Ciid Wanaagsan
Inqaasta Yusuf-Garaad
Soomaaliyeey ciid wanaagsan. Waa maalin farxadeed. Waxay maalin
farxadeed u tahay carruurta iyo qof kasta oo soomay. Waa maalin cibaado. Waana
maalin saddaqo.
Farxaddaas si ay u muujiyaan, dadka awoodaa waxay isku marti
qaadaan qado, casho ama qaxwo. Qaarkood waxay isku casuumaan qaad. Qaarkoodna
miyuusik ama cayaaro dhaqan ayay tuntaan. Qaarkood waxay u baxaan dalxiis.
Carruurta waalidkood awoodo waxay ku labbistaan dharka ciidda. Waa
dhar cusub oo loo soo iibiyay si ay ugu ciidaan maalintaan farxadda leh. Waxaa
kale oo loo iibiyaa haddiyad sida mobile cusub, cayaar ama filim video ah, buufin,
firimbi, kubbad iyo waxyaabo kale. Ehelka soo booqda iyo deriska ayaa laga
yaabaa in ay ugu daraan lacag caddaan ah oo haddiyad ah. Waxaa loo kaxeeyaa
qaraabo salaam, makhaayad, xeebta, filim dibadda lagu soo daawado ama wareeg.
Marka laga reebo farxadda ciidda looma sinna damaashaadka kale. Waxaan ummadda inteeda kale la wadaagin dadka
saboolka ah iyo carruurtooda.
Waxaa laga yaabaa carruurta kuwooda aad u sii da’ yar ineysanba
garan karin sababta uu waalidkood sideedaba dhar ugu iibin waayay ama mid cusub
hadda ugu soo iibin waayay. Sidoo kale ma fahmi karaan sababta uu waalidkood ugu
keeni waayay haddiyadaha carruuraha kale loo keenay kuwo la mid ah.
Dadka saboolka ahi waxay joogaan xaafadaha magaalo kasta oo geeska
Afrika ah. Haddaad geeska Afrika joogto, uma baahnid in aad meel dheer ka
raadiso qof sabool ah. Bal daqiiqado yar jooji akhriska qormadaan ee hareeraha
fiiri bal in ishaadu qaban karto qof sabool ah.
Waan gartay. Haddii ay ishaadu qabatay qof sabool ah, is weydii – ma
ka farxin kartaa qofkaas?
Hadday ishaadu qaban weyday, mar kale akhriska jooji oo ka feker
deriskaaga. Ma ku jiraa qoys sabool ah?
Ma xasuusatay? Is weydii – maxaad qoyskaas u qaban kartaa ciiddan?
Maxaad uga farxin kartaa?
Dadka saboolka ah ee gargaarka u baahan waxaa ka mid ah kuwa ku
jira xeryaha Barakacayaasha iyo kuwa Qaxootiga.
Waxaan iyaguna farxadda si buuxda bulshada ula wadaagin dadka
yaalla Isbitaallada iyo kuwa kale ee iyaguna xanuunsan laakiin aan isbitaal gaarin
ama aan awoodin.
Dadkaasi waxay u baahan yihiin daawo, qaarkood waxaa kale oo ay u
baahan yihiin raashin, gogol iyo hu’.
Dadka xabsiyada ku jira, haddayba magaaladaadu ay xabsi leedahay,
iyagana farxaddoodu ma buuxdo. Baahi aanay iyagu dabooli karin ayaa u dheer
tahay.
Waxaa jira iyaguna dadka waayeelka ah ee ku nool qurbaha oo ay cidladu haysato, lagana yaabo in ay keligood nool yihiin.
Waxaa jira iyaguna dadka waayeelka ah ee ku nool qurbaha oo ay cidladu haysato, lagana yaabo in ay keligood nool yihiin.
Dadkaas oo dhan waa dad u baahan in la xasuusto, la booqdo, loo
gargaaro, lagana farxiyo ugu yaraan maalinta
ciidda. Maalmaha kale qofkii ku daraana
waa rag-ka-rooni.
CIID MUBAARAK. TAQABALAAHU MINNAA WA MINKUM SAALIXUL ACMAAL. Kheyr ALLAHA kusiiyo walaal Yuusuf Garaadoow, sida aad noogu baraarujisay kaalmeynta walaalaha Soomaaliyeed, ee dalka hooyo kudhibaateysan.
ReplyDeleteCIID MUBAARAK DHAMAAN MUSLIMIINTA OO DHAN GAAR AHAAN SOOMAALIDA Yuusuf Garaad walaal wax khayr leh Allaha ku siiyo mida kale eebbe ha kula garab galo dadaalka aad wado aakhirana dambi dhaaf aduunkana cizi iyo karaamo
ReplyDeleteCiid mubaarak Yusuf Garaad aad baad ugu mahadsantahay qoraalada xiisaha leh eed ummada Soomaliyeed la wadaagto, mar kale ciid mubaarak.
ReplyDeleteCiid Mubarak Yusuf Garaad
ReplyDeleteCiid mubarak mr yusuf garaad.
ReplyDeletewaad ku mahadsan tahay baraa rujinta aad dadka somalyeed ku baraa rujineyso iney is xasuustan, oo kooda wax heysta, kooda sa boolka soo xasuusto. ka farxiyo maalmaha dabaal daga damashaad ka , sida ciida oo kale
Yuusuf Garaad, CIID MUBAARAK!
ReplyDeleteWaxaad na xusuusisay farxadda weyn ee ciidda, in ay jiraan dad ay duruufo kala duwani hayaan oo ay farxaddoodu kala dhantaalantahay.
Inagoo wada faraxsan, aynu maanka ku hayno xanuunka ay leedahay ciddii ay haystaan duruufahaasi, aynuna u wada ducayno. Dadkeennan qurbaha ku nool ee waddankii ku soo garaadsaday/barbaaray way dareemi karaan arrinkaas.
Waxaan kula talinayaa waalidiinta qurbaha ku nool, ee Alle amni iyo barwaaqo siiyay, inay uga sheekeeyaan ubadkooda arrinta uu Garaadku ka hadlay. Hadday awoodaan inay waddamada saboolka ah dalxiis ku geeyaanna ka sii wanaagsan.
Ugu danbeyn qof kasta oo bloggan soo gala waxaan ka coadsanayaa, inuu uu u duceeyo Yuusuf Garaad mawduucaas muhiimka ah ee uu na xusuusiyay. Garaad, anigu waxaan ku leeyahay, Ilaahay if iyo aakhiraba waxaad jeceshay ha ku siiyo.
Walaalaha muslimiinta ah, gaar ahaanna bulsho weynta soomaaliyeen waxaan idin leeyahay CIID MUBAARAK.
yuusuf marka hore ciid mubaarak, culucaam wa antum bikheyr, sxb waxaa dhahday aqriska jooji kafikir dariskaaga qoys sabool ah maku jiraan? dariskaygu waa christian maxaan laqeybsan karaa?
ReplyDeleteYusuf garaad ciid mubaarak thank you for sharing with us this
ReplyDeleteEid Mubaarak sxb Yuusuf Garaad, aad ayaadna ugu mahadsan tahay qoraalka qiimaha leh ee aad kusoo bandhigtay bogaaga. Mar kale ayaan ku leeyahay mahadsanid sxb kheyrna allaha kaa siiyo
ReplyDeleteWalaal Yusuf Garaad Cumar Axmed, marka hore waxan ku leeyahay Ciid Mubaarak, adiga iyo ehelkaagaba, marka xigta waxan Ciid Mubaarak leeyahay dhammaan Ummadda Islaamka guud ahaan, gaar ahaanna Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxan leeyahay ku ciida farxad iyo rayn rayn. Marka xigta walaal Yuusuf waxan rabaa in aan kaaga mahad naqo arrintan qiimaha badan ee aad na xasuusiday oo laga yaabo in aaney dadka badankiisu beryahan aad ugu baraarugsanayn oo ay qof walba tiisu ka tan badisay. Waxan rabaa in aan ku daro inta uu Yuusuf Garaad qalinka ku dhuftay in aan ku daro inkastoo ay dhinac walba kasoo gelayaan "AGOONTA iyo NAAFADA" iyo dadka xannaaneeya ee ay ku tiirsan yihiin oo ay hubaal tahay in ay ayaguna yihiin dadka Soomaalida ugu saboolsan.
ReplyDeleteSalman Alaska, oo yiri deriskaygu waa Christian ee maxaan laqeybsan karaa? waxan leeyahay oo aan talo kusiinayaa "Ka fikir oo xasuuso Deriskaagii iyo Qaraabadaadii Soomaaliya iyo Geeska Afrika oo iyaga isku day in aad ka farxiso Maalmaha Ciidda intii aad awooddo.
Mar kale Yuusuf waad mahadsan tahay.
Magacaygu waa Adams Kevin, wakiil ka socda shirkada Adams bixinta amaah amaah laga amaahdo, waxaan siinayaa amaah ugu dulsaarka 2%. waxaan ku siin dhan nooc oo kala duwan oo amaah ah. haddii aad u baahan tahay amaah hadda nagala soo xiriir email this: adams.credi@gmail.com
ReplyDelete