Eraybixin waxaa ula jeedaa marka fikir,
tab ama walax af ama dad aan Soomaali ahayni ay sidaan la isku dayo in loo helo af Soomaali.
Eraybixin waxay noqon kartaa eray af
Soomaaliga ku jira oo u dhigma midka ajnebiga ah ee lala kulmay. Waxay noqon
kartaa eray Soomaaliga ku jiray oo aan awal macnahan loo adeegsan jirin, hadda
ka dibse loo asteeyay. Waxay noqon kartaa eray la curiyay sida laba eray oo la
isku daray si ay macna hor leh u sameeyaan. Waxayna noqon kartaa in la isla
gartay in erayga laga soo ergado af qalaad.
Eraybixin oo dhami waxay rabtaa in la
hirgeliyo.
Waa dulmar ku
sameynayo Taariikha Eraybixinta af Soomaaliga. Dood Baraha Bulshada ka socotay
ayaan nuxurka qormadan ku biiriyay.
Akhris wacan.
Dadaal kasta oo ku wajahan horumarinta
earybixinta Soomaaliga waa muhiim, waana loo baahan yahay. Waase in aan ka
digtoonaanno in qof waliba uu iskiis u fekero sidiiyoon hortii waxba aanay
billowneyn.
Soomaalidu qarniyaal ayay falgal kula
jirtay sidii ay eraybixinta ugu habboon ee Soomaaliga ah ugu heli lahayd
aragtiyada, ficillada iyo qalabka dibadda uga yimaada.
Waxaa jirta Eraybixin Soomaali ah oo
hirgashay iyo mid mid ay khubaro ka doodday ee dejisay oo boor-ka-jafid uun
nooga baahan.
Diinta
Earybixinta af aan Soomaali ahayn dalka ku timid ka dibna Soomaali loo rogay, sida aan is iri, waxaa ugu fac weyn
midda diinta.
Ka hor inta aanuu gaarin Medina, markii
Islaamku soo gaaray Soomaalida, waxaa billowday curinta eraybixin af Soomaali ah
oo diinta lagu Soomaaliyeeynayo. Waxay aqoonyahannadii dejiyay ugu talo galeen in
dadka aan Carabiga aqoon ay diinta ku bartaan af Soomaali.
Dadaalka culimmada waxaad arkeysaa marka
aad dhegeysato Tafsiirka Qur'aanka iyo siirada Nebiga NNK ha ahaatee.
Shiyuukhda ka shaqeeyay cilmigaani waxay
isugu jiraan qaar badan oo Radio, Video iyo cajalad iyo ka dib hab digital ah
lagu dhegeysto ama lagu daawado. Iyo kuwa aan soo gaarin farsamada casriga ah
laakiin wax baray kuwa aan dhegeysanno. Iyo Shiyuukh buugaag qoray iyo qaar
kaleba.
Kuwooda ugu faca weyn, eraybixintooduna
ay hirgashay waxaa ka mid ah Shiikh Yusuf al Kowneyn oo dejiyay Alif wax ma
leh, ba’ hoos ka leh, ta’ kor ku laba leh iyo Alif la kor dhebey, alif la hoos
dhebey, alif la goday.
Saxaafadda siiba Radio
Waxaa jirta iyaduna eraybixin aan weli
boqol jir gaarin oo ay saxaafaddu sameysay welina hore u socota.
Waxaa billaabay weriyayaashii af Idaacadaha Soomaaliga ku hadla billaabay iyo kuwii ka hadli jiray kontomaadkii iyo
lixdanaadkii oo ay ka mid yihiin Xaaji Cabdi Ayuub, Faqi Buraale, Sheegow, Cabdullaahi
Xaaji, Cismaan Xasan, Yaasiin Xaaji Ismaaciil Jirde, Maxamed Abshir Walde, Cabdi Xaaji Goobdoon iyo
Axmed Cali Askar.
Intii ka dambeysay oo dhanna eraybixin
hor leh ayaa la sameeynayay, qaar dadweynuhu aqbalay oo hirgalay iyo qaar
kaleba.
Qaar badan iyada oo la unkayo ayaan
joogay ama aan qeyb ka ahaa.
Badanaa waa laga doodaa, qof ayaa soo
dhoweeya, mid ayaa sii toosiya, ka dibna waa la isla qaataa. Mararka qaarkoodna
qof ayaa hela mid ku habboon, markiibana waa lagu wada qancaa oo la adeegsadaa.
Tusaale ahaan 20 sano oo aan joogay BBC,
ragga Eraybixinta ugu badan ee hirgashay sameeyay waxaa ka mid ah Cabdullaahi
Xaaji oo erayada uu bixiyay uu ka mid yahay ‘geeddi-socodka nabadda’ iyo Maxmuud Shiikh Axmed Dalmar oo
erayadiisa ay ka mid yihiin ‘gacan-ka-hadal’ iyo "is-miidaamin".
Markii la curinayay intaba dood ayaan ka qabay, laakiin waa la iga batay, aad ayay u hirgaleen
haddana waxay ka mid noqdeen erayada ay saxaafadda Soomaaligu adeegsato.
Inta aan xusuusnahay kulankii ugu weynaa
uguna dambeeyay ee dejibta iyo horumarinta Eraybixinta Saxaafaddu wuxuu ka
dhacay Djibouti, sannadkii 2002.
Rag ay ka mid ahaayeen Hadraawi,
Gaarriye, Cabdiqays, Yamyam, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Keena Diid, Aw
Jaamac Cumar Ciise, Idaajaa, Mustafa Sh. Cilmi, Axmed - Shiraac, Cali Seenyo, Riiraash, Xasan Cilmi, Ismaaciil Dugsiiye, Cabdalla Xaaji, Antoine, Gobdoon, Axmed Cali Askar, Siciid Faarax Yare, Maxamed Daahir, Cawke,
aniga iyo qaar kale oo badan ayaa saddex usbuuc, subax iyo galab fadhiyay.
Shiikh Cumar Faaruuq oo aan shirka joogta uga qeyb galin ayaa maalmo badan ka
soo qeyb galay doodda.
Cilmi afeed-yaqaanka, suugaanleyda,
qorayaasha ka qeyb galay waxaa ay ka socdeen shanta Gobol Soomaaliyeed.
Doodda oo aan subax kasta ku qaban
jirnay Xarunta Baarlamaanka Jamhuriyadda Djibouti, habeenkii ayaa laga sii deyn
jiray Telefishinka RTD, si subaxa xiga uu doodda uga soo qeyb galo dadweynaha
qofkii talo ku daraya soo jeedinteennii shalay oo uu xalay ka daawaday
Telefishinka.
Shiikh Cumar - Faaruuq ayaa dhowr jeer
qaabkaas uga soo qeyb galay, waxna nagu kordhiyay.
Maalintii shirka la soo geba gebeeyay
waxaan soo Bandhigay Qaamuus aan dejinnay, daabacnayna oo ka kooban 3000 oo
eray.
Allah ka sokow, Mahaddeeda waxaa leh,
dadweynaha iyo Madaxweynaha Jamhuriyadda Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, oo
fikirkiisa ay ahayd isaguna marti geliyay shirka.
Xoogga Dalka Soomaaliyeed
Waxaa jirta eraybixinta Ciidanka oo aad
u sarreysa.
Bal eeg dhismaha ciidanka sida Qayb,
Gaas, Guuto, Urur, Horin, Koox iyo Unug. Erayga Taliye ka hormari mid kasta oo
erayadaas ka mid ah wuxuuna sameynayaa macna hor leh.
U fiirso derejada sida Taliye, Sarreeye
Guuto, Gaashaanle, Dhamme, Xiddigle, Xarigle, Alifle, Dable iyo Layli.
Arag cayaarsiiska
gaardiga: Dig, digtoonow, darandoorri, hore soco, dib jeeso, bidix leexo,
midig jeeso, joogso, nasta iyo kala taga.
Arag hubka iyo rasaasta sida Boobe
culus, boobe fudud, boobe, Jebiye, dhuun, riddo, Gawaarida Gaashaaman, Madaafiicda
Goobta, Haraatida madfaca, jalfis, qarxiso, dalooliso, ifiso, lid Taangi iyo
lidka Dayaaradaha. Ama tabta weerarka sida yool-baar, doc-ka-weerar,
dib-ka-weerar, iska-hor-imaad, dhabrjebin, go’doomin, ku dhufo oo ka dhaqaaq,
dib-u-gurasho, raacdo-reeb, miriq-shaalle iyo qaar kale.
Waxaad arkeysaa in maskax badan ay
gashay ayna hirgaleen erayadaasi.
Manaahijta iyo Maamulka
Erabixinta kale oo si cilmiyeysan aad
looga shaqeeyay waa Eraybixinta la dejiyay marka far Soomaaliga la qoray 1972
ka dib.
Waa eraybixinta Manaahijta ee Juqraafiga
iyo Sayniska – siiba Biyooloji, Kimistari iyo Fiiskis iyo Xisaabta, gaar ahaan
Joomateri, Trignomatari iyo Aljebra.
Birlab, weyneyso, noole, dulin, il-ma-qabato,
qalfoof, walax, curiye, falgal, xagal, xagal qumman, saddex xagal, saddex xagal
siman, goobo, afargees, saami, xawaare, karaar
dululaati iyo dhululubo.
dululaati iyo dhululubo.
Afafka siiba Naxwaha loo adeegsado sida
fal, falkaab, xiriiriye iyo tilmaame Dugsiyada ayaan ku soo dhigannay jiilka
aan kuwa ugu horreeyay ka mid ahay.
Eraybixinta maamulka ee laamaha Dowladda
oo ay Akademiyadu lahayd ururinta iyo horumarinteeda.
Dhismaha hey'adaha Dowladda ayaa ka mid
ah; Agaasime, Agaasime Waax, Agaasime Guud, Maareeye, Maareeye Guud,
Guddoomiye, Gobol, Degmo, Xoghayn, Wareegto, Hubaal-celin, KA, KU, OG, farid, Isu-duwe,
Qaan-sheegad, curaar, xisaab-celin iyo howlgab.
Xeer Ilaaliye, Garyaqaan, Garsoore.
Qaybtan waxaan soo hoos gelaya dhammaan
eraybixinta loo adeegsado howlaha hey’adaha Dowladda sida gaadiidka,
kalluumeysiga, beeraha, warshadaha, cayaaraha ee meel ka helay Qaamuuska af
Soomaaliga ugu weyn oo erayada uu fasirayo tiradoodu ay tahay boqol kun.
Eraybixintani waxay koobeysaa dhammaan
Hey’adaha Dowladda iyo kuwa Dadweynuhu erayada ay u adeegsadaan shaqo maalmeedokooda.
Intaas oo dhan waxaa dejintooda ka qeyb
galay khubaro afka ah iyo khubaro hadba maaddada laga hadlayo aqoon durugsan u
leh. Qaarkood qaamuusyo ayaa laga soo saaray, waana lagu shaqeeyay.
Gunaanad
Soomaaliga eraybixin cusub isku dayaya waxaa
habboon in uu marka hore hubiyo in eraygaas hore loo sameeyay iyo in kale.
Haddii la xaqiijiyo in aanuu jirin,
waxaa habboon in curinta hubinteeda lala kaashado Cilmi baareyaasha Soomaaliga
sida aqoonyahannada Soomaali yaqaanka ah in bandanna ka shaqeynayay oo ay ka
midka yihiin Idaajaa oo ku can baxay, Riiraash, Axmed Shiraac iyo qaar kale oo
badan.
Cilmi-Afeed yaqaanno gaammuray ayaa jira
sida Prof. Cabdalla Mansuur iyo Prof. Ciise Maxamed Siyaad oo labaduba buugaag
ka qoray, Af Soomaaligana kana dhigay Jaamacadda Ummadda. Maaddooyinka ay Jaamacadda ka dhigeen isu-geyntooda waxaa ka mid ah maaddooyina Af Soomaaliga ee Syntax,
Morphology iyo Phonolgy iyo Taariikhda af Soomaaliga iyo
Afafka Kushitigga ee ay bahwadaagta yihiin sida Rendiille iyo Oromo.
Sidaa oo kale waa in lala kaashadaa khabiir
yaqaan maaddada laga hadlayo ee la doonayo in eraybixin loo helo.
Marka aan isku dayno in aan 2020 erayo
hor leh aan si shakhsi ah u hirgelinno waxtar waa ay yeelan kartaa, waxaase
dhalan karta khatar marin habaabin ah oo ka daran in aan eray loo hayn.
Eraybixin aan sugnayn waxay horseedi
kartaa garasho khaldan.
Waa khatar eraybixin uu dadweynuhu barto
oo uu la qabsado hase yeeshee, macnaha ay soo gudbineyso aanuu si sugan uga
tarjumeyn ujeeddada.
Khaladdaadka ay eraybixintu yeelan karto
oo xataa dad aqoon leh ka dhaca laba ayaa ugu halis badan uguna soo noqnoqosho
badan.
Nusqaan - waa in macnaha ay fasirayo aanay
soo wada gudbineyn ee ay wax ka dhimman yihiin.
Dheeri - waa in ay soo wada gudbinayso macnaha
laakiin ay u wehliyaan macna kale oo aan ahayn midka la tarjumayo.
Waa halis ay tahay in laga digtoonaado.
Qormadeyda waxaan ku gunaanadayaa Tix sagaal sadar ah oo uu tiriyay
Cabdulle Raage 1972 markii la qoray Soomaaliga.
Eraybixinta naxwaha ayuu adeegsanayaa.
Labaatan iyo labo aammustiyo, Shaqal Irmaaneeya
Amraniyo Tilmaamiyo Gudbe, Aade iyo Jooge
Isku-dare xiriiriye falkaab, ku arkay joornaalka
Mar haddii afkeygii la qoray, aabbe iyo hooyo
Mar haddaan amaahsigi ka baxay, lagu agoontoobey
Abaal waxaa leh nimankii fartaa, soo abaabulaye
Amiirnimo sin iyo garab jirtey, nagu abuureene
Afafka Qalaad iyo maxaa, eregta ii dhiibey,
Anaa Macallimoo raba dad loo, furo oskuulaade
Cabdulle Raage 1972
F.G.
Allah ha u Naxariisto akhyaarta aan magacyadooda halkan ku
xusay inta dhimatay iyo inta noolba.
Aad ayaan kaaga mahadcelinayaa in aad akhrisay qormada. Waxaan rajeynayaa in ay wax kuu bidhaamisay ama ay ra'yi kugu dhalisay.
ReplyDeleteFadlan aragtidaada ila wadaag. Guuleyso.
Allaha kaa abaal mariyo waqtigaad galiday, waxaan ahay arday kaliya waxaan dhihi lahaa waxaa loo baahan yahay eray bixino cusub oo la jaan qaada cilmiga cusub ee maanta. Mahadsanid mudane Y.GARAAD
DeleteMahadsanid Yuusuf, Qaamuuskaa aad Jabuuti ku daabacdeen ma la heli karaa?
DeleteAsalaamu Calaykum Mudane. Waxaan kaa codsan lahaa in aad E-mailkaaga ila wadaagto si aan kuula soo xariiro. Mahadsanid.
DeleteMhdsanid mudane yuusuf GARAAD
DeleteErayo anigu weli maqlin ayan arkay
Mahadsanidd..yusuf.garadd..waxan jeclaynn..inaad noo soo badisid
DeleteHaddii aad dood ka qabtay GEEDDI SOCODKA NABADDA IYO GACAN KA HADAL,maxaad jeclayd in lagu badalo?
DeleteErayga ah guuto, gaas iyo qaar kamid ah erayada ciidanka waxaa laga soo qaatay Sayid Maxamed C/lle Xasan.
(hadaana GAAS DHAN ku afuufin, geelii la eedyoo haddaan lagu guraa baasin oon lagu go'in waa haddaan godol kumaaleeynin)
Aad baad ugu Mahadsantahay wadaajintaada, waan ku tixanahay qormooyinkaaga dhaxal galka ah, rabbi hakaa abaal mariyo. rintii wax aanan horay umaqal una aqrin ayaad nala soo wadaagtaa. Mahadin mudane mar labaad.
DeleteMudane waxan kuweydiin laha cilmiga cafimadka iyo adabka bugaag ama dhaxal maka jooga aad isledahy da'ayarta eey cuskan karaan.masa jirta inta ogaalkaaga ah luqad afsomali wax kubaxsho heer jamacad.
DeleteAad ayaan kaga mahad celinaya wax badan ayaan kafaaiday waligey qoraal laso dhigay baraha bulashada oo an dhammesto waa kii ugu horeeyay mahadsanid mar labaad
DeleteMasha Allah. Mudane
DeleteInta djibouti ayaa iga maqneyd.
Tnx. Waan kugu raacsanayay. Inay bulshadu ka taxadirto erybixinta.
Waa mahadsantahay Mudane marka 1aad, marka xigta waxaan aad uga fikiraa mar walba Jiilka soo baxayo, maxaa yeelay Af-soomaaliga xiligan maba lagu barto Dugsiyada, halkii eray bixin laga sameeyn lahaa waxaan ka baqaa in intii horee naloogu soo tacab beelay in aan heeysaan weeyn.
DeleteAnigu afsoomaliga in badan kama aqaano sida dhalinta kale lkn waxaa jira markii aan diyaarinaayo cashir ama qormooyin kale oo aan afsomali ka dhigaayo ayaan mararka qaar sameeyaa erayo aaan u adeegsado markaas.fikirka igu dhashay ayaa wuxuu yahay inaa naxwaha afsoomaliga si wanagsan u barto aana diwaan galiyo erayada aan anigu isheeg u sameysto.
DeleteF.G erayadaas sax iyo qalad midna kuma hubin karo mana diwaan galin nasiib xumo si aan saxnimadooda ogaado.
Mahadsnid mudane Yusuf garaad
Mahadsanid Yuusuf Garaad
DeleteDadaal weyn baad samaysay sidaad wax uga qortay taariikhda eraybixinta af Soomaaliga.Waxaan ku farxay sidaad run uga sheegtay in culimada diintu ay qayb libaax uga qadaatay iyo sidoo kale wariyaashii hore ee idacadaha af Soomaaliga wax ku tabiya.Madaxweynaha dalka Jabuuti, mundane Ismaaciil Cumar Gelle, taagerada uu siiyo dadaalada loogu jiro tayeenta eraybixinta iyo naxwahaa afka Soomaalida ayaa mudan in looga mahad celiyo.
Waxaa se xusid mudan madaxweyne Maxamed Siyaad Barre oo lahaa talada qorista afkan aan afkaarta isku dhaafsanayno. Waxaa xilligiisii la asaasay Akaadimihii Hiddaha iyo Dhaqanka oo dhidibada ay u taageen rag ruug-caddaa ah oo ay ka mid yihiin Allah ha wada naxariistee Gaariye iyo Muuse Galaal iyo qaar kaloo badan. Taariikhdaas waa mid ay u baahan tahay da'yarta Soomaaliyeed.
Labo erey oo af Ingiriisi ah ayaanan af Soomaali ku aqoon oo marka qormo la qorayana aan laga maarmin. Waxayna kala yihiin "punctuation & proofreading". Fadlan ii sheeg. Qormmadanna waxaan arkay inay labadaasba meelaha qaarkood ay u baahan tahay. Taasi khabiir sida Yuusuf Garaad ah waxba u dhimi maysee waxay tusaysa in uu koboca qoridda afkeennu uu weli socdo.
M Ali
Wada mahadsantahay
DeleteAkaadimayadda Hiddaha iyo Dhaqanka waxyabahay qaban jirtay waxaa ka mid ahaa ereybixinta af Soomaaliga.
M Ali
Mashaa allah aad ban uga hilay aqoonta iyo waayo aragnimada luuqadeena heerarkeeda kala duwan aad uleedahay. Waan kaga mahadcelinayaa inaad nala wadaagto walaal.
ReplyDeleteEraybixinta afsoomaaliga waa muhiim waxana jirta baahiwayn oo looqabo in lahelo erayo badan oo buuxin kara erayada qalaad ee nagu soo kordhay 30kii sano ee lasoo dhaafay. qaasatan qalin maalka yar yar een anigu kamid ahay.
ReplyDeleteaadbaad u iftiimisay kafiirsiga eray curinta aan lala kaashanin dadka aqoonta uh leh. waxaa kaloo ii muuqata maqnaashaha kaalinta hayaddo dowli ah oo afka iyo hormarintiisa xil iska saarta.
mahadsanid
Mash Allah ilahay aqontada haku barakeyo wa qormo cajiba oo waxbadan laga. Faidayo shukran
ReplyDeleteWax badan Baan faaiiday Mahadsand Mudane
ReplyDeleteAad baad u mahadsan tahay sacaadatul wasiir
ReplyDeleteMa sha Allah Mudane Yusuf Garaad waad ku mahadsantahay sida qurux da badan ee mar walbo noogu ifiso dhinacyada lala duwan baahiyaheenna ..Mahad sanid Mudane
ReplyDeleteWaan Kaaga Mahad celinayaa Mudane Garaad Sida wacan ee aad marwalbo noola wadaagtid aqoontaada iyo garashadaada, waa wax aad Muhiim, Mahadsanid. Waxaan jeclaan lahaa in aad ku soo darto eray bixin la xiriirta Medical Terminology ka hadiiba ay jirto, Sababtoo ah baahi weeyn ayaa dhankaas ka jirto waxa ayna anfici doontaa Dhamaan Bahda Caafimaadka sida Dhaqaatiir, Kalkaaliyooyin iyo Medical interpreters oo aan ka mid ahay
ReplyDeleteMahadsanid
Mohamed Socdaal
Maashaa allaah Aad iyo aad ayaan wax badan ugu faa'iday. Mahadsanid
ReplyDeleteMahadsanid sidaad markasta noola wadaagto wax na anfacaya
ReplyDeleteMar kale mahadsanid Mudane Yusuf Garaad allaha ku dhowro
Waa qormo xiiso gaar ah aniga ii leh maadaama aan akhriyo qoraallo af qalaad ku qoran. Waad ka digtay in erey bixin cusub la sameeyo, oo lala kaashado af yaqaanka. Waxaan u baahannahay in la furo doodo noocaas ah 5ti sano mar, si loo sameeyo erey bixinno la jaanqaada isbedelka ku yumaada luqadaha.
ReplyDeleteErey bixin in la helaa waa afkeena sii ahaanshihiisa.
ReplyDeleteDhanka barasha bulshada ayaana wakhtigan la joogo aad loogu baahanyahay.
Maashaa allaah walaal yuusuf aad iyo aad baad u mahadsantahay,waxaan ahay xirfadleh caafimaad muddo dhawr iyo soddon sanno ah, waxaan ku guda jirraa errey bixinta caafimaadka guud, markaa haddii aan talo iyo tusaale kaaga baahdo waan kula soo xidhiidhayaa
ReplyDeleteDiyaar ayaan kuula ahay in aan wax kaala qabto, waxa aanan qaban karinna aan ku tilmaamo cid ehel u ah.
DeleteMahadsanid mudane sida hagar la'aantu kamuuqato ee ad noola wadaagtay ereybixinta uu afkeena hooyo soo maray.
ReplyDeletewaax badan ayaan ka faaidaay ruunti waana cilmi aan kororsaday waxan alle ugaa barayaya dhamaan aqoonyahanki somaaliyeed ee afkeena somaliga halkaa so gadhsiyay inuu alle jaanadi ka waraabsho anagana nagadhigo kuwo afkooga eraay bixin kuso daaro yusuf garad alle haku xiftiyo waxa tahay dadka tirada yaar ee manta aduunka nosaran ee museyeeumka ah een ku faano inaad cilmiginaa no reebtaan waa wajiib adbaad umahadsnthy
ReplyDeleteMahadsanid Danjire Yuusuf Garaad. Waa qormo aan akhriskeeda aad ugu raaxaystay, waxan rajaynayaa in uu Afsoomaaligu agoonnimada ka bixi doono insh Allah.
ReplyDeleteIntaan aqrinaye wax badan ayan ka kororsaday, balse waxaan fahmi wayay qoraal kujiray maqaalkaaga kaasoo aad ku sheegeysay dadka kaso qeeb gale shirkii 2002 ee ka dhacay Djabuti waxa tiri "waxa kaso qeebgalay dad ka kala socda shanta gobol iyo dal somalida" meshan ayaan fahmin. Shanta somalida waan aqaan, shanta mamul goboleed waan aqaan inkasto ee san wagaas jirin, balse shanta gobol iyo dal somalida ma fahmin waxa kala jeedo.
ReplyDeleteAad baa kaga mahadcelinaya qoraalkaaga oo aad noogu fa'ideysay eray bixinta somaliga taariiqda uu soomaray iyo qeebaha ee u kala qeebsamaan eray bixinta.
This comment has been removed by the author.
DeleteShanta Soomaaliyeed ayaan u dan lahaa. Haddana waan saxay. Mahadsanid.
DeleteWaan ku salaamay Yuusuf, xaqiiqdii waxa aan halkaan ka helay erayo bixino dhaxal gal ah, Qormadaani waxay aniga iiga dhigantahay Qaamuus dhan,
ReplyDeletesidoo kale talooyinkaaga waayeelnimo aad ayaan ula dhacay, aniga oo ku hawlan qorista buug taariikheed aan filayo in uu badali doono aragtida taariikhda Insaanka ayaan dareemayay boos wayn oo igu banaanaa dhanka eray bixinta,
hada meesha ugu baahida badan in laga fadhiistana u baahan waa eraybixinada Technologyada oo aan aad uga dib dhacnay, halkaas waxaan kugula talinayaa in aad inoo abaabusho Kulan balaadhan oo lagu sii durjinayo eray bixinada,
tan kale Yuusufow Mawduuc kasta oo aad ka hadasho waxaad wax uga qortaa sidii ay ahayd in wax looga qoro ma hambaysid inta badan, marka niyahow maxaadan isugu hawlin in aad buuggaag u reebto umaddaan? hadii aad reebtay ama aad wadana inala wadaag?
tan kale Kulankaa eraybixinta ah ee Jabuuti aad ku qabsateen 2002dii Buugga aad isla qorteen xaggee laga heli karaa? sideese lagu heli karaa?
warniyahow ha ka mashquulin in aad maanka umaddaan doojiso, walaahiya il u irmaan ayaad tahaye dhaxal inoo reeb.
Salaama
waa Shafici Roraye oo Dhuusamareeb kaa soo salaamaya.
Qormadaan waa muhiim, anigu waxaan ka helay faa'iido badan. Waan kaaga mahad celinayaa in aad nagu biirisay wixii aad nagu dhaanto.dadkiini fursada u helay in wax ku bartaan manhajkii Soomaaliya ee Af-soomaaliga ku qornaa, waxaad maanta buuxin kartaan booskii afyaqaanimo, dib-u-hagaanjinta Af-soomaaliga. Saxaafada ayaa ah mida khalad badan laga arki karo, hab qoraalka eray iyo ku dhawaaqistaba. Dadka caadiga ah dhibaatada haysato waa qoraalka far soomaaliga oo aan si sax ah loo qorin, waxaad arkaysaa xarfaha oo la isku khaldo. Tusaale Xarafka "D" waxaa lagu khldaa "T" dhigaalka xarfaha laba laabmo, shaqallada oo la isku khaldo, A iyo E ayaa la isku khaldaa. Waxaan soo jeedin lahaa in marka hore dhigaalka Far soomaaliga dib looga saxo kumanaanka aanan aqoonin markaaa kadib loo gudbo eray-bixin cusub oo waqti leh, cida aqoonta u leh laga faa'iideysto. Mahadsanid.
ReplyDeleteWaxaa i bidhaantay iney wali jirto rajo ah dib u habeyn iyo qaabeyn afka soomaliga iyado lala jaan qaadayo waqtiga cusub iyo tijnolojiyada hada jirta,
ReplyDeleteAad ayad u mahadsan tahay mudane
Aqoonyahan Yuusuf Garaad warbixin fiican ayaad diyaarisay waana kaaga mahadcelinayaa. Waxa igu adkaatay waxa aan afsomali ahaan ku macneeyo "Profile"
ReplyDeleteAdeegsiga erayadii horay loo bixiyay ayaa fududayn karta eray bixin hor leh oo loo helo wixii Afkeenna ku cusub.
ReplyDeleteMAHADSANID MUDANE: YUUSUF GARAAD
Mahadsanid Yusuf-Garaad
ReplyDeleteWaxaan aad ugu baahnahay eraybixin dhinaca technology-ga ah. Labo eray: Artificial Intelligence iyo Biotechnology ayaan hadda qoraalkeyga u rabi lahaa.
markale mahadsanid.
Danjire Yuusuf,
ReplyDeleteAad baa ugu mahadsantahay,
Wax badan ayaa ka faa'iday.
Magadsanid Mne Yusuf Garaad. Af Soomaaliga dedaalkaas adag loo galey hada ayuu ugu liitaa, siiba xafiisyada iyo baraha bulshada ayuu gabaabsi kasii yahay. Afqalaad ayaa loo arkey inuu aqoontii yahay. Fdln aan isdaba qabano
ReplyDeleteMahadsanid md wasiir
ReplyDeleteHada waxaa socdaa waa Eray BI,in, waxaa rajaynayaa inaan ka shaqeyno sidii dib loogu yagleeli lahaa goobo lagu horumariyo afka soomaaliga.
ReplyDeleteMahadsanid, mudane Yuusuf Garaad sida aad mar waliba noola wadaagto aqoonta aad u leedahay afkeenna hooyo ee hodanka ah.
ReplyDeleteMarkahore salaann guudd Yuusuf Garaad.
ReplyDeleteMarkaxiga waxaad mudadantahay in waxabadann laguu mahadceliyo, cilmigan muddada koobann aad ku soo diyaarisay waa wixii Jaamacadahaha lagu dhigannjiray, sidaa darteedd waan kaaga mahadceliniayaa inbadann.
Eray aad laba jeer midba sis u qortay kaas oo ahaa Fikir iyo feker sida aadu dhigtay waxaanan is leeyahay middahore oo ah "fikir" ayuu sax ku yahay.
Mahadsanid siina wadd dadaalkaaga aad dib ugu soo noolaynayso Afkii Somaliga oo meel heedaann ah ka sii dhacaya, waxaana taa garankara oo kaliya qofa si miyirqabta u dhagaysta Wariyayaasha ku cusub war-tabibta sida idaacadaha iyo telefeeshinnada. Waxaana ugu dambeeyey erayo aann iyada oo kale munaasab ku ahaynn Gabadh Suxufiyadd ah oo BBC Galabta ka waramaysay.
Xadiis
Mudune aad ayan kaga mahad celineeyna aqoonta aad nala wadaagtay waxan arka dad badan oo xiseeynaho qamuusyada aad soo sheegatay oo an anigaba ka.mid ahay hadii aan nala wadaahi karto ama inoo tilmaami karto meel an ka heli karno aad ayan kaga mahadcelin laheyn
ReplyDeleteWaad ku mahadsantahay Mudane Yuusuf sida quruxda badan ee aad maqaalkaan u soo diyaarisay.akhrin dheer kadib hal eray ayaan micne ahaan igu soo istaagay oo kamid ah erayay bixinta hay'addaha dowladda. Erayga 'Curaar' maxaa loo adeegsadaa?
ReplyDeleteAmbaasadoor Yusuf Garad waxan kaga mahad celinayaa sida quruxda badan aad iigu ifyiimisay wax yaalaha aanan aqoontaasi u laheyn Jaza'Akallah markle iyo mrkle waxan ku lee yahay Allah ii kaa xafido markasatana qormooyinkaaga waan la socdaa si ay wax gal iigu naqdaan maadaama aan u baanahay qormooyinkaaga aadt u mahadsan tahay
ReplyDeleteAmbaasadoor Yusuf Garag����
Thanks yusuf Garaad allha ku xifdiyo,
ReplyDeleteSomaliga barasha diisa waan bahanahay
Waa ku salamayaa from kenya.
Yusuf Aad ayaad u mahadsantay. Waxaan ku faraxsanay inaan maanta Cashar dheeriya kaa qaatay. Waxaan kamiday dadka wax isku dayay. Balse waxaad ii dirtay tub wanaagsan.
ReplyDeleteMahadsanid.
Waa maqaal aad u xiiso badan, waan akhri guud ahaan maqaalka, waana ka faa'iday waliba si aad ah. Waan kaaga mahad celinayaa waqtiga dheer ee aad u hurtay xogaha ka buuxo qormada.
ReplyDeleteMahadi hakaagaadho garaad waxbadanbaad inoo bidhaamisay
ReplyDeleteDanjire Yuusuf Garaad aad ayaad u mahadsantahay runtii qoraana ma ihi suxufina ma ihi balse wax badan ayaan ka faa’iidey qormadaan aqriskeeda waxaan codsanayaa inaad qormooyin badan nooga faa’iideysid aad ayaad u mahadsantahay
ReplyDeleteWixii qoraal kooban, mid dheer ama buug aan akhriyey sanadkan bilowga ah iyo kii tegeyba, waa qoraalkii iigu faa,iidada badnaa. Marka 1aad wuxuu ii ahaa xusuusin ereyo maskaxda ka sii tirtirmayey, marka 2aad wuxuu ahaa qoraal sare u qaaday aqoonta afeed iyo taariikheed iyo meelaha laga soo dheegtey. Mahadsanid Yuusuf.
ReplyDeleteaadbad umahadsanthy mudane yusuf garad sida aad markaste ujeceshahay inad bulshadad garab istagto
ReplyDeleteMahadsanid mudane Yusuf Garaad Cumar.
ReplyDeleteWaad mahadsantahay, xurmadle wasiir.
ReplyDeleteMidda kale waxaan kaa codsan lahaa adiga iyo ragga Af-Soomaaliga muddo ku dhexjirey in aad sameysaan cilmi baaris xagga lahjadaha ah.
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteYusuf Garaad marka hore waan ku Salamaay walaal. Salaan kadib walaal waan kaaga mahadcelinayaa qoraalkaadan qiimaha badan ee aad waqtiga galisay abaal ayaan kaaga hayaa shaqsiyan.
ReplyDeleteMahadcelin kadib walaal eray bixin Af iyo luuqadba aad baan ugu baahanay siiba jiilkeenan ku soo toosay dowlad la'aanta waxaan kaa codsaneynaa in aad waqti galicid sidii aad nooga tagi lahayd wax anfaca jiilkeenan aadka u nasiibka daran adiga oo kaashanaya Alle kadibna aqoon yahanka Soomaaliyeed guuud ahaan. Mahadsanid walaal
Waa qormo faa’iido leh balse dhinaca kale leh dhaliil dhigaalxumo, marka laga reebo gabayga Abwaanka oo si sax u dhigan
ReplyDeleteAsc wr wb. Waa qormo leh mug iyo miisaan misena xambaarsan xogo iyo taariikho iga dahsoonaa, hasayeeshee leh dhaliilo ka muuqda habqoraaleedka afkeenna-hooyo. Tusaale: eray leh dhawaq mid ah, micno mid ah balse leh labo lakab, saddex lakab, afar lakab, ayaad u qoreesaa; “alif wax ma leh” bal haddeer qof ajnebi ah sideed uga dhaadhicin kartaa; intaas ayaa isku hal eray ah???
ReplyDeleteAad baan kaaga mahad celinayaa qormadaan was soo bandhigtay iyo intii kale ee isku howshay waqtina ku bixisay in at ku hadalka Soomaaliga aanu lumin, laakiin ilaa hada waxaa jira afaf ay ereyadooda ay ku milmeen soomaaliga una baahan in la soomaaliyeeyo, Hadaba sidee wax looga bedeli karaa ereyadaas ? Halkee lagu soo bandhigi karaa ? Sideese la isugu waafiqi karaa ? Intaa marka jawaab loo helo waxaan is leeyahay afka Soomaaliga waa la horumarin karaa.
ReplyDeleteUnknown7 April 2020 at 14:13
ReplyDeleteWax badan Baan faaiiday Mahadsand Mudane ex wasiir Yusuf garaaad.
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteKun iyo kow jeer mahadsanid, intee laga heli karaa eraybixinnada ama qqaamuuska?
ReplyDeleteUstaad aad baan u mahadsan tahay wax badan baa laga faa iidayaa
ReplyDeleteYuusuf Garaad aad bad u mahadsnthy wx weyn bn ka faa'iday oo aan ka arkay illahy ajar iyo xasanad haka siiyo.
ReplyDeleteSaad waxnoogu siyaadisay cimriga iyo caafimaadka Allaha kuugu siyaadiyo.
ReplyDeleteMasha allaah aad baan kaaga mahadcelinayaaa sida quruxda badan ee ad noola wadaagtay taariikhda uu soo maray af soomaaligu waxaanse ani fahmi waayay oo aan rabaa inaad ii macnayso 2 eray oo aan maqaalkan ku arkay oo kala ah, Miriq-Shaale iyo Dhulubo sharaf iyo karaamo ayaan kuu hayaa eebe ha ku sharfo
ReplyDeletemahadcelin balaaran iga gudoon mudane. wax badan ayaad noo iftiimisay, eraybixinta waxad mooda inan ka aradanahay sadahan dambe, aad ayan u xiiseya qoraalada la xiriira dhankaa.
ReplyDeleteMahadsanid mudane, waxaan kugu bogaadinaya inaad qabanqaabiso kullan Wayne af Soomaaliga looga wada fariisanayo si lamida midkaa qormada kuxustay e 2002.
ReplyDeleteMeesha aan iri looga wada fariisanayo waxaan uga golleeyahay (looga wada arrinsanayo) eray bixin lasameeyaa, kuwo jiray lanasakhyaa haddiba loobaahdo,kuwo jira lasaxyaa. Iw..
ReplyDeleteQormo ay ka buuxaan erayo mug iyo macnaba leh ayad inoogu soo gubissay degal kaan ileys ku araga ah. Faa iido badan ayuuna u leeyahay sida; Qoraayaasha,wariyaasha,dhamaan Soomaalida iyo wixii la halmaala.aad iyo aad ayaan kaaga mahad celinayaa juhdiga aad ku bixisay si'aad inoogu soo gudbiso dhigane wax tar u leh aadanaha. Mahadsanid mudane Yusuf Garaad.
ReplyDeleteYusuf Garad mudane aad bad umahadsantahy Qormada quruxda badan o ad nooso gubdisey, Sifican ban uga fa'idaysaney
ReplyDeleteMahadsanjd
Aniga waxey iilatahay in lasooceliyo manhajkii afsoomaaliga lagunadhigo iskuulada oo idil maxaayeelay hada iskuulada badan kood waxey waxkudhigaan carabi iyo inglish marka hada waayo badan oo sheegtay macnahooda mayaqaanaan jiilka burburka ku dhashay ama ku koray
ReplyDeleteMoalim Mohamed
ReplyDeleteMarka hore waxaan aad ugu mahadnaqayaa walaal yuusuf garaad sida uu isugu howley erybixinta afsoomaaliga iyo sida uu u iftiimiyey luqadda soomaalida marxaladihii ay soo martey. waxaa run ah in luqadda soomaalida am af-soomaaliga uu yahey luqad xaga qoraalka curdun ah oon hanaqaadin xaga qaamuuskana aan fariisan. sodonkii sano ee ugu danbeysey ee qaranjabkii soomaaliya uu dhacey af-soomaaligana ma amaan helin taasoo ay jirto ayaa hadana intii ka hartey amaba laga dhaxley dowladii xiligaas jirtey ay faraha kasii baxayaan
si kastabata ha ahaatee waxaa ku talin lahaa dadka daneeya in ay sii jirto amaba in la dabaqabto luqadada soomaaliyeed in dadaal iyo baaris lagu sameeyo si aan loo dhaxal wareegin, dhicana kale luqada iyadoo ay xuubsiibato ereyo cusubna ay dhashaan kuwo jireyna ay dhintaan si kastabata haku dhinteene ayey hadana lagama-maarmaan tahey in lahelo meel loola noqoto markey noqoto erybixin iyo qaamuus iyaddo aan maxkaxda aan ku heyso "Maan dad waa Mudacyo caaradood".
This comment has been removed by the author.
ReplyDeleteMudane, waad ku mahadsantahay si quruxda badan ee aad noo la wadaagtay qormadaan. Waan akhriyay, wax badan na waan ka faa'iiday. Dadka aad xustay ee waliba aad ku tilmaamtay inay yihiin Dad ehel u ah Afka Soomaaliga waxaa ka mid ah Axmed Shiraac oo aniga ii ahaa Macalinkeyga Afka Soomaaliga. Gabagabdii, luuqadda waxay u baahantahay in loo istaago sidii loo horumarin lahaa, waa naxaa marka aan arko Xafiis dowladeed oo magaciis ku qoranyahay Af qalaad amma ha ahaado mid gaar loo leeyahay.
ReplyDeleteSckm, waan akhriyay qoraalka, waxaanuu ka hadlayaa mawduuc muhiima oo ah Eray bixin.
ReplyDeleteLagasoo bilaabo 1972 illaa 2002 daa aad Jabouti ku shirayseen afkeena wuu korayay. Laakin intii kadanbaysay waxay ilaa tahay inaan wax badan ku kordhin. Bal se ey lumeen erayo badan, oo da' yarta maanta afkii wax badan ka garanmaayaan.
Dhib ugu wayn waxa weeye luqada English ta oo dadkeenu uhaystaan qof ay hadalkiisa ku badantahay inuu dadka kale wax dheertahay, iyo shaygii soo baxaba afka wadankii soo saaray loogu yeedhayo aan la bedelayn.
Ugu danbayn dadkeenu gurmad ayuu u baahanyahay.
Uurka waxaan kasoo baxay
ReplyDeleteAabayaal isdilayee
Yuusufow aqoontaan
Qaamuus affeedyadaan
Soomaligu ku idil yahay
Xageebaan u aadaa?
Waa ku mahadsantahay masuul waana kaaga mahadcelinayaa inaad nala wadaagtay hantidan waxaanse jeclaan lahaa inaad meel iigu tilmaanto qaamuusyadaa iyo buugaagtaa ay qoreen dadkaa sharafta iyo cissada bulshadeena ku dhex leh.
ReplyDeleteMahadsanid Mudane Yusuf-garaad
ReplyDeleteWaa muhiim qof walba xogta uu hayo ee ummadda waxtarka uleh in uu soo bandhigo si looga faaiidaysto dhaxal reebna unoqdaan dib loo isticmaalo.
Fiicnaan lahaydaa in la isku keeno aqoonyahanka Soomaaliyeed ee ku xeel dheer cilmiga afka si wax uun dhaxal ah looga reebo ummaduna ka faaiido.
Waxaan soojeedinayaa in mar kale kulan weyne looga hadlayo eraybixinta Soomaaliga la isugu yimaado, si loo caymiyo soomaaliga jiilka danbe.
Waa qormo faa’iido badani ku dhex jirto hadii qofka u baahani ogolyahay in wax loo kordhiyana aad bay u anfacaysaa
ReplyDeleteMahadsanid Yuusuf garaad waxaan kamid ahay dadka ku xiran blog spot_kaaga wax badanna kabartay. Haddii aan ka gudbo intaas waxaan ahay arday dhiganaya Dugsiga sare (11aad).
ReplyDeleteWaxa aan jeclahay mustaqbalka in aan noqdo khabiir ku takhassusay cilmi afeedka gaar ahaan afka soomaaliga waxaa igu maqaal ah mar aad leedahay ardayda hala baro taariikh iyo juqraafi, iyo markale aad sheegtay in ay nagu yaryihiin cilmi afeed_yahanada ,mudane waxaan rabaa in aad faafaahin iga siiso cilmigan(linguistic).
EMAIL:hassanamukhtaar@gmail.com
Twitter:Hassan A.mukhtaar
Facebook: Hassan A.mukhtaar
WhatsApp:+252619807180
MUDANE TALADAADU WAA II MUHIIM WAXAAN FILAYAA IN AAD FARIINTEYDA ARAGTAY INSHA ALLAH.
Hassan, waad ku mahadsan tahay faallada. Insha Allah si gaar ah ayaan kuula soo xiriiri.
DeleteMudane Sacadatul Wasiir aadbaan kaaga mahadcelinayaa qormadaan aadka uwanaagsan kuna cabirtay eraybixinta. Mudane si aan uyeelano hami curis eraybixin fadlan manala soo wadaagi kartaa dhamanteena inta qormadaan aqrisay Qaamuuska aad dejiseen, daabacdeen, kana koobnaa 3000 oo eray Djibouti.
ReplyDeleteWaa qormo wax badan aan ka faaiiday mahadsanid mudane.
ReplyDeleteErreyga Police somaaliaxaa u dhigma??
ReplyDeleteThanks yusuf
Mahadsanid Yusuf Markasta oon akhriyo qoraal aad soo dhigtey faaido badan ayaan kahala, waxan ku talon lahaa in xukuumada somaliyeed Mar kale goggal dhigto oo qiimeyn lagu sameeyo qamuskii aad qorteen saameyn uu yeeshey maxa qabad ee ka hortimd sido kale la cusboneysiiyo (updating)
ReplyDeleteEray bixin soomaliyeed oo lagaliyay dadaal aad u badan ayaa la helaya oo diyaarsan sida aad nagula wadagtay qormadan balse waxa meesha ka baxay kaalintii saxafadda oo la rabay inay faafiso erayadan si ay bulshada u dhex galan oo looga marmo adeegsiga afka qalaad tan labaad waxa meesha ka maqan kaalintii macalinka ama baraha oo la rabay in uu so saaro bulsho iyo aqoonyahan aqoon ku filan u leh afkooda
ReplyDeleteWaxa kalo hawshooda gabay dawladdii oo la rabay inay dadaal ku bixiso adeegsiga eray bixinta afsomaaliga
Iska daa inay dhiiri galisee nuqullada kaso baxa xafiisyada dawlada waxay ku qoran yihiin eray bixin ku salaysan afaf qalaad