![]() |
Madaxweynaha oo ka warramaya Socdaalka saddexda habeen |
Dowladda Soomaaliyeed waxay heshay taageero xag diblomaasiyadeed iyo
xag militeri si la isaga kaashado nabadeynta dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo hoggaaminayay
wafdiga ayaa uga xog warramay khasaaraha culus ee naf iyo maalba leh ee
shacabka Soomaaliyeed ka soo gaaray weerarkii 14-ka Oktoobar.


Maalin ka ka horna waxaan joognay magaalada Kampala halkaas oo
Madaxweyne Museveni iyo mas’uuliyiin Dowladdiisa iyo Saraakiil Sare oo militeri
aan isla mowduucaas ka wadahadalnay.
Is afgarad buuxa ayaa laga gaaray iskaashiga ciidanka AMISOM iyo
Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku wajahan nabadeynta Soomaaliya. Waxaana la isku af gartay in Wasaaradaha
Difaaca iyo Talisyada ciidammadu ay ka wadashaqeeyaan meelmarinta waxyaabaha ay
isku af garteen hoggaamiyayashu.
Madaxda dalalka aan booqannay waxay dhammaantood muujiyeen in ay si buuxda u garab taagan yihiin Dowladda, Ciidammada iyo Shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha
Dibadda, Wasiiru Dowlaha ahna sii hayaha Wasiirka Gaashaandhigga, Guddoomiyaha
Guddiga Difaaca ee Golaha Shacabka, La Taliyaha Madaxweynaha ee Difaaca iyo La
Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibadda.
Madaxweynaha iyo wafdigiisu maanta ayay ku soo laabteen Muqdisho, halkaas oo uu Madaxweynuhu saxaafadda ugaga warramay Socdaalka Saddexda Habeen.
Madaxweynaha iyo wafdigiisu maanta ayay ku soo laabteen Muqdisho, halkaas oo uu Madaxweynuhu saxaafadda ugaga warramay Socdaalka Saddexda Habeen.
No comments:
Post a Comment