Cudud Caabboon
Inqaasta Yusuf-Garaad
Aqoon is wedyaarsi saddex maalmood u socday dhallinyaro aqoonhananno ah ayaa lagu soo geba gebeeyay Muqdisho.
Kulanka waxaa looga dooday arrimo dhammaantood khuseeya
dhallinyarada oo ay ka mid yihiin dhallinyarada iyo kaalintooda hoggaaminta,
dhallinyarada iyo xag jirnimada, dhallinyarad iyo aminiga, dhallinyarada iyo
mutaddawacnimada iyo qodobbo kale oo muhiim ah.

Madaxdii kale ee saddexda maalmood ee shirku socdoay ka hadashay
waxaa ka mid ahaa Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxulow oo ay ka wada hadleen
sidii ay dhallinyaradu fursad ugu heli lahayd qalabka warbaahinta Qaranka si ay
aragtidooda isu gaarsiiyaan ulana wadaagaan dadweynaha. Wasiirku wuxuu ballan
qaaday in barnaamij toddobaadle ah uu dhallinyarada u sameyn doono.
Dhallinyarada oo ka cabaneysay in lagu tuhmo xag jirnimo amaba
qashqashaad ay mararka qaar kala kulmaan hey’adaha ammaanka darteed, ayaa waxaa
aqoon is wedyaarsiga ka soo qeyb galay Taliyaha Booliiska, General Cabdixakiim
Daahir Siciid (Saacid). Taliyuhu wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono in
booliiska iyo bulshada la isu soo dhoweeyo, oo la helo wakiillo bulshada ka
tirsan oo tababbaran gacanna ka geysta isfahanka booliska iyo bulshada. Waxaa
kale oo la dhaqan gelinayaa dhowaan ayuu in lebbiska booliiskua uu lahaado
askariga magaciisa iyo nambarkiisa oo jeebka shaarka dushiisa ku qoran, si daba
gal loogu sameyn karoodo khaladkii dhaca.
Agaasmiaha Guud ee Rugta Ganacsiga, Cabdi Abshir Dhoorre, ayaa isaguna kala hadlay dhallinyarada fursadaha xagga shaqo ee ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xirfadaha inta badan ay shaqooyinkaasi u baahan yihiin.
Agaasmiaha Guud ee Rugta Ganacsiga, Cabdi Abshir Dhoorre, ayaa isaguna kala hadlay dhallinyarada fursadaha xagga shaqo ee ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xirfadaha inta badan ay shaqooyinkaasi u baahan yihiin.
Wasiirrada Beeraha, Cabdi Axmed Baafe, Wasiirka Isgaarsiinta Maxamed
Ibraahim iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Prof. Saalim Caliyo Ibrow ayaa ka mid
ahaa dadkii la kulmay dhallinyarad intii tababbarku u socday si ay ugu
guubaabiyaan dib u dhiska dalka, isla markaana uga warramaan sida Wasaaradahoda
iyo dhallinyaradu ay isu kaashan karaan.
Aqoon is wedyaarsiga waxaa soo qaban qaabisan Hey’adda NCF oo ah
hey’ad waddani ah. Aqoon is weyaarsiga oo aan qaban qaabadiisa iyo fulintiisaba aan kaalin ku lahaa, ayaan jeclaan lahaa in aan halkaan uga mahadceliyo Madaxdii wakhtigooda muhiimka ah u huray dhallinyarada si ay u baraarujiyaan una soo dhoweystaan.
Fadlan halkan hoose ku reeb ra'yigaaga.
ReplyDeleteSomalida!! We talk too much. Arrin iska-wax-u-qabso loo qabtey oo dadku ka qayb galeen wali lama soo qorin (dadka gudaha jooga). Wadooyinka waxaa hagaajinaya Turkey. Nabadana waxaa sugaya AMISOM.
ReplyDeleteIskaa wax u qabso waxay ka mid ahayd qodobbada ay dhallinyaradu ka hadleen, kana tashadeen dhinacyada ay damacsan yihiin in ay ka fuliyaan.
DeleteAaaaaway shacabkii markaa?
ReplyDeleteASC:
ReplyDeleteSalaan kedib Yusuf Garaad wax ah oo aan la iska indha tiri karin in ay dhalinyarada wax ku baratay wadanka laxaqiray xag shaqo iyo xag xaqooq oo lasiiyay dhaliyarada debada wax ku baratay oo income kii yaraa oo naga soo geli jiray Dekeda in oo laabto wadanmo kale inta lasiiyo dhalainyaro debeda katimid Ani ahaan waxaan arkay nin dhalinyaro ah oo ku shaqeeya $5000 markaan weydiiya inta oo u diro wadankii oo kayimid in oo 4000 ayan u diraa , waxaan kale oo aan arkay waxaa lasoo bandhigaa shaqo waxaa laleeyahay waa oo heestaa passport ajanami ah shaqdaasna waxa looqabanaa waa dowlda somaliyeed waxaan layaabay any one oo kaymaad debeda waa EXPERT
SOO JEEDIN
Dowlda somaaliyeed ha ku dadaasho in ay siiso muhiimada koobaad dhalinyrada wadanka wax ku baratay sidow daqligo wadanka ugo soo laabto hadii kale waxaa lwada maraa bada si loohelo Passport Ajanami ah as expert