Maxaabiista Soomaaliya ee ku xiran India ayaa maanta 26 ka mid ah
lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah iyo ganaax. Hore ayaa waxaa ay isla
maxkamaddaasi xukun min 7 sano ah ay ku ridday isu-geyn 31 Maxbuus.
Bishan 19-keeda ayaa la filayaa in 61-ka Maxbuus ee harsan ay
Maxkamaddu ku riddo xukun.
Halkaas waxaa ku soo geba-geboobaya xukunka Maxaabbiista Soomaaliya eek
u xiran Mumbai.
Heshiis ay Soomaaliya la saxiixatay India oo maxaabbiistaas lagu soo
celinayo dalkooda ka dib marka uu xukunku ku dhaco ayaa wuxuu qorayaa in marka
hore heshiiska ay ansixiyaan labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo India.
Axmed Xiish oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya
ee New Delhi ayaa dhowaan goor dhoweyd i soo gaarsiiyay xogtan, taas oo ay mahaddeeda leedahay Safaaradda Soomaaliya.
No comments:
Post a Comment