Dowladnimada Soomaaliya ee xorta ah waxay soo billaabatay bartamihii
1960. Ilaa iyo hadda waxay maraysay marba heer. 2017 ma ahan markii ay ugu
sarreysay. Haddana marka la eego burburkii ka dib, dhaliili ha jirto laakiin
waxaa socda kororsiimo ay ku sii xoogeysanayso Dowladnimada Soomaaliya.
Aniga oo ka faa’iideysanaya fursadda doorashada oo ay dadweyne fara
badan u heellan yihiin in ay akhristaan kana doodaan arrimaha Soomaaliya
ayaan jeclahay in aan soo qaado laba qodob oo la xiriira Dowladnimada Soomaaliya.
Dadweynaha Soomaaliyeed siyaabo kala duwan ayay u saameysay Dowlad
la’aan iyo Dowlad xumo xigtay oo soo jiitamayay sannado fara badan. Dadka qaar ehelkooda ayaa lagu dilay dagaalka
sokeeye. Qaar iyaga ayaa lagu dhaawacay.
Haween la kufsaday ayaa nool. Dad badan
waxay ku abaadeen qaxootinnimo. Qaar kale dalka gudihiisa ayay ku
barakaceen.
Dadka qaar is yiri dowladnimada wax ka dhisa ayaa hagardaamo loo
geystay. Dhibaatooyin ay ka mid yihiin
xad gudubyo awood-sheegad ah ayaa lagula kacay.
Musuqmaasuq ayaa lagu hor
istaagay horumarkooda. Qaar ku naf
waayay difaaca dalka ayaa agoontoodii la daryeeli waayay. Kuwa nool oo u soo taagan shaqadooda ayaa la
lunsaday mushaarkooda iyaga oo arkaya in ay madaxda dalku ku takri faleyso
hantida Qaranka.
Taasi waxay dadka badan geyeysiisay in ay ka calool goostaan wanaag
Dowladnimo Soomaaliyeed. Kama calool
goosan karaan laakiin waxay noqotay mar kasta oo ay soo hadal qaadaan wax ku
saabsan Dowlad Soomaaliyeed in ay noqdaan kuwo dhinaca xun uun wax ka arka. Waxay saameeyeen dad kale oo badan oo ay ku
daarteen in xumaan uun laga fisho Dowladda Soomaaliya.
Tusaale ahaan waxaad arkeysaa doorashada maanta dhacaysa qof ku
dhahaya dadka tartamayaa waxba isma dhaamaan waana jugjug meeshaada joog. Qofkaas indhihiisu ma arki doonaan xataa haddii wanaag la falo.
Arrintaasi ma ahan oo keliya in ay dadka niyad jab ku rideyso. Haa waa ay ku rideysaa. Waxayna saameyneysaa awoodda waxqabad ee shakhsiga xumaha uun filanaya waxayna
soo gaabineysaa hammigiisa.
Waxaan qabaa in aan la quusan. In aan
madaxda xumaan uun laga filan. In aan
dadka lagu eedeyn wax aan daliil loo hayn.
In la arko wanaagga, la isu qiro, lana isku dhiirri geliyo.
Xataa haddii aad aragto khaladdaad culus iyo wax rajadaada dhaawici kara, wehesho halheyskeyga - Waan ka quustay in aan ka quusto Soomaaliya.
In la ogaado in dhibka laga bixi karo. In wanaag la fisho lagana
shaqeeyo.
Dhanka kale, si ay Dowladnimadu u hanaqaaddo waa muhiim in
Madaxweynuhu uu helo taageerada shacabka.
Laakiin qofka Soomaaliga ah ee soo jeediya in Madaxweynaha la
taageero looma fasirto in uu dalka iyo Dowladnimada uu u daneynayo. Waxaa loo qaataa in uu isagu dano shakhsi ah
dartood uu u taageersan yahay Madaxweynaha markaa xilka haya, sidaa darteedna
uu u raadinayo taageero.
Maanta Madaxweynaha xilkiisii ayaa dhammaaday. Doorasho ayaa loo dareeray. Lama yaqaan shakhsiga caawa noo ahaan doona
Madaxweyne. Waxay ku jirtaa gacanta xubnaha labada Gole. Mudane kasta keligiis ayuu qol gelayaa isaga u xiran, murashaxa uu doono ayuuna codka siinayaa.
Waxaa dhici doonta laba middood. In Madaxweynaha hadda fadhiya dib loo doorto iyo in Murashax kale uu ku guuleysto Xilka Madaxweyne. Labada jeerba, natiijadu waxa ay noqon doonto hadda ma naqaan. Waxaanse ognahay in ay tahay nooc billow ah oo hor leh.
Marxaladdaan Madaxweynuhu yahay Lamayaqaan waxaan rabaa in aan dhiirrado. Waxaan rabaa in aan ku baaqo in Madaxweynaha
la dooran doono la taageero. In
Madaxweynaha la dhiirri geliyo oo la geesinnimo geliyo. In gacan lagu siiyo gudashada waajibaadkiisa
Qaran.
Si doonta aan wada saaran nahay ee Soomaaliya la yiraahdo aanay noola deign, waxaa muwaaddin kasta la gudboon in uu naakhuudaha doonta ee maanta la dooran doono uu gacan ku siiyo wixii dalka horumar gaarsiinaya, si toosin iyo sixitaan ahna u tilmaamo wixii gaabis ah, ka digo kana hor yimaado wixii dalka wax u dhimaya.
Intaas oo dhan in si nabad ah loo sameeyaa waa lama huraan. Soomaaliya ha noolaato.
No comments:
Post a Comment