Galabta waxaan kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda
ee Turkiga Mevlüt Çavuşoğlu. Waxaan
ka wadahadalnay qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin dardar gelinta taageerada Dowladda
Turkigu ay u fidiso Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta, tababbarrada iyo waxbarashada
iyo qodobbo kale oo khuseeya iskaashi dhinacyo hor leh.
Kulanka oo ka dhacay magaalada Antalya oo uu maanta ka furmay Shirka
Iskaashiga Beeraha ee Afrika iyo Turkiga waxaa dhinaca Soomaaliya goob joog ka
ahaa Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, Cabdulqaaddir Maxamed Nuur iyo
Agaasimaha Waaxda Badaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Abubakar M. Abubakar
oo hadda si ku meel gaar ah u haya Madaxa Xafiiska Wasiirka. Labada mas'uul ee shirka igala qeyb galay waxay labaduba ku hadlaan afka Turkiga.
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed
Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta (Khamiis) khudbad qiimo leh ka jeediyay
furitaanka shirka oo ay ka qeybgelayaan kontameeyo Wasiir oo Afrikaan ah oo uu
ka mid yahay Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Siciid Xuseen Ciid.
No comments:
Post a Comment