
Xalay waxaan London uga qeyb galay munaasabad Soomaaliyeed oo la igu casuumay oo lagu qabtay
Church House oo ah goob shirarka iyo xafladaha heerka sare ah lagu dhigo. Hey'ado iyo shakhsiyaad Soomaaliyeed ayaa Jaa'izad lagu guddoonsiinayay horumar ay ka muujiyeen howlahooda.

Rajana laga qabo in dhallinyaro badan ay ku daydaan waxqabadka xusidda mudan.
Haddii aan u galo Magacyada guuleystay, qaar kama dambeysta soo
gaaray, qaar lagu sharfay guddonsiinta Jaa’zada, qaarkood iigama baahna in aan sheego
qofka ay yihiin.

Kelmadda Munaasabadda waxaa la siiyay Hashi Muhammed oo ah qareen cod
kar ah oo ka dooda Maxkamadaha UK.
Aniga waxaa si gooniya ii taabtay Hawa Jaamac Cabdi oo ku dhalatay
miyi iyada oo araggu ka dhantaalan yahay dhowaanna ka qalin jebisay Xarun Hargeysa
ku taalla oo waxbarta dadka aan qoraal arki karin.

Waxaa isagana aan aad u jecleystay Filim Agaasime Mo Ali oo marka uu
arkay dhibka ay hooyadii ka soo martay korinta ubadka ku dhiirraday in uu
dhibka waxbarashada iyo dadaalka u adkeysto kana mira dhaliyay.
Intii ku guuleysatay waxaan leeyahay hambalyo, Waxaanan kula
dardaarmayaa in aqoonsiga ay bulshadu siisay uu dhiirri gelin u noqdo
waxqabadkooda, ku faanaan Soomaalinnimada, bulshadana ay dib wax ugu soo
celiyaan ama ay kordhiyaan haddii howshaa hore u qaban jireen.
Intii la soo istaagtay kamadabeystuna waxay ahaayeen kuwo la qiray
wax qabadkooda, mudanna in la dhiirri geliyo.
Waxaan u hambalyeynayaa ATM oo howshan qabatay oo ilaa Muqdisho ka
waday qabanqaabadeeda. Dhallinyaro badan oo si hagar la’aan ah ula shaqeysay
waxaa iiga dhex muuqday weriyaha da’da yar ase magaca weyn xambaarsan, Zakaria
Cawke.

Waxaan qabaa in tayada waxbarasho ee dhallinyarada Galbeedka wax ku
baratay marka lagu daro dhallinyarada dalka kale ee adduunka wax ku bartay iyo
dhallinyarada wax ku bartay dalka oo ay khibradda dalkuna u dheer tahay haddii
ay helaan hoggaan ku haga horumarka dalka iyo si ay ayaga oo wadajira uga qeyb
qaataan horumarinta dalka in ay noqon doonaan awoodda ay Soomaali ku dhaafi
doonto dalalka nala asaagga ah.
No comments:
Post a Comment