Taliyaha Booliiska, Gen. Aden - Kuukaay. Col Nur goobjoog |
Nuur Xasan Xuseen, Nuur –Cadde, wuxuu ahaa nin muddo ka badan nus
qarni u shaqeeyay Dowladda Soomaaliya, jagooyinka dalka ugu sarreeyana ka
gaaray.
Wuxuu muddo dheer ka tirsanaa booliiska Soomaaliya. Wuxuu ka qabtay xilal kala duwan. Darajo wuxuu ka gaaray Gaashaanle
Sare.
Wuxuu ahaa sharci yaqaan wuxuuna ka shaqeeyay Maxkamadaha dalka.
Nuur waxay dadku inta badan ku yaqaanneen Booliiska iyo xilka
Ra’iisal Wasaare laakiin xaggeyga shaqada qalbigeyga u dhow ee uu qabtay waa
howsha samafalka ee Bisha Cas.
Bisha Cas
Boqoradda oo abaalmarisay Dr. Axmed Food - Cadde |
Nuur wuxuu markii hore ka tirsanaa Guddiyada Bisha Cas oo mar mar
uun fadhi isugu yimaada korna kala socda Howlaha Bisha Cas. Markii 1991 ay
Dowladdii Soomaaliya burburtay ayaa waxaa dagaalku saameeyay Guddoomiyaha Bisha
Cas, Dr. Axmed Food-Cadde, oo inkasta oo uu isku dayay in uu ku shaqeeyo Bisha Cas xarunteeda Muqdisho ay ku adkaatay in howshu ay hagaag u socoto.
Waxaa u sabab ahaa dagaallo qabiil, kuwo siyaasadeed iyo amni darro
baahday oo ay ka faa’iideysteen burcad - dhac iyo boob-doon ah oo agabka
hey’adaha Dowladda, kan samafalka iyo hantida gaarka loo leeyahay aan midna u
aabba yeeleyn. Si ay taas u gaaraanna aan ka waabaneyn in ay naf Aadane gooyaan.
Guddoomiye Dr. Food Cadde, Allah ha u naxariistee, wuxuu u wareegay Nairobi
halkaas oo uu ka sii waday howsha Bisha Cas.
Xarunta Muqdisho waxaa u istaagay Nuur – Cadde oo noqday Xoghayaha
Guud ee Bisha Cas. Isaga oo aqoonsan lana shaqeynaya Dr. Food – Cadde.
Wuxuu noqday Xogahayaha Guud ee Ururka Bisha Case ee Soomaaliyeed.
Nuur – Cadde, isaga oo kaashanaya Guddoomiye Food – Cadde, wuxuu
noqday ninka suurta geliyay in dagaalkii iyo jahawareerkii ka taagnaa
caasimadda aan Bisha Cas ku burburin, kuna dhex milmin siyaasadda qabiileysan
ee berigaas taagnayd.
Bisha Cas oo xilliga loogu baahi badan yahay ay tahay xilliga
colaadaha iyo xilliga masiibooyinka ay abaaraha iyo cudurrada saf marka ahi ka mid yihiin, waxay ku
guuleysatay in aan marnaba albaabbada loo laabin. In aanay marnaba ka qixin
Xamar, marnaba ka maqnaan goobaha looga baahan yahay. Xataa markii ay Muqdisho iyo Kismaayo
colaaddu ay ka dhexeysay iyo markii ay Muqdisho laba u qeybsantay, waxaa Bisha
Cas u suurta gashay in ay dhinacyada oo dhan ay ka howlgasho.
Goobaha ugu daran dagaalka waxaa ka mid ahaa Muqdisho oo Nuur –
Cadde uu fadhiyo, Xamar labada dhinac ee markaa uu dagaalku u qeybiyayna ku leh
laba wakiil. Magaalooyinka kale ee dagaalka xooggani ka dhacay waxay ahaayeen Kismaayo
oo Axmed – Goobbo uu joogay iyo Baydhowa, oo dagaalka ay macluul maalintii boqol
ruux dishaa ay u dheereyd 1992. Xuseen Daahir ayaa ka howlgalayay oo ahaa
mas’uulkii Bisha Cas ee Baydhowa burburka ka hor iyo ka dib labadaba.
Nuur - Cadde |
Waxay wada shaqeyn dhow oo xagga samafalka ah ay lahaayeen rag uu
horseed u yahay Cali Jirde.
Taasi waxay suurta galisay in hey’ado kale oo badan oo samafal ah ay
ku dhiirradaan in ay dalka si xoog leh uga shaqeeyaan xilliyadii colaadda iyo
abaaraha.
Waxaa si gaar ah loo xusi karaa kaalintii Guddiga Caalamiga ah ee
Laanqeyrta Cas, ICRC, oo miisaaniyaddiisa caalamiga ah barkeed ku bixiyay
Soomaaliya. Howlgalka wuxuu la kaashaneya Bisha Case ee Soomaaliyeed oo ay
bahwadaag yihiin, kana wada tirsan yihiin Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ah ee Bisha iyo
Laanqeyrta Cas.
Caalamku wuxuu qiray howsha adag ee samafalka ah ee Bisha Cas ay ka
qabatay dalka xilli aad u adag. Sawirka waxaad ku arkeysaa Boqoradda,
Elizabeth, oo Qasrigeeda London abaalmarin ku Guddoonsiineysa Guddoomiyaha
Bisha Case ee Soomaaliyeed, Dr. Food - Cadde.
Madaxa Xukuumadda
Macallimuu oo Ra'iisal Wasaaraha ku xiraya Studiyaha BBC |
Iyada oo sida aan maqlay ay soo jeedintiisa gacan weyn ku leeyihiin
saaxiibbadiisii Bisha Cas, Dr. Food – Cadde iyo General Cabdinuur Yusuf, ayaa November 2007 Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf uu Ra’iisal Wasaare u magacaabay Nuur Xasan
Xuseen, Nuur – Cadde.
Waxay ahayd xilli aad u adag, xasaasina ah. Ciidammada Ethiopia iyo
kuwa Dowladda ayaa dagaal qaraar kula jiray ciidammadii Maxaakiimta.
Baarlamaanka Soomaaliya laba ayuu u kala jabay oo qaar Badan oo
Guddoomiyaha Baarlamaanku uu hoggaaminayo ayaa Dowladda ku diiday
siyaasaddeeda. Xildhibaannada mucaaraday gacansaarka ciidanka Ethiopia iyo
Dowladda Federaalku dalka ayay ka baxeen oo waxay xarun ka dhigteen Asmara oo
markaas ay cadaw isku ahaayeen Ethiopianka.
Qurbo joog is abaabushay ayaa ku biirtay.
Dhammaantood waxaa Guddoomiye u noqday Shiikh Shariif oo markaa ka
hor ahaa Madaxa fulinta ee magaca Maxaakiimta Shareecada ku dagaallamayay.
Qax fara badan ayaa shacabka ku dhacay siida dadweynaha Muqdisho.
Inksta oo markii hore uu dhisay Xukuumad fara badan, haddana Nuur
– Cadde wuxuu hirgeliyay Xukuumad 18 Wasaaradood ah.
Nuur wuxuu dhexda u galay siyaasado Soomaaliyeed oo is diiddan iyo
kuwa caalamka oo iyaga qudhoodu aan meel u wada socon.
Xilliyada qaar wuxuu dadka qaar ugu muuqday Hoggaamiye isku dayaya
in uu qanciyo dhinacyada oo dhan, taas oo xilligaas aan sinnaba suurta gal u ahayn.
Khilaaf Culus
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf - Bush House |
Xilligii ugu adkaa wuxuu ahaa markii khilaaf aan qarsoodi ahayni soo
dhex galay Madaxweynaha, Cabdullaahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaaraha Nuur Xasan
Xuseen.
Intii aan baaritaanka qoraalkaan ku jiray, il iga xog ogaalsan waxay ii sheegtay in khilaafka Madaxweynaha
iyo Ra’iisal Wasaaruhu uu ka billowday dhismaha Xukuumadda.
Waa sida beri dambe ka dhex dhici doonta Madaxweyne Xasan Shiikh iyo Ra’iisal Wasaare Cabdiweli
Shiikh.
Hase yeeshee, Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf iyo Ra’iisal Wasaare
Nuur – Cadde iyaga khilaafkooda muddo ka dib ayuu dibadda u soo baxay.
Labada mas’uulba waxay bixiyeen wareysiyo uu mid waliba dadweynaha ugu fasirayo mowqifkiisa iyo waxyaabaha aanuu aqbali karin ee ka
hor yimid.
Wareysiyadaas in aan dhammaantood dhegeystay, qaar badan oo ka mid
ahna aan anigu labada mas’uul gooni gooni uga qaaday, waxaa ii dheeraa kulammo
aan isu geyntooda kula yeeshay mgaalooyin ay ka yihiin London, Nairobi, Hague
iyo Lisbon.
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, dhowr jeer oo hore ayuu iiga warramay
khilaafkii kala dhexeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan.
Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha, markii ugu horreysay
ee aan afkiisa toos uga maqlo waxay ahayd mar uu Madaxweynuhu caafimaad u yimid
London. Waxay ahayd xilli uu i dhaliilsanaa igana diiday wareysi. Ka dib markii
aan aad isugu dayay, inta aanuu ka amba bixin London ayay ii suurta gashay in
aan la kulmo, iska maslaxo, is fahamno, welibana aan gooni u wada casheeyno.
Wuxuu ii yara taabtay khilaafka isaga iyo Ra’iisal Wasaaraha.
Inta uu Madaxweynuhu ii sheegay waxaa iiga sii muhiimsanaa waxa iiga
baxay marka aniga oo la fadhiya ay telefoonka ku wada hadleen Nuur – Cadde. Arrin caafimaad ayuu usaguna u yimid London. Maalin ama laba ayuu joogay. Laakiin wadahadalkooda aan maqlay hal dhinac waxaan ka fahmay in aanay weli is arag.
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf, rag hadda nool oo Baarlamaanka ku
jiray aadna ugu dhowaa ayaan sheeko wadaag ahayn oo meesha ay wax marayaan iyo
rajada is fahamku hadba inta ay gaarsiisan tahay aan joogto u kala warqaadan
jirnay. Waxaa ka mid ahaa Xildhibaan Cabdirashiid Cirro. Saaxiibkeey Cabdirashiid Seed Qoor iyo rag kale iyagana xog iyo gacanba waan ka heli jiray.
Nuur – Cadde isaguna wuxuu marar badan wareysiyo ugu fasiray shacabka
Soomaaliyeed sida ay isaga wax ugu muuqdeen. Wuxuu ugu yaraan laba jeer aqbalay
in si toos ay dhegeystayaasha BBC su’aalo u weydiiyaan isaguna uu uga jawaabo.
Mar waxay ahayd khadka telefoonka, marna waxay ahayd su’aalo ay fool-ka-fool u
weydiiyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Netherlands oo isugu soo baxay magaalada
Hague.
Cabdiweli iyo Nuur, Muqdisho, Arbaca, 1 April 2015. |
Wuxuu Ra’iisal Wasaaruhu ku dooday in aan ciidanka galabtaas dhacay
Bakaaruhu aanay ku shaqeyneyn amarka Dowladda. Waxaan kula dooday in
muwaaddinka la dhacay aanay macna u sameyneyn in askariga dhacaya la soo amray
iyo in kale. Sidaa darteed waxaan Ra’iisal Wasaaraha weydiiyay waxa looga qanci
karo oo uu dadka la dhacay iyo Soomaali oo dhan uu u sheegi karo.
Nuur-Cadde wuxuu ballanqaaday in aanay mar dambe dhici doonin isaga
oo xilka haya. Waxaan filayaa in ay ahayd markii ugu dambeysay oo uu weerar
noocaas ahi ka dhaco Suuqa Bakaaraka.
Dhanka Madaxweynaha marka laga reebo inta uu isagu
si rasmi ah u shaaciyay, waxaan khilaafka si hoose ugala socday rag ay ka mid yihiin
Xildhibaanno Baarlamaanka ah oo isaga ku dhowdhow.
Dhanka Ra’iisal Wasaaraha inta uu toos iigu sheegay waxaa ii
wehliyay inta aan ka helo mas’uuliyiinta Xukuumadda ee isaga la safnaa oo uu ka
mid yahay Ku Xigeenkiisii, Wasiir Axmed Cabdisalaan.
Waxaan u haystaa in khilaafka labada mas’uul uu salka ku hayay go’aan
ay qaadatay waxa dadka qaar ugu yeero beesha Caalamka oo ay ku jirto Dowladda
Ethiopia oo Ciidankeeda la’aanteed aan Dowladdu cagaheeda isku taagi karin.
Go’aankaasi wuxuu ahaa in la joojiyo dagaalka qaraar ee lagu hoobtay
ee ka socday caasimadda iyo degaanno kale oo Koofurta ah. Iyo in marka taas
lagu guuleysto ay ciidammada Ethiopia ka baxaan Soomaaliya, ciidammada keliya
ee shisheeye ee la ogyahay ee dalka joogayaana ay ahaadaan kuwa AMISOM.
Waxaa kale oo go’aanka ka mid ahayd in ay Dowladdu beddesho
siyaasaddeeda, heshiis la gasho mucaaradka, wadajirna ay ugu soo dhowaadaan
shacabka.
Khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaruhu wuxuu saameeyay
Xukuumadda oo ku kala jabtay, ka dib markii Wasiirrada intooda badani ay is
casileen iyaga oo eedeynaya Ra’iisal Wasaaraha.
Ma doonayo in aan ku sii talaxtago faallada hoose ee khilaafkii
Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha ee ugu darnayd 2008.
Markii ay arrintu cakirantay, Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf wuxuu iskiis
u goostay in uu is casilo, taas oo ahayd ballanqaad uu hore u sameeyay markii
uu xilka qabtay.
Labada mas’uulba waxay ahaayeen akhyaar muddo dheer dalka u soo
shaqeeyay, weliba xagga ciidanka militeri iyo booliis kala ahaa, Madaxweyne iyo
Ra’iisal Wasaare soo noqday. Labadaba Allah ha u naxariisto.
Wadahadal, Heshiis iyo Doorasho
Madaxweyne Shariif - Bush House |
Wadahadallo billowday intii uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf xilka
hayay, ayaa ka socday Djibouti markii uu Madaxweynuhu is casilay. Wadahadlku
wuxuu u dhexeeyay Dowladda Federaalka iyo Kooxaha hubeysan ee dagaallamaya oo
ay matalayeen Madaxda Siyaasadeed ee muqaawamada oo xaruntoodu ay tahay Asmara.
Waxay labada dhinac isku af garteen in xabbadda la joojiyo iyo in 275-ta kursi ee Baarlamaanka in la eg lagu daro. Xildhibaannada fariisanayana ay muqaawamadu magacawdaan . Ka dibna la qabto doorasho Madaxweyne.
Heshiiska Djibouti waxaa dhinaca Dowladda u Saxiixay Axmed
Cabdisalaan oo ahaa Ra’iisal Wasaare ku Xigeen iyo Wasiirka Warfaafinta.
Dhinaca Mucaaradka waxaa u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ahaa ku
Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Dhexe.
Aisha Yonis Nuur oo macsalaameyneysa |
Nuur Xasan Xuseen oo taageero ka haysta siyaasiyiin iyo dhinacyo beesha
caalamka ah, wuxuu u tartamay Madaxweyne.
Nuur-Cadde taageero kama haysan
muqaawamada soo buuxisay Baarlamaanka, sidoo kale taageere kama haysan
taageerayaasha Cabdullaahi Yusuf ee Baarlamaanka hore u fadhiyay. Sidaa darteed, waxaa guuleystay
Shariif Shiikh Axmed oo Jannaayo 2009 loo doortay Madaxweyne. Iyada oo murashaxa ku soo xigaana uu noqday
General Maslax Maxamed Siyaad.
Mudane Nuur – Cadde, kama caroon ee wuu la shaqeeyay Madaxweynaha
cusub, Shiikh Shariif iyo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee uu magacaabay, Cumar Cabdirashiid C.
Sharmaarke.
Nuur – Cadde waxaa loo magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya
Roma iyo xarunta Midowga Yurub, Brussels.
Nuur Xasan – Xuseen, Nuur-Cadde wuxuu ahaa mas’uul aad u xushmad iyo qaddarin
badan. Yar iyo weyn labada qaddariya. Inta badan fadhiga ka kaca marka uu qof
gacan qaadayo, adeegsadan labada calaacalood.
Wuxuu ahaa waaya arag af gaaban. Marka uu damcana sheekeeya. Ilbax
ayuu ahaa, furfuran, maskaxna furan. Nolol quruxoon ayuu qaatay.
Nuur-Cadde
waxaa dilay Covid-19, isaga iyo tobannaan Soomaali ah oo inta badan Yurub ku
geeriyooaday. Dhammaantood Allah ha u naxariisto. Inta taagtu tahay, ha laga
feejignaado Coronavirus oo isagu keena cudurka.
F. G.
Waxaan u mahadcelinayaa Shacni Nuur - Cadde oo ila wadaagtay sawirrada aan bartaan ku soo bandhigay saddex; kan koowaad, kan saddexaad iyo kan siddeedaad.
Waxaan u mahadcelinayaa Shacni Nuur - Cadde oo ila wadaagtay sawirrada aan bartaan ku soo bandhigay saddex; kan koowaad, kan saddexaad iyo kan siddeedaad.
Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay. Fadlan ducada iyo aragtidaada ila wadaag oo halkan ku reeb.
ReplyDeleteAllah ha u naxariistu Nuurcadde.
DeleteInnaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun, Allah Yaa Raxma. Alloow qabriga uwaasici, kitaabkiisana midigta kasii marti lajecelyahayna kayeel adaa awoodee.
ReplyDeleteAllah ha u naxariisto Nuur cadde taariikh
ReplyDeletebadan ayuu inoo reebay oo xataa jiilka dambe anfici doonta
Allow u Naxariiso Marxuumka.
ReplyDeleteAlle naxariistii janno haka waraabiyo Labadaba
ReplyDeleteIlahay ha u naxaristo, waxaan xasuusta sida uu ugu sharaxi jiray khilaafkii madaxwyanaha waxaan ka xasuustada madaxwyannahayga ayuu dhihi jiray.
ReplyDeleteIlahay cudurka dunida kufaafaya ha inaga wado gaar ahaan umadeena somaliyeed waa umad dhibato daashataye ilahay magarsiiyo cudurkan aamin. intas kadib waxaad tahay qabiiq waxbadan usoo joogay udan in lagu qadariyo adiguna waa in aad iskudayda ugu yaran aqoontada iyo waayo aragnimadada in aad dadkaada ugu adeegto inta aadkarto sidaacad nimo kujirto waadna mahadsantahay
ReplyDeleteDhaman inta udhimatay ilahay musliminta ha unaxaristo gaar ahaan umadeena
ReplyDeleteAllaha u wada naxariisto Madaxweynihii iyo Ra'iisal wasaarhii hore ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf iyo Nuur Cade, iyaga iyo dhammaan intii hortood geeriyootayna Allaha ducada u aqbalo Aamiin Aamiin Aamiin.
ReplyDeleteMundane Yuusuf Garaad salaan kadib, waad ku mahadsan tahay qoraalkan kooban ee muhiimka ah ee aad ka diyaarisay Ra'iisal Wasaarihii Hore (AUN) Nuur Cade.
allah ha u naxariisto. waayo aragnimadiisii aheed xeelad wax ku xali iyo xoog (muquunis) iska ilaali dadkii ka dambeeyay ma ka qaateen waaye su'aasha taagan.
ReplyDeleteWaad mahadsantahy macalin, wax badan ayaa qoraalkaga iiga kordhay oo cilmi, taariikh waayo aragnima, waxana ragaynayaa inaad BUUG ka qorta xaalada dalka soo maray si'ay aan unoqono dad dalkooda wax badan ka og.
ReplyDeleteAllaha unaxariisto
ReplyDeleteRa'iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuurcadde) Ilaahay naxariistiisa ha siiyo. Waddani dalkiisa usoo adeegey ayuu ahaa.
ReplyDeleteIllahay ha u naxariisto masuul Yusuf war bixinta qiimaha badan iyo ducada adigana waad ku mahadsantahau masuul
ReplyDeleteMahadsanid Amb Yusuf, qoraalkaan waxbadan ayaan ka bartay, RW Nuur Caddena Alle ha u naxariisto. Waxaan waligeey isweydiin jiray Madaxweyne Shariif sidee lagu doortay, runta hadaan ka hadlo, bartaada baan kaga bogtay, mar 2aad mahadsanid.
ReplyDeleteAabe Nuurcade, Eebe haunaxaristo, waa xaqiiq watqi adhag ayu dadkiisa kasoo saaray una soo dhabar adeegay, Allah Yaa Raxma.
ReplyDeleteMudane Yusuf Garaad, waankaaga mahadcelineyna in aad tayadda iyo Waxqabadka halyeeyadda bulshadeena ka baxo aad nala wadaagto, Mahadsanid!
Qormo ad uquruxbadan yusuf wan kaga mahad celinayaa sida kooban e ad noogu so qortay maqaalkaan.
ReplyDeleteInna lilaahi wa inna ilayhi raajicuun. Ilaahay haw naxariisto Marxuumka waxa uu ahaa rug caddaa umadda Soomaaliyeed siyaabo kala duwan ugu doo adeegay.
ReplyDeleteAllaah u naxariisto
ReplyDeleteIlaahay haku casuumo janatu firdowsa wuxuu hayleey soo shaqeyey una taagnaa markasta badbaado shacabkiisa somaliyeed .
ReplyDeleteMahadsanid mudane #YusufGaraad
Ilaahay haku casuumo janatu firdowsa wuxuu hayleey soo shaqeyey una taagnaa markasta badbaado shacabkiisa somaliyeed .
ReplyDeleteMahadsanid mudane #YusufGaraad
Allaha u naxariisto Nuur cadde taariilkh fiican ayuu lahaa. Adigama aadban kaaga mahadcelinaynaa uruurinta taariikhaha dadka labeenta ah.
ReplyDeleteAlle ha u naxariisto Nuur cadde Runtii sidda aad qortay wuxuu ahaa ruux dawlad yaqaan ah dad la dhaqanka ku fiican islamarkaana nabada iyo wada xaajoodka jecel .Alle marti la jecelyahay haka dhigo.
ReplyDeleteAllaah U Naxariisto
ReplyDeleteAllaha unxrsto Nuur cade waana kga mahad celinayaa Sida ad noolawadaagtan Qormadan cajiibka ah kumahadsanid
ReplyDelete