Waxay ahayd sannadkii 2004 magaalada
Nairobi markii Maxamed Cumar Xabeeb, oo ay dadku ugu yeeri jireen
Maxamed-Dheere, uu bil gudaheed isaga casilay kursigii Baarlamaanka ee uu ku guuleystay.
Wuxuu kursigiisii Baarlamaanka u hibeeyay Cali Maxamed Geeddi oo
uu Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf damacsanaa in uu u magacaabo Ra’iisal Wasaare.
Axdigii KMG-ka ahaa ee berigaas lagu
dhaqmayay ayaa shuruud ka dhigayay in muwaaddinka loo magacaabayo Ra’iisal
Wasaare uu ahaado Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka.
Si uu Cali Maxamed Geeddi u buuxiyo
shuruuddaas ayay ahayd sababta uu Maxamed – Dheere ugu banneeyay kursiga.
Intii ka dambeysay marar badan ayay dhacday
in Xildhibaan geeriyooday uu beddelo wiilkiisa ama walaalkiis. Waxaa kale oo
dhacday Xildhibaan iskiis uga tegey Baarlamaanka oo qof uu isagu keenay uu
la wareego kursigiisii. Waxaa iyaduna dhacday in laba walaalo ahi ay wadaag ka dhigteen hal kursi oo labadoodu uu mid
waliba midka kale u banneeyay ugu yaraan laba jeer tan iyo 2012.
Tallaaboyinkaas oo dhan ma ahan kuwo
qurxoon, laakiin ma ahayn kuwa Dastuurka ama Xeerarka Baarlamaanka jebinaya
laba sababood dartood.
Kuraasta waxaa lagu qeybsaday hayb. Xildhibaanka banneeyay iyo midka uu ku wareejiyayna waa isku hayb.
Marka labaad, Xildhibaanka cusub wuxuu ku
soo galayay Baarlamaanka nidaam u dhigma midka ay ku soo galeen Xildhibaannada
kale. 2004 waxaa lagu gelayay Baarlamaanka
in Hoggaamiye Kooxeedka Beesha iyo Hoggaamiye Dhaqameedka labaduba ay
ansixiyaan murashaxa Xildhibaan noqonaya.
2012 waxaa meesha laga saaray Hoggaamiye
Kooxeedyadii ay Maxkamaduhu ka adkaadeen oo waxaa awoodda xulidda Baarlamaanka
la siiyay Hoggaanka dhaqanka oo keliya.
Doorasho
Hadda 2016 waxaan yeelannay laba Aqal oo
mid kastaa uu ku yimid nidaam ka duwan labadii Baarlamaan ee ka horreeyay.
Aqalka Sare wuxuu ku yimid in ay soo
wakiisheen Dowlad Goboleedyadu. Isbeddel kasta oo Xubnihiisa lagu sameynayana
waxaa loo mari doonaa isla wadiiqada uu hadda ku yimid.
Aqalka Hoose ee Baarlamaanka waxaa lagu soo
galay nooc doorasho ah oo Xildhibaan kastaa uu ku guuleystay aqlabiyadda
cododka 51 muwaaddin oo jifadiisa ama jifadeeda ah.
Haddii ay dhacdo in kursi Aqalka Hoose uu
bannaanaado ka hor 2020 – sababtu ha noqoto geeri, is casilaad, ka eryid ama gudasho waa' waajibaadka sabab caafimaad darteed, ama sababo kale oo ay ka mid noqon karto in Xildhibaan loo magacaabo ama loo doorto uuna aqbalo xil Dowladeed oo aan ahayn Wasiir Federaal ah, waxaa la fili karaa in buuxinta kursigaas loo maro
nidaamka doorasho ee qofka kursiga banneeyay uu markii hore ku yimid.
Macnaheedu waxay noqoneysaa in la abaabulo
doorasho ay u fariistaan 51 ruux iyada oo murashaxnimaduna ay u furan tahay
muwaaddin kasta oo jifada kursiga loo qoondeeyay ka tirsan oo daneynaya in uu u
tartamo kursiga. Dabcan qoondada haweenka ayaa iyaduna tixgelin u baahan doonta. Haddii Xildhibaanka kurisga banneeyay uu gabar yahay dabcan gabdhaha oo keliya ayaa u tartami doona.
Haddii la doonayo in doorasho laga baaqsado
waxaa la qaadan karaa nidaam ah in Xildhibaanka
banneeyay kursiga dib loo eego doorashii uu marka horeba kursiga ku yimid,
markaasna murashaxii galay kaalinta labaad uu hadda buuxiyo kursiga iyada
oo aan loo tartamin.
Waxaa lama huraan ah in arrinkaan go’aan
looga gaaro si dhakhsa leh, maaddaama sababaha kor ku xusan awgood ay dhici
karto in kursi ama ka badani ay bannaanaadaan wakhti aan qofna sii odorosi karin.
Go’aanka laga gaaro arrinkan waa in la shaaciyo si ay u
fahmaan dadka Baarlamaanka dibadda ka jooga ee ku fekeraya in iyaga oo aan la
dooran ay marka ay u baahdaan ay qooto qooto uga mid noqon karaan Baarlamaanka.
Sidoo kale waxaa u baahan in ay nidaamka fahmaan Xildhibaannada Baarlamaanka ee
ay gacansaarka leeyihiin dadka daneynaya in ay Baarlamaanka ka soo galaan
dariishadda. Xildhibaannadaasi inta aanay kursigooda iska casilin waa in ay
fahmaan in aanay iyagu kursiga siin karin cidda ay doonaan ee ay tahay in Xildhibaanka iyaga beddelayaa uu isaguna ku soo baxo doorasho.
Nidaamka aan ka hadlayo ee iyada oo aan xilli doorasho la joogin haddana doorashada loo abaabulo hal kursi waa nidaamka ka jira dalal badan oo Dimuqraaddi ah.
Dalka UK waxaa doorashada noocan ah loo yaqaan By-election halka
Mareykanku u yaqaan Special Election.
No comments:
Post a Comment