Total Pageviews

Thursday 30 April 2020

Inta aan ka aqaan Axmed Shiikh Maxamuud Amoore


Axmed Shiikh Maxamuud (Amoore)

Axmed Shiikh Maxamuud oo saddex jeer Wasiir ka noqday Soomaaliya ayaa caawa ku geeriyooday Isbitaalka Erdoğan ee loo aqoon jiray Digfeer ee Muqdisho. Allah ha u naxariisto. Axmed inta aan ka aqaannay ayaan sadarradan kugula wadaagayaa.

Axmed Shiikh Maxamuud oo loo yiqiin Amoore wuxuu ahaa nin asluub badan oo dadku ka nabad galo af iyo addinba. Wuxuuna ahaa nin akhyaar ah oo dad la socod wanaagsan, khibrad badan ka helay nolosha, wax bartay, dalkana u soo shaqeeyay, waliba xilliyo adag oo uu khatar u bareeray.

Axmed wuxuu ku dhashay Ceel Buur 1944.

Wuxuu shaqo ku billaabay in uu tolo harqaan. Ceel Buur iyo ka dib Xamar, isaga oo waxbarashadiisana wata.

Qalinjebintiisa ka dibna wuxuu noqday Macallin.

Mcallinnimo dabadeed Ganacsi ayuu u wareegay. Siddetamaadkii wuxuu lahaa Tukaammo mid ku yaallay Waddada Soddonka, ka soo horjeedka Hotel Towfiiq. Midka kale wuxuu saarnaa waddada Maka, meel aan ka fogeyn isgoyska Dabka, garabkana ku haya Hotel Buraaqo oo uu isagu lahaa.

Manifetso

Wuxuu ka mid ahaa waxgaradkii 114-ka mas’uul ahaa ee ku dhiirraday in ay 15-kii Meey 1990 saxiixaan dhambaalkii loo bixiyay Manifesto.

Raggaas oo isugu jiray siyaasiyiin hore, aqoonyahanno, ganacsato waaweyn iyo qaar intaba wada ah, waxay Madaxweyne Maxamed Siyaad ugu baaqeen in dalka la nabadeeyo laguna soo celiyo Dumiqraaddiyad.

Beryahaas oo aan  howlo samafal si joogta ah ugu tegi jiray Berbera iyo magaalooyin kale oo woqooyiga ah, oo markaa ay colaad ba’ani ka taagnayd, waxaan xusuustaa Axmed in uu aad iiga wareysan jiray xaaladda nolosha iyo amni ee Woqooyiga.

Axmed oo ay dhalyo dhow naga dhaxeyso, waxay sheekadeenna Woqooyigu ay ii horseedday kalsooni hor leh iyo in aan ka sheekeysanno amni, siyaasad heer Qaran ah iyo Diblomaasiyad.

Waxaa jiray dhaqdhaqaaqyo qaarkood doblimaasi ahaa oo la isku dayay in Mucaaradka Maanifeesto, Jabhadaha hubeysan oo ay SNM ku jirto iyo Dowladdu ay gaaraan heshiis xabbad joojin ah, lana dhiso Dowlad wadaag ah oo intuba ay ku jiraan. Waxaa la doonayay in taas loogu gogol xaaro in Madaxweynuhu uu xilka ka dego.

Fikradihiisa iyo walaaca uu ka qabay khatarta ka imaan karta dagaalku waxay ka mid ahaayeen sheekooyinkii iigu horreeyay ee aan la yeesho mas’uul bartanka uga jira siyaasad mucaarad ah oo jabhad ka-warqab-ah iyo diblomaasiyad.


Xilligaa ka hor, rag aan qaraaba nahay oo isaga qaar wada dhasheen, qaarna ay ilma adeer ahaayeen waxay ka mid ahaayeen ragga aan dhegeysan jiray sheekadooda. Nolol maalmeedka ka sokow waxay ka doodi jireen diin, qaanuunka iyo shareecada, anshaxa qoyska iyo midka shaqo, falsafad, taariikh, siyaasad, cilmu nafsi, dhaqaale iyo nolosha dalal kale oo ay qaarkood wax ku soo barteen ama ay shir u tageen.

Haba u kala badnaadeen ka soo qeyb galka laakiin waxay qaarkood joogto ugu kulmi jireen Africafe, Baar Ayaan iyo goobo kale oo ganacsi.  

Raggaas waxaa ka mid ahaa Cabdi–Xaashi Macallin Cabdullle, Cusmaan–Gaacuur, Maxamed Shahaad, Cabdiriin Qeylshe, Siciid Qooryare, Axmed-Nuur Macallin, Xasan-Diritoor, Cabdi–Door, Wasiiqo iyo saaxiibkeeygii weynaa Cali–Muddiir.

Xataa berigii aan Raadiyaha ku cusbaa usbuucii dhowr jeer ayaan is arki jirnay qaar ka mid ah raggaas oo wada jooga. Waxaan qaarkood ka heli jiray falcelin barnaamijyada iyo wararka aan sii daayay ama maqaallada aan ku qoray wargeyska.

Mararka qaarna waxaan ka heli jiray ra’yi igu dhaliya su’aalo, mararka qaarna qayb ka noqda amaba sabab u noqda curinta soo saaris mowduuc saxaafadeed.

Waxay saaxiibbo dhow ahaayeen Maalqabeenkii da’da yaraa, aragtidana fogaa ee Xaashi Weheliye Maalin oo ay ka wada tirsanayeen raggii saxiixay Manifesto.

Wasiir

Axmed Shiikh Maxamuud wuxuu Wasiir ka noqday Dowladdii ugu horreysay ee la dhisay markii ay burburtay Dowladdii uu Hoggaaminayay Maxamed Siyaad iyo tii ku xogtayba.

Dowladdaas, Cali Mahdi Maxamed ayaa Madaxweyne ka ahaa, Cumar Carte Qaalib-na Ra’iisal Wasaare.

Xogtaas waxaan ku helay Roma oo aan markaa joogay. Telefoonnadu waa ay go’een intii uu dagaalka Dowladda lagu riday ka socday Muqdisho, dibna looma soo celin. Boosto ma shaqeyso. Dayaaradana ma yimaadaan dalka.

Waxaan u maleynayaa in ay ahayd bishii Februray 1991 mar aan tegey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga oo loo yaqaan Farnesina. Mas’uulkii aan la kulmay oo bargarasho yari naga dhexeysay waxay ii sheegtay in ay iyadu hoggaamin doonto wafdi Talyaani ah oo berri tegaya. Xaggee u socdaan? Muqdisho.

Waxaan u sheegay in aanan ka warqabin reerkeygu in uu dagaalka ka badbaaday iyo in kale. Sidaa darteed waxaan ka codsaday in ay waraaq iga qaaddo jawaabna ii keento. Waxay ii sheegtay in ay Xamar joogeyso saacado kooban.

In yar markii aan fekeray, waxaan weydiiyay cidda ay la kulmeyso. Waxayna iigu jawaabtay Dowladda.

Paris, 1991 Amoore (bidix).
Waxaan markaa goostay in aan waraaqda ku hagaajiyo Wasiirka. Kagana dalbo in xaaladda qoyskeyga uu ii soo sheego uuna waraaq iigu soo dhiibo isla qofka u keenay waraaqdeyda.

Iyadana waxaan ku adkeeyay marka ay tagtaba in ay weydiisato in Wasiirkaa ay aragto, marka ay isaga waraaqda u dhiibeysana ay ka dalabto in ay dooneyso in ay isla hadda jawaabta ka qaaddo.

Laba maalmood ka dib, markii uu wafdigu soo laabtay ee aan Telefoon kula hadlay, waxay ii sheegtay in ay waraaq iiga siddo Wasiirka.

Xaashidaas inta aan furayay iyo inta aan akhrinayayba gacmaha ayaa i gariirayay. Taagni ayaan ku akhriyay Xafiiska dhexdiisa. Sadar kasta marka aan akhrinayo waxay indhaheygu u sii boodayeen oo ay eegayeen laba iyo saddaxda sadar ee ka hooseeya aniga oo ka goobaya magaca qof dhintay, la waayay ama badbaaday.

Xaashida aan dhakhsaha u helay xilli ay adkayd in Muqdisho war laga helo, iina sheegtay in qoyseygu uu ka badbaaday dagaalka Xamar ka dhacay, waxay ku qornayd gacanta. Weli waxay hadda 2020 ku jirtaa keydkeyga.

Bilo kooban ka dib, Wasiir Axmed Shiikh Maxamuud, waxaan ku soo dhoweeyay Roma, isaga oo ah Wasiirka Tacliinta Sare oo ka yimid Paris. Halkaas oo uu shir kula yeeshay UNESCO iyo Dowladda Faransiiska.

Axmed Shiikh Maxamuud wuxuu ka mid ahaa Soomaalidii ka qeyb qaadatay in uu najaxo shirkii Carta ee sannadkii 2000 lagu dhisay Dowlad Soomaaliyeed. Toban sano oo Dowlad la’aan ah ka dib ayay ahayd.

Axmed - Amoore mar kale ayuu Wasiir noqday sannadkii 2000. Waa Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan ee Ra’iisal Wasaare Cali Khaliif Galaydh.

Sawirkii ugu dambeeyay
Ka dib markii Hoggaamiye Kooxeedyada oo markii hore qaaddacay shirka Carta, qaarkood ay Dowladdu wadahadal la gashay, Axmed waa uu ka degey xilka, si uu Dowladda ugu biiro Maxamed Qanyare Afrax, oo ay isku kursi ahaayeen.

Labadada Allah ha u naxariisto. 

Axmed Shiikh Maxamuud, isaga oo xanuunsan ayaan gurigiisa ku booqday bishii Febraayo ee sannadkaan. Aad ayaan u naxay marka uu i aqoon waayay.

Safar Turkiga ah oo caafimaad ayaa loo diyaariyay, laakiin iyada oo wax walba ay u dhan yihiin isaga iyo laba gabdhood oo uu dhalay oo qaadi lahaa, ayaa isu socodka la xannibay oo ay dayaaradihii joojiyeen duullimaadka.

Allah ha ugu bishaareeyo Jannada.

30 comments:

  1. yusuuf Allah unaxariisto waxbadan ayaad noga ifisay Taariikhdiisa

    ReplyDelete
  2. XogOgaal wayn baad tahay mudane wasiir. Allaah haku xafido.

    ReplyDelete
  3. Alle ha unaxariisto janatol firdawsa haka waraabiyo ameen Samir iyo imaan familykii iyo dhamaan ehelka

    Waad mahadsan tahay dhan baal fican oo wax noofaa idaynaayo baad noo soo ban dhigtay.

    ReplyDelete
  4. Mahad sanid Mudane Yusuf Garaad waad ku mahadsantahay sida qurux da badan ee mar walbo noogu ifiso dhacdooyinka iyo taarikh aan u baahanahay shukran. ..
    Ilahay ha u naxariisto wasiir ka samir iyo iman ilahay haka siyo qoyski iyo adxbt ba ..Aamin

    ReplyDelete
  5. Yaa rabbi u naxariiso Adeer Axmed ama Aabo Axmed wallaahi waa Geeri xanuun badan igu reebtay tiiraanyo, aadbaan u aqaanaa Adeer Axmed Camoore afgaabnimadiisa iyo aqoontiisa ixtiraamka usii dheer. Marna waa Awoowe oo ilmaheyga Hooyadood ayuu awoowe u yahay Shiikh Cusmaan Gaacuur oo da’da ka wayn eh ayaa dhalay Gabadha ilmaha ii dhashay aabaheed. Marna waa Adeerkeey oo Aabaheey Muxudiin Rooble Cameey ayeey sxbo aad u ahaayeen waqti walbo isla socon jireen, yaa rabbi sidee Aduunka sxbo ugu ahaayeen aakhirane Jannada sxbo uga dhig �� �� ��

    ReplyDelete
  6. Allaha Unaxariisto Adeer Amoore ku dhawaad 4 sano ayaa deris ahayn.
    Yuusufooy iska sheekeey oo taariiqdaada sii qor si hadhow 10 sadar iyo kayar taariiq ah aanan lagaaga helin.

    ReplyDelete
  7. Ilahey ha u naxariisto yarab familka dhaman sabar iyo imaan ilahey ha siiyo ��

    ReplyDelete
  8. Alle ha u naxariisto wasiir Amoore samir iyo iimaanna ha naga siiso dhamaanteen.

    ReplyDelete
  9. Ilahay ha uraxmado axmad

    ReplyDelete
  10. Illaahay ha u naxariisto.

    ReplyDelete
  11. Mahadsanid adeer Yusuf, waxaa tahay encyclopedia taariikhda dalka iyo dadka waxgalka ah ee dalka soo martay xusuus ka reeba. Waqtiga iyo maskaxda aad geliso ajar iyo xasanaad aan lasoo koobin Allaha kaa siiyo.

    ReplyDelete
  12. Janadii Fardawsa all hakawaraabiyo

    ReplyDelete
  13. innaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun samir iyo iimaan alle hanaga siiyo adeerkey axmed sheekh maxamuud amoore kitaabkiisana midigta alle haka siiyo aamiin yaa rabi yusuf aad ayaan u mahadsantahay maadaama aad taariikhdiisa noosoo gudbisey

    ReplyDelete
  14. Alle ha u naxariisto marti la jecel yahay alle haka dhigo yusuf waad ku mahadsan tahay sida wanaagsan e aad taariiqda walal keen nogu so gudbisay

    ReplyDelete
  15. Yusuf garaad waxaad Ka hadashay xaqiiqo badan waxaadna kaydisay Xusuus iyo Taariikh mug leh,

    ReplyDelete
  16. Ex Wasiir Amassador Yusuf. Waad ku mahadsantahay Sida aad Marxuumka iyo kuwa ka horeeyaba noola wadaagtay.
    Talo. Inta badan waan aqriyaa Qoraaladaada Waana Xiiseyaa, Waxaan arkaa in inta badan Qoraaladaada aad dhexgeliso waxbadan oo taariikh Nololeedkaaga Shaqsi ah dhexgeliso. Soo Ma Fiicnaan lahayn inaad Gooni u qortid arintaas oo aan aaminsanahay inay aqristayaasha Qoraaladaada wax badan ka baran lahaayeen.
    Mahadsanid.

    ReplyDelete
  17. Abdinor,

    Walaalkeey waa loo arki karaa sida aad tiri. Maalinta ay noqoto in anigu aan taariikhdeyda qoro, waa suurta gal dhacdooyinka aad sheegtay qaarkood in aan ku daro.

    Hadda marka aan qof ka hadlayo taariikhdiisa ee aan soo geliyo waxyaabo isaga iyo aniga na dhex maray waxaan uga dan leeyahay saddex ujeeddo.

    1. In akhristuhu uu fahmo nooca xiriirka naga dhexeeyay Marxuumka iyo illaa iyo xilliga aan is naqaannay.
    2. In aan soo bandhigo dhacdada sida uu ula falgalay Marxuumku taas oo tilmaan ka bixineysaa shakhsiyaddiisa.
    3. In aan ku daro waxa na dhex maray ama howsha aan wada qabannayna waxaan soo bandhigiddeeda uga dan leeyahay in aan dhallinyarada barteyda ku xiran dariishad yar ka tuso berigaas arrimaha jiray iyo nooca macaammilku uu ahaa.

    ReplyDelete
  18. Yuusuf garraad walee waxaad tahay wadini dhab ah oo dalkan aan ka rabin danihiisa gaarka ah waxaadna mudan tahay in laguugu daydo mudan MAHADSANID QORAALADAADU✍AAD BAAN UJECLAHAY ILLAAH HAKU DHOWRO MAS'UULKAYGI������

    ReplyDelete
  19. Alle naxariisti janno ha siiyo, wadna mahadsan tahay, waxad ka mid tahay dadka tirada yar ee manta Af-Soomaaliga & qoridiisaba loga daydo

    ReplyDelete
  20. Allah yaraxmah, Mudane Ahmed.
    waad mahadsanthy Amb Yusuf Garad waxaad thy qaamuus socda.

    ReplyDelete
  21. Alle ha u naxariisto. Jannadii Fardowsa Allaha ka waraabiyo. Amiin ya Allah. Wuxuu ahaa macalin wanaagsan, wuxuuna mar wax ka dhigay dugsiga Hoose-Dhexe ee Afgooye. Kitaabkiisa midigta Allaha ka siiyo. Amiin

    ReplyDelete
  22. Allaha u naxariisto adeer amoore
    Adne ajar allaha kasiyo tariikhda wanaagsan aad naso xasuusisay

    ReplyDelete
  23. Allaha unaxariisto wasiir amoore Rabbina ma fidneeyo qoyskii iyo qaraabadii uu katagay oo aan ka garanayo Ikram ahmed Mohamud oo aynu waxbarasha wadaag ahayn.

    ReplyDelete
  24. Alle ha u naxariisto abti Ahmed Sheikh janatul fardowsa alle ha ka waraabiyo Aamiin

    ReplyDelete
  25. Allah naxariistii Jano haka waraabiyo ehelkii iyo qarabadiina allah samir iimaan haka siiyo

    ReplyDelete