Total Pageviews

Monday 13 April 2020

Xilwareejinta Galmudug waa Safar Billow ah


Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Ducaale Xaaf, waxaan ugu hambalyeynayaa sida sharafta leh ee uu xilkii Madaxtinnimada Galmudug ugu wareejiyay Madaxweynaha Cusub, Axmed  Cabdi Kaariye, Qoorqoor.

Waxaan u arkaa Hoggaamiye ay dhinacyo badan oo ayagu aan isku ujeeddo ahayn, ay si sharci darro ah isugu bahaysteen la dagaallankiisa in uu maamulkiisu saldhigan waayo.

Waxaanse anigu ku xusuusan doonaa Hoggaamiye nabad doon ah. Suurta geliyay in ay Galmudug degto caasimadda. Iyo in uu heshiis la galo Ahlu Sunna oo Madaxdii isaga ka horreysay oo dhan ay is fahmi waayeen. Si uu labadaas oo markaa isku xirnaa u suurta geliyana oggolaaday in awoodda xafiiskiisa ay la qeybsato Ahlu Sunna.

Xilwareejinta ka dhacday caasimadda Dowlad Goboleedka, oo ku dhacday jawi amni ahaan iyo siyaasad ahaanba deggan, waa tii ugu horreysay ee nooceeda ah. Waa tallaabo horumar ah oo ku wajahan mideynta Dadweynaha Galmudug ee muddo dheer ku kala qeybsanaa go’aammo inta badan Muqdisho lagu gaaray.

Tallaabadani ma ahan dhammaad ee waa billowga safar dheer. Waa mid ay tahay in lagu xaqiijiyo midnimo waarta, taas oo hadda meel fiican mareysa. Waa safar xoojinayo dhismaha hey’adaha Dowladda oo qaarkood ay u baahan yihiin in hadda la unko. Waa safar kabaha loo illaday horumarinta Gobolka oo ka arradan waddooyin wanaagsan iyo deked, ku dar adeeg caafimaad iyo waxbarasho tayo leh.


Bogaadin iyo mahadcelin ayay mudan tahay cid kasta oo gacan ka geysatay in ay suurta galaan isfaham iyo xilwareejin qurxoon.

Tallaabooyinka billowga ah ee uu qaaday Madaxweyne Qoorqoor waa kuwo soo dhoweyn, bogaadin iyo garab qabasho mudan.

Fursadaha qaarkood uu xilligu u sabab yahay waa in laga faa’iideystaa inta aan xilligu isbeddelin. Caqabadaha ka hor yimid Madaxdii hore waa in cashar laga bartaa si looga feejignaado.

Galmudug waa in ay soo jiidataa aqoonyahanno iyo xirfadlayaal ka faa’iideeya kheyraadka Gobolka ee magaca Galmudug uu tilmaamayo marka xaraf xaraf loo kala qaado.

Khalad ma aha haddii aan iraahdo Galmudug waxay u taagan tahay Geel, Ari, Lo’, Maanyo, Ugaar, Doog, Udug iyo Ganacsi maaddaama Geesinnimo iyo dagaal laga gudbay.

Hantiilayaasha Gobolka ka soo jeeda ee Sharikadaha ugu waaweyn iyo Hoteellada ugu bilicsan uguna badan ku leh Xamar iyo Ganacsadayaal kale oo Soomaaliyeed waa in loo abuuraa fursado ku dhiirri geliya in ay ka faa’iideystaan kheyraadka Galmudug taas oo shacabku ka heli doono shaqo, adeeg iyo suuq, dabcan Dowlad Goboleedkuna canshuur.

Sida ay dadka qaar dhahaan in nabadda iyo dhismaha Dowladnimada Soomaaliya ay ku xiran tahay Gobollada Dhexe anigu ma qabo.

Waxaanse u qabaa in nabad iyo horumar ka hirgala Galmudug ay qeyb muhiim ah ka yihiin nabadda iyo horumarka Soomaaliya.

16 comments:

  1. Fadlan ila wadaag aragtidaada. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Mahadsanid Mudane, qoraaladda iyo booqoashooyinkaadii isbaddal taban iyo baraarug ayey keeneysaa dhanka nabadda, siyaasadda iyo ganacsiga, qoraalada so socda waxaan ku talin lahaa horumarinta waxbarashadana in aad ku iftiimiso si jahligu inooga yaraado
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  3. Xaqiiqdii si Fcn ayad wax inoogu ifisay Yuusufow Masha akah!

    Koley inay Galmudug saldhigato qeyb Waad ku laheyd adiga & Siyaasiyiinta Mucaaradka inaad dhinacyadasi umad celiso ayay ahayd.

    ReplyDelete
  4. Waad ku mahadsantahay boogaafinta aad usoo jeedisay 2da madaxweeyne

    ReplyDelete
  5. Waa arin lagu farxo runtii , in madaxweyne Axmed geele xaaf u tanaasulo dadkiisa iyo dalkiisa si horumar ay u gaadhaan , waxaa xaqiiq ah hadii siyaasada lagu heshiiyo laysuna tanaasulo in horumar kasta oo bulsho ah la gaadhi karo sidaad adba sheegtay.
    Guul iyo gobanimo ayaan u rajaynayaa dadka iyo madaxda gal mudug oo isku duuban.

    ReplyDelete
  6. Mudane Waziir Yuusuf Garaad Aadbad U mahadsan Tahay Waqtiga Iyo Makaxda Aad Galisay Qoraalkan.

    Waxaana Rajeynayaa In Galmudug Ay Dhaqaaqdo Furahana Uu Ku Rogo Madaxweyne Qoor-Qoor Ayadoo Markaa Wajaheyso Wadada Horumarka, Barwaaqada, Cadaalada Iyo sinaanta insha allaah.

    ReplyDelete
  7. Mahadsanid Mudane YusufGaraad

    ReplyDelete
  8. Ma xuma haddiise aan la doonin Culumadii idiin keentay ammaanka aad ku caweenaasaan, waa hadda iyo koow

    ReplyDelete
  9. Asc mudane Yusuf garaad si fiican baad uga faallootay isnaddalka wanaagsan ee ka ifaya maamulka Galmudug xaaf waa oday nabaddoon ah tanaasul badanna sameeyay Qoorqoorna waa nin u muuqda in uu ummdadda Galmudug kasoo jeedda isku keeno oo horumar u tillaabsiiyo.
    Anigu waxaan ahay reer Galkacyood kadaga magaalada dhanka koonfureed aad baan ugu farxayaa horumarka iyo maamul wanaagga kasoo iftiimaya Galmudug waxaanan rajayn inaysan mardanbe soo noqon colaaddii sokeeye ee dadka ehelka ah lakala dhex dhigay ayna walaaloobi doonaan waxna wada qabsan doonaan insha allah.

    ReplyDelete
  10. Waa faalo caaqibo leh mahadsanid mudane talo ninay ku hartay hasataa M Qoorqoor ayaa looga fadhiyaa dhanka uu u daqaajiyo Galmudug

    ReplyDelete
  11. Waa faalo caaqibo leh mahadsanid mudane talo ninay ku hartay hasataa M Qoorqoor ayaa looga fadhiyaa dhanka uu u daqaajiyo Galmudug

    ReplyDelete
  12. Waa faalo caaqibo leh mahadsanid mudane talo ninay ku hartay hasataa M Qoorqoor ayaa looga fadhiyaa dhanka uu u daqaajiyo Galmudug

    ReplyDelete
  13. Faallo aad u qurux badan oo mudan in wax laga qaaato
    Mudane yuusuf waxan ku leeyahay qoraaladaada waa noo xisad aan ka faa iido maalinta waxa soo kordhay oo kudhisan caqli iyo aqoon iyo ka fiirin dhinacdo badan

    ReplyDelete
  14. Hi, Mr.Yusuf Garad, We are a team of youth campaigning the implementation of World's most strategic mega sea port in Somali coast, We would deeply appreciate if you could assist us rise awareness of how vital and important this is to the Somali people and please check the comments section in Facebook video, if you would like to see The first topic ever united Somalis, we just can't believe it. please check video below. Thank you so much Mr.Yusuf Garad We would highly appreciate your response too on this. We need influential people like you, on this in order to fulfill this big dream.

    https://m.facebook.com/113524360000712/posts/151664176186730/?d=m&vh=e

    YouTube: https://youtu.be/pfhQX4mbeGI

    agurayport@gmail.com

    ReplyDelete
  15. Aragtiyaha aad u soo gudbiso shacabka soomaaliyeed ayaa ay ka oga'aan karaan shaqsiyaddaada, iyada oo ay u muuqato jecleysiin iyo isku soo dhoweyn shacabka kala dudsan. Kaliya qormooyinkagu maaha sida aad udhigto oo ah fikir kaga siyaasadeed, balse xaqiiqada ii muuqato waxa ay tahay in dad badani ay u riyaaqaan xogta ay kala baxaan farriimaha. Mahadsanid

    ReplyDelete