Wareysiga Meles Zenawi waxay BBC daabacday Isniin 25 Febraayo 2008.
2008 dagaal kulul oo lagu hoobtay, in badanna barakiciyay ayaa ka socday Koofurta Soomaaliya siiba caasimadda, Muqdisho.
Wuxuu u dhexeeyay ciidammada Ethiopia iyo kuwa Dowladdeenna oo dhinac ah iyo ciidammada Muqaawamada oo ay Maxkamadaha oo Shabaab
ka mid yahay ay ugu abaabulan yihiin.
Ethiopia oo intii uu dagaalku socday aan oggolaan wareysi, walibana aan maqli karin BBC,
siiba Laanta Soomaaliga ayaan fursad u helay in aan tago oo aan la kulmo
madax sare oo u badan Arrimaha Dibadda.
Ugu dambeyn, waxaan fursad u helay in
aan xafiiskiisa ugu tago oo aan wareysto Ra’iisal Wasaarihii xilka hayay, Meles
Zenawi.
Waraysigu sidan ayuu u dhacay sidan:
|
YG: In ka badan
sannad ayaa laga joogaa markii ciidammada Ethiopia ay galeen Soomaaliya. Maxaad
hadda ku qiimeyn kartaa xaaladda?
Meles: Runtii, xoogaa sawir isku jir ah. Marka aad dhinac ka eegto, midowgii maxkamadaha islaamka oo ay hogaaminayeen kooxo aad loo yaqaano oo xiriir wanaagsan la leh al-qaeda, oo ku hanjabay in ay Soomaaliya oo dhan qabsadaan, oo jidaahdna ku dhawaaqay ka dhan ah Ethiopia, iyaga oo ku talo jiray in ay isku ballaariyaan geeska Africa oo dhan, hadda kooxdaasi ma jiraan oo Soomalaiya ma maamulaan, taasina waa guul la gaaray.
Waxaa horumar
laga gaaray dib u heshiisiin dhex marta Soomaalida dhexdooda, taas lafteedu waa
guul. Hase yeeshee, dib u dhiska dalka Soomaaliya wuu ka gaabiyay sidii aan
filaynay. Waxaana wali jira qaybo yar yar oo canaasiirta Shabaabka ah oo ku
sugan Soomaaliya. Walina waxaa jira hab horseeday in wada xaajood ay yeeshay
qabaa'ilada Soomaalida ah dhexdooda.
YG: Sida muuqata
kuma qanacsanid waxa ilaa iyo hadda qabsoomay. Xaggee dhibaatadu ka socotaa ma
dhanka Ethiopia miyey ka socotaa mise dhinaca dowladda Soomaalida?
Meles: Arrinta
muhiimka ah, waxay tahay in dhibaatada Soomaaliya ay tahay mid qoto dheer, ayna
socotay muddo aad u dheer, oo xal deg deg ah lagama gaari karin. Waa ay caddayd in
waqti ay qaadanayso iyo dadaal badan. Marka taas ayay ahayd sababta ugu wayn ee
aan ugu malaynayn in horumarku uusan yahay mid cajaa'ib ah ama sidii aan
filaynay.
YG: Raiisal
Wasaare, dad badan oo na dhegeysanaya wax xiriir ah lama lahayn Maxkamadaha,
siyaasadma kuma jiraan. Dadkaas waxaa saameeyay dagaalkii dhacay markii ay
ciidammada Ethiopia soo galeen Soomaaliya - gaar ahaanna Muqdisho. Dadka qaar
way ku dhaawacmeen, qaar dad baa uga dhintay, qaarna way bara kaceen. Maxaad u
sheegi kartaa dadkaas?
Meles: Sida cad, waa
arrin aad aniga iyo dowladayduba aan uga murugoonayno in dad aan waxba galabsan
ay ku waxyeeloobeen dhinacyada is haya dhexdooda. Sida cad ma aha in aan horay u
sii oggolaanay in dad rayid ah wax la yeelo. Balse marka dagaal uu ka dhacay
goobaha dhisan sida magaalada Muqdisho, marka cadowgu uu si ula kac ah ugu
dhuumanayo meel ay dadku ku badan yihiin, oo ay goobahaas ka soo tuurayaa
bambooyinka gacanta iyo hoobiyayaal, si kastoo aan isugu dayno in aanan dad
rayid ah wax u gaysan mar mar way dhacaysaa in dadkaas oo aan loogu talo gelin
ay dhibaato soo gaarto.
Marka
ugu dambaynta waa murugo ah in qaar ka mid ah argagixisada caalamiga ahi ay
go'aansadeen in ay ka faa'iidaystaan burburka dalkii Soomaaliyeed, oo ay isku
dayaan in ay xasilooni daro ka abuuraan gobolka oo dhan.
Iyaga oo
burburiyay Soomaaliya, kuma aysan qanacsanayn ee waxay ku talo jireen in ay
burburiyaan geeska Afrika oo dhan.
Dadkan
waxay ku dhawaaqeen iyaga oo Muqdisho jooga si cad oo ku celcelis ah in ay Jihaad
la galayaan Ethiopia iyada oo aanay cidina daandaansan. Ujeedadoodu waxay ahayd in
ay jahawareer ka abuuraan geeska Afrika oo wixii ay Soomaaliya ka faleen ay ka
sameeyaan gobolka.
Marka
waxay ahayd qorshaha xun ee kooxda tirada yar ee abuuray khilaafka ee keenay in
dadka rayidka ah ee Muqdisho ay soo gaaraan dhibaatooyin isugu jira, dhimasho
iyo burburka hantidooda, taasoo oo ah mid laga qoomammeeyo.
YG: Dad
siyaasiyiin ah ayaa jira, oo aan xumaan u dan lahayn, laakiin aamminsan in
Ethiopia waxa ay sheegeyso aanay ka dhab ahayn ee ay siyaasad u qarsoon ku
socota. Waxayna mar walba dhaleeceeyaan faragelinra Ethiopia iyo waxa ay
Ethiopia ka damacsan tahay Soomaaliya. Maxaad ku qancin kartaa in waxa aad
sheegeyso ay kaa dhab yihiin?
Meles: Marka
ugu horaysay, waxaan filayaa in loo baahan yahay in aan xaqiiqada si saxa u
dhigno. Annagu ma faragalin ilaa laba arrimood ay dhaceen.
Marka ugu horaysay waxaa jiray ku talogalka cad ee ka soo yeeray canaasiirta Jihaad doonka ah ee ku jiray Midowga Maxkamadaha Islaamiyiinta, oo ku dhawaaqay dagaal ay Ethiopia ku qaadaan. Annagu dagaal kuma qaadin, iyagaa dagaal ku dhawaaqay. Qarsoodi ma ahayn si cad ayay ugu dhawaaqeen oo muuqata. Hal mar oo kaliyana kuma aysan dhawaaqin ee si joogto ah ayay ugu dhawaaqeen.
Marka ugu horaysay waxaa jiray ku talogalka cad ee ka soo yeeray canaasiirta Jihaad doonka ah ee ku jiray Midowga Maxkamadaha Islaamiyiinta, oo ku dhawaaqay dagaal ay Ethiopia ku qaadaan. Annagu dagaal kuma qaadin, iyagaa dagaal ku dhawaaqay. Qarsoodi ma ahayn si cad ayay ugu dhawaaqeen oo muuqata. Hal mar oo kaliyana kuma aysan dhawaaqin ee si joogto ah ayay ugu dhawaaqeen.
Waxaan ka jawaabaynay dagaal si ku celcelis ah ay noogu caddaysteen dad uu ka mid yahay
Daahir Aweis. Waa arrin diiwaanka si cad ugu jirta. Ma aha wax aan annagu
abuurnay, mana aha quraafaad aan iibinayno.
Marka labaad, iyada oo daandaansigaas uu jiray ma aanan faragalin karin ilaa iyo inta ay Dowladda caalamku aqoonsan yahay ay naga waydiisanayso in aan caawinno.
Marka labaad, iyada oo daandaansigaas uu jiray ma aanan faragalin karin ilaa iyo inta ay Dowladda caalamku aqoonsan yahay ay naga waydiisanayso in aan caawinno.
Annaga
kaliya ma ahayn kuwa aqoonsaday Dowladda Federaalka ah ee KMG-ka ah ee
Soomaaliya. Midowga Afrika ayaa aqoonsaday, Jaamacadda Carabta ayaa aqoonsatay,
Qaramada Midoobay ayaa aqoonsaday. Dowlad sidaas loo aqoonsan yahay ayaa nagu
casuuntay in aan gudaha u galno Soomaaliya.
Hadaba
waa in arrimahaas la tixgaliyaa marka la eegayo faragalintayada. Annagu waan ku
celcelinnay. Waxa ugu dambeeya ee aan doonayno in uu yahay dagaal.
Dagaal lala galo Soomaaliya, dagaal lala galo Kenya, Sudan, Djibouti, Eritrea, waa waxyaabaha aan doonayno in ka uga hortagno oo aanay dhicin si kastoo ay ahaataba.
Dagaal lala galo Soomaaliya, dagaal lala galo Kenya, Sudan, Djibouti, Eritrea, waa waxyaabaha aan doonayno in ka uga hortagno oo aanay dhicin si kastoo ay ahaataba.
Waa la inaku qasbay. Annagu ma doonayn in aan halkaas galno. Waxaanna doonaynaa in aan ka soo baxno marka aan helno fursadda ugu horaysa ee macquul ah.
Waxaan ku celcelinayaa marka ugu horaysa ee ciidamada midowga Afrika ay soo dhamaystirmaan, ma sii joogayno halkaas. Ma jirto faa'iido aan ka helayno khilaafka magaalada Muqdisho.
Wax aan ku qanacno ma aha in aan dilno Soomaali. Oo saddex milyan oo Soomaali ah ayaa Ethiopia ka mid ah. Qaar badan oo ka mid ah Dowladda ayay ku dhow dhow yihiin, waxba kama helayno in aan lumino walaalaheen iyo wiilasheena ku jira ciidamadeena ku sugan magaalada Muqdisho. Waxba kama helayno. Sababta kaliya ee aan ugu jirno Muqdisho waa in halis nooga timid magaalada Muqdisho iyo in ay na casuumeen wakiilladii dadka Soomaaliyeed.
Sidaa
darteed waxaan u xaqiijinayaa dhamaan Soomaalida shakiga ka qabta ujeedooyinka
mudada dheer ee Ethiopia.
Ethiopia ma doonayso in ay ka qaybqaadato khilaafka Soomaaliya nooc kasta ama qaab kasta oo uu yahay. Ma doonaynso in ay faraha la gasho khilaaf noocuu doono ha ahaadee ka jira wadamada deriskeeda ah ama in ay iyadu khilaaf la gasho deriskeeda.
Ethiopia ma doonayso in ay ka qaybqaadato khilaafka Soomaaliya nooc kasta ama qaab kasta oo uu yahay. Ma doonaynso in ay faraha la gasho khilaaf noocuu doono ha ahaadee ka jira wadamada deriskeeda ah ama in ay iyadu khilaaf la gasho deriskeeda.
Dhaqankeenna
ayaa si cad u qeexaya ujeedooyinkeena sida haddii aad eegto arrinta Eritrea. Ethiopia waxay ahayd
waddankii ugu horreeyay ee aqoonsada madax banaanida Eritrea. Siyaasaddaas ayaanan
ilaa markaas ku dhaqannaa.
Sudan waxaan la leenahay xiriir derisnimo oo aad u wanaagsan. Siyaasadeena Djibouti xiriir wanaagsan oo derisnimo ayaan la leenahay iyo Kenyaba. Waxaan doonaynaa sidaas oo kale in aan Soomaaliya ula dhaqanno. Waxaan damacsan nahay in baal cusub u furno xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya.
Sudan waxaan la leenahay xiriir derisnimo oo aad u wanaagsan. Siyaasadeena Djibouti xiriir wanaagsan oo derisnimo ayaan la leenahay iyo Kenyaba. Waxaan doonaynaa sidaas oo kale in aan Soomaaliya ula dhaqanno. Waxaan damacsan nahay in baal cusub u furno xiriirka Ethiopia iyo Soomaaliya.
YG: Dad
ayaa sheega in aan Ethiopia aanay weligeed ciidankeeda kala soo noqon doonin
Soomaaliya. Maxaa ka jira warkaas?
Meles: Waa
been aanay waxba ka jirin. Waa been aanay waxba ka jirin, waxaa la hubaa in
ciidamadayada aan kala soo baxayno Soomaaliya.
YG: Goorma?
Meles: Hadii
ciidamada Midowga Afrika si buuxda loo geeyo, tusaale ahaan todobaad gudihiis haddii la soo dhammaystiro,
todobaad ka dib waan ka soo baxaynaa.
YG: Dowlad
cusub ayaa Soomaaliya ka dhalatay, taas oo u muuqata in siyaasaddeedu ay ka
duwan tahay tii ka horreysay. Dowladdan cusub sida ay sheegtay siyaasaddeedu
waxay ku saleysan tahay dib u heshiin. Waxayna ku baaqday wadahadal laga wada
qeyb galo. Sideed u aragtaa?
Meles: Waxaan
taageeraynaa dib u heshiisiin dhexmarta Soomaalida gudaheeda. Taas ayaa ah
waddada kaliya ee horumar lagu gaari karo. Sida cad waxaa jira shaqsiyaad yar oo
aan xisaabsta ku jirin oo doonaya dad badan oo aan Soomaali oo kaliya
ahayn, oo Ethiopia ay raadinayso iyo bulshada caalamka oo dhan, nidaamka Qaramada Midoobay oo dhan, balse Soomaalida kale waxaan filaynaa in si wanaagsan ay xal
uga gaari karaan khilaafkooda, oo nabad ay ka dhaliyaan Soomaaliya ka dibna ay
deriskeeda nabad kula noolaato, ma arkayno sabab loogu guuldaraysan karo taas.
Si
aad ah ayaan u soo dhowaynaynaa dadaalka loogu jiro dib u heshiisiinta lala
galayo kuwa ku sugan dibedda iyo gudaha Soomaaliya. Waxaan dareensan nahay in
dib u heshiisiinta ugu muhiimsan ay tahay in ay dhexmarto qabaa'ilada kala
duwan ee ku sugan gudaha Soomaaliya ee aan waligood dibedda uga bixin ee aadka
u doonaya in ay noloshooda ku noolaadaan Soomaaliya. Kuwaas oo caado u leh in ay
murankooda ku xalliyaan si nabad ah, wadaxaajood iyo wadahadal, kaas ayaa ah
qaabka dib u heshiisiineed ee muhiimka nala ah.
Balse
saas looma xaddidayo ee waxaa ku jira kooxaha doonaya in ay nabad wax ku
raadiyaan oo ay oggolaadaan Dastuurka Dowladda KMG-ka ah. Dowladdu waa in
ay la xiriirtaa oo ay wadaxaajood la gashaa, fikraddaas ayaan filayaa in ay
wanaagsan tahay.
YG: Qaar
ka mid ah mucaaradka ayaa aamminsan in aan dowladdani iyaga heshiis la geli
karin. Sababtana waxay ka dhigayaan in aan dowladdu u talin ciidammada
Ethiopianka ah ee dalka jooga. Maxaad marka ku qancin kartaa dadka sidaa qaba?
Meles: Marka ugu horaysa ee
Soomaalidu dhibaatadooda xaliyaan, waan kala qaybgalaynaa dabbaaldeggooda. Kalama
qaybgalayno wadaxaajoodka. Ma aha shaqadeenna. Waa howl u taalla Soomaalida.
Balse aad baan u soo dhowaynaynaa dadaal kasta oo Soomaalidu u gasho sidii si
nabad ah ay khilaafkooda ugu xallin lahaayeen, isla markaaba annagu si la mid ah
bulshada caalamka waan soo dhowaynaynaa, waanan taageeraynaa.
F.G.
Maalintii aan wareysigan qaaday, 12-kii
bilood ee xigay Soomaaliya waxaa ka dhacay isbeddello waaweyn oo qaarkood aan marka ay dheceen ka hor aan la suureysan karin.
Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf ayaa is
casilay. Labadii dhinac ee dagaallamayay ayaa ku heshiiyay Djibouti. Baarlamaanka oo hore laba ugu kala jabay ayaa isu soo noqday. Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed ayaa la doortay. Waxaa xilkiisii waayay Ra’iisal Wasaare Nuur - Cadde. Waxaa beddelay Cumar Cabdirashiid
Cali Sharmaarke. Waxaa dalka ka baxay ciidammada Ethiopia.






