
Waxay hordhac u yihiin Axsaab kale oo Siyaasadeed oo aan ogahay in ay weli jikada ku jiraan diyaarintoodu ay socoto.
Waxaan rajeynayaa in ay qeyb ka ahaadaan, welibana ay u tartamaan in
ay hoggaan ka noqdaan howlaha nabadeynta, dib u heshiinta iyo dib u dhiska ee
uu dalku u baahan yahay.
Waxaan rajeynayaa in marka khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan
laga gudbo in ay Dowladdu ku dhakhsan doonto Qaanuunka Axsaabta siyaasadda si ay
Axsaabta hadda lagu dhawaaqay iyo hore u jireyba ay isu diiwaan geliyaan haddii ay buuxiyaan shuruudaha.
Marka xeerkaas la helo ayaa la fahmi karaa sida cayaarta siyaasadda
looga qeyb qaadan karo iyo waxa laga filan karo.
yusuf garaad ma kula tahay inaad adiguna xisbi sameysatid ilee musharaad tahaye mahadsanid.
ReplyDelete