Total Pageviews

Friday, 11 November 2016

Aniga iyo Beatrix - Shalay iyo Maanta

New York 2016
1987 waxaan safar baabuur ah uga baxay Muqdisho. Waxaan ku tegey Borama.
Waxaan ku sii hoyday Beled Weyne, Gaalkacyo, Berbera oo bandow ay saaran tahay. Ka dib waxaan tegey Hargeysa oo aan uga gudbay Borame aniga oo ku soo hakaday Gebileey oo uu roob lixaad lihi ka da'ayay iyo Gurayo-Cawl. Howsha aan waday awgeed magaalo kasta oo aan sii maray sida saacado ayaan ka shaqeynayay qaarkoodna maalin gelinkeed.

Soo laabadkii waxaan ku hoyday Sheekh iyo Garowe ka dibna waxaan aaday Boosaaso. Waxaan ku hakannay Qardho oo gabar walaalkeed uu ku xiran yahay Ethiopia aan farriin u geynay midna aan ka soo qaadnay. Waddada Garowe iyo Boosaaso markaas ayaa la dhisayay. Gabadhaas oo sannadkan aan la xiriiray aniga oo walaalkeed raadinaya waxaan ka war helay in uu geeriyooday. AUN.

Muqdisho markii aan ku soo laabtay waxaan u baxay safar kale. Waxaan aaday Luuq aniga oo ku sii hoyday Buur Hakaba iyo Baydhaba. Markii aan laba habeen joogay xerada Qaxootiga Halbo ee Luuq, waxaan aaday Garbaahaarreey, Buurdhuubo iyo Qansax Dheere si aan Baydhaba ugu hoydo inta aanan Muqdisho ku laaban.

Buurta Sheekh 1987
Intaas waxaan wada soconnay Beatrix Attinger oo labadeenna uu midba mar waday gaariga Land Cruiser-ka ah ee aan ku soconnay. Waxaan labadeennuba u shaqeynay Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ICRC. Howsha aan wadnay waxay ahayd sidii aan Maxaabbiista ay dagaalka ku qabsatay Ethiopia ee dalkeeda ku xirnaa 10 sano aan ehelkooda oo mooda in ay dhinteen oo ka samray ugu sheegi lahayn in ay nool yihiin oo ay xabsi ku jiraan.

Berigaas ayaa Beatrix isugu keen dambeysay. Xalay ayaan isku aragnay New York oo ay safar ku joogto iyada oo ka timid Afrika. Waan wada casheynay oo sawirrada carruurteenna aan is tusnay. Sida laba Soomaali ah oo qurbo iska helay horena isu yaqaannay ayaan marba magaalo ka sheekeysannay.

Waxaan u sheegay in aan jeclaan lahaa in aan Soomaaliya ku martiqaado si aan isla waddadii ugu safarno oo magaalooyinkii oo dhan aan dib u booqanno aragnana isbeddelka ku dhacay laakiin hadda aanuu suurta-gal ahayn safar kii la mid ah.

Labada Sawir mid waa xalay waa New York. Beatrix waxay hadda u shaqeysaa UN. Midka kale waa 1987 sawir aan uga qaaday buurta Sheekh dusheeda inta aynaan ka hooban oo aynaan qado u fariisan Huddus ama Huddisa.

Tuesday, 8 November 2016

Aniga iyo Laptop-keyga - Saaxiibbo aan is Aqoon

MacBook Air-keyga waxaan ku aqaan in uu yahay mid maskaxdeyda kaba. 

Intaa wax baan ka akhristaa. Cod baan ka dhegeystaa. Muuqaallo xargagan iyo kuwa dhaqaaqaya ayaan ka daawadaa. Xogteyda ayaan ku keydsadaa. Waxaan ku qoraa xogta aan akhristayaasheyda la wadaagayo oo ay ka mid yihiin sadarrada aad hadda akhrineyso.

Marmar isaga ayaa ila taliya ama i tilmaama. Laakiin saaka waxaan ogaaday in aniga iyo computer-keygu aynaan weli si fiican isu aqoon.

Maskaxdeydu waa ay og tahay in aan Soomaaliya ka soo tegey. Laakiin jirkeygu wuxuu la hasytaa wakhtiga Soomaaliya. Xilli halkaan weli habeen ah ayaa jirkeygu i soo toosiyay, asaga oo mooda in hurdo ila tagtay oo galab aan joogo sida dalkii aan ka imid.

New York

Markii aan shiday compiyuutarka waan qiyaasayay in uu isagu og yahay magaalada aan joogo. Wuxuu igu yiri, waa maalin doorasho ee kac oo codkaaga dhiibo. Bar ayuu ii tilmaamay uu i leeyahay dhag-sii si aad u ogaato sida aad ku tegi karto 1,205 goobood oo New York laga codbixinayo.

New York waa magaalada ugu weyn Mareykan. Waa magaalada ay maanta indhaha adduunku hayaan. Waa magaalada ay ku sugan yihiin labada murashax ee ku tartamaya doorashada Madaxweynaha Mareykan oo maanta dhacaysa.

Jaziiradda Manhattan oo igu dad badan 5-ta xaafadood ee NY
Waa New York magaalada ay labada murashax ay caawa ku daawanan doonaan marka ay natiijadu billowdo in ay iska soo daba dhacdo. 

Waa magaalda la filayo in labada murashax midkood uu isaga oo ay hor taagan yihiin taageerayaal badan kaga dhawaaqi doono in uu guuleystay oo uu yahay Madaxweynaha dooran.

Doorashadaan waxaa codeeya dadka Mareykanka oo keliya, laakiin saameynteeda tooska ah ama dadban waxaa laga dareemaa dunida oo dhan.

Dad iyo Dowlado aan Mareykan ahayn ayay saameysaa siyaaddooda, qaar kale waxay saameysaa nolosha, fursadaha iyo horumarkooda, qaar dhaqaalahooda, qaarna waxay saameysaa amnigooda.

Kombiyuutarka oo mararka qaar iga feejigan mar kastana iga xusuus badan sideen u baraa in doorashadani ay aniga iyo isagaba ay na saameyn karto, laakiin aynaan cod ku lahayn!

Saturday, 5 November 2016

Muqdisho sidaan Waad ka dhigi Kartaan

Saaka markii aan toosay waan kallahay. Waxaan maray mid ka mid ah waddooyinka laamiga ah oo uu Turkigu ka dhisay caasimadda Soomaaliya.

Waxaan tegey Terminalka cusub ee gegida daayaradaha ee Aden Cabdulle oo isagana uu Turkigu dhisay.  Waa terminal yar laakiin qurxoon. Nafis ayaad dareemeysa maaddaama saqafkiisu uu aad u sarreeyo, ifitiin wanaagsan aad haysato dibaddana aad arkeyso.

Miraayado ayuu ka sameysan yahay intiisa badan. Amniga, habsamida iyo nadaafadda waxaa si wanaagsan u dhowra ciidammada booliiska iyo kuwa kale ee amniga iyo hey’adda maamulka Airporka.

Waxaan iibsaday tikid dayaaradeed. Waxaan halkaa ka raacay dayaarad ah nooca Air Bus 321 – 200 oo ay leedahay Turkish Airlines oo ah sharikadda keliya ee caalamiga ah ee subax walba aad ku tegi karto kana raaci karto Muqdisho.

Intaas iyo qaar kale oo aanan xusin waxay astaan u yihiin xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga ee sii xoogeysanaya.

Taas ayay muujineysaa in Madaxweynaha Turkigu, Recep Tayyip Erdoğan, uu laba sano oo isku xiga safar ku yimaado dalkeenna.

Isla sababtaas ayaa Turkigu Muqdisho uga dhisay Safaaradda ugu weyn ee uu adduunka ku leeyahay.

Xaflad dhowaan lagu qabtay Safaaradda Turkiga ayaa dadka lagu martiqaaday waxaa ka mid ahayd gabar Soomaaliyeed oo Muqdisho moogeyd muddo dheer. Xafladda markii ay ka soo laabatay waxay ii sheegtay dareenkeeda.

Waxay igu tiri, dhismaha safaaradda Turkiga quruxdiisa markii aan waxoogaa daawaday waxaan illoobay in aan Muqdisho joogo. Waxaan u fahmay, ayay tiri,  farriin uu Turkigu u dirayo Soomaalida. Wuxuu ku leeyahay, “Muqdisho sidaan waad ka dhigi kartaan”.

Laba usbuuc ka hor ayay ahayd markii in ka badan boqol weriyayaal iyo blogle isugu jira ay Turkish Airlines ku martiqaadday magaaladan taariikhiga ah ee Istanbul si ay noo tusto horumarkeeda iyo sida uu Turkigu uga kabtay afgembigii dhicisoobay.

Mar aan la kulannay, Madaxa Turkish Airlines, Tamel Kotil, wuxuu noo sheegay in ay sharikaddu higsaneyso in ay sannadka 2023 ay dayaaradaheedu gaaraan 500.

Waxaa nala geeyay goobo dalxiis oo Istanbul ah waxaana meel kasta oo aan tagnay taariikhdeeda nooga warramayay dad loo tababbaray oo saddex bas oo aan la soconnay mid Ingiriis ugu fasirayay, mid Faransiis midna Carabi.

Markii uu Erdoğan booqday Muqdisho isaga oo Ra’iisal Wasaare ah, ayaa waxyaabo aan Turkiga ka akhriyay waxaa ka mid ahaa buugga qoraaga weyn ee reer Istanbul, Orhan Pamuk ee la magaca ah magaaladiisa. Wuxuu ka hadlayaa xusuustiisa magaalada iyo dagaalka joogtada ah ee dhaqanka ku saleysan ee ka dhexeeysa ilbaxnimada casriga iyo bartii yaqaannimada. Ilaa berigaas labaatameeyo jeer ayaan tegey Istanbul welina kama bogan xiisaha aan u qabo taariikhdii hore ee magaalada iyo nolsheeda maanta.

Dayaaradda saaka naga soo qaadday Muqdisho waxay galabta na keentay gegida dayaaradaha ee Ataturk ee Istanbul oo isu diyaarineysa in ay ahaato gegida saddexaad ee Yurub ka dib Heathrow oo ku taalla duleedka London iyo Charles de Gaulle oo ah Paris.

Baasabboor Soomaali ah


Safarkeyga maanta waxaan ku kulannay dhallinyaro mas’uuliyiin ah oo ka socda Hey’adaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo shaqo iyo tababbarro u tegaya dibadda.

Waxaa ka mid ah labo mas’uul oo ka kala socda Arrimaha Gudaha iyo Beeraha. Midkood wuxuu u socday Geneva oo Switzerland ah midka kalena Bangkok oo ah Thailand.

Lix sarkaal oo ka tirsan Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu waxay tababbar u tegayeen Denmark.
Waa kuwa sawirka ka muuqda. Waa Daa'uud Cabdi Caddaawe, Mahad Cabdi, Xasan Maxamed Yusuf, Cumar Macallin Nuur, Maxamed Cabdullaahi Aden, Cabdiraxman Caadle iyo Cabdullaahi Xasan.

Waxaa isaguna sawirka ka muuqda Agaasime ka tirsan Wasaaradda Beeraha, Cabdullaahi Xasan oo safar Shaqo ku tegeya Bangkok, Thailand Iyo aniga.

Marka aad joogto Istanbul, Turkish Airlines waxay kugu xireysaa 243 magaalo oo ku yaal 116 dal oo jiha kasta kaa xiga.

Halkaas ayaan ku kala leexannay oo aan jihooyin is khilaafsan u kala duulnay aniga iyo saaxiibbadeyda hey’adaha Dowladda ka socday ee aan saaka Shaqo Qaran awgeed uga soo wada safarnay Muqdisho.


Howlwadeennada Dowladda ee aan safarka wada ahayn, midkeenna kuma socon Baasabboor aan Soomaali ahayn.

Thursday, 3 November 2016

Aaska Cabdullaahi Ciise 1988 - Qeybta Koowaad

Inta aan taariikhda ku hayo waxay ahayd markii ugu horreysay ee meel maxfal ah uu Maxamed Siyaad isaga oo Madaxweyne ah uu la soo istaago Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Aden Cabdulle Cusmaan.

Waa Qabuuraha Qaranka oo ahaa meel ka soo horjeedda Tiribuunka. Waa aaskii Cabdullaahi Ciise, oo ahaa halgamaa Gobannimo doon ah, isla markaana hoggaamiye u ahaa Xukuumaddii Daakhliga ahayd.

Waa ninkii ay Soomaalidu u dirsatay Qarammada Midoobay magaalada New York si uu qaddiyaddooda u daafaco.

Waa ninka markii Talyaanigu yiri waa in lagu tallaalaa si aad buug caafimaad u qaadato marka aad aadeyso New York sy Soomaalidu ka baqday in la sumeeyo ama ugu yaraan uu ku qandhado tallaalka. Halgamaa Maxamuud Yusuf Muro oo ay isu ekaayeen Cabdullaahi Ciise ayaa noo sheegay in uu isagu qaatay aqoonsigii Cabdullaahi oo uu magaca Cabdullaahi isku soo tallaalay una bareeray khatarta looga baqay Cabdullaahi Ciise.

Muro waxaa uu hadalkaa noo sheegay mar isaga iyo halgamayaal kale oo SYL u badan la keenay Jaamacdda oo ay nala hadleen annaga oo markaa arday ah.

Muro waxaa uu Cabdullaahi Ciise sidaa ku guddoonsiiyay buuggii caafimaadka isaga oo aan la tallaalin oo ka bedqaba khatarta lagu tuhmay tallaalka.

Naftii-hure Muro waxaa iigu dambey
Naftii-hure Maxamuud Yusuf Aden Muro
say isaga oo waayeel ah oo xanuunsan. Dadkii i dhihi jiray dadku inta ay nool yihiin waa in wanaaggooda la sheego si loogu qiro ama looga abaalmariyo, waa runtood, waxaan ku xujeysanayaa sida ay u qiimeeyaan Muro.

Cabdullaahi Ciise waa ninka ilaa beri dhow aan London ku arki jiray niman badmaax ah oo ku faana in ay ka mid yihiin Soomaalidii London ku soo dhoweysay kuna jiscintay Cabdullaahi Ciise.

Markii ay gobinnimada qaadatay, Soomaaliya waxay Cabdullaahi Ciise u magacwday Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda ee ugu horreeyay.

Qabuuraha Qaranka


Waa 1988. Galabta waxaa fagaaraha loo taagan yahay aaska Cabdullaahi Ciise.

Maxamed Siyaad wuxuu soo gaabiyay safar uu dhib kala kulmay oo uu ku marayay Gobollada woqooyi ee dalka. Wuxuu Madaxweynuhu wajahay Rabshado iyo kar aanuu hore ugala kulmin woqooyi. Dabcan karkaasi wuxuu marayay meeshii ugu dambeysay inta aanuu qarxin isla sannadkaas gudihiisa. Madaxweyne Maxamed Siyaad wuxuu toos ugu soo duulay Muqdisho si uu goobjoog uga ahaado aaska.

Ummad aad u fara badan ayaa isugu soo baxday xabaalaha. Qaar waxay daba socdeen baabuurka meydka sida. Annaga oo koox weriyayaal ah ayaan dusha ka saaran nahay baabuur siible ah oo dhigo leh.

Qaar kale waxay sii joogeen qubuuraha. Dadka qaarna marka ay arkeen aaska sida weyn loogu soo baxay ayay iyaguna ku biireen dadka xabaasha tuban.

Madaxweynaha waxaa dhinacyada ka taagnaa ragga ugu dhowdhow ee isaga ku soo xiga. Meel aan ka fogeyn oo isla safka hore ah kuna beegan Madaxweynaha Garabkiisa midig ayaa waxaa taagan Madaxweynihii koowaad ee Soomaaliya, Aden Cabdulle Cusmaan. 

Aden-Cadde in badan ayay soo wada shaqeeyeen Cabdullaahi Ciise. Markii uu Cabdullaahi madaxa u ahaa Xukuumadda, Aden-Cadde wuxuu ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kama badna laba ama saddex dadka labada Madaxweyne u dhexeeya. Ma arkayn anigu markii hore sida ay labadoodu isu salaameen ama loo soo dhex galay, laakiin waxaan si wanaagsan u xusuustaa markii la aasay meydka wixii dhex maray Madaxweyne Maxamed Siyaad iyo Madaxweyne Aden-Cadde.

Waxaa la keeny xirmo ubax ah oo lala soo hor istaagay Madaxweyne Maxamed Siyaad si uu qabriga u dul dhigo. Muu qaban ubaxa. Isaga oo gacanta Midig ku soo taagaya ayuu yiri u dhiiba Adan.

Keyd Media
Markiiba Adan-Cadde wuu ka cudur daartay, isaga oo gacnahana ka taagay si maya ah. Maxamed adigu qabo, adigaa xilka hayee, ayuu ku yiri cod aad u culus oo lagu yaqaannay Aden-Cadde lagana yaabo in murugada geerisu ay uga sii dartay.

Qof kale ayaan codkiisa maqlay. Wuxuu yiei maad isla qabataan. Qof kalena wuu ku celiyay erayadaas.

Markaas ayaa Maxamed Siyaad uu ubaxa dhinac qabtay, durba soo eegay Aden-Cadde isaga oo ku marti qaaday in uu dhinaca kale qabto.


Halkaas ayay Maxamed Siyaad iyo Aden-Cadde wadajir ubax u dul dhigeen qabriga Cabdullaahi Ciise. Saddexdaba Allah ha u naxariisto.