Wadahadal hor leh
Inqaasta Yusuf-Garaad
Magaalada Addis Ababa ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ku
kulmaan Madax matalaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Madax ka socda
Maamulka Jubba ee dhowaan looga dhawaaqay Kismaayo.
Waxay labada dhinacba u tahay fursad ay uga gudbi karaan ismari
waaga hadda taagan oo aan Soomaali dani ugu jirin.
Ma ogi in labada dhinac midkood ama labadaba ay wax iska beddeleen
mowqifyadoodii hore oo ay hadda diyaar u yihiin tanaasul. Laakiin culeyksa
labada dhinacba haysta marka la fiiriyo rajo ayaa iiga muuqata in ay gaari
karaan heshiis.
Dowladda Federaalka waxaa cod gaaban iyo mid dheerba loogu sheegay
in aan Dowlad kale iyo maamul goboleed midkoodna ku haysan dalkeeda. In diyaar
loola yahay in Dekedda iyo Gegida dayaaradaha lagu wareejinayo. In iyada looga
dambeynayo xal u helidda mushkiladda.
Laakiin xaaladda guduhu sidaa wey ka duwan tahay. Magaalada waa
lagu dagaallamay, waxayna gacanta u gashay kooxdii ay dowladda kala ra’yiga
duwaanaayeen. Heshiis lagama gaarin
dagaalkii. Markaa ma muuqato si ay dowladdu isaga soo magacaabi karto
Maareeyayaal aan taageero ka haysan degaanka.
Markaa wixii ay dowladdu dalbatay oo ahaa in kaabadahaas dhaqaale
lagu soo wareejiyo, isla markaana ay ku guuleysatay in laga oggolaado, ayaa hadda
xujo ku noqonaya haddaysan heshiis la gaarin ciidanka magaalada fadhiya ee
Soomaalida ah iyo Madaxdooda.
Dhinaca Kismaayo waxaa hor yaalla in Shirkii muddada dheer socday,
ee ergooyinka boqollaalka ahi ay ka qeyb galeen natiijada keliya ee ilaa iyo
hadda laga hayaa ay tahay in lagu dhawaaqay magaca Jubbaland iyo in Madaxweyne
loo doortay.
Laakiin Madaxweynaha waxaa u suurta geli la’ in uu soo dhiso
maamul buuxa. Xitaa isaga xaflad caleema saar ah looma dhigin. Waxaa uga
darnaaday oo xujo ku noqday, dagaal, dacwadda iyo wadahadalka kala dhexeeya
Dowladda Federeaalka ah.
Waxaa intaa dheer in labada dhinacba ay khibrad qiimo badan ku
kacday ay ka heleen dadkii dagaalka Kismaayo ku dhintay oo labada dhinacba ay
mas’uuliyad ka saaran tahay.
Markaa labada dhinacba waxaa cad in ay isu baahan yihiin in ay
hore u tallaabsadaan, tallaabada koowaadna ay tahay in ay gaaraan is af garad.
Haddii wadahadalku qabsoomo, waxaan rajeynayaa in kulanka la filayo in uu ka dhaco Addis Ababa
uu noqdo mid baajiya dhiig dambe oo ku daata Kismaayo. Mid maamul goboleedka
Jubba u suurta geliya in uu dhammaystirmo noqdana mid bulshada degaanka
Jubbooyinku ay raalli ka yihiin. Inteenna kale ee daneyneysana noo suurta
geliya in aan u dalxiis tegi karno dhulka iyo xeebaha quruxda badan ee Waamo.
Mid dowaldda Federaalka u gacan banneeya in ay culeyska saarto
ammaanka Muqdisho, iska caabbinta Shabaab oo dhaallatus ka bixi la', dhammaystirka u diyaar garowga shirka Brussels iyo kan
New York iyo in ay wada xaajood la furto Puntland, si looga gudbo
khilaafka meeshii uu gaari karay gaaray ee kala dhexeeya Garowe, loona meel
mariyo isku shaandheynta saacaddii kow iyo tobnaad lala noqday ee lagu sameyn lahaa Golaha Wasiirrada.
wadahadal haday Dowladu wax ku xalin Muqdisho ayay ku nabadayn lahayd.
ReplyDeleteSalaan sare mudane Garaad. Waxaan ku weydiiyay ma xil baad ka qalqaalsanaysaa isku shaandhaynta la filayo mise jagaad ka rabtaa maamulka Jubbaland waa adiga nabadda rajaynayee?
ReplyDeleteWaxaan su'aashan kuu weydiiyay waa kaftan. Waayo wax walba ood ka hadashid dad baa su'aashaas ku weydiiya?
Sxb dadkaas dhag jalaq ha u siinnin, hana ka caajisin inaad nala wadaagtid aragtiyadaada iyo qoraaladaada xiisaha badan.
Dekeda kismaaYo kama Duwana Tan
ReplyDeleteBerbera iYo Bosaso SuurTo Galna
Ma ahan in iYada kaliya isha lagu
Hayo, siyaasad ahaan Meesha mamul
ba ka dhisan oo la mid ah puntLand
iYo Somaliland, Go'aan dibad kasoo
baxeyna ma ahan mid meel maraYa
waxeyna sheekadu ku danbeyn markasta
Fashil, iYo in wakhTiga La Iska qaado
Yusuf waa kun salamay runti talooyinka aad bixinayso waa dhaxalgal waana talooyin wax tari kara shacabka Soomaaliyeed waxaan Illaah ka baryayaa in Illah ku anfaco Dhinacyada aad talada u jeedineyso.
ReplyDeleteA/c yuusuf garaad waa ku salaamay
ReplyDeletesalaan ka dib fikrad ayaan wataa waayo aniga webkaga aad ayaan u arriistaa
habay webka ama aan ku habayno Riix Halkaan
sidaan u aragto nagshada blog http://wadanionline.blogspot.nl/
Email:info@wadaninews.net