

Waxaan Wasiirka si gooni ah uga mahadceliyay booqashadiisii dhoweyd
ee xeryaha Qaxootiga Dhadhaab. Maaddaama
uu Wasiirku qaxootinnimo soo maray wuxuu tusaale fiican oo ay ku daydaan uu u
noqon karaa dhallinyarada xeryaha ku jiraa in haddii ay aqoon iyo dadaal ay
isku darsadaan ay wax weyn qabsan karaan.
Waxaa kale oo aan Wasiirka soo qaadnay sidii ay Soomaaliya ay Safaarad ugu yeelan lahayd Ottawa, caasimadda dalka Canada.
Dhankiisa wuxuu Wasiirku qiray in Canada ay aragto tallaabooyin
muhiim ah oo billow ah oo ay qaadday Dowladda cusub ee Soomaaliya.
Jamhuriyadda Ireland

Ra'iisal Wasaare ku xigeenka waxaan ka wadahadalnay iskaashiga labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Ireland ee dhinacyo dhowr ah oo ay ka mid tahay diblomaasiyaddu.
Wadahadalkani Wasiirka Ireland aan la yeeshay wuxuu ahaa midkii labaad, laba bilood gudahood.
Canada iyo Ireland waxay ka mid yahay dalalka marti geliyay qaxooti Soomaali ah.
No comments:
Post a Comment