Heshiiska waxaa sal u ah in
labada dal uu mid waliba uu kan kale ku qaddariyo madaxbannaanidiisa iyo
wadajirkiisa dhul ahaaneed.
Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee
Soomaaliya, Yusuf-Garaad iyo Lithuania, Linas Linkevičius ayaa mid waliba uu dalkiisa u saxiixay heshiiska.
Heshiisku
wuxuu ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire
Lithuania waa dal xubin ka ah
Qarammada Midoobay iyo Midowga Yurub.
Maanta laga billaabo labada dal waxaa ka dhexeeya cilaaqaad diblomaasiyadeed, kaas oo u waddada u furaya in ay labada dal iska kaashadaan dhinacyo labadaba dan u ah.
Maanta laga billaabo labada dal waxaa ka dhexeeya cilaaqaad diblomaasiyadeed, kaas oo u waddada u furaya in ay labada dal iska kaashadaan dhinacyo labadaba dan u ah.
No comments:
Post a Comment