Total Pageviews

Wednesday 15 April 2020

Billowga Safar Toban Gobol - Qaybaha Shanaad, Lixaad iyo Toddobaad ee Taxanaha Maxaabbiistii 77

Saddexdan qormo mid kasta waxaad akhrin kartaa marka aad cinwaanka dul tago oo aad dhag siiso.


*****

Halxiraalaha Xannaanada Xoolaha

Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Shanaad


Geed aan u maleynayo in uu garas ahaa ayaan hoostiisa la tagey oo u warramay.

Walaalkiis oo dagaalkii 1977 loo qaatay in uu ku dhintay ayaan si tartiib tartiib ah oo qaarba mar ah ugu sheegay in uu nool yahay, waraaqna aan uga sido.

Cabdi shucuurtiisa oo dhan ayaa mar keliya is beddeshay, waxayna igu qaadatay wakhti dhan in aan sugo marmarna aan ku tuuro kelmad aan ku dejinayo.

Waxoogaa ka dib, markii uu miyirsaday, oo murugada uu warkeygu xusuusiyay uu ka soo yara kabanayo oo ay isu beddeleyso nooc farxad billow ah ayuu ii soo hor kacay dhinaca gurigiisa asaga oo waraaqda walaalkiis gacanta ku sita laakiin aammusan.


*****



Sahay ugu filan baska, Hoteelka, Raashinka, Taksiga iyo telefoonka muddo toddobaad ah ayaan siinnay iyo waliba xoogaa dheeri ah haddii kharash aan la sii qorsheyn uu ku soo baxo.

Tababbar iyo hanuunin ku saabsan xasaasiyadda howsha iyo sida nabadsugidda ama booliisku haddii ay shakiyaan ay tahay in uu ku qanciyo ayaa la tusay.  Muhiimadda howshana waa loo fasiray waana la diray isaga oo sita koobbi waraaqaha Gobolkaas u socda oo dhan iyo liiska maxaabbiista.

Marka uu amba baxay waxaan ka filayay usbuucaas haddii uu laba ama saddex qoys soo helo in ay tahay libin mudan in loo dabbaal dego.

Laakiin ninkii wuxuu soo laabtay laba maalmood ka dib.

*****

Beatrix Attinger iyo anigu waxaan qaban qaabinnay safar dhulka ah oo aan ku tegeyno toban gobol oo dalka ka mid ah.  Waxay soo jeedisay in aan labadeenna oo keliyihi aan is raacno, baabuurka Madaxa Xafiiska aan qaadanno oo ah Land Cruiser yara cusub.

Goor subax ah ayaan Xamar ka shiraacannay.  Magaalo kasta oo aan tagno waxaa noo qorsheysan in aan booqanno Saldhigga Booliiska, Guddoomiyaha Degmada ama kan Gobolka haddii ay Xarun Gobleed tahay.   Meelaha qaarna waxaan la heshiin doonnaa qof aan u dhiibno waraaqaha si uu qoysaska maxaabbiista ee degaankaas u raadiyo ilaa aan ku soo marno soo laabadkeenna.

1 comment:

  1. Asc, Mudane waxan jeclanlahaa inaad igu caawiso sharaxaada cutubyadan;
    Theoretical Approaches of IR
    1. Realism
    2. Liberalism
    3. Marxism
    4. Feminism
    I need these units in Somali version...

    ReplyDelete