Total Pageviews

Sunday, 14 December 2014

Lama-Tebaan


Nin saaxiibkeey ah ayaa wuxuu qabaa aragtida ah in gudaha iyo dibadaha dalka toona aan laga raadin qof aan hore loo maqlin. 

Sabab wuxuu ka dhigayaa in uusan jirin qof wax qaban kara oo aan hore loo maqal.

Wuxuu yiraahdaa, Soomaaaliya oo dhowr iyo labaatan sano xaalad adag ku jirtay, haba sii kala darnaatee, qofka wax uu qabtaye iska daaye aan la maqal wax uu isku dayay, hanti uu xalka doonistiisa ku bixiyay aan la hayn, talo uu keenay aan la arag, wax uu ka digay aanay jirin, ilama aha in hadda la raadiyo oo xal laga doono.

Si kale haddii loo dhigo wuxuu ku leeyahay, qof aan Soomaaliya hore uga fekerin, hadda kama fekersiin kartid.

Taasi meesha kama saareyso dad dhowrsan, khibrad iyo aqoon leh, damiir leh oo aan xatooyo aqoon ee xalaal quuteyaal ah, isla markaana aan qabyaalad ku dhaqmin oo aan la maqal in ay jiraan. Way dhici kartaa in ay dadkaasi yihiin kuwo waddani ah laakiin aan karti ama fursad u lahayn in ay dibadda u soo baxaan sababtu ha noqoto duruufta dhaqaale, midda amni ama wax kale oo aammusiyay.

Nuxurka doodda saaxiibkeey wuxuu ku qotomaa in ay tahay waajib in qof kasta oo wax isku falayaa uu dalka nabadeyntiisa iyo dib u dhiskiisa ka qeyb qaato, hadba kaalinta asaga ama ayada uga bannaan.
Xataa haddii aanuu raalli ka ahayn sida ay wax u socdaan, qofku waa in uu isku dayaa sida asaga la habboon in uu hirgeliyo.

Adiga maxay kula tahay?

Thursday, 11 December 2014

Dhallinyaradu maxay ku riyootaa?



Hadaf in la gaaro waxaa ka horreeya hammi. Si kale haddii aan u dhigo, in aad ku riyooto ayaa ka horreysa in aad wax ku dhaqaaqdo. Haddii riyadu ay tahay mid bulsho oo ummad dhami ay isku wax ku wada riyootana waa hammiga ummaddaas.

Qoraa Talyaani ah ayaa ku tilmaamay in dhallinyarada Talyaanigu ay ku riyoodaan 5 E ama shan waxyaabood oo xarafka 'E' ka billowda, shantubana ay ku saabsan yihiin Yurub.


Waa Euro oo ah lacagta Midogwa Yurub, Email, Erasmus oo ah deeq waxbarasho oo dal kale oo Yurub ah lagu tago, Easy Jet oo ah dayaarad raqiis ah oo Yurub isaga gooshta iyo English oo ah afka Ingiriiska.

Waxaan markaa is weydiiyay – Tolow dhallinyarada Soomaalidu maxay ku riyootaa?

Ma jirtaa riyo ay ka mideysan yihiin?

Sawirrada waxaa ka muuqda dhallinyaro aan magaalada Muqdisho ku kulannay 2012 ka dib markii aan ku martiqaaday in aan kala warqaadanno. Iyaga iyo kuwa la midka ah ayaan ku martiqaadayaa in ay su'aasheyda uga jawaabaan isla boggaan qeybtiisa hoose.

Wednesday, 10 December 2014

Marxuumka ehelkiisa ma la wargeliyay?

Marka qof la dilo ama uu iskiis u geeriyoodo, dadka ugu horreeya ee ay tahay in ay ogaadaan waa qoyskiisa; waalid, xaas ama say, carruur hadduu dhalay iyo walaalo.

Markaas ka dib ayaa saxaafadda lagu faafiyaa.

Hadda adiga oo Facebook iska dhex mushaaxaya ayaa waxaa kaa soo hor baxaya Innaa Lillaahi…waxay hadda naftu deysay… iyo waxaa hadda la ii soo sheegay geerida saaxiibkeey …

Qaar ka sii daranna marka qarax dhaco ayay meydka iyo dhaawaca sawiraan, isla markiiba waxay sawirradaas ku soo bandhigaan saxaafadda.

Bal qiyaas Marxuumka qoyskiisu inta magaalo, dal ama qaaradood ee ay ku kala firisanaan karaan. Ma rabi lahayd aabbahaa oo in naftu ay deysay aan weli laguu soo sheegin in aad Facebook ku aragto? Ama walaalkaa ama Xaaskaaga?

Waxaa habboon in la qaddariyo ehelka Marxuumka dhintay. Aniga waxaa ila habboon in aan isla saacadda uu qofku dhinto aan hore lagu soo qorin saxaafadda, haddaan qoysku sidaa dooran.

Qofka tacsida ku diraya saxaafaddu ma ahan weriye war la cararaya oo wakhtigu ku dhacayo. Wax diidaya ma jiraan in uu hal maalin sugo ama uu aaska ka dib uu tacsida ku gudbiyo saxaafadda.

Inta aadan tacsi ama sawir soo dhigin Baraha Saxaafadda Bulshada, su'aasha ay tahay in aad is weydiisaa waa cinwaanka qormadaan: Marxuumka ehelkiisa ma la wargeliyay?


Tuesday, 2 December 2014

Hambalyo Guddoomiye Jawaari


Guddoomiyaha Baarlamaanku markii uu nooqu muuqday in uu xakameyn waayay xubnaha Baarlamaanka aad ayaa loo dhaliilay xataa la gaarsiiyay in lagu baaqo in uu shaqada isaga tago.

Sidoo kale, Baarlamaanka Soomaaliya marka howshiisu cakirantay, xubnihiisuna ay u dhaqmeen si aan jecleysan weynay, aad ayaan u dhaliilnay. Weliba qaarkeen way cambaareeyeen.

Maanta waxay ka gudbeen ismariwaa culus oo muddo soo jiitamayay. Waxayna guda galeen howshooda. Sow gar ma ahan in aan ugu hambalyeyno?

Guddoomiyaha ayaan marka hore u hambalyeynayaa oo ku guuleystay in uu Xildhibaannada ku qanciyo in nidaamka la ilaaliyo, la is isku dayo in la is qanciyo, ugu dambeyntana cod lagu kala baxo.

Sidoo kale Xildhibaannada oo laba fikradood oo aad isu diiddan, waxna aan isu hambeyneyn kala wata, ayaan ku bogaadinayaa in ay is xushmeeyaan, is dhegeystaan ayada oo runtana la isu sheegayo, oo ugu dambeynta la kala dooranayo yeelay iyo diiday.

Monday, 1 December 2014

Axsaabta Siyaasaddu soo dhoweyn ayay mudan yihiin

Axsaabta siyaasaddu waxay dhabbe u noqon karaan  dadaalka loogu jiro in ay Soomaaliya mar kale ka hanaqaaddo siyaasad Dimuqraaddiyaddi ah. Waana soo dhoweynayaa labada xisbi ee Muqdisho looga dhawaaqay waa Xisbiga Caddaaladda iyo Bulshada oo Guddoomiye u doortay, Maxamed Axmed Nuur iyo Xisbiga Daljir oo Guddoomiye u doortay Xildhibaan Xasan Macallin. Waa laba mas’uul oo xilal sare xilli adag ka soo qabtay dalka.

Waxay hordhac u yihiin Axsaab kale oo Siyaasadeed oo aan ogahay in ay weli jikada ku jiraan  diyaarintoodu ay socoto.


Waxaan rajeynayaa in ay qeyb ka ahaadaan, welibana ay u tartamaan in ay hoggaan ka noqdaan howlaha nabadeynta, dib u heshiinta iyo dib u dhiska ee uu dalku u baahan yahay.

Waxaan rajeynayaa in marka khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan laga gudbo in ay Dowladdu ku dhakhsan doonto Qaanuunka Axsaabta siyaasadda si ay Axsaabta hadda lagu dhawaaqay iyo hore u jireyba ay isu diiwaan geliyaan haddii ay buuxiyaan shuruudaha.

Marka xeerkaas la helo ayaa la fahmi karaa sida cayaarta siyaasadda looga qeyb qaadan karo iyo waxa laga filan karo.