Beatrix, Cornelia oo iyada shaqada ka beddeli doonta maalmo gudahood
iyo aniga ayaa subax ka dhaqaaqnay Muqdisho.
Waxaan sii marnay Afgooye, Wanla Weyn.
Waxaa kale oo aan sii marnay Leego iyo Yaaq-Beri-Weyne oo ah degaan
aad u qurux badan oo beryahaas ay dad awood u lihi ay isaga daydeen in guri
labaad oo Kahmiista iyo Jimcaha la tago ay ka sameystaan.
Mar xillligaas in yar ka horreysay ayay ahayd
markii iigu horreysay ee caana geel oo aniga oo arkaya la lisay oo kulul aan halkaa
ku cabbo mar aan degaankaas u soo raacay saaxiibbo iyo walaalo. Waxay ahayd markii
iigu horreysay ee caano geel oo sidaa u cusub aan cabbo. Waxaan arkay in ay aad uga dhadhan wanaagsan yihiin dhaayda geela ee aan makhaayadaha ka cabi jiray ama xataa guriga marka
suuqa laga soo iibiyo ka dib kuwaas oo aan dhibsan jiray cabiddooda.
Waan ka gudubnay oo dhowr tallaabo meel ka sokeysa buundada saaran
togga Buur Hakaba ka sokeeya ayaa waxaa nagu joojiyay ciidammo meesha deggan. Waxay baaraan baabuurta u tallaabeya Buur Hakaba iyo kuwa ka soo baxaya ama ka soo
gudbaya.
Qaddar kooban markii su’aalo uu na weydiiyay aan uga jawaabnay ayuu askari
goobta taagnaa noo fasaxay in aan socodkeenna sii wadanno.
Waxaan wadannaa gaari kiro ah oo aan ka soo qaadannay sharikadda Meryl. Gaarigu waa Land Cruiser. Beatrix oo gaariga
wadday waxaa u geli weyday marsha kale oo dhan marka laga reebo midda dib u
celisa gaariga.
Si kasta haddii aan yeelnay oo aan isu beddelnay oo la demiyay oo la
daaray marnaba gaarigu waa diiday marsha hore.
Waxay kalliftay in gaariga ay gadaal
u dhaqaajiso oo isaga oo gadaal u socda ay kala fireyso oo aan Buur Hakaba ku
galno annaga oo fuushan baabuur gadaal-gadaal u socda oo magaalada oo dhami ay
na soo eegeyso.
Ma ahayn sida ugu qurxoon ee lagu tago magaalo aad howl ugu socoto,
laakiin waxay ahayd sida markaas ay dantu nagu kalliftay.
Anigu isla markiiba waxaan ku soo dhacay bas meesha taagnaa oo Xamar
u soo socda. Markii aan Xamar imidna
Taksi ayaan qaatay oo waxaan tegey xafiiska hey’adda oo ku yaallay meel aan ka fogeyn Sayidka oo ku beegan Wasaaradda Dalxiiska dhabarkeeda. Madaxa hey’adda ayaan uga warramay
xaaladda.
Waxaan halkaas ka soo kaxeystay Land Cruiser kale. Xarig ka sameysay fiilooyin bir ah
oo gaariga kale aan ku soo jiidno ayaan hore u soo qaatay. Inta
aan qorraxdu dhicin ayaan Buur Hakaba ugu imid labadii gandhood oo Hotel degay
anna qol ii qabtay. Halkaas ayaan ku
hoyannay.
Habeenkaas waxaan Buur Hakaba isku aragnay Macallin ka mid ah
Macallimiinteydii Dugsiga Hoose ee Buulo Burte, Gary Cooper, oo weli Wasaaradda
Waxbarashada ka tirsan. Waxaan ka
xumahay in aanan Macallinkeyga aqoon magaciisa rasmiga ah. Inkasta oo magacaan loo yiqiin waa Macallin
Soomaali ah.
Waxaa kale oo aan wakhti isla qaadannay saaxiib aan isku horin ahayn
Ururka Shanaad, waardiye ama santari aan habeenno dhowr ah wada qabannay markii
aan ku jiray Dugsiga Tababbarka Xalane.
Isaguna macallin ayuu markaan ka yahay Buur Hakaba isaga oo soo
dhammaystay Kulliyadda Waxbarashada ee Lafoole.
Buur Hakaba waa buur aad u weyn, laakiin ka duwan buurihii aan ku
soo arkay Hiiraan, Bari, Shiikh iyo Borama. Buur dhagxaan ah ma aha ee waa hal dhagax oo aad u weyn oo is-haysta oo keligiis buur ah.
Degaanka intiisa kale waa dhul siman oo beeraleey ah.
Waagu markii uu baryay ayaan labadii baabuur isku soo daba xirnay
waxaanna ku soo laabannay Muqdisho xilliga qadada.
Gaari kale ayaan isla markiiba diyaarsannay, waxaanna ku ballannay in aan berri subax
mar kale u baxno safarkeenna Luuq ee naga dhicisoobay.
No comments:
Post a Comment