Total Pageviews

Friday 8 May 2020

Asalka Astaanta Laanqeyrta iyo Bisha Cas

Hambalyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed, Madax, Shaqaale iyo mutaddawac intaba. Sidoo kale dhammaan shaqaalaha iyo mutaddawiciinta Dhaqdhaaqa Caalamiga ah ee Laanqeyrta iyo Bisha Cas.

Haddii aad taqaan ama aadan daneyneyn asalka summaddaan casaanka ah ee marna Bil ah marna Istillaab iyo waxa hey’adaha caalamiga ah ee summaddaa sita uu mid waliba qabto, uma baahnid in aad akhriso qoraalkan.

Waa hagaag.

Waxaan u gartay in aad daneyneyso maddaama aad sii akhrisay.

Aniguna taariikh kooban ayaan kula wadaagayaa.

Xusuustii Solferino


24-kii Juun 1859 ayaa isaga oo safar ganacsi ah uu Henry Dunant tegey Solferino oo hadda ka tirsan Talyaaniga.

Isla maalintaas ayaa Ciidanka Napoleon ee Faransiiska oo kaashanaya ciidanka Sardenia uu dagaal kaga guuleystay ciidanka Austria. Waxay ku dagaallameen Solferino.


Dagaalkaas oo Talyaanigu u yaqaan dagaalkii Solferino iyo San Marino, waa dagaalkii ugu dambeeyay dunida ee ciidammada uu mid waliba toos u amrayay oo u dagaalgelinayay Boqorkoodu.

Henry Dunant wuxuu ku soo dhex dhacay 23 kun oo nin oo isugu jira dhaawac, kuwa markaa naf baxaya iyo meyd dhinac kasta yaalla. Cid daryeeleysaa waa ku dhowaad ma-jiraan.

Ka sokow howshii daryeelka dhaawaca iyo maxbuuska ahayd ee uu halkaa ka abaabulay, wuxuu qoray buug uu ugu magac daray Xusuustii Solferino.

Markii uu fasiray uur ku taalladii uu ku arkay goobta dagaalka, wuxuu buuggu soo jeediyay in la sameeyo hey’ad dhexdhexaad ah oo marka dagaal dhaco, tagta goobta oo dhaawaca iyo bukaanka daweysa, maxaabbiistana daryeesha.

Intuu lacagtiisa ku daabacay buugga, ayuu gaarsiiyay Madax iyo dad kale oo saameyn badan leh. Yurub ayuu ku safray oo ra’yiga faafiyay.

Fikirka Henry Dunant ayaa sabab u noqday in la asaaso Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ICRC sannadkii 1863.

Taariikhda la xuso ee loo aqoonsaday maalinta Laanqeyrta iyo Bisha Cas waa maalinta uu dhashay Henry Dunant, 8 May 1828.

Xaggee laga keenay summadda Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas?


Henry Dunant waa Swiss. Dalkiisa Switzerland calankiisu waa calan cas oo ay dhexda kaga asteysan tahay Laanqeyr ama Istillaab Cad.

Calanka dalkiisa ayaa laga dheegtay astaanta Laanqeyrta Cas. Waxaa la is weydaariyay midabbada calanka Switzerland.

Hey’adda waxaa astaan u ah Calan Cad oo dhexda ay kaga asteysan tahay Istillaab ama Laanqeyr Cas.

Bisha Cas oo ku sawiran bed caddaan ah waxaa sameysay Boqortooyadii Islaamka ee Cusmaaniyiihnta sannadkii 1868.

Waa mar ay Ruushka kula jirtay mid ka mid ah 12 dagaal oo ay la gashay.
   
Haddana waa hey’adda samafal ee ugu weyn dalka Turkiga.

Bisha Cas waa calan midabkiisu caddaan yahay. Waxaa laga dheegtay calanka Turkiga oo ah Calan Cas oo ay bartanka kaga taal Bil Cad.

Hey’adaha


Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas, ICRC, wuxuu daryeelaa dhibbanayaasha masiibooyinka dadku sameeyay – waa dagaallada.

Waxay ku shaqeeyaan xeerar Caalami ah oo ay ugu caansan yihiin afarta heshiis ee Axdigii Geneva ee 1949 oo dalalka adduunku ay saxiixeen. Soomaaliya waxay saxiixday 02 Luulyo 1962.


IFRC waxaa ku bahoobay ururrada Laanqeyrta iyo Bisha Cas oo ka dhisan dal kasta. Wuxuu isu duwaa howlahooda wuxuuna daryeellaa dhibbanayaasha masiibooyinka dabiicga ah sida cudurrada, daadadka iyo abaaraha.

Sida Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed,  dal kastaa wuxuu leeyahay hal urur oo Bil ama Laanqeyr Cas ah oo xilli walba u gargaara dhibbanayaasha dalkiisa haddii uu karana dalal kale u gurmada.

Dhammaantood waxay ku bahoobeen Dhaqdhaaqa Caalamiga ah ee Laanqeyrta iyo Bisha Cas, waxaana ka dhexeeya oo ay u wada hoggaansan yihiin Mabda' ka kooban toddobo qodob oo ay ka mid yihiin aadminnimo, dhexdhexaadnimo, madax bannaani iyo mutaddawacnimo.

F. G.

ICRC markii ay I weydiisatay, Buugga Henry Dunant ee Xusuusta Solferino waxaan af Soomaali u tarjumay 1990. Isaga oo aan la daabicin ayaa Muqdisho laga qaxay. Warkiisa dib uma maqal.

68 comments:

  1. Waad ku mahadsan tahay in aad akhrisay.
    Maxaa kaaga baxay?
    Fadlan ila wadaag.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yusuf runtii wax badan Ayaan is waydiiye waliba Mar aan interview u gali rabay Ayaan raadiye lkn sfcn Ayaan u fahmay Thanks qabiir dhalin yarada wax ka faiday

      Delete
    2. Waxa iga baxday in ay jiraan hay'ado dhex dhexaad ah walow aan jeclan lahaa in la iga jaahil bixiyo ururadaan maloo ogol yahay in ay ka shaqeeyaan meelaha ay maamulaan ururada argagixisada ah?

      Mida kale buug aad turjuntay ma isku day day inaad mar kale soo saarto si looga faa'iideysto?

      Delete
    3. Waxa iga baxday in ay jiraan hay'ado dhex dhexaad ah walow aan jeclan lahaa in la iga jaahil bixiyo ururadaan maloo ogol yahay in ay ka shaqeeyaan meelaha ay maamulaan ururada argagixisada ah?

      Mida kale buug aad turjuntay ma isku day day inaad mar kale soo saarto si looga faa'iideysto?

      Delete
    4. Waad ku mahadsantahay ustaad Yuusuf taariikhdan aadka u qurxoon ee aad nala wadaagtay, waxaa iiga baxay in aan bartay halka iyo fikradii ka dambeysay in la aas'aaso hey'adaha caalamiga ah ee Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas.

      Waxaan si aad ah kaaga mahadcelinayaa xilligii ay ICRC kaa dalbatay buugaas in aad ku qortay Af-Soomaali afkeena hooyo xiligaas oo aan aaminsanahay inay aad u adkeeda xaaladda dalkeena.

      Sidoo kale waxaan kaaga mahadcelinayaa xasus qorkaaga qaaliga ah, soo bandhigidda kaalintaadii qurxooneed ee nolosha iyo sida Soomaalinimadu kuugu weyntahay.

      Waxaan dhameystay oo si weyn iiga dhaadhacay xasuus qorkaagii maxaabiis is weydaarsigii Soomaaliya iyo Itoobiya iyo kaalintii muga laheyd ee aad ka qaadatay.

      Waan kugu daysa doonaa wax badan ayaadna noo siyaadisay, waxaana jeclahay in aan reebo kuwo la mid ah taariikhaha qurxoon ee aad reebeyso, maadaama aan ahay Weriye Soomaaliyeed, da'yar, wixii uu ku dadaalana gaari kara insha allah.

      Guuleyso Adeer Yuusuf Garaad Cumar Axmed oo cimri dheer iyo cibaado suuban Allaha ku siiyo.

      Delete
    5. Aad ba u mhdsnthy mudane wana kaga mhdcelinaya qormadan waxana ku jira dadka ogaaday manta maclumadan aadka muhimka u ah

      Delete
    6. Cashar dib u aqris ii ah, xasuus waa aan dhigan jiray bisha cas baa ku bartay sababta ka dambeysay aas aaska laanqeyerta cas oo ahayd dagaalkii solferino.
      Ku mahadsanid mudane sida wacan aad bulshada xogaha muhiimka ah ula wadaagtid.

      Delete
    7. Xaqiqdii wa mida ugu badan ee Qarsoon hadana shaqeysa si kastaba waxaan leeyahay hambalyo waxad tihiin nafti hurayaal iyo caawiyaha bulshada dhiban

      Delete
    8. wadku mahadsntahay waxaanka faaiiday asal ahaan meesha ay calaamaduhu ka yimaadeen iyo uruurkuba muddo badan ayaan isku dayay inana raadiyo lakiin addaa cawa halkeedii dhigay thanks mudane

      Delete
    9. Marka hore mahadsanid , marka labaad run ahaantii wax badan ayaan isweydiiyay su'aasha ah farqiga u dhaxeeya labadan iyo aslanba mesha laga curiyay balse hadda oon adiga kaa ogaaday ayaan jawaabtii helay.
      Cilmi ii kordhay oon kaaga mahadcelinayo.

      Delete
    10. Wax badan oo aan jaahil ka ahaa ayaan ka gudbay sida aay kala yihiin iyo waxa aay isku yihin iyo sida loo aas aasay grazie caro

      Delete
    11. Ustaad yuusuf bugaashada ma heli karnaa isga oo ku qoran afka hooyo

      Delete
    12. Waxaa iiga baxay Aqoon, macalin waxaan ku weydiinayaa dib ma inoogu turjumi kartaa buugga xasuustii Solferino����.

      Mahadsanid Macalin��

      Delete
  2. Ustaad Yusuf Garaad wad ku mahadsnatahay i inaad nala wadaagto nuqulo muhim oo mar kasta wax tar u ah bulahada waliba luqadeeni hooyo oo u jecelnahay ku qoran waxan jirto magaalo logu magac darau laanqayrta cas oo kutaalo Switzerland wana booqday anoo ka duulayo Tariikhda lanqayrta cas inan wax un kasii ogaado madaana an daganahay Switzerland waxan ku weydiin rabay Buuga ma adaa tarjumayay mise hadaad tarjumaysay oo dagaaldii kaa istaajiyeen mudane maad iaku daydid inaad dib uraaadiso Mahadsanid

    Abdiziiz Bashir

    ReplyDelete
  3. Mahadsanid mudane Wasiir, waan kaaga mahadcelinayaa qormadan qiimaha badan oo si lamid ah dad badan, ibartay wax badan oo aan horey u aqoonin.

    ReplyDelete
  4. Boss adi mar ma ushaqeysay waayo waxaan arkay sawir aad wadato fananad calamad kudhagan tahay?

    ReplyDelete
    Replies
    1. Bisha Cas xubin ayaan ka noqday, mutaddawac iyo shaqaale labadaba waan u noqday.

      Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas afar sano ayaan u shaqeeyay Muqdisho iyo Berbera ayaa Xafiis ii ahaa, gobollada intooda badan safar ayaan ku maray.

      Delete
  5. Buuga maxa markale af somali ugu tarjumi weyse haddii marke hore musiibo dhacday oo ee suurtog tahay in aanba la daabicin?. Ma jiraan buugaag kale oo aad hore af somali ugu tarjuntay mudane?.

    ReplyDelete
  6. Waan fahmay waana mahadsantahay mudane
    Markale maad isku daydid bugaas inaad turjuntid

    ReplyDelete
  7. Waad mahadsan tahay Saaxib. Waxa ugu weyn ee aan ka faaiidey marka laga soo tago taariikhdooda waa in weligeed ay jireen dad aragti caalami ah heysta oo benii aaddamnimadu qanjaha joogto. Iyo qof kasta oo niyad wanaagsan in niyad wanaaggiisa uu faaiidadiisa helayo xitaa haddii uu dhinto. Waa rejeynayaa In Dunanta uu illaahay jannooyinkiisa ku casuumo maaddaama uu benii aaddamka u tusay aragti milyaaraad qofood ka faa'iideysteen.

    ReplyDelete
  8. yusuf mahadsanid waa warbixin cilmi badan aanka kororsaday lkn wali waxaan ii cadayn labada hay'adood makala madaxbanaan yihiin mise maya? fundka yaa siiya bisha cas ee somaliyeed? ma icrc baa bisha cas xukunta? bal xoogaa noo fahfaahi halkas .mahadsanid ustad..

    ReplyDelete
  9. Waan aqriyay yusuf garaad waxaan ka faaida mar kasta Taariikh iyo cilmi hor leh waxaan ahay ruux ku xiran qoraalkaaga waana macaan sadaa qrintiisa, waxaan ka codsan lahaa in aad buugaas dabagal ku samayso meesha uu yaalo hada, hadii aadan heli karina inoo turjun mar kale hadii ay suura gal tahay,

    Mahad sanid

    ReplyDelete
  10. IFRC waa the International Federation of the Red Cross and Red Crescent.

    ICRC waa the International Committee of the Red Cross.

    ReplyDelete
  11. Masha Allah waa faahfaahin dhameystiran Mudane Samafale Yusuf Garad Omar Waxa ugu wayn ee aan ka faa'idey waa qormadan waa in ICRC & SRCS ay yihiin laba urur oo madax banan caawiyana dhaawacyada maxaabiista dadka dhibanayasha ah sabata ugu wayn ee loo aas aasayna ay tahay in xiligii dagaaladii aduunka qaab loo maareeyo lawaayay ama loola tacaalo dhibanayaashii dagaalada aafeeyay sidaa darteeda ninka lagu magacaabo Henry Dunant ay maskaxdiisa ka soo maaxday inuu aas aaso urur madax banan kuwaaso ay tixgaliyaan dhinacyada dagalamaya si loo bad baadiyo dadka dhibtysan sannadkii 1894.
    Iyadoo laga duulaayo dhalashadiisi ninka lagu magacaabo Henry Dunant 1828 waxa loo asteeyay maalin u gaar ah oo la xuso si loo xasuusto dadaaladii ay sameyeen ururadan ICRC & SRCS.

    ReplyDelete
  12. Mahadsnd aqoonyahan Yousuf Garad.

    Waa taariikh ay maanta iigu horayso maqalkeedu, aadbaan kaaga Mahad celinayaa, aqoonyahanada Soomaaliyeed een aadka ugu xidhanahay qoraalkoodana waad Ka mid tahay sababtuna waa inaad ka hadasho warbixino faaido leh.

    ReplyDelete
  13. Waan kala fahmay waxa ay kala yihiin Bisha cas iyo laanqeeyrta iyo xiliyada la aas-aasay iyo dadka aas-aasay waana ku mahadsantahay sida aad noola wadaagtay.

    ReplyDelete
  14. Waxaan ka aaminsana o aan cilmi ku salaysneen ayaa ahaa in Laan qeerta cas ay leedahau kirishtaanka bisha casna muslimka inkasto laba hay'ad ay kala matalaan laba dowlada o crishtan iyo islam ah hadana yoolka iyo u gargaarida dadka way u siman yihiin.

    Mahadsanid Mudane Garad.

    ReplyDelete
  15. Mahadsanid Mudane #YusufGaraad

    ReplyDelete
  16. Waxa iga baxay tariikhda bisha cas anaan hori uu aqoonin
    Waad ku mahadsantahay sida aad nooga sharaxday

    ReplyDelete
  17. AAd iyo aad ayaad u nahadsantahay
    Sacaadatu wasiir

    Hada waa ii kala saarantahay
    Sharaxaadoodu

    ReplyDelete
    Replies
    1. Mahadsanid Mudane Yussuf garaad waxad tahay qof mar walbo u faa'iideeyo dhalanayarada wan kaga mahd celiyaa howsha qiima badan ee aad noo hayso

      Delete
    2. Mahadsanid Mudane Yussuf garaad waxad tahay qof mar walbo u faa'iideeyo dhalanayarada wan kaga mahd celiyaa howsha qiima badan ee aad noo hayso

      Delete
    3. Yusuf Garad aad iyo aad ayaa ugu mahadsan tahay Sharxada dheere aad ka bixisay Ururka bish cas ee Caalmka oo dhan maanta ka jirah,Aniga Shaqsiyan waxaan ka mid ahay dadka wax bartay kaalmada calaqmiga iyo arrima bin,aadatinimada waxaan Ashahadda Labada ka qaatey Machadka calaamiga Kalu Institute Humanitaraina studies ee dalka Spain.Waxaan xusuustaa ina taariikhda Asaaski bisha cas iyo hay,addaha kale bil aadatinimad wax badan akhiray.

      Delete
  18. Waa lx ku. Mahadsan tahay Mudane.
    Waxaan raba waa maxay IHL Iyo Geneva convention maxayna ku kala duwan yihiin?
    Mahadasanid

    ReplyDelete
  19. Mudane Yusuf Garaad waad ku mahadsantahay sida qurux da badan ee mar walbo noogu ifiso dhacdooyinka iyo taarikh aan u baahanahay shukran Markale.
    Codsi: Qormoyinkii Maxabista dagaalkii 1977 fadlan manala wadaagi kartaa?

    ReplyDelete
  20. Yusuf Garaad wadku mahadsantahay qoraalkaan cajiibka ah wax badan ayana ka faa'iday kan keliya mahee dhamaan qoralada ad qortay ee an aqriyay. Lakin qoraalka ka hooseeya sawirka bisha cas waxa iyo meek kale ba waxa ku qiran erayga "cad" waxaana isleyahay armaa looga jeeday erayga "cas"

    ReplyDelete
  21. yuusuf Garaad Aadbaa umahadsanthy waxyaabo badan kaafaa iiday

    ReplyDelete
  22. Ku mahadsanid maqalkaaga ustaad

    ReplyDelete
  23. Mahadsanid ustaad yuusuf waxaan na gartau
    wax naga daahsoonaaa ani ahaaan aqoon uma laheyn labada hey'dood blse hadda wey ii bilaabantahay

    ReplyDelete
  24. Runti cilmi badan ayaan ka fahmey qoraalkan.
    Waan kaaga mahadcelinayaa sida kooban cilmiyeysan ee aad qoraalkan noola wadaagtey.
    Mahadsanid Amb Yusuf Garaad Omar Ahmed.

    ReplyDelete
  25. Thanks mudane buuga Hendry Dunan ma adiga ayaa afsomali ku turkiga?

    ReplyDelete
  26. Ku Mahadsanid qoraalkagan kooban. Haddii ay suurtagal tahay buugga aad afkeenna Hooyo u tarjuntay dib u raadi si loo daabaco dadkana u dheegtaan.

    ReplyDelete
  27. Runtii cilmi badan oon kawarhayn AMA aan horay ubaarin ayan kafaiidaystay.aad iyo aad baad umahadsantahay. Waxan kacodsanayaa macluumadka noocan ah in aad noo bostagaraysid intii aad karto.

    ReplyDelete
  28. Mudane yuusuf garaad.

    Aadbaad ugu mahadsan tahay qoraalada Cajiibka ah eee aad marwaliba Nala wadaagtid.
    Runtii wax badan Ayaan ka faa, iday

    Waaan aqristay waana daneynaayay.

    Runtii wax badan ayaaa iiga baxay.

    ReplyDelete
  29. Yuusuf garaad mudane waxaan Kaloo kaa codsaneynaa.
    Inaad inoo sooqorti, Sheekooyinkii maxaabiistii 1977.

    ReplyDelete
  30. Mahadsanid mudane Amb. Yuusuf. Waxa aad i fahamsiisay suaal in muddo ah igu taagnayd oo aan xattaa weydiiyey dhowr qof.

    ReplyDelete
  31. Mahadsanid mudane yusuf garaad aad ayan ugu faaideystay qormadada wanagsan

    ReplyDelete
  32. Waa ku mahadsantahay sida aad u faahfaahisay

    ReplyDelete
  33. Waa ku mahadsantahay sida aad u faahfaahisay

    ReplyDelete
  34. Waad kumahdsantahay mudane inaad markale dib u'aqriyo taariqda labdan hay'adood iyo sumadodaba maadama aan horey koorsoyin kusabsan ay ii siiyeen ururka bishacas ee soomaaliyed.

    ReplyDelete
  35. Mahadsanid Yuusuf Garaad sida wanaagsan ee aad noola wadaagayso waxyaalo badan oo aan dadka qaar aqoon u lahayn iyo sida aad wakhtigaga ugu bixinayso intaa in ka badana waa kaa sugaynaaa

    Ilaahay haku sharfo

    ReplyDelete
  36. Ex waziir Yusf Garad mahadsanid
    Qormadaan waxaan ka faa iiday in dalwalbaahi uu lee yahay Hay ad u taagan daryeelka dhibanayaasha
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  37. Xaqiiqatan wax badan aya ka fahmay sababto ah muddo laga joogo hal sanno aya waxa ku qaatay kuliyadda sharciga maaddo humanitarian law la dhaho inta aqrinayay qoraalkan aya waxa igu so dhacday casharka aan ku qaatay oo dhan. Wad ku mahadsanthy sida aad na kula wadaagtay.

    ReplyDelete
  38. Mahadsanid garaad. Waxaan ka faaiday, faham iyo sooyaal fiican oo iga daahnaa

    ReplyDelete
  39. Waxaan ka faaiday asal ahaan sida waqtiga iyo cidd ururkan hindistay, iyo sidoo kale labada urur wadamada ay ka soo kala jeedaan, hase yeeshee waxaa mesha ka maqan buugii uu qoray Henry Dunent oo ilaa iyo hadda la tarjumin cid aan adiga ahayn oo laga sugayana aanay jirin, mudane wasiir ama si qormo usoo koob nuxurka buuga ama iyadoo dhammayatiran noo tarjum insha Allah.

    ReplyDelete
  40. Waxaan ka faaiday asal ahaan sida waqtiga iyo cidd ururkan hindistay, iyo sidoo kale labada urur wadamada ay ka soo kala jeedaan.
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  41. Waxaan ka faaiday asal ahaan sida waqtiga iyo cidd ururkan hindistay, iyo sidoo kale labada urur wadamada ay ka soo kala jeedaan.

    ReplyDelete
  42. Mudane yuusuf garaad waxaan kaa codsanayaa inaad mar labaad buuga af somali nuugu soo turjumto
    Hadii markii hore burburkii dhacay isagoon la turjumin
    Mudane jawaab ayaan kaa sugaynaa

    ReplyDelete
  43. This comment has been removed by the author.

    ReplyDelete
  44. Waa xuxsuus qiima leh, waan kaaga mahadcelineeynaa mudane sida aad mar walba noola socodsiiso taariikh qiima u leh dhalinyarada

    ReplyDelete
  45. Mahadsanid Yuusuf Garaad. Fahan taariikheed ayaad ii kordhiday.

    ReplyDelete
  46. Erayga laanqeyr maxaa laga wadaa Af-Soomaali ahaan?

    ReplyDelete
  47. Mudane run ahaantii waan wada aqriyay qoraalka oo dhan waxaana ka faa iiday Tariikh muhiima oo awal kaliya aan maqlijiray magac Abbreviation ah.
    Mahadsanid mudane wxaataha Barre Social Media yaha aan kuleenaha.

    ReplyDelete
  48. Walaahi Cilmi iga Maqnaa ayaan kaa kororsaday Yusuf Thanks Inay Bisha Cas Ay Dawladii islaamka Samaysay hadana Ay turki leedahay aad baad umahadsantahay

    ReplyDelete
  49. Yuusuf Mahadsanid, aad ayaan uga faaiidney qormadan.

    ReplyDelete
  50. Adigu ba waa ku mahadsan tahay qormadan ma xa yeeley, wax aad inoo kordhisay xog amma se aan i dhahde "aqoon" mar labaad, iyo mar saddexaad shukran.

    ReplyDelete