasaastii, geeridii, dhaawicii iyo argaggixii habeenkaas waxaan is lahaa amuu Shiinaha u quus gooyaa?

Laakiin bishii Oktoobar 2014 ayaa Safaaradda Shiinaha dib looga furay Muqdisho, ka dib markii ay xirnayd 23 sano.

Weerarkan hadda ugu dambeeyay waxaa safaaradda Shiinaha uga dhintay Zhang Nan oo ah 29 jir ka tirsanaa ciidanka Shiinaha 11 sano. Laba kalena wey uga dhaawacmeen.

Markii meydka iyo labada dhaawaca ah laga dejiyay garoonka Jinan, waxaa isugu soo baxay dadweyne, Wakiillo ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Saraakiil sare oo militeri ah iyo saraakiisha degaanka si ay u sharfaan Zhang Nan, reerkiisana ugu tacsiyeeyaan.
Danjire Warsame


31-kii January ayaa shaqadiisa ugu horreysay dibadda loogu diray Soomaaliya. Tan iyo markaasna wuxuu ku guuleystay dhowr abaalmarinood.

Safaaradaha Shiinaha, Masar, Qatar iyo Kenya waxaa xarun u ah Hotel Jazeera oo qarax lala beegsaday Axad 26 Julay 2015.

Dhowor iyo toban ruux oo u badan dad waddada marayay iyo qaar xaafadda ah ayaa ku dhintay dhowr iyo toban ruux, wuxuuna dhaawac gaarsiiyay dhismaha dhinac ka mid ah lixda dabaq ee Hoteelka iyo dhismayaal badan oo agagaarka Hoteelka ah oo isugu jira guryo iyo xafiisyo.

Qaraxa oo weriyayaal reer Muqdisho ahi ay ku tilmaameen kii ugu weynaa ee magaalada ka dhaca, ma noqon kii ugu khasaaraha badnaa.