Shir ay 1977
yeesheen Hoggaamiyaha Cuba iyo Hoggaamiyaha Jarmal Bari ayay uga hadleen
Soomaaliya iyo Ethiopia. Arkiifiyada Jarmalka ayaa 2005 dibadda soo dhigtay
wixii lagu wada hadlay. Waxaan u tarjumay Soomaali. Warbixinta aad halkan
ka akhrin doonto waa hadalkii Fidel Castro oo keliya.
Waxaa fadhiga goob
joog ka aha Jaallayaasha kala ah Hermann Axen, Werner Lambez, Paul Verner, Paul
Markowski (oo ay wehliyaan Jaallayaasha kala ah Edgar Fries iyo Karlheinz Mobus
oo u tarjumayay), Carlos Rafael Rodriguez, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo,
Jose Abrantes.
Aragtidan, anigu
kuma darin teyda iyo tu qof kale toona. Sidoo kale ma falanqeyn, faallana
kamaan bixin. Ujeeddadu waa in aan kuu soo bandhigo waxa uu Castro afkiisa ka
yiri si aad u fahamto aragtida uu ka qabay xaaladaha Soomaaliya iyo Ethiopia
iyo hoggaamiyayaashooda.
Waxaan is leeyahay
waxaa halkaa laga fahmi karaa tallaabooyinka uu qaaday iyo sababta uu u qaaday.
Afar Qeybood ayaan u kala saaray qormada si
ay kuugu fududaadaan akhriskeeda iyo fahamkeeduba.
Fadlan afarta Cinwaan ee farta waaweyn ku qoran midba mar dul istaag oo dhag-sii si uu kuugu furmo oo aad u akhrisato.
Fadlan afarta Cinwaan ee farta waaweyn ku qoran midba mar dul istaag oo dhag-sii si uu kuugu furmo oo aad u akhrisato.
Shir Qarsoodi ah oo 1977 looga hadlay
Soomaaliya
Waa hordhaca hadalka Castro. Wuxuu inta
badan ku saabsan yahay booqashadiisii Muqdisho ee 1977 iyo kulankiisii Siyaad
Barre. Waxaad qormadan ka fahmeysaa sida uu Castro u arkayay Siad Barre.
Markii uu Muqdisho ka soo duulay ee uu ka
degey Addis Ababa muxuu Castro kala kulmay Mengistu? Muxuuse u soo kaxaystay
Guuto dhan oo ciidanka Cuba ah?
Cadan ayay isku arkeen Siad Barre iyo
Mengistu. Waa dhexdhexaadin uu isku dayay Castro, goob joogna uu ka yahay
Madaxweynaha Yementa Koofureed.
Castro wuxuu warbixintiisa ku soo
gunaanaday in Siyaad Barre uu ka didsan yahay Midowga Soofiyeeti kuna tilmaamay
in Soofiyeetigu ay yihiin beenaalayaal.
No comments:
Post a Comment