Waxaan barqadii
ka shiraacannay Dhuusa Marreeb. Waxaan ku joogna waddada laamiga ah ee haddii
aadan ka harin ku geyneysa Muqdisho.
Waa intaan saaxiibbadeey ka laacin |
Waddada waxay
qeyb ka tahay mashruucii Shiinuhu ku dhisay laamiga isku xira Jawiil oo ka
tirsan Hiiraan ilaa Burco oo ka tirsan Toghdeer. Berigii la dhisay iyo sannado
fara badan oo ka dambeeyay waxay ahayd waddo laami ah, oo toosan, oo gaadiidku uu
aad ugu xawaareeyo. Waddada dalka ugu dheer uguna wanaagsan ayay muddo badan
ahayd.
Hadda waa waddo
uu ka muuqdo burbur xooggan. Waxay u dan sheeganeysaa cid kasta oo baabuur ku
marta. Marka aad in yar oo wanaagsan aad hesho oo uu gaarigu ku xawaareeyo, waxaad illoobeysaa cabashadeedii. Iyadu ma illoobeyso. Markiiba waa ku soo jeedineysaa. Si waliba ay kaa nixineyso. Int ay si caro ku
jirto kuu gilgisho ayaad soo xusuusaneysaa wixii ay kaa dalabtay daqiiqado ka
hor. Waa in ay dayactir u baahan tahay.
Inta aad
safarkaas ku jirto oo dhan, waddadu ma illobeyso dalabkeeda, adna kuuma oggola in aad illowdo. Kama daaleyso in ay
daqiiqado yar ka dib hadba ku ruxdo, ku boodbootiso sida ilmo la koolkoolinayo,
ku canaanato, qeyladeeda darteed aad is maqli weydaan intiinna is garab fadhiya. Jirkaaga
oo dhan ayay gilgishaa, in aad qummaati u fadhidana way kuu diideysaa si ay
kuu xusuusiso codsiga.
Qiyaastii qaddar
saacad ah markii uu darawalku loollan iyo gorgortan kula jiray godadka tiro dhaafka ah iyo dhagxaanta ka sii badan, xareedda iyo haadaanta waddada
dhex iyo hareera yaal ayaan gaarnay Guriceel.
Waa magaalo aad uga weyn Degmooyin badan oo dalka ah. Haddana aan ka tirsaneyn Degmooyinkii
dalka ee la aqoonsanaa 1991. Waxay ku tuseysaa in saacadda Soomaaliya ee ku
xargagtay 1991 aan weli shaaggeeda la rogin. Halkeedii ayay saacaddu taagan
tahay marka ay noqoto Siyaasadda ku wajahan Gobollada iyo Degmooyinka.
Sababtu waxay
tahay in Degmadaas ay dhiseen oo ay cammireen dad degaanno kale oo Gobolka ah
iyo meelo kaleba ka soo hayaamay bartamihii siddeetanaadkii iyo qaar aan yareyn
oo iyada ku dhashay xilligaas ka dib.
Waa magaalo
cammiran oo dad iyo ganacsi la ciirciireysa. Ganacasi gobollo isaga goosha oo xataa soohdinta ka tallaaba sida aan maqlay. Waddada weyn ee magaalada dhex
marta dhismayaasha la teedsan waa wada Suuq, Tukaan, Bakhaar, Makhaayad, Xafiis
sharikadeed iyo meelo kale oo ay howlo badan ka socdaan.
Waa magaalo
cammiran, dad iyo dhisme intaba, ayna ka socoto shaqo badan oo muuqata kuna
wajahan soo saarka nolol maalmeedka.
Marka aan ka
qadeynay makhaayad weyn oo dhismo wanaagsan leh, waxaan markiiba uga gudubnay
Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.
Matabaan |
Matabaan - Garoorre waa dhul
carro guduud ah oo qurxoon. Balli weyn oo markaa aan biyo badani fadhin ayaa
magaalada ku yaalla.
Waa magaalo nabad
ah. Ka muuqato in ay fac weyn tahay. Laakiin aan horumar badani ka muuqan. Si u
yara dansan.
Waxaa la ii
sheegay in magaaladu ay yara dayacan tahay. Degmooyinka Hirshabeelle, Matabaan
oo degmada ugu fog caasimadda, Jowhar. Dhanka kalena, waa magaalo isu socodka,
xiriirrada kale iyo u dhowaashaha Caasimadda Galmudug ay ka dhigto mid macaamil
badan la leh lana xaalad ah Galmudug.
Waxay dadka
qaar ay qabaan in ay dhexda ku luntay oo labada maamul Goboleed uu mid waliba
kan kale ku halleynayo.
Matabaan |
Meel aan Shaah u
fariisannay oo aan dadka magaaalada sheeko u billownay ayaa markiiba waxaa naga
war helay Booliiska. Taliyaha iyo ciidan la socda ayaa durbadiiba noo yimid. Is
marxabbeyn iyo shaah aan wada cabnay, ka dib waxaan booqday Saldhigga Booliiska
iyo xabsiga magaalada.
Sida la ii
sheegay, rag u badan reer miyi is maagay ama dembiyo kale ku eedeysan ayaa ku
jiray.
La ima tusin anna
ma weydiisan.
Su’aalo nooc soo
jeedin oo kale ah oo ku wajahan xuquuqda iyo daryeelka Maxaabbiista ayaan kula
sheekeystay.
Taliyaha markii aan weydiiyay isu socodka Beled Weyne iyo Matabaan, wuxuu ii sheegay in uu usbuucii hore ka soo laabtay safar Beled Weyne ah.
Markii aan magaalada
ka sii baxayay nin ciidan ah ayaa waddada noo dhex istaagay dhallinyaro
qaarkood uu ciidan yahayna meel aan waddada ka fogeyn ayay ka soo yaaceen.
Waan u istaagnay.
Waxa keliya oo ay na weydiisteen in ay sawir nala galaan.
Casar gaabadkii ayaan dib ugu
laabannay Guriceel. Saaxiibkeey Xasan Sabriye oo naga soo raacay Dhuusa
Marreeb, ayaa igu casuumay guriga aabbihiis.
Daahir Maxamed Sabriye, waxay walaalo yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye.
Kuraas iyo
gogolba waa la dhigay. Biyahaa ugu soo horreeyay. Sagbad Shaah ah iyo daango (qaloon ama salool) ayaa xigay. Gabar dhallinyar ayaa markiiba weel la boodday. Daqiiqado yar ka dib ayay soo
laabatay iyada oo sidda caano ari oo kulul oo markaas ay soo listay oo xoortu
ay ka korreyso.
Waxaan soo xusuustay ari-carbeedkii hooyadeey ama aan dhahee ari-magaal. Oo ay ugu caansanaayeen laba is dhashay. Waa Fil-ma-suga’ iyo
Fil-ka-roon. Baarridii hooyadeey Xabiiba ayaa shaaha noogu caddeyn jirtay caanahooda.
Ilaahow u naxariiso hooyadeey iyo aabbahay iyo waaliddiinteen oo dhan.
Markii aan baray Xasan Daa'uud Galool oo aan wada soconnay una sheegay in uu yahay reer Hargeysa ayuu Daahir noo warramay.
Daahir Maxamed Sabriye wuxuu nooga
sheekeeyay taariikho kala duwan oo ay ka mid tahay beri hore mar isaga iyo rag
kale ay lo’ ka kaxeeyeen Guriceel ee ay u safarsadeen Hargeysa, iyo qiso ka qabsatay markii ay marayeen Gaashaamo.
Odayga oo sida la
igu wargeliyay muddo badan iga dhegeystay idaacaduhu, ma qarin farxaddiisa.
Waa Gallad Ilaaheey haddii Galabta uu Yusuf-Garaad fadhiyo jalbeebkeenna.
Inkasta oo aan
sheekada odaga, fadhiga darinta, shaaha iyo caddeyska ariga ee markaa la ii soo lisay aan aad uga helayay, waxaa hadalkeennii ku talo gal la'aan soo koobay dhibco waaweyn oo teel teel ah oo hordhac u ahaa roob xoog leh.
Waxaan door
bidnay in aan safarkeennii sii wadanno.
Roobka iyo waddada na sugeysa dartood, waa baaqannay Isbitaalka Istarliin oo qorshaha noogu jiray in aan soo aragno.
Waxaan si qurux
badan ugu xawaareynay laami cusub oo la saaray waddada. Waa mashruuc iskaa wax
u qabso ay laami ku dhisayaan dadweynaha degaanku. Waa mashruuc muujinaya in
ay Dadweynaha magaaladu ay waddadooda dhisan karaan. Waase mashruuc qaali badan
maaddaama uu yahay laami, magaalooyin isaga gooshaya.
Dadaalkaas billowga ah
asii mirihiisu ay muuqdaan, Qurba joogta iyo waxaa loo baahan yahay in ay gacan
ka geystaan Xukuumadda cusub
ee Galmudug iyo Dowladda Federaalkuba.
Ka dib markii aan
fiidkii qaddar yar ku hakannay Ceel Dheere, xilli habeen ah ayaan ku soo
laabannay Dhuusa Marreeb. Ma jirin ciidan iyo cid kale oo hubeysan oo safarkaas nagu wehliyay.
Adiga oo ku mahadsan in aad akhrisay, fadlan ila wadaag aragtidaada. Guuleyso.
ReplyDeleteYuusuf waxaa tahay shaqsi aan kaga daydo wanaaga.waxaa tahay role model keyga ilaahay ha ku amaansado
DeleteQormada aad baan ula dhacay malaha waxan soo xasuustay macalinkeeygii soomaaliga ilaahey kheey hasiiye markuu noga sheekeynayo taariikhda dalka
DeleteLaaamiga shacabka bilaaabeen gacan qabasho ayuu ubaahanyahay waxaa ka muuqata in ay fariin dirayaan oo dhahayaan war waxan bilaabane na kaalmèya awoodana weey kabadantahay
Waxaad maskaxdayda dib ugu celisay xasuusta deegaanka oo aanan in mudo ah aanan tegin. waxaan aad ula dhacay isku dayga dadka deegaanku ku dhisanayo wadada, waa arin mudan bogaadin iyo in gacan laga geysto.
DeleteMasha allah aqoonyahan yuusuf garaad waa safar runtii xiiso gaara lahaa adiga iyo intii kula socotayba
ReplyDeleteRun ahaantii tani sheeko oo kaliya ma ahan ee waa mid dadkaaga aad ku baraarujineyso wax ugu sheegeyso waxa ka dhiman iyo sida wax yihiin
#dadkaaga waad ushaqeysay mudane
Waa qormo fcn meela badan oo GDH ah cagta waa soo marisey mudane wasir kaaay gobalda gedo imoow anu ku kala barnee markaada. Mhdsnd
ReplyDeleteMasha allah aqoonyahan yuusuf garaad waa safar runtii xiiso gaara lahaa adiga iyo intii kula socotayba
ReplyDeleteRun ahaantii tani sheeko oo kaliya ma ahan ee waa mid dadkaaga aad ku baraarujineyso wax ugu sheegeyso waxa ka dhiman iyo sida wax yihiin
#dadkaaga waad ushaqeysay mudane
Yuusuf Garaad omar waxaan ka mid ahay dadka
ReplyDeleteKugu xidhan jecelna taariikhda iyo qoraalada aad bulshada la wadaagto marar badan suaalaha iigama jawaabtid sida fariimaha Facebookga.Ex-wasiir iyo suxufi ruug cadaaaya waxaan kaa soo lamayaa magalada Bonn ee wadanka Germany Ramadaan kariim
Abdirisaaq, waan kaa qaaday salaanta. Aad ayaan kaaga mahadcelinayaa in aad ku xiran tahay qoraalladeyda.
DeleteBonn beri horaa iigu dambeysay. Magaalo deggan oo buuq yar ayaan u qabaa in ay tahay.
Mudane runtii intii aan akhrisanayay qoraalkaan aad ayaan ugu raaxaystay. Balse dhawr su'aalood ayaan is weydiiyay oo ay ugu weyn yihiin haddii dalkeennu sidaas amnj u yahay maxaa loo buun-buuniya oo looga dhigaa meel bahalo galeen ah. Tan labaad ee niyadayda kusoo dhacday waxa weeye in qof walba dalkiisa uusan waxba siisan karin oo dalal shisheeye kaga maarmi karo. Ilaahay dalka hanoo barakeeyo
ReplyDeletewaa ku mahadsantahay warbixinta aad nala wadaagtay, waa ka fahmay hadalkaada biya dhiciisu inuu yahay deegaanku waa nabad lkn hormar la aan xagga arimaha bulshada ayaa ka jirta!!waan rajaynayaa intaa ka qayb qaadandoonto hormarka deegaanka af iyo addin waxaad awoodo.
ReplyDeletewaxay ilatahy in dhulkeeno shekoyin iyo Qisooyin badani aykujiran intaa iyo inkabadan.wad kumadsantahy qormadada inad siiwadaan rajaynaa oodmeelokalo badan tagidoonto
ReplyDeleteMagaalooyinkaan: Caabudwaaq, Guriceel iyo Matabaanba waa meelaha dalkeenna oo aanan weli booqan aanse rajo ka qabo in aan mustaqbalka dhaw maro. Waxyaabaha qoraalkaaga iiga baxay waxaa ka mid ah nabadda ka jirta dhulkaas oo idiin sahashay in aad idinkoo ciidan u baahan aad si nabad qab ah ku marteen. Waxaad sheegtay in Caabudwaaq ay leedahay farac Jaamacadda Ummadda ah oo ardayda wax ka bartaan, ka warran magaalooyinkaan kale, ardayda ma helaan adeeg waxbarasho oo heer jaamacadeed ah? Dugsiyo sare ma ku yaallaan dhammaantood?
ReplyDeleteMahadsanid sida aad u sharraxday waxii aad aragtay iyo waxii kaaga baxay.
Runtii waa qoraal qiimo badan, oo natusinaa waxyaabo badan;
ReplyDeleteNabada ka jirta GM
Wanaaga aay leedaha in Aqoonyajanada iyo madaxda aay dib ugulaabtaan Gobolada Dalka.
Mahadsanid Ambassador Yusuf Garaad.
Mar Kasta waan Xii seynaa Qormadaada hadii Aa Nahay Dhalin Yarada Wasiir Garaad.
ReplyDeleteHadii Aad Xil Qabatid Mar Kale .
Qormada Masii Wadi Doontaa? Wasiir Garaad.
Qoraal ayaan aqrinayay lakiin in aan muuqaal daawanayo ayaad mooddaa sida ad ereyada isu saartay.
ReplyDeletewaad mahadsantahay.
Dalwaxa wadikara dhisina kara waa adi oo kale mudane yusuf waxaa tahay macalin nolasha iyo siyaasadaba waxka bari kara dadka waa inaa adiga kaaga dayanaa wanaaga qadiyada soomaalimoda alle haku xifdiyo sxb
ReplyDeleteWaa qormo cajiiba oo aadan ku caajiseynin aqrinteeda!
ReplyDeleteMahadsanid Yuusuf, waan kaaga mahad celinayaa qormadaan xiisaha leh.
ReplyDeleteWaxaan si gaar uga mahadcelinaya warbixinta wadada. Insha allah dadaal ma reeban doono si aan wax uga qabano.
Yusuf Garad runtii waxaa roqaalkaaga ka muuqda farshaxan iyo sida qofka aqrinayaa ula jaan qaadayo waxaaba is ini safarka miyaa ku wehlisay
ReplyDeleteMida kale waxaa kaa codsan lahaa inaa dhamaan soo wada martid dhulka Somaliyeed inta macquulka kuu ah sida aad xogta dhabtaa ee ka jirta noola wadaagto mahadsanid
mansha alah waa safar iyo sheeko wanagsan oo xiiso leh balse waxaa wacnayd inaad jiilka yar yar shiriso oo aad ku wacyi geliso sidii ay dib u dhiska dalka uga qayb geli lahaayeen. Safarkaas intaas uunbaa ka dhimanayd Yusufow
ReplyDeleteMagalada guricel wa meeshi aan ku dhashy 24 sano ka hor wana meesha aan wax ku bartay kuna barbaaray, inkasto aan sanda moogahay aadban ugu helay xasuusta aad dib igu culisay dhulki hooyo allah haku barakeyo
ReplyDeleteMahadsanid Xaaji Yuusuf Garaad, waxaan rajeynayaa in qormoyinkaan Dhalinyaro Bdn oo aan kamid ahay eey Keeyd &Korror siino dhaxal gal ah unoqondoonto.
ReplyDelete" la ima tusin Anna maweydiisan "
Anigoo si fahan ku jiro u aqrinaaya Qorraalka ayaan sogaarrey Qeeyb qorraalka aan kor kuxusey .
Kalmaddahaasu waxeey xasuusteyda Dib uceliyeen mudo malaheeyga laga joogo 14 sano , waa markaad lakulantay Hugaamiye sarre oo katirsanaa Urrurka Somaliya ka Laguna mahgacaabijiray 'Aadan Xaashi '
" la Iima ogallaanin in aan sawirro Anna kama codsan !"
Yuusuf Garaad, qoraalkan wax badan ayaan ka kororsaday, degmooyinkaas oo aan weli tegin wax uun ayaa aad iiga bidhaamisay. Mahadsanid.
ReplyDeleteGuriceel waa meeshii ugu horeysay ee alshabab laga saaro somalia
ReplyDeleteGuriceel burburkii kadib waa meeshii ugu horeysay ee dugsi sare arday uga baxdo galgaduud
Gobolka galgaduud jamacadii ugu horeysay waxa lagaa furay guriceel markii ugu horeysay ee arday jamacad galagaduud ku taala ka qalinjabshana waxey aheed 2015 guriceel.
Idaacadii ugu horeysay ee gobolka radio galgaduud guriceel ayaa laga furay .
Guriceel wa magalada kaliya ee gobollada dhexe ku taal oo leh local tv lagu magacaabo laas tv.
Isbitalka ugu weyn gobolka oo ey dhistay hayada MSF waa istarliin hospital guriceel.
Garoonkii diyarada guriceel waa kan ugu runway fiican galmudug xilii roobaadka xitaa beledweyne aya laga soo aadaa.
Sanadkii dugaiyeedkii lasoo dhafay ardada dugsi sare ka baxday guud ahaan gobolka galgaduud marka la isku daro waxaa ka badnaa inta guriceel kasoo gashay
Dhaman gaadiidka ganacsiga ee itoobiya ka keena barandhada waxa lagu rogaa guriceel waxaa loo iib geeya muqdisho illa baydhabo.
Sida wasarada maliyada galmudug sheegtay guriceel waa magalada canshuurta ugu badan bixisa guud ahaan galmudug
Masha Allah abti safarkaan wax badan baa kaaaga soo kordhay.
ReplyDeleteWaxan codsan lahay inad codkada noo sarto warbixintan
ReplyDeleteQormo aan ku raaxaysatay aqrinteeda anan ka daalin, wiliba aan si qurux badan ugu sugtay afurka, allaha gacanta kuu barakeeyo, waaan la socon doona qaybta kale yusuf garaad,
ReplyDeleteMashallah mudane allaha nooga dhigo wadan mid nabad ah...
ReplyDeleteQormadi aan shalay kuwaydiyay ayadoo xiso badan waan arkaaa
ReplyDeleteIntii aan jeclaa inaad ku mujidana wad ku mujisay
In halkii dowladii siyaad barre ku burburtay ay taagantahay siyaasada iyo shurucda ku saabsab degmoyinka iyo gobolada dalka
Yuusuf Garaad . Waad mahadsan tahay runtii dhanbaalkan waan akhriyay oo dhameeyay.
ReplyDeleteWaxanaa iiga soobaxday labo arin.
1. Inaad tahay shaqsi wanaagsan oo runtiina ay dhibayso dayaca iyo burburka dalkeena dawlad la aantu badday oo aad moodo dalka oo idil inuu ka siman yahay wada aad ka sheekaysay runtii waxay isla mid yihiin wadada isku xirta Garowe iyo Bartamaha somaliya Gaalkacyo.
Oo runtii rafaad iyo ba iyo dayac ka jiro .
2. Waxaa ka bartay in dalkeenu amni yahay oo kaliya ka dhiman talladii dalka lagu midayn lahaa sidaa sheegtay safarkaaga wax ciidan uhubaysan ah kuguma wa helin .
Taasna waxay ani iga saartay fikrad aan ka haystay gobaladaas aad safarka ku martay oo runtii beenawday .
Waxan ka aaminsanaa meel la isku dhaco oo aan nabadi ool runtiina dhanbalkan baa taas daaha kafayday.
Waan ku salaamayaa yusuf garaad
Maashaa allaah waad ku mahadsantahay yusuf.
ReplyDeleteYusuf mudane waxaa noo tahay role model, waxaa fiicnaan lahayd inaa courses bixisid ku saabsan tijaabadaada nolosha.
ReplyDeleteUgu horeyn Mahadsanid Mudane Yuusuf Garaad
ReplyDeleteWaa qoraal ka tarjumaya
- Dansheegashada Wadada aad ku socdaasheen
- Baahida nidaam Dowladeed ee dhulka ka jira
- Isu hilowga & jaceylka dadka Soomaaliyeed isu qabaan
- Nabadda & barwaaqada ka jirta deegaanadda Galmudug
- ugu danbey kusoo jeedinta Indhaha dadka ku abtirsadda deegaanka Galmudig
MashaAllah xaqiiqdii wuxu ahaa safar xiiso leh oo dhiiri gilineysa dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas oo arag madax ama siyaasiyiin soo booqata waliba darinta la fariisata guuleyso walal
ReplyDeleteRunti sheekada waa wax malin kasta si sahlan u dhaca safarka wadada iyo so dhaweeynta diran ee dadka degaankas balse aniga waxaan kugu amanay qoraalka farshanka leh ee ey ka muuqato so gudbin ku dhisan aqoon iyo cilmi
ReplyDeleteTanlabaadna waa geesinimada aad u martay wadad iyo la qeeybsiga aad la qebsatay shacabka deganadaas nolosha dhabta ah ee ka jirta.waxaana rajeeynaya in dad badan kugu daydaan. Mahadsanid
Yusug Garaad, aniga waxaan ka soo jeedaa Xaradheere iyo jowle degaankeenna maahan sida Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaan rajaynayaa inaad dowlada Galmudug iyo tan federalka ka dhaadhicid si loo xoreeyo dhulka si aad u soo booqato waa dhulka ugu shidan Galmudug oo beero iyo barwaaqo taallo oo xeeb leh.
ReplyDeleteWalaal yussuf Garad waa sheeko aad uxiiso badan run ahaanti meeshaan waxaan ka fahmay inaad isku dhinac wado wacyi galinta bulshada sida isku tashi bulsho iyo kawaramida nabad gelyada ka jirta gobalada dhexe , run ahaanti waan kaaga mahad celinayaa taas.
ReplyDeleteQaabka usoo tebinta sheekada waa mid kale oo iyaduna xiiso gaar ah wadato oo waanbo la socda bartaadab waxaad so galiso had iyo jeer.
Mhdsnd
Masha allah dhabtii waxaad nabartay mo,alim wax an ogeyn iyo wax naga dahsoonay ,waana warbixin dheelsi Tiran oo dhinac waliba Taabaneysa.
ReplyDeleteGuricel waad Cadeysay in Ey tahay Xarunta Ganacsiga Gobaladda dhexe
Fanku waa sidaan oo kale.
ReplyDeleteMasha allah wa qormo aad u wanagsan mudane wadna ku mahadsantahay so bandhigidada wana rajeyna inad ku labandontid magaloyinkas ood waqti intas ka badan ku so qadan dontid weliba xiligan robka ah insha allah
ReplyDeleteMasha allah qormo aad u wangsn sxb
ReplyDeleteWaan gartay? su aal mawduucan ka baxsan maku waydiin karaa? Aamina Muse Wehilye dhibkii aad u gaystay adoo u adeegsanayaa awooda aad kaga saraysay maka raali galisay?
ReplyDelete