Total Pageviews

Saturday 18 April 2020

Qoraa Sare Siciid Cabdisalaan Allah ha u Naxariisto

Gaalkacyo 1952, faahfaahinta sawirka ka eeg dhammaadka
Allaah ha u naxariisto Siciid Cabdisalaan oo ku geeriyooday Muqdisho. Wuxuu ahaa suxufi sare oo aqoon yahan ah. Muddo dheer dalka u soo shaqeeyay. Wuxuu wax ku qori jiray Soomaali, Carabi iyo Talyaani. Wuxuu ka tirsanaa Wargeysyada wuxuuna mudiic ka ahaa Laanta Carabiga ee Radio Muqdisho.

Dugsiga sare markii aan ahaa ayaan annaga oon is arag hawada iska barannay. Waxaa iskeen baray qoraalladiisa. Ardaynimada iyo ka dib ma dhicin in aan wargeyska ku arko cinwaan uu qoray Siciid Cabdisalaan oo aan ka gudbo aniga oo aan akhrin. Haddii markaa aanan akhrin karin, waxaan ku ridan jiray boorsadeyda, mana seexan jirin habeenkaas aniga oo aan akhrin qormada Siciid.

Waxa ugu yar oo aan ka faa’iidaa waxay ahayd in aan ku raaxeysto akhrinteeda, waxna ka kororsado curinta iyo fanka iyo farshaxanka qoraalka.

Markii aan Warfaafinta ku biiray, inkasta oo aynaan isku sheeko ahayn, haddana si shakhsi ah ayaan isu barannay. Nin aad caato u ah, habeen iyo maalin mar kasta iyo meel kasta ay dhexdu u dhuuqsan tahay, oo aad u lebbis qurxoon, timo weyn oo afro ah oo caddaan ah leh ayuu ahaa. Nin ixtiraam badan, akhris badan, sheekoole ah, faraxsan oo xikmad iyo qosol badan ayuu ahaa.

Allah ha u naxariisto Siciid.

Sheekooyinka Siciid

Siciid Cabdisalaan (bidix) iyo Amiin Yuusuf Khasaaro
Waxaan xusuustaa waraaq uu ku daabacay wargeyska Xiddigta Oktoobar oo uu kula hadlayo askariga dagaallamaya ee dalka daafacaya.

Hadal guubaabo ah oo qurux badan oo uu qoray wuxuu ku gunaanaday in aanuu sii wadi karin qoraalka. In ay qalinka ka qabatay hooyadii ( ayaan u maleynayaa in ay ahayd) oo isaga ku careysan.

Waxay igu leedahay, ayuu yiri, wax-ma-tareyahow, hadalka badan ka jooji oo ha iga mashquulin geesiga i daafacaya.


Waxaa kale oo aan in yar ka xusuustaa sheeko iyaduna qiiro lahayd oo uu ka qoray mar uu bas ka raacay Muqdisho isaga oo u socda Baraawe.


Nin rakaabka ka mid ah oo ka soo laabtay dagaalkii 1977 ayaa ka sheekeynayay. Dadkii baska la saarnaa ayuu si xamaasad leh ugu warramay. Qiirada ninka ka muuqatay iyo sida uu u dareensiiyay dadka baska saaran ilaa uu baska gudihiisa ka dhigay sida goobtii dagaalka, oo dadka aad mooddo in qaarkood ay difaac ku jiraan, halka qaar kalena ay weerar yihiin oo hub kala duwan ay ridayaan iyo sida Siciid qalinkiisu u muujiyay dareenka dadweynaha baska saarnaa, waxay ahaayeen kuwo ka go’i waayay xusuusteyda.

Sheekada Siciid Cabdisalaan ee aan doonayo in inta aan ka xusuusto iyo sida aan u xusuusto aan kula wadaago wuxuu cinwaan uga dhigay:

Adeer ma Eey baa loo naxariistaa?


Xaawa Ottavio, Ottavio & Siciid
Haddii ay haba yaraatee in yar aan ka weeciyo waddadii uu marsiiyay, ma ahan ula kac ee waa xusuus xumo.

Wuxuu ku billaabay tilmaan isagu iska bixiyay. In uu yahay nin madaxu caddaaday. Ay timihiisa inta yar ee weli uu midabkoodu madow yahay ay marti u yihiin caddaanka ka tirada badan ee hareereeyay.

In uu ka shaqeeyo Wasaaradda Warfaafinta. In aanuu gaari lahayn. Shaqada marka uu ka rawaxo uu lugeeyo. In iyada oo ay qorraxdu kulushahay marka uu albaabka Wasaaradda ka baxo uu waddada gooyo oo uu midig ula leexdo hooska billowga ah ee galabnimo ee derbiga Taliska iyo guryaha booliiska. In uu halkaa ka billaabo in uu ku lugeeyo isaga oo gidaarka isku nabaya si uu hooska uga faa’iideysto. In sida uu hoosba hoos ugu dhiibayo asaga oo marba wax ka fekeraya uu aakhirka tago gurigiisa oo uu ku yaalla Buurta Wardhiigleey.

Wuxuu sheegay in isaga waddadaas ku jira oo fekeraya kuna dhow meel ay laba waddo isku goyso uu arkay dhagxaan duuleysa oo waddada ay ku soo tuurayaan cid aan markaa isaga u muuqan. In markii uu dhagxaantii ka gambaday uu arkay eey dhegaha taagaya oo ka soo cararaya dhanka dhagxaanta laga soo tuurayo. Eeyga marka ay is dhaafeen, ayaa waxaa igu soo baxay, ayuu yiri,  wiilal ceyrsanaya oo tuuryeynaya eeyga.

Ciyaalkii ayaan joojiyay ayuu yiri, weydiiyayna waxa ay ka rabaan eeyga.  Midkii ugu madax fiiqnaa ayaa ku jawaabay su’aal kale.

Adeer waa eey! Ma eey baa loo naxariistaa?

Waxay taasi igu kalliftay ayuu yiri in aan ciyaalkii dib u celiyo, geeeyo beerta Daraawiishta. Aan geed hooskiis la fariisto. Uga sheekeeyo faa’iidada eeyga, iyo in uu yahay saaxiibka Aaadanaha.

Qoraalkaas waxay dadka qaar ay u fasirteen in Siciid uu ku dan sheeganayay. In uu sheegayo muddada dheer uu shaqeynay iyo sida loola dhaqmayay. 

Anigu ma arkin Siciid oo fasiraya sheekadaas iyo cid fairaddaas isaga ka xaqiijisay.


Siciid waxaan xusuustaa in dhowr jeer la xiray. Wax uu qoray ama uu yiri, ayaan u qabaa in ay ahaayd sababtu, laakiin ma hubo.


Aan u wada duceyno. Allah Jannada ha ugu bishaareeyo. Qoyskiisa, ehelkiisa iyo inta qoraalladiisa ku xirnayd sabir Allah ha ka siiyo.

Faahfaahinta Sawirka Sare


Waa Gaalkacyo. Waa 1953. Waa Dugsiga Leegada ama SYL. Waxaa Maamule iyo Macllinba ka ah Cabdullaahi “Gacma-Dheere”. Iskuulka waxaa ku deeqay Ilmo Xaaji Xasan. Waxaana kharashka joogto u bixinayay Saalax Jaamac Kaarshe oo ahaa wakiilka SYL ee Gaalkacyo. Waa dufcaddii koowaad ee ka qalin jebisay Dugsiga SYL.

Fadhi ka billow Midig:
Aadan Jaamac Biixi, Macallin Cabdullaahi Xaaji Abubakar "Gacma Dheere" oo berigii dambe Danjire ka noqday Baqdaad, Saalax Jaamac Kaarshe, Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar oo macallin ahaa, markii dambe xubin ka ahaa Golaha Sare ee Kacaanka noqdayna Wasiirka Waxbarashada, Maxamed Amiin.

Taagni ka billow Midig:
Maxamed Cabdi Giir, Siciid Cabdisalaan oo noqday suxufi caan ah, Siciid Nuur Dirir, Maxamed Islaan Cabdulle, Cabdullaahi Axmed Karraanni oo Maareeye Guud ka noqday Wakaaladda Daaqa Qaranka, Axmed Cabdi Giir, Ina Adan Gaas.

Sawirka waxaan ka helay oo aan uga mahadcelinayaa Cabdulfataax Gacma-Dheere, oo ii sheegay in dadka Sawirka ka muuqda uu u kala sheegay Siciid Nuur Dirir oo ardeyda ka mid ah hadda ku nool London.

Allah ha u naxariistee Abdi Shakur Shahaad ayaa sawirka tayeyntiisa gacan iga siiyay.

Labada sawir ee kale, waxaan ka qaatay barta Amiin Yuusuf Khasaaro.


19 comments:

  1. Mahadsanid in aad akhrisay. Fadlan u ducee Marxuumka.

    ReplyDelete
  2. Ilaahah ha u naxariisto. Janatul Fardowsa Ilaahay ha geeyo Kitaabkiisana gacanta midig Ilaahay ha ka siiyo Aamiin Aamiin.

    ReplyDelete
  3. Allah u naxariisto. Janatul Fardowsa Ilaahay ha geeyo Kitaabkiisana gacanta midig Ilaahay ha ka siiyo Aamiin Aamiin

    ReplyDelete
  4. Ilahow u naxariiso marxuumka.
    Yuusuf Garaad aad ayaad u mahadsan tahay.

    ReplyDelete
  5. Mashallah mahadsanid mudane

    ReplyDelete
  6. Naxariis waarta Eebe wayne Caza wajala Ha siiyo marti la jecelyahayna haka dhigo

    ReplyDelete
  7. Allah ha u naxariisto, marxuumka Siciid Cabdisalaam Habti qaran ayuu ahaa waa hubaa balse lama daryeelin.

    Yusuf Garaad Adiga Mahadi hakaa gaarto inaad markasta ku howlantahay ururinta iyo noolaysiinta dadka taariikhda iyo magaca ku leh soomaalida asaan iyagu isxusin.

    ReplyDelete
  8. allah ha naxiisto,adiguna waad mahadsan tahay sida wanagsan aad u soo bandhigtsy

    ReplyDelete
  9. ALLAHA UNAXARISTO marxuumka

    ReplyDelete
  10. Alaha u naxriisto marxuumka

    ReplyDelete
  11. Alaha unaxariisto marxuumka Aamiin Aamin adigana mahadsanid qofwalba waqtigiisa iyo waayahiisa waye anaguna Yusuf Garaad yaanu kaqori donaa inshallah qoraladada anagu waan xiiseynaa in badan sxb sare Yusuf Garaad Hassan.
    thanks brother

    ReplyDelete