Total Pageviews

Monday 27 April 2020

Caabud Waaq - Taxanaha Safarkeyga Galmudug - Maarso 2020


Ugaaska (dhexda)

Waxaan goor subax ah ka amba baxnay Dhuusa Marreeb. Waxaan wadannaa laba gaari. Ciidan nama wehliyo.

Waxaan ka kooban nahay saddex Muqdisho ka timid iyo laba noo wehel yeeshay iyo laba darawal. Waxaa i wehliya Xasan Daa’uud Galool iyo Maxamed Qaasim oo aan Muqdisho iska soo raacnay, Cabdi Maxamed Jaamac, Cabdi Waayeel iyo Xasan Sabriye oo noo wehel yeelay.

Inyar markii aan waddada woqooyi u raacnay ayaan gaarnay tuulada Mirrig. Waxaan waddada uga degnay dhanka Woqooyi Galbeed.  Jihada soohdinta Ethiopia oo aan fogeyn ayaan foolka saarnay.

Qaddar yar ka dib waxaan ka baxnay dhulkii dhagaxa ahaa. Waxaan u dhacnay carra guduud ay dadka qaar u yaqaannaan cadduun. Waa dhul geed gaab ah, caws leh, carro guduudan, waddaduna ay tahay mid goolada badan oo la ii sheegay in ay dadka qaar ku tilmaamaan in ay tahay sida raadka kaadi dibi.

Bangeelle
Waxaan gaarnay tuulada Xanan Buuro. Markii aan ka gudubnay waxaan durbadiiba tagnay banka cajiibka ah ee quruxda badan Bangeelle. Dhul caws ka baxayo oo aan geedo waaweyn lahayn oo aad u ballaaran. Waa dhulka la yiraahdo savannah. Waxaan soo xusuustay Gobolka dalxiiskiisa caalamku jecel yahay ee Maasai Mara. oo ku yaalla Koofur Galbeed Kenya, dhinacana ku haya soohdinta Tanzania oo marka aad ka tallaabto aad tegeyso Serengeti. 

Isu ekaanta muuqaalka oo keliyihi ima soo xusuusin Maasai Mara oo Kenya ah iyo Serengeti, oo Tanzania ku taal. Labada gobol ee labada dal ka kala tirsan dhulkoodu waa isku nooc, xayawaanka jooga isku nooc keliya ma aha ee waa isla midkii oo marba xilliga la joogo dhanka daaqsin wanaagsan u hayaama, dadka labada dhinac ee soohdinta degganina waa isku qowmiyad isku af, dhiig iyo dhaqan ah. Waa Maasai. 

Bangeelle wuxuu kaga duwan yahay dhulka ay isku nooca yihiin ee Kenya iyo Tanzania, in aanuu hadda lahayn duurjoogta quruxda, noocyada iyo tirada badan ee loo dalxiis tago. Ma qabo in aan tabtaas ama tu ka daba dhow laga dhigi karin.

Duurjoogta Maasai Mara
Geel, Ari iyo Lo’ intuba si teel teel ah ayay u daaqayaan.

Waxaa banka ku dhex yaalla tuulada la magaca ah ee Bangeelle.

Waxaan uga gudubnay Caabud Waaq.

Waa magaalo cammiran, dad iyo degaanba. Dadku noloshooda ayay raacanayaan. Inkasta oo aanan aad ugu dhex wareegin, indhahaygu ma qaban dhismayaal badan oo waaweyn.

Waxyaabo dhowr ah oo aan jecleystay ayaan safarkeyga ku soo arkay. Saddex ka mid ahi waa mashaariic laga fulinayo Caabud Waaq.

Saddexdaba waan jecleystay. 

Ka sokow in ay yihiin kuwo bulshada waxtar u yeelan kara, haddana waxaan aad ugu diirsaday sida ay bulshadu isu xilqaantay oo ay iyadu isugu tashatay si ay u hirgeliso.

Waxaan booqannay oo na soo dhoweeyay Ugaaska. 

Qaddarka yar ee aan la joogay wuxuu iigu muuqday nin dhallinyar, faraxsan oo maskax furan. 

Waxaan tagnay Guri degaan u noqon doona Ugaaska oo hadda la dhisayo. Waa guri ku fadhiya dhul ka weyn dhulka Hoteellada waaweyn ee Muqdisho badankood. Wuxuu ka kooban yahay degaan, qolka shirarka oo kun qof ka badan qaada iyo xafiisyo, musqulo casri ah iyo beer nasasho oo aad uga weyn qolka shirarka.

Mashruuca labaad waa dhismaha Gegida Dayaaradaha oo cagafyo waaweyni ay hadda dhisayaan dhabbaha ay dayaaraduhu soo caga dhigan lahaayeen.

Mashruuca Saddexaadna waa dhismaha Faraca keliya ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ay ku leedahay meel ka baxsan Muqdisho.

Jaamacadda oo xeynaadbkeedu yahay dhul uu ballaciisu yahay 500 oo miitir dhererkiisuna yahay 1000 miitir waxaa bixiyay Cabdi Maxamed Jaamac oo hadda ka tirsan Wasiirrada cusub ee Galmudug.

Mashaariicdaas oo dhan waxaa ra’yigooda, dhulkooda iyo dhismahoodaba leh dadweynaha degaanka. 

Runtii waa horumar lagu farxo mudanna dhiirri gelin iyo taageero Dowlad Goboleed iyo mid Federaal labadaba.


Waa Olol. Waa mar aan weynay signalka EVC. 
Gelinkii dambe ayaan u laabannay Dhuusa Marreeb. Roob ayaa daqiiqado yar hore u soo dhigay safarkeenna. Waxaan sii marnay tuulada Olol oo aan ka shaahnay.  Shaah macaan badan oo lagu caddeeyay caano ari. Waa dhaqan Gobolka inta aan aragnay uu ka siman yahay. Saaxiibkeey wuxuu ka iibsaday shaal, aniguna daba-gaab aan ugu talo galay in aan ku dabaasho marka aan tago xeebta.

Yaabka ugu wanaagsan oo aan soo arkay waa amniga degaanka. Waddada isku xirta Dhuusa Marreeb iyo Caabud Waaq. Keligaa ayaad gaarigaaga wadan kartaa oo aad u kala safri kartaa adiga oo aan hub sidan. Waana arkay mas’uuliyiin sidaa sameynaya.

Safarkeygii 1986. Cabdi Waayeel (ugu bidix)
Inka badan soddon sano ka hor markii iigu dambeysay Caabud Waaq waxaan ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, waxaanan wada soconnay Cabdi – Waayeel. Wuxuu ahaa safar uu na martiqaaday Taliyaha Qeybta  21aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Morgan, si aan u fahamno howsha adag ee Difaaca dalka, una dhiirri gelinno ciidanka sida ka muuqata sawirkeyga. 

Berigaas wuxuu Cabdi - Waayeel ahaa Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Jaamacadda Ummadda. Aniguna waxaan ahaa Guddoomiyaha Ardayda Kulliyadaha Gahayr.

Waan ku faraxsan ahay in aan dib ugu laabto aniga oo ka tirsan Jaamacadda, mas’uulka igu casuumayna uu yahay Cabdi – Waayeel.


Safarka Caabud  Waaq wuxuu billow u ahaa safar aan masaafo kun km ka badan ku maray si nabad ah, wax badanna aan ka barannay , saaxiibbada ila socday iyo anigu.

Waxa aan kala kulmay magaalooyinka saddex Gobol ka tirsan oo aan tegey,  Insha Allah maalmaha soo socda ayaan kugula wadaagi doonaa qormooyin tan daba jooga.

47 comments:

  1. Ku mahadsanid in aad akhrisay. Fadlan aragtidaada ila wadaag.

    ReplyDelete
    Replies
    1. This comment has been removed by the author.

      Delete
    2. Yusuf garaad nin culus markaan qoraalkaada ciwaankiisa arko waxaan u degdegaa sidaan u akhrisanlahaa macluumaadka aad soo qorto

      Delete
    3. Bangeelle waa Galguduud. Ma hubo Degmada uu ka tirsan yahay. Wuxuba aad uma kala foga haddii waddo qumman la dhisan lahaa.

      Delete
    4. Waa kahelay qaab qoraalka lkn wax aanan filayn ma ahayn nabadda iyo xasiloonida aa sheegtay waxaan sugaaba waa Ceelkii aan kudhashay iyo sida aa uga hadashid

      Delete
  2. Yusuf garaad waa qormo qiimo leh meesha aad martay bangeele waa meel aan aad u xasuusto waxaa ka baxa geedaga loo yaqaano, Daa"Cule Dhaluuq, Iyo kuwa kale oo geelo aad u jecel yahay

    Waan kaa sugaynaa kuwa xiga masuul,

    ReplyDelete
    Replies
    1. Daaculle earayada aan yareyn ee Qaamuuska maskaxdeyda ku soo biiray ayuu ka mid yahay intii aan safarka ku jiray. Waxaanse mar kasta dhib ku qabaa in aan geedaha kala aqoodo marka laga reebo qaar fara ku tiris ah.

      Delete
  3. Ku dhiiri geli kuwa dhulkooda aaminsanen wana ku mahadsan tahay Jaale Ex Wasiir.

    ReplyDelete
  4. Yusuf Garaad Safarkaan hadda oo wakhtiga intaas dhan qaatay muxuu ahaa macnihiisu mahadsanid

    ReplyDelete
  5. Masha allah waxa tahay shaqsi kudayasho mudan waxan ka rajeynaa intas in kabadan ina nabari doontid wuxu aha safar micne weyn kufadhiyey.

    ReplyDelete
  6. Mahadsanid mudane insha Allah waxaan sugnaa waa qeybta kale

    ReplyDelete
  7. Qoraalka intii aan akhrinayey waxa aan si gooni ah uga helay, tuulada aad tiri waxa aannu ka gadanay dhar, taas oo muujinaysa inad qof dhiirigeliseen. Mudane soo badi qoraallada, wax badan ayan ka baran doonnaa.

    ReplyDelete
  8. Runtii waa qoraal aad u macaan intaan aqrinayayna marnaba kama caajisin ilahay dalka dhan nabad iyo amni Haa inooga dhigo @yusufGaraad alaha ku xifdiyo dabcan waxaad nala wadaagtaa taariiqo iyo qoraalo aad u qiima badan Haa ahaa mid hada ah iyo mid waqti anagu ananba uunayn aad usoo joogtaybee balse Aan u baahanahay inan Aan wax ka kgaanee.
    Mahadsanid mudan waziir waanu sugaynaa qaybaha dambe ee taxanaha aad oga hadli doonto. #NabaadDiino.

    ReplyDelete
  9. Aad iyo aad ustaad waax wax lagu farxo masaafo intaa la,eg amnigeedana leesku haleeyn karo

    ReplyDelete
  10. Waan Jecleystay qoralkaaga Mahadsanid Mudane

    ReplyDelete
  11. Waa wormo aad u qiimo badan.runtii waxaad tahay masuul ey yartahay sida aad wax uga qoreyso dalka hooyo gaar ahaan eray bixintaada heybada leh iyo qormooyinkaga tolmoon. Aad baan kaaga mahadcelineynaa gaar ahaa aniga oo qormadaada in badan oo igu cusub aan ka faa'idey iyo deegaanno aan weli maqal iskaba daa e aragtidoodee.wey jirtaa mar aan tagay Caabud-waaq weliba xilli shaqo. Ku mahadsanid Yusuf Garad

    ReplyDelete
  12. Qormo cajib ah kuwa kalena waa ka sugaynaa insha allah

    ReplyDelete
  13. Masha Allah
    Yg waa war bixin wanaagsan
    Waa markaan dhashay xiligaas aad dadka dhiiri galinaysay ��������

    ReplyDelete
  14. Yusuf garad safarki guricel qormo maka diyarisay?

    ReplyDelete
  15. Dhamaan magaalooyinkaas wax shilin somali ah lagama isticmaalo, waxanse kahelay eray bixinta ry ula bexeen halka centi oo ah FALIS��.
    Koobka shaaha ah waa 3 Falis��

    ReplyDelete
  16. Dhabtii yusuf waan aqriyay shekadda waxana wax wanagsan in ad wax badan ka qortid waxyanihii ugu wanagsanaa ee aaad ku aragtay dhulka cudoon ee galmudug

    Waana ku mahadsantahy in aas nala wadaagto

    ReplyDelete
  17. Waa qormo cajiib ah runtii oo aanan laga daaleyn aqriskeeda. Yussuf Garaad waxaa Fiicnaan laheyd in aad qoraalkaagan quruxda badan kusoo lifaaqdo sawirrada "Bangeelle" si anaguna aan indhaha ugu doogsanno aragtida dhulkii Hooyo. Ku mahadsanid soo gudbinta, waxaan sugnaaba waa qormada xigta Inshaa Allah.

    ReplyDelete
  18. Banka Bangeelle waxaan ku xasuustaa anigoo ilmo yar ah in qoyskeenna oo Xoolo dhaqato ah u guuray, annagoo kasoo guurnay meel geedo badan, aniga waxay igu ahayd arrin cajiib ah oo illaa hadda aan maskaxdeyda ka go’in, waxaase igala cajiibsanaa oon ayadana illaa hadda aan maskaxdeyda ka go’in utunna igu noqotay, cabsi halkaasi ka jirtay oo salka ku haysay colaad u dhaxeysa beesha aan ka dhashay iyo beel kale oo ay daaqsin wadaag ahaayeen, maadaama aan ilma yar ahaa dabiiciyanna aan ahay dadka emotional_ka ah, waxay dhagahaygu aad u dhibsan jireen sheekooyinka iyo dhacdooyinka maalinlaha ah ee aaggaas ka dhaca. hadda waxaan ku noolahay mid kamid ah waddamada hor maray waxna waan bartay. Waxyaabaha aan u qaadan waayo waxaa kamid ah, markaan arko dadkii xilligaasi magaalada joogay ama dhallinyaradii ila da’da ahayd ee ku dhashay magaalyinka waaweyn waxna ku bartay oo u suxul duubaya reeraysi iyo fidno.

    ReplyDelete
  19. Yuusuf Garaad omar waxaan ahay dadka kugu
    Xidhan mudo badan waxaan ku waydiiyey
    Bangeele xaguu ayuu ku yaal deegaan ahaan
    Iyo gobolkee ma galguduud mise mudug

    ReplyDelete
  20. M.a waxaa aad iisoo jiitay sawirkaaga 1986, iyo markaad olol ka dukaamaysanaysay. Masuul qiimo badan

    ReplyDelete
  21. Masha allah mudane aniga qormooyinkaaga ayan aqriskooda ku raaxeestaa
    Ee allaha kudaaayo masuuul

    ReplyDelete
  22. Deeganada galmudug inta ugu badan waa dhul aad marinkarto bilaa cabsi oo aad kaligaa ku safri karto alle hanoo siyaadsho nabadaas ka jirta galmudug.
    Adne waad ku mahadsan tahay mudane sida aad usoo booqatay qormooyina uga sameyneyso.

    ReplyDelete
  23. Yuusufow waad Mahadsantahay lkn Markii ad Bangeele mareysay waxaad ilowday deegana badan sida Mirijiicley oo u dhaxeysa Bageele iyo Xananbuura sidoo kale Huurshe oo aad Xanannuura kaga sii gudbi kartay 8 sano ayaan dhulkaas ka shaqeynayay xiliyada roobka ah waa meesha kaliya ee mudan in lagu noolaado

    ReplyDelete
  24. Mash keep goinG PuntlanDNa imow MuwaadiN amaaNa waxaa no dheer so dhawayN kal iyo LaaB

    ReplyDelete
  25. marka koowaad mahad sanid marka xigta Safarkaga Cabudwaaq qoraalkaga iyo fariintadaba kuma jirto marka laga yimaado mashaariicdas wax horumar ah oo ka socda halkaas. magalada miyaa saas ah mise adaan ka gaarin bookhashada gudaha magalada ? tan kale xiligii kugu danbeysay Cabudwaaq iyo xiligan maxaad kusoo aragta oo kala duwanansha ah ?

    ReplyDelete
  26. Wa qormo tifaftiran. Midkii Galkacyo ayan sugaynaa inshaa.alah

    ReplyDelete
  27. magaaloyinka kalena sidaa uga soo hadaha arkeynaa

    ReplyDelete
  28. Manshallah waa qormo si xirfadaysan oo cajiib ah loo qoray waadna Ku mahadsnan tahay sida waanagsan aad noo tusisay bilicda wadankeenu keeyahay, iyo xasuus qorka Hore ee waqtiga dowladnimada.
    hadaanu nahay dhalinyarada soomaliyeed waxaad tahay dadka fara ku tiriska ah ee wanaagu dalku leeyahy na tusiya Waxaadna tahay qoraa cajiib ah mudane oo qisoonyinkiisa akhrintooda lagu caajisin

    ReplyDelete
  29. Waxaan ku dhashay Olol. 80 meeyadii ayaa aabahay maxamed xaashi baraale ka dhisay gurigii iyo barkadii ugu horeeysay sidaana deegaan kunoqotay. Aabe waxuu ka hirgaliyey ganacsigii ugu horeeyey isla markaasna dadkii ku xeernaa Olol kaga maar meeyn safarkii aay ugali jireeyn magaa looyin ka fog fog. Qiyaas ahaan 1988 kii ayaa Olol iyo Xananbuure waxaa dhisma yaashii iyo barkadihii ka burburshay dowladii markaah talada heeysay waxeeyna ugu yeereeyn “dhul seer ah” oon ladeegaa meeyn karin. Family geeygii iyo dadkii deegan kaba waxeey u sikadeeyn dhanka dhuusamareeb sidaa ayuu kunoqday dhul lama dagaan ah mudo dheer. Sikastaba ha ahaatee, 2000 kii ayaa aabe ka dhisay guryo, masaajid iyo barkad sidaana aay markale deegaan kunoqotay.

    ReplyDelete
  30. Waad ku mahadsantahay mudane lawadagaaad nala wadagtay.
    Th runtii waad na jecleysiday wadanka

    ReplyDelete
  31. Wa qorral qurux badan mudane mudane jubboyinka wax ma ka qortay haday jiran ila wadag abaha wuxu aha dadki dagana kismayo wali nabadonida caanka aha e loga danbeyay ka shaqenta nabada mahadsanid

    ReplyDelete
  32. Masha allah waxaan kugu bogaadinayaa inaad ka sheekayso safar aad ku matayso meela kamid ah dalkaaga hooyo, taasi ayaa ka turjumaysa wadaniyad iyo ilbaxnimo dheeraad ah oo ku dhaanto in badan oo kamid ah dadka isticmaala baraha bulshada.
    Caabudwaaq anigu waan ku dhashay waanan ku barbaaray waxna ku bartay kuna baranayaa ilaa heerka jaamacadeed oon hadda ku jiro, jamacadda ummadda soomaaliyeeed.

    ReplyDelete
  33. Asc wr wb. Waa cajiib warbixintaadan waxaana ku jira macluumaad

    ReplyDelete
  34. Waan igu socotay aqriskeeda sheekada anoo sii rabo ayee iga dhamaatay .mahadsanid yg.

    ReplyDelete
  35. Waan kaa sugeynaa qoraalada ku xiga iyo safarkaagii magaaloyinka kale

    ReplyDelete
  36. Aad iyo aad wa qormo aniga ahaan i cajab galisay waxaan ku leeyahay horay usoco ex wasiir Yuusuf garaad dhalinta aqoon iyo tacliin ayad uso gudbisaa mahadsanid

    ReplyDelete
  37. Absolutely beautiful place

    ReplyDelete
  38. Wadadas waxaan ku safray sanadii 2012-dii mar aan u howlo kormer ah ku tagay laga bilabo dhusamareeb ilaa Galkacyo inta aad ka sheegeyso waa runtaa.
    Caabud-waaq marka aad ka baxdo dhanka gaalkacyo waxaad arkeysaa dhul daaqsimeed ku wanagsan dhaqashada xoolaha oo haduu roob helo indhuhu ay jeclaanayaan. Xoogaa ka dib waxaad tageysaa deegaan la yiraahdo Dhabad Oo ah Tuulo Qaangaar ah, balse marka aad dhaafto dhanka Gaalkacyo waxad fooda saartay Bangeelle oo ah dhul banaan oo ku wanagaasan Dhaqashada Lo’da iyo Ariga umana baahna in la raaco labadoodaba waayo waa dhul siman oo ad arki karto Xoolihii saakay soofay.

    ReplyDelete
  39. Wax badan ayaa nafahamsiisay oo aan dadbadan ka rumens teen mahadsanid yusuf garad

    ReplyDelete
  40. Yusuf dadbadani waxeey aaminsanyahiin in ay tahay galmudug meel aan waxna kuwanaagsan tahay aysanjirin taas maxaad kaleedahay??

    ReplyDelete