Total Pageviews

Saturday, 16 May 2020

Wareysi Meles Zenawi - BBC 2008


Wareysiga Meles Zenawi waxay BBC daabacday Isniin 25 Febraayo 2008. 

2008 dagaal kulul oo lagu hoobtay, in badanna barakiciyay ayaa ka socday Koofurta Soomaaliya siiba caasimadda, Muqdisho. Wuxuu u dhexeeyay ciidammada Ethiopia iyo kuwa Dowladdeenna oo dhinac ah iyo ciidammada Muqaawamada oo ay Maxkamadaha oo Shabaab ka mid yahay ay ugu abaabulan yihiin.

Ethiopia oo intii uu dagaalku socday aan oggolaan wareysi, walibana aan maqli karin BBC, siiba Laanta Soomaaliga ayaan fursad u helay in aan tago oo aan la kulmo madax sare oo u badan Arrimaha Dibadda. 

Ugu dambeyn, waxaan fursad u helay in aan xafiiskiisa ugu tago oo aan wareysto Ra’iisal Wasaarihii xilka hayay, Meles Zenawi.

Waraysigu sidan ayuu u dhacay sidan:


YG: In ka badan sannad ayaa laga joogaa markii ciidammada Ethiopia ay galeen Soomaaliya. Maxaad hadda ku qiimeyn kartaa xaaladda?

Meles: Runtii, xoogaa sawir isku jir ah. Marka aad dhinac ka eegto, midowgii maxkamadaha islaamka oo ay hogaaminayeen kooxo aad loo yaqaano oo xiriir wanaagsan la leh al-qaeda, oo ku hanjabay in ay Soomaaliya oo dhan qabsadaan, oo jidaahdna ku dhawaaqay ka dhan ah Ethiopia, iyaga oo ku talo jiray in ay isku ballaariyaan geeska Africa oo dhan, hadda kooxdaasi ma jiraan oo Soomalaiya ma maamulaan, taasina waa guul la gaaray.

Waxaa horumar laga gaaray dib u heshiisiin dhex marta Soomaalida dhexdooda, taas lafteedu waa guul. Hase yeeshee, dib u dhiska dalka Soomaaliya wuu ka gaabiyay sidii aan filaynay. Waxaana wali jira qaybo yar yar oo canaasiirta Shabaabka ah oo ku sugan Soomaaliya. Walina waxaa jira hab horseeday in wada xaajood ay yeeshay qabaa'ilada Soomaalida ah dhexdooda.


YG: Sida muuqata kuma qanacsanid waxa ilaa iyo hadda qabsoomay. Xaggee dhibaatadu ka socotaa ma dhanka Ethiopia miyey ka socotaa mise dhinaca dowladda Soomaalida?

Meles: Arrinta muhiimka ah, waxay tahay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid qoto dheer, ayna socotay muddo aad u dheer, oo xal deg deg ah lagama gaari karin. Waa ay caddayd in waqti ay qaadanayso iyo dadaal badan. Marka taas ayay ahayd sababta ugu wayn ee aan ugu malaynayn in horumarku uusan yahay mid cajaa'ib ah ama sidii aan filaynay.


YG: Raiisal Wasaare, dad badan oo na dhegeysanaya wax xiriir ah lama lahayn Maxkamadaha, siyaasadma kuma jiraan. Dadkaas waxaa saameeyay dagaalkii dhacay markii ay ciidammada Ethiopia soo galeen Soomaaliya - gaar ahaanna Muqdisho. Dadka qaar way ku dhaawacmeen, qaar dad baa uga dhintay, qaarna way bara kaceen. Maxaad u sheegi kartaa dadkaas?

Meles: Sida cad, waa arrin aad aniga iyo dowladayduba aan uga murugoonayno in dad aan waxba galabsan ay ku waxyeeloobeen dhinacyada is haya dhexdooda. Sida cad ma aha in aan horay u sii oggolaanay in dad rayid ah wax la yeelo. Balse marka dagaal uu ka dhacay goobaha dhisan sida magaalada Muqdisho, marka cadowgu uu si ula kac ah ugu dhuumanayo meel ay dadku ku badan yihiin, oo ay goobahaas ka soo tuurayaa bambooyinka gacanta iyo hoobiyayaal, si kastoo aan isugu dayno in aanan dad rayid ah wax u gaysan mar mar way dhacaysaa in dadkaas oo aan loogu talo gelin ay dhibaato soo gaarto.

Marka ugu dambaynta waa murugo ah in qaar ka mid ah argagixisada caalamiga ahi ay go'aansadeen in ay ka faa'iidaystaan burburka dalkii Soomaaliyeed, oo ay isku dayaan in ay xasilooni daro ka abuuraan gobolka oo dhan.

Iyaga oo burburiyay Soomaaliya, kuma aysan qanacsanayn ee waxay ku talo jireen in ay burburiyaan geeska Afrika oo dhan.

Dadkan waxay ku dhawaaqeen iyaga oo Muqdisho jooga si cad oo ku celcelis ah in ay Jihaad la galayaan Ethiopia iyada oo aanay cidina daandaansan. Ujeedadoodu waxay ahayd in ay jahawareer ka abuuraan geeska Afrika oo wixii  ay Soomaaliya ka faleen ay ka sameeyaan gobolka.

Marka waxay ahayd qorshaha xun ee kooxda tirada yar ee abuuray khilaafka ee keenay in dadka rayidka ah ee Muqdisho ay soo gaaraan dhibaatooyin isugu jira, dhimasho iyo burburka hantidooda, taasoo oo ah mid laga qoomammeeyo.


YG: Dad siyaasiyiin ah ayaa jira, oo aan xumaan u dan lahayn, laakiin aamminsan in Ethiopia waxa ay sheegeyso aanay ka dhab ahayn ee ay siyaasad u qarsoon ku socota. Waxayna mar walba dhaleeceeyaan faragelinra Ethiopia iyo waxa ay Ethiopia ka damacsan tahay Soomaaliya. Maxaad ku qancin kartaa in waxa aad sheegeyso ay kaa dhab yihiin?

Meles: Marka ugu horaysay, waxaan filayaa in loo baahan yahay in aan xaqiiqada si saxa u dhigno. Annagu ma faragalin ilaa laba arrimood ay dhaceen. 

Marka ugu horaysay waxaa jiray ku talogalka cad ee ka soo yeeray canaasiirta Jihaad doonka ah ee ku jiray Midowga Maxkamadaha Islaamiyiinta, oo ku dhawaaqay dagaal ay Ethiopia ku qaadaan. Annagu dagaal kuma qaadin, iyagaa dagaal ku dhawaaqay. Qarsoodi ma ahayn si cad ayay ugu dhawaaqeen oo muuqata. Hal mar oo kaliyana kuma aysan dhawaaqin ee si joogto ah ayay ugu dhawaaqeen.

Waxaan ka jawaabaynay dagaal si ku celcelis ah ay noogu caddaysteen dad uu ka mid yahay Daahir Aweis. Waa arrin diiwaanka si cad ugu jirta. Ma aha wax aan annagu abuurnay, mana aha quraafaad aan iibinayno. 

Marka labaad, iyada oo daandaansigaas uu jiray ma aanan faragalin karin ilaa iyo inta ay Dowladda caalamku aqoonsan yahay ay naga waydiisanayso in aan caawinno.

Annaga kaliya ma ahayn kuwa aqoonsaday Dowladda Federaalka ah ee KMG-ka ah ee Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa aqoonsaday, Jaamacadda Carabta ayaa aqoonsatay, Qaramada Midoobay ayaa aqoonsaday. Dowlad sidaas loo aqoonsan yahay ayaa nagu casuuntay in aan gudaha u galno Soomaaliya.

Hadaba waa in arrimahaas la tixgaliyaa marka la eegayo faragalintayada. Annagu waan ku celcelinnay. Waxa ugu dambeeya ee aan doonayno in uu yahay dagaal. 

Dagaal lala galo Soomaaliya, dagaal lala galo Kenya, Sudan, Djibouti, Eritrea, waa waxyaabaha aan doonayno in ka uga hortagno oo aanay dhicin si kastoo ay ahaataba.

Waa la inaku qasbay. Annagu ma doonayn in aan halkaas galno. Waxaanna doonaynaa in aan ka soo baxno marka aan helno fursadda ugu horaysa ee macquul ah. 

Waxaan ku celcelinayaa marka ugu horaysa ee ciidamada midowga Afrika ay soo dhamaystirmaan, ma sii joogayno halkaas. Ma jirto faa'iido aan ka helayno khilaafka magaalada Muqdisho. 

Wax aan ku qanacno ma aha in aan dilno Soomaali. Oo saddex milyan oo Soomaali ah ayaa Ethiopia ka mid ah. Qaar badan oo ka mid ah Dowladda ayay ku dhow dhow yihiin, waxba kama helayno in aan lumino walaalaheen iyo wiilasheena ku jira ciidamadeena ku sugan magaalada Muqdisho. Waxba kama helayno. Sababta kaliya ee aan ugu jirno Muqdisho waa in halis nooga timid magaalada Muqdisho iyo in ay na casuumeen wakiilladii dadka Soomaaliyeed.

Sidaa darteed waxaan u xaqiijinayaa dhamaan Soomaalida shakiga ka qabta ujeedooyinka mudada dheer ee Ethiopia. 

Ethiopia ma doonayso in ay ka qaybqaadato khilaafka Soomaaliya nooc kasta ama qaab kasta oo uu yahay. Ma doonaynso in ay faraha la gasho khilaaf noocuu doono ha ahaadee ka jira wadamada deriskeeda ah ama in ay iyadu khilaaf la gasho deriskeeda.

Dhaqankeenna ayaa si cad u qeexaya ujeedooyinkeena sida haddii aad eegto arrinta Eritrea. Ethiopia waxay ahayd waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada madax banaanida Eritrea. Siyaasaddaas ayaanan ilaa markaas ku dhaqannaa.

Sudan waxaan la leenahay xiriir derisnimo oo aad u wanaagsan. Siyaasadeena Djibouti xiriir wanaagsan oo derisnimo ayaan la leenahay iyo Kenyaba. Waxaan doonaynaa sidaas oo kale in aan Soomaaliya ula dhaqanno. Waxaan damacsan nahay in baal cusub u furno xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya.


YG: Dad ayaa sheega in aan Ethiopia aanay weligeed ciidankeeda kala soo noqon doonin Soomaaliya. Maxaa ka jira warkaas?

Meles: Waa been aanay waxba ka jirin. Waa been aanay waxba ka jirin, waxaa la hubaa in ciidamadayada aan kala soo baxayno Soomaaliya.


YG: Goorma?

Meles: Hadii ciidamada Midowga Afrika si buuxda loo geeyo, tusaale ahaan todobaad gudihiis haddii la soo dhammaystiro, todobaad ka dib waan ka soo baxaynaa.


YG: Dowlad cusub ayaa Soomaaliya ka dhalatay, taas oo u muuqata in siyaasaddeedu ay ka duwan tahay tii ka horreysay. Dowladdan cusub sida ay sheegtay siyaasaddeedu waxay ku saleysan tahay dib u heshiin. Waxayna ku baaqday wadahadal laga wada qeyb galo. Sideed u aragtaa?

Meles: Waxaan taageeraynaa dib u heshiisiin dhexmarta Soomaalida gudaheeda. Taas ayaa ah waddada kaliya ee horumar lagu gaari karo. Sida cad waxaa jira shaqsiyaad yar oo aan xisaabsta ku jirin oo doonaya dad badan oo aan Soomaali oo kaliya ahayn, oo Ethiopia ay raadinayso iyo bulshada caalamka oo dhan, nidaamka Qaramada Midoobay oo dhan, balse Soomaalida kale waxaan filaynaa in si wanaagsan ay xal uga gaari karaan khilaafkooda, oo nabad ay ka dhaliyaan Soomaaliya ka dibna ay deriskeeda nabad kula noolaato, ma arkayno sabab loogu guuldaraysan karo taas.

Si aad ah ayaan u soo dhowaynaynaa dadaalka loogu jiro dib u heshiisiinta lala galayo kuwa ku sugan dibedda iyo gudaha Soomaaliya. Waxaan dareensan nahay in dib u heshiisiinta ugu muhiimsan ay tahay in ay dhexmarto qabaa'ilada kala duwan ee ku sugan gudaha Soomaaliya ee aan waligood dibedda uga bixin ee aadka u doonaya in ay noloshooda ku noolaadaan Soomaaliya. Kuwaas oo caado u leh in ay murankooda ku xalliyaan si nabad ah, wadaxaajood iyo wadahadal, kaas ayaa ah qaabka dib u heshiisiineed ee muhiimka nala ah.

Balse saas looma xaddidayo ee waxaa ku jira kooxaha doonaya in ay nabad wax ku raadiyaan oo ay oggolaadaan Dastuurka Dowladda KMG-ka ah. Dowladdu waa in ay la xiriirtaa oo ay wadaxaajood la gashaa, fikraddaas ayaan filayaa in ay wanaagsan tahay.


YG: Qaar ka mid ah mucaaradka ayaa aamminsan in aan dowladdani iyaga heshiis la geli karin. Sababtana waxay ka dhigayaan in aan dowladdu u talin ciidammada Ethiopianka ah ee dalka jooga. Maxaad marka ku qancin kartaa dadka sidaa qaba?


Meles: Marka ugu horaysa ee Soomaalidu dhibaatadooda xaliyaan, waan kala qaybgalaynaa dabbaaldeggooda. Kalama qaybgalayno wadaxaajoodka. Ma aha shaqadeenna. Waa howl u taalla Soomaalida. Balse aad baan u soo dhowaynaynaa dadaal kasta oo Soomaalidu u gasho sidii si nabad ah ay khilaafkooda ugu xallin lahaayeen, isla markaaba annagu si la mid ah bulshada caalamka waan soo dhowaynaynaa, waanan taageeraynaa.


F.G.

Maalintii aan wareysigan qaaday, 12-kii bilood ee xigay Soomaaliya waxaa ka dhacay isbeddello waaweyn oo qaarkood aan marka ay dheceen ka hor aan la suureysan karin.

Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ayaa is casilay. Labadii dhinac ee dagaallamayay ayaa ku heshiiyay Djibouti. Baarlamaanka oo hore laba ugu kala jabay ayaa isu soo noqday. Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa la doortay. Waxaa xilkiisii waayay Ra’iisal Wasaare Nuur - Cadde. Waxaa beddelay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Waxaa dalka ka baxay ciidammada Ethiopia.

Friday, 8 May 2020

Asalka Astaanta Laanqeyrta iyo Bisha Cas

Hambalyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, Madax, Shaqaale iyo mutaddawac intaba. Sidoo kale dhammaan shaqaalaha iyo mutaddawiciinta Dhaqdhaaqa Caalamiga ah ee Laanqeyrta iyo Bisha Cas.

Haddii aad taqaan ama aadan daneyneyn asalka summaddaan casaanka ah ee marna Bil ah marna Istillaab iyo waxa hey’adaha caalamiga ah ee summaddaa sita uu mid waliba qabto, uma baahnid in aad akhriso qoraalkan.

Waa hagaag.

Waxaan u gartay in aad daneyneyso maddaama aad sii akhrisay.

Aniguna taariikh kooban ayaan kula wadaagayaa.

Xusuustii Solferino


24-kii Juun 1859 ayaa isaga oo safar ganacsi ah uu Henry Dunant tegey Solferino oo hadda ka tirsan Talyaaniga.

Isla maalintaas ayaa Ciidanka Napoleon ee Faransiiska oo kaashanaya ciidanka Sardenia uu dagaal kaga guuleystay ciidanka Austria. Waxay ku dagaallameen Solferino.


Dagaalkaas oo Talyaanigu u yaqaan dagaalkii Solferino iyo San Marino, waa dagaalkii ugu dambeeyay dunida ee ciidammada uu mid waliba toos u amrayay oo u dagaalgelinayay Boqorkoodu.

Henry Dunant wuxuu ku soo dhex dhacay 23 kun oo nin oo isugu jira dhaawac, kuwa markaa naf baxaya iyo meyd dhinac kasta yaalla. Cid daryeeleysaa waa ku dhowaad ma-jiraan.

Ka sokow howshii daryeelka dhaawaca iyo maxbuuska ahayd ee uu halkaa ka abaabulay, wuxuu qoray buug uu ugu magac daray Xusuustii Solferino.

Markii uu fasiray uur ku taalladii uu ku arkay goobta dagaalka, wuxuu buuggu soo jeediyay in la sameeyo hey’ad dhexdhexaad ah oo marka dagaal dhaco, tagta goobta oo dhaawaca iyo bukaanka daweysa, maxaabbiistana daryeesha.

Intuu lacagtiisa ku daabacay buugga, ayuu gaarsiiyay Madax iyo dad kale oo saameyn badan leh. Yurub ayuu ku safray oo ra’yiga faafiyay.

Fikirka Henry Dunant ayaa sabab u noqday in la asaaso Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ICRC sannadkii 1863.

Taariikhda la xuso ee loo aqoonsaday maalinta Laanqeyrta iyo Bisha Cas waa maalinta uu dhashay Henry Dunant, 8 May 1828.

Xaggee laga keenay summadda Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas?


Henry Dunant waa Swiss. Dalkiisa Switzerland calankiisu waa calan cas oo ay dhexda kaga asteysan tahay Laanqeyr ama Istillaab Cad.

Calanka dalkiisa ayaa laga dheegtay astaanta Laanqeyrta Cas. Waxaa la is weydaariyay midabbada calanka Switzerland.

Hey’adda waxaa astaan u ah Calan Cad oo dhexda ay kaga asteysan tahay Istillaab ama Laanqeyr Cas.

Bisha Cas oo ku sawiran bed caddaan ah waxaa sameysay Boqortooyadii Islaamka ee Cusmaaniyiihnta sannadkii 1868.

Waa mar ay Ruushka kula jirtay mid ka mid ah 12 dagaal oo ay la gashay.
   
Haddana waa hey’adda samafal ee ugu weyn dalka Turkiga.

Bisha Cas waa calan midabkiisu caddaan yahay. Waxaa laga dheegtay calanka Turkiga oo ah Calan Cas oo ay bartanka kaga taal Bil Cad.

Hey’adaha


Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ICRC, wuxuu daryeelaa dhibbanayaasha masiibooyinka dadku sameeyay – waa dagaallada.

Waxay ku shaqeeyaan xeerar Caalami ah oo ay ugu caansan yihiin afarta heshiis ee Axdigii Geneva ee 1949 oo dalalka adduunku ay saxiixeen. Soomaaliya waxay saxiixday 02 Luulyo 1962.


IFRC waxaa ku bahoobay ururrada Laanqeyrta iyo Bisha Cas oo ka dhisan dal kasta. Wuxuu isu duwaa howlahooda wuxuuna daryeellaa dhibbanayaasha masiibooyinka dabiicga ah sida cudurrada, daadadka iyo abaaraha.

Sida Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed,  dal kastaa wuxuu leeyahay hal urur oo Bil ama Laanqeyr Cas ah oo xilli walba u gargaara dhibbanayaasha dalkiisa haddii uu karana dalal kale u gurmada.

Dhammaantood waxay ku bahoobeen Dhaqdhaaqa Caalamiga ah ee Laanqeyrta iyo Bisha Cas, waxaana ka dhexeeya oo ay u wada hoggaansan yihiin Mabda' ka kooban toddobo qodob oo ay ka mid yihiin aadminnimo, dhexdhexaadnimo, madax bannaani iyo mutaddawacnimo.

F. G.

ICRC markii ay I weydiisatay, Buugga Henry Dunant ee Xusuusta Solferino waxaan af Soomaali u tarjumay 1990. Isaga oo aan la daabicin ayaa Muqdisho laga qaxay. Warkiisa dib uma maqal.