Total Pageviews

Tuesday, 5 December 2017

Shirka Muqdisho oo daba jooga Shirkii London


Laba shir oo caalami ah oo midkiiba maalin yahay oo ku saabsan Soomaaliya ayaa shalay iyo maanta lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Shirka shalay qabsoomay wuxuu ku saabsanaa amniga.

Shirka maanta dhacay wuxuu ku saabsan yahay horumarinta Dowladnimada iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo weliba isla xisaabtan mid walba goonidiisa loola xisaabtamayo Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha aan saaxiibka nahay iyo ururrada caalamiga ah ee nagala shaqeeya horumarinta dalka.

Madaxweynaya ayaa furay labada shirba. Waxaana soo geba-gebeeyay Ra’iisal Wasaaraha.

Waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Dowlad- Goboleedyada Soomaaliya dhammaantood iyo Duqa Caasimadda.

Heer Federaal, Golaha Wasiirrada intooda badan ayaa ka jeediyay hadallo ku saabsan waxa qabsoomay iyo qorshaha hadda yaalla waxaa kale oo ka qeyb galay mudanayaal ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka.
Guddiga Doorashooyinka Madax Bannaan ayaa iyaguna soo bandhigay qorshahooda doorashada iyo caqabadaha loo baahan yahay in laga wareejiyo dhabbaha doorashada.

Dowladaha aan saaxiibka nahay oo qaarkood wufuud sare oo casimadahooda ka yimid ay ka soo qeyb galeen waxaa kuwa kale matalayay Danjirayaashooda.

Shirarkani waxay daba joogeen Shirkii London ee ee sannadkan horraantiisii waxa ka qabsoomay in la qiimeeyo.

Is af garad iyo wuxuu ku dhammaaday in shirka kan xiga aan qorshe laga hadal ee laga hadlo waxa qabsoomay.

Saturday, 2 December 2017

Maamuuskii Madaxweynaha ee Kasarani wuu Buuxay


Saaxiibbo badan ayaa qaarna toos ii soo weydiiyay sababta ay ku dhacday qaarna ay saxaafadda bulshada uga hadleen in badan.

Waa habmaamuuska Qaran ee Kenya sida uu ula dhaqmay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, markii uu ka qeyb galay munaasabadda caleema saarka Madaxweynaha dib loo doortay ee Kenya, Uhuru Kenyatta.

Video ayaa la shaaciyay u muuqda in Madaxweynaha laga weeciyay roogga cas ee Madaxda qaarkeed ay marayeen marka ay ka soo degaan baabuurka.

Goobta waan fadhiyay oo Madaxweynaha waan la socday.   Inta uu Madaxweynayaasha kale ku salaamayay qol iyaga u gaar ah ayaan ka hormaray oo aan goobta fadhiga u gudbay.

Waxaan rabaa in aan kula wadaago in Habmaamuuska munaasabadda oo ay agaasimeysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya wuxuu ahaa mid qaddarinta uu mudan yahay siisay Madaxweynaha Soomaaliya.

Video-ga la soo saaray saxaafadda bulshadu ma ahan mid dhammaystiran oo sawir buuxa ka bixinaya goobta iyo sida ay wax u dheceen.

Waxaa yaallay kuraas si siman u safan oo isbarbar yaalla oo Madaxweyne kasta mid loogu talo galay.  Kuraasta waxaa hor yaallay masraxa laga hadlayo.  

Waxaa ku yaalla laba irdood oo midina ay ku beegan tahay kuraasta dhanka midig, midda kalena kuraasta dhanka bidix.  Labada irdoodba waxaa kugu soo hagayay oo hor fidsan roog cas.  Labadaas roog ee cas cas oo barbarrada ah marka ay kuraasta ka sii fogaadaan oo ay gaaraan meesha baabuurta looga soo degayo ayaa iyaga waxaa isku xirayay roog midab kale leh oo la barbarra ah kuraasta, laakiin ka fog.

Roogga cas ee midigta ayuu hadda ku tegayaa kursigiisa
Madaxweynaheenna waxaa baabuurku ku dejiyay roogga ku beegan iridda bidixda ah.  Markii uu soo degay waxaa gacanqaadday Wasiirka Arrimaha Dibadda, Amina Mohamed.

Ka dibna, Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya, Danjire Monica Juma, ayaa u horkacday dhanka midig oo geysay roogga case ee ku beegan iridda midig taas oo ah midda ku aaddan kuraasta Madaxweynaha iyo Marwada Koowaad ee Soomaaliya loogu talo galay.  Halkaas ayay dhib la’aan u fariisteen iyaga oo aan Madaxda kale soo hor marin.

Dowladda Soomaaliya waa ay ku qanacsan tahay habmaamuuska Madaxweynaha loo agaasimay.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee su’aalaha ka keenay vido-ga aan dhammaystirnayn waa ay ku mahadsan yihiin feejignaanta iyo sida ay u qaddarinayaan sharafta Madaxweynaha iyo kan Qaranka Soomaaliyeed ee uu huwan yahay. 

Ugu dambeyn, dalkeenna waxaa horyaalla arrimo aad uga culus roog cas.  Waxaan rajeynayaa in sharfta iyo karaamada Qaranka Soomaaliyeed aan annagu kor u qaadno, kana dhowrno waxyaabaha dhaawici kara.

Friday, 1 December 2017

Soomaalida ku Xanniban Libya

War Saxaafadeed 
maanta ka soo baxay 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah


Danjire Dr. Cali Saciid Faqi
Ka dib markii Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed, uu wadatashi kala yeeshay dhibaatada isa soo tareysa ee Soomaalida ku sugan Liibiya, ayuu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Yusuf-Garaad Cumar, wuxuu u xil saaray Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Midowga Yurub ee Brussels, Dr. Cali Saciid Faqi, in uu u kuurgalo, soo ururiyo, warbixinna ka soo diyaariyo xogta dhabta ah ee Soomaalida ku xanniban dalka Liibiya.

Maaddaama uu Madaxweynuhu amar ku bixiyay in ay Dowladdu deg deg u qaaddo tallaabo kasta oo sharci ah oo Soomaalida Liibiya loogu soo celin karo dalkooda hooyo, Wasiirku wuxuu Danjiraha farayaa in uu laba toddobaad gudahood ku soo diyaariyo xog sugan oo ku saabsan Soomaalida joogta dalka Liibiya iyo waliba talooyin ku saabsan waxa la gudboon Dowladda Soomaaliya in ay ku dhaqaaqdo.

Danjire Dr. Maxamed Cali-nur Xaaji
Mas’uuliyiinta iyo hey’adaha Dowladda ee uu u baahdo in uu waajibkaas loo xil saaray uu la kashado, wuxuu Wasiirku ka codsanayaa in ay Danjiraha gacan ku siiyaan gudashada waajibaadka Qaran ee xasaasiga ah.

Waxaa xusid Mudan in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika, ee Addis Ababa, Maxamed Cali-Nur Xaaji uu hoggaamin doono  ergo  diblomaasiyiin ah oo uu Midowgya Afrika u xil saaray in ay booqdaan Liibiya si ay qiimeyn ugu sameeyaan xaaladda dadka Afrikaanka ah ee ku dalkaas xanniban. 

Thursday, 30 November 2017

Soomaaliya iyo Lithuania oo unkay Xiriir Diblomaasiyadeed

Soomaaliya waxay maanta kula heshiisay dalka Lithuania in ay abuuraan cilaaqaad diblomaasiyadeed oo dhex mara labada dal.

Heshiiska waxaa sal u ah in labada dal uu mid waliba uu kan kale ku qaddariyo madaxbannaanidiisa iyo wadajirkiisa dhul ahaaneed.

Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya, Yusuf-Garaad iyo Lithuania, Linas Linkevičius ayaa mid waliba uu dalkiisa u saxiixay heshiiska.

Heshiisku wuxuu ka dhacay magaalada Abidjan ee dalka Côte d’Ivoire

Lithuania waa dal xubin ka ah Qarammada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Maanta laga billaabo labada dal waxaa ka dhexeeya cilaaqaad diblomaasiyadeed, kaas oo u waddada u furaya in ay labada dal iska kaashadaan dhinacyo labadaba dan u ah.



Monday, 27 November 2017

Wadahadalkeyga Madaxweynaha Seychelles


Madaxweynaha Seychelles, Danny Faure, ayaa Isniin xafiiskiisa ku qaabbilay aniga iyo wafdigeyga.

Madaxweynaha waxaan ka wadahadalnay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Seychelles.  Madaxweynuhu wuxuu xusay in uu ku faraxsan yahay in wafdi Soomaaliya ka socda oo heerkan ahi uu dalkiisa soo booqdo.

Wuxuu ii sheegay in ay weerarrada burcad badeedku dhib weyn u geysteen Seychelles hadda ka hor, laakiin aanay jirin wax cuqdad ah oo ay Dowladda iyo shacabka Seychelles ay qabaan.  Sababtana waxaa uu ku tilmaamay in uu fahamsan yahay xaaladda uu dalku ku sugnaa 2008 oo ah xilli ay burcadbadeeddu ay aad u dhiirranayd.

Madaxweynaha waxaan uga warbixiyay isbeddellada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo in horumar ay ka sameyneyso dhinaca maamulka iyo dhismaha hey'adaha Dowladda. 

Waxaan isla qirnay sida loogu baahan yahay in ay labada dowladood iska kaashadaan sugidda amniga dhanka Galbeed ee Badweynta India oo ah badda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Seychelles. Madaxweynuhu wuxuu xusay in nabadgelyadu aanay ahayn berriga keliya ee biyaha badda loo baahan yahay in si nabadgelyo leh looga faa'iideysto. 

Waxaa kale oo aan isla soo qaadnay sidii aan isaga kaashan lahayn aqoonta ka manaafacaadsiga badda, ganacsiga iyo dhaqaalaha buluugga ah.

Waxaan ka wada hadalnay maxaabbiista Soomaaliya ee ku xiran Seychelles sidii dhakhso loogu wareejin lahaa geyigooda.

Madaxweynaha oo si wanaagsan oo saaxiibtinnimo leh ii soo dhoweeyay waxaan
la wadaagay aragtida aan ka qaatay markii aan la kulmay lix Soomaali ah oo toddobaadkii hore la soo qabtay oo iyaga oo afar maalmood xirnaa aan kula kulmay Seychelles.

Waxay ku doodayaan in ay yihiin kalluumeysato, wax hub ahna laguma qaban.

Sidoo kale, waxaa isaguna Madaxtooyada igu qaabbilay Madaxweyne ku Xigeenka Seychelles.

Waxaan xarunta Xeer Ilaalinta maanta fadhi kula qaatay sii hayaha Xeer Ilaaliyaha Seychelles.  Waxaan ka wadahadalnay suurta-galnimada in Qareen Soomaaliyeed uu u doodo lixda eedeysane ee Soomaalida ah marka  dacwaddooda la qaadayo.

Fadhiyada Madaxtooyada waxaa igu wehliyay Agaasimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda. Abdilatif Maxamuud Cali.  Dhanka Seychelles waxaa fadhiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda, Barry Faure, La Taliyaha Madaxweynaha Danjire Calixte D’Offay, Madaxa Xabsiyada Sychelles, Raymond Ange iyo Madaxa Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Seychelles, Ms. Aissata DIA.

Safarkeyga Seychelles wuxuu ku soo dhammaaday qado ay ii sameysay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Seychelles oo ay ka soo qeyb galeen Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo mas'uuliyiin kale oo rayid iyo ciidanba leh.

Madaxtooyada Seychelles markii aan galayay, intii aan joogay iyo markii aan ka baxayay intaba ma arag qori, bastoolad ama nooc kale oo hub ah.

Sidoo kale ma arkin xataa hal askari askari oo lebbisan.

Labadii ama siddeed saac oo habeennimo ayaan soo gaaray Nairobi si aan ugu biiro wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, oo wejiga hore ee socdaalkiisu yahay in uu berri subax ka qeyb galo caleema saarka Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta.