Total Pageviews

Friday 17 April 2020

Beled Weyne ilaa Berbera iyo Hargeysa - Taxanaha Maxaabbiistii 77


Waxaa na soo daba galay gaari Landcruiser ah nooca loo yaqaan hardtop. Waxaa saaran dhowr nin oo dhar rayid ah lebbisan.  Waan ka shakinnay.  Ma badneyn laakiin gawaari la dhaco oo soohdinta lagala tallaabo ayaa jiray beryahaas.

Markii aan isku daynay in aan ka dheereeyno oo aan xawaaraheenna kordhinny, sidoo kale ayuu gaariga na daba socdaa sameeyay.

Markii aan isku dayno in aan aasheen u soconno si uu noo dhaafo, isaguna xawaaraha ayuu dhimay.

Runtii waxaa noo caddaatay in gaarigani uu annaga na daba joogo.

Laakiin ma ciidanka amniga oo annaga na hubinaya in aynaan Ethiopia u socon baa mise waa niman annaga nagu maqan oo weerar ah?

*****




Hargeysa ayaan soo galnay.  Gaadiid badan iyo dad aad uga badan ayaa waddooyinka magaalada dhex iyo hareera socda.  Saddexdeenna socdaalka ku nimid midkeenna ma yaqaan waddooyinka magaalada. Hoteel aan ku degno iyo xarunta Bisha Cas ee Soomaaliyeed oo aan dooneyno in aan tagno midkeenna ma yaqaan.

Nin waddada maraya ayaan u istaagnay oo aan is niri tilmaan ka qaata.  Waan is af garan weynay.  Ninku af Soomaali wuu fahmi waayay.  Ingiriisna ma aqoon. Qaxooti ayaan u qaadannay oo waan isaga gudubnay.

Waxaanse la yaabnay in midkii labaad ee aan u istaagnay uu sidoo kale nagu noqday.

*****



Markii uu shirku noo dhammaaday General Morgan wuu na sagootiyay.  Wuxuu nagula lugeeyay koriddoor dheer ilaa uu na geeyay gaariga.

Beatrix oo la yaabtay sida uu Generaalku noo soo dhoweeyay iyo sida uu iila kaftamay ama uu garabka ii haystay oo kalsoonida uu iigu muujiyay waxay, i weydiisay in aan Morgan wax isu nahay.  Waxaan u sheegay in aynaan wax gooniya isu ahayn.  

Ka dib waxay i weydiisay in aan isku qabiil nahay. 





11 comments:

  1. koriddoor macanah eryagan maxaa looga jeedaa

    ReplyDelete
    Replies
    1. Waa eray english ah "corridor"
      Waa wado yar ama dariiq laba meel oo isku dhaw isku xira.

      Delete
  2. Asc mudane Yusuf Garaad waa taxane xiisihiisa gaarka ah wata oo aan laga daaleyn akhriskiisa, ku mahadsanid sida quruxda badan ee aad noo maaweelinayso.

    Qeybta sagaalaad ee sheekada ayaa ii furmi wayday maxey noqon kartaa cilladaasi.
    Mahadsanid.

    ReplyDelete
    Replies
    1. CWS. Waan ka xumahay in qeybta sagaalaad ay kuu furmi weyday. Fadlan hadda dib u eeg.

      Delete
  3. Waa hoolka guriga dhexdiisa ah

    ReplyDelete
  4. Waad gaabisey ee noo badi sheekoyinkan

    ReplyDelete
  5. Waad ku mahadsantahay sida wacan oo aad mar walba xogta aad hayso noola socodsiiso

    ReplyDelete
  6. Hawlo fara badan oo muhiima ayaad qabatay yuusuf.

    ReplyDelete
  7. ad iyo ad walo bahanyhy ugaas

    ReplyDelete
  8. Yuusuf labada mar ee ay kuugu danbeysay Burco arageeda horumar la sheegaa kama muuqan marka laga tago, Ganacsiga iyo saylada xoolaha oo Burco caan ku tahay. sababtoo ah ma ay lahayn jaamacado.2004 ayaa laga dhagax dhigay jaamacadii u horeysay halka 2020 oo imika ahna ay leedahay sideed jaamacadood.
    Al hamdulilaah

    ReplyDelete
  9. Slots with Slot Machines - Mapyro
    Mapyro casinos 광주 출장마사지 have been 동두천 출장마사지 providing Slot Machine 목포 출장마사지 Casinos for 충청북도 출장안마 over a decade. Find maps and compare slot machine prices. We also provide game previews 구미 출장샵 and

    ReplyDelete