Total Pageviews

Sunday 3 March 2019

Jooji Dhiigbaxa Caasimadda


Marka laga soo tago xiriirkeenna caalamka iyo gaar ahaan kan mandiqadda aan ku naal, maalmihii na dhaafay waxaa dalkeenna ka dhacay dhowr fal oo murugo leh.

Gaalkacyo, saqiir ayaa arxan darro lagula kacay welibana la dilay. Xog buuxda ayaan raadiyay aniga oo ka fikiraya sidii aan dareenkeyga u cabbiri lahaa. Waxaa ii wehliyay in aan helo haan aan wacyi ula wadaago inta laga yaabo in ay ku garaad tahay kuwii geystay fal dembiyeedkaas culus.

Aniga oo aan labada midna dhammeys tirin ayaan akhriyay isla Gaalkacyo in gabar kale oo yar la la’ yahay.

Sidee wax u jiraan ayaan weli is weydiiyaa.

Waxaa xigay in aagga Lafoole lagu weeraray hooyooyin Soomaali ah.  Dhowr ayaa la dilay ayaga oo gacanta ku haya howl u dhexeysa ummadda Soomaaliyeed.

Dembiga ay dil ku muteysteen wuxuu noqday in ay nadiifiyaan waddooyinka ay ummadda wadaagto si ay quud uga soo saaraan, bulshaduna ay uga badbaaddo cudurro, uguna korto foolxumo la noolaan.

Waxaa sida ku rajoobay intii ay dhaleen.

Murugada taxanaha ah waxaa u dambeyay weerarkii qaraxa iyo rasaasta lahaa ee  waddada Maka. Soomaali badan ayaa naftoodu ku waayay qaar ka badanna dhaawac ayaa ka soo gaaray.

Dembigoody wuxuu ahaa maxaad u nooshahay, Muqdishana u joogtaa?

Xilligaan oo kale, waa markii ay shacabka iyo Dowladdu isu soo dhowaan lahaayeen, iskaashan lahaayeen, muujinna lahaayeen in aan loo dulqaadaneyn siqiir suujinta ka dhacday Gaalkacyo ee sharciga la marsiinayo intii geysatay.

Waana xilligii qof kasta oo isku daya in uu mustaqbalka na horkeeno dembiga sidaa u culusna loo sii ballanqaado in uu ka shallaayi doono.

Sidoo kale waa xilligii ficil ahaan loo muujin lahaa in weerarrada arxan darrada ah ee aan looga turayn shacabka Soomaaliyeed iyo hantidiisa awgood aynaan is dhiibi doonin.

Taas macnaheedu ma ahan in aan la is weydiin su’aalo adag oo runta ka warqaba, la xisaabtamin oo aan la gaarin i tus oo i taabsii.

Garashadu waa in ay na bartaa in sidii hore ay shaqeyn la’dahay oo loo baahan yahay hab hadda joojin kara, dooneyana in uu joojiyo, dhiigbaxa caasimadda.

No comments:

Post a Comment