Total Pageviews

Tuesday 28 April 2020

Caano Ari iyo Daango - Taxanaha Safarkeyga Galmudug - Maarso 2020

Waxaan barqadii ka shiraacannay Dhuusa Marreeb. Waxaan ku joogna waddada laamiga ah ee haddii aadan ka harin ku geyneysa Muqdisho.

Waa intaan saaxiibbadeey ka laacin
Waddada waxay qeyb ka tahay mashruucii Shiinuhu ku dhisay laamiga isku xira Jawiil oo ka tirsan Hiiraan ilaa Burco oo ka tirsan Toghdeer. Berigii la dhisay iyo sannado fara badan oo ka dambeeyay waxay ahayd waddo laami ah, oo toosan, oo gaadiidku uu aad ugu xawaareeyo. Waddada dalka ugu dheer uguna wanaagsan ayay muddo badan ahayd.

Hadda waa waddo uu ka muuqdo burbur xooggan. Waxay u dan sheeganeysaa cid kasta oo baabuur ku marta. Marka aad in yar oo wanaagsan aad hesho oo uu gaarigu ku xawaareeyo, waxaad illoobeysaa cabashadeedii. Iyadu ma illoobeyso. Markiiba waa ku soo jeedineysaa. Si waliba ay kaa nixineyso. Int ay si caro ku jirto kuu gilgisho ayaad soo xusuusaneysaa wixii ay kaa dalabtay daqiiqado ka hor.  Waa in ay dayactir u baahan tahay.

Inta aad safarkaas ku jirto oo dhan, waddadu ma illobeyso dalabkeeda, adna kuuma oggola in aad illowdo. Kama daaleyso in ay daqiiqado yar ka dib hadba ku ruxdo, ku boodbootiso sida ilmo la koolkoolinayo, ku canaanato, qeyladeeda darteed aad is maqli weydaan intiinna is garab fadhiya. Jirkaaga oo dhan ayay gilgishaa, in aad qummaati u fadhidana way kuu diideysaa si ay kuu xusuusiso codsiga.

Qiyaastii qaddar saacad ah markii uu darawalku loollan iyo gorgortan kula jiray godadka tiro dhaafka ah iyo dhagxaanta ka sii badan, xareedda iyo haadaanta waddada dhex iyo hareera yaal ayaan gaarnay Guriceel.

Waa magaalo aad uga weyn Degmooyin badan oo dalka ah. Haddana aan ka tirsaneyn Degmooyinkii dalka ee la aqoonsanaa 1991. Waxay ku tuseysaa in saacadda Soomaaliya ee ku xargagtay 1991 aan weli shaaggeeda la rogin. Halkeedii ayay saacaddu taagan tahay marka ay noqoto Siyaasadda ku wajahan Gobollada iyo Degmooyinka.

Sababtu waxay tahay in Degmadaas ay dhiseen oo ay cammireen dad degaanno kale oo Gobolka ah iyo meelo kaleba ka soo hayaamay  bartamihii siddeetanaadkii iyo qaar aan yareyn oo iyada ku dhashay xilligaas ka dib.

Waa magaalo cammiran oo dad iyo ganacsi la ciirciireysa. Ganacasi gobollo isaga goosha oo xataa soohdinta ka tallaaba sida aan maqlay. Waddada weyn ee magaalada dhex marta dhismayaasha la teedsan waa wada Suuq, Tukaan, Bakhaar, Makhaayad, Xafiis sharikadeed iyo meelo kale oo ay howlo badan ka socdaan.

Waa magaalo cammiran, dad iyo dhisme intaba, ayna ka socoto shaqo badan oo muuqata kuna wajahan soo saarka nolol maalmeedka.

Marka aan ka qadeynay makhaayad weyn oo dhismo wanaagsan leh, waxaan markiiba uga gudubnay Matabaan oo ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Matabaan
Matabaan - Garoorre waa dhul carro guduud ah oo qurxoon. Balli weyn oo markaa aan biyo badani fadhin ayaa magaalada ku yaalla.

Waa magaalo nabad ah. Ka muuqato in ay fac weyn tahay. Laakiin aan horumar badani ka muuqan. Si u yara dansan.

Waxaa la ii sheegay in magaaladu ay yara dayacan tahay. Degmooyinka Hirshabeelle, Matabaan oo degmada ugu fog caasimadda, Jowhar. Dhanka kalena, waa magaalo isu socodka, xiriirrada kale iyo u dhowaashaha Caasimadda Galmudug ay ka dhigto mid macaamil badan la leh lana xaalad ah Galmudug.

Waxay dadka qaar ay qabaan in ay dhexda ku luntay oo labada maamul Goboleed uu mid waliba kan kale ku halleynayo.


Matabaan
Meel aan Shaah u fariisannay oo aan dadka magaaalada sheeko u billownay ayaa markiiba waxaa naga war helay Booliiska. Taliyaha iyo ciidan la socda ayaa durbadiiba noo yimid. Is marxabbeyn iyo shaah aan wada cabnay, ka dib waxaan booqday Saldhigga Booliiska iyo xabsiga magaalada.

Sida la ii sheegay, rag u badan reer miyi is maagay ama dembiyo kale ku eedeysan ayaa ku jiray. 

La ima tusin anna ma weydiisan.

Su’aalo nooc soo jeedin oo kale ah oo ku wajahan xuquuqda iyo daryeelka Maxaabbiista ayaan kula sheekeystay.

Taliyaha markii aan weydiiyay isu socodka Beled Weyne iyo Matabaan, wuxuu ii sheegay in uu usbuucii hore ka soo laabtay safar Beled Weyne ah.

Markii aan magaalada ka sii baxayay nin ciidan ah ayaa waddada noo dhex istaagay dhallinyaro qaarkood uu ciidan yahayna meel aan waddada ka fogeyn ayay ka soo yaaceen.

Waan u istaagnay. Waxa keliya oo ay na weydiisteen in ay sawir nala galaan.

Casar gaabadkii ayaan dib ugu laabannay Guriceel. Saaxiibkeey Xasan Sabriye oo naga soo raacay Dhuusa Marreeb, ayaa igu casuumay guriga aabbihiis.

Daahir Maxamed Sabriye, waxay walaalo yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Federaalka, Cabdi Maxamed Sabriye. 

Kuraas iyo gogolba waa la dhigay. Biyahaa ugu soo horreeyay. Sagbad Shaah ah iyo daango (qaloon ama salool) ayaa xigay. Gabar dhallinyar ayaa markiiba weel la boodday. Daqiiqado yar ka dib ayay soo laabatay iyada oo sidda caano ari oo kulul oo markaas ay soo listay oo xoortu ay ka korreyso. 

Waxaan soo xusuustay ari-carbeedkii hooyadeey ama aan dhahee ari-magaal. Oo ay ugu caansanaayeen laba is dhashay. Waa Fil-ma-suga’ iyo Fil-ka-roon. Baarridii hooyadeey Xabiiba ayaa shaaha noogu caddeyn jirtay caanahooda. Ilaahow u naxariiso hooyadeey iyo aabbahay iyo waaliddiinteen oo dhan.

Nariijada Iskaa wax u qabso
Markii aan baray Xasan Daa'uud Galool oo aan wada soconnay una sheegay in uu yahay reer Hargeysa ayuu Daahir  noo warramay.

Daahir Maxamed Sabriye wuxuu nooga sheekeeyay taariikho kala duwan oo ay ka mid tahay beri hore mar isaga iyo rag kale ay lo’ ka kaxeeyeen Guriceel ee ay u safarsadeen Hargeysa, iyo qiso ka qabsatay markii ay marayeen Gaashaamo.

Odayga oo sida la igu wargeliyay muddo badan iga dhegeystay idaacaduhu, ma qarin farxaddiisa. Waa Gallad Ilaaheey haddii Galabta uu Yusuf-Garaad fadhiyo jalbeebkeenna.

Inkasta oo aan sheekada odaga, fadhiga darinta, shaaha iyo caddeyska ariga ee markaa la ii soo lisay aan aad uga helayay, waxaa hadalkeennii ku talo gal la'aan soo koobay dhibco waaweyn oo teel teel ah oo hordhac u ahaa roob xoog leh.

Waxaan door bidnay in aan safarkeennii sii wadanno.

Roobka iyo waddada na sugeysa dartood, waa baaqannay Isbitaalka Istarliin oo qorshaha noogu jiray in aan soo aragno.

Waxaan si qurux badan ugu xawaareynay laami cusub oo la saaray waddada. Waa mashruuc iskaa wax u qabso ay laami ku dhisayaan dadweynaha degaanku. Waa mashruuc muujinaya in ay Dadweynaha magaaladu ay waddadooda dhisan karaan. Waase mashruuc qaali badan maaddaama uu yahay laami, magaalooyin isaga gooshaya.

Dadaalkaas billowga ah asii mirihiisu ay muuqdaan, Qurba joogta iyo waxaa loo baahan yahay in ay gacan ka geystaan Xukuumadda cusub ee Galmudug iyo Dowladda Federaalkuba.

Ka dib markii aan fiidkii qaddar yar ku hakannay Ceel Dheere, xilli habeen ah ayaan ku soo laabannay Dhuusa Marreeb. Ma jirin ciidan iyo cid kale oo hubeysan oo safarkaas nagu wehliyay.

43 comments:

  1. Adiga oo ku mahadsan in aad akhrisay, fadlan ila wadaag aragtidaada. Guuleyso.

    ReplyDelete
    Replies
    1. Yuusuf waxaa tahay shaqsi aan kaga daydo wanaaga.waxaa tahay role model keyga ilaahay ha ku amaansado

      Delete
    2. Qormada aad baan ula dhacay malaha waxan soo xasuustay macalinkeeygii soomaaliga ilaahey kheey hasiiye markuu noga sheekeynayo taariikhda dalka
      Laaamiga shacabka bilaaabeen gacan qabasho ayuu ubaahanyahay waxaa ka muuqata in ay fariin dirayaan oo dhahayaan war waxan bilaabane na kaalmèya awoodana weey kabadantahay

      Delete
    3. Waxaad maskaxdayda dib ugu celisay xasuusta deegaanka oo aanan in mudo ah aanan tegin. waxaan aad ula dhacay isku dayga dadka deegaanku ku dhisanayo wadada, waa arin mudan bogaadin iyo in gacan laga geysto.

      Delete
  2. Masha allah aqoonyahan yuusuf garaad waa safar runtii xiiso gaara lahaa adiga iyo intii kula socotayba
    Run ahaantii tani sheeko oo kaliya ma ahan ee waa mid dadkaaga aad ku baraarujineyso wax ugu sheegeyso waxa ka dhiman iyo sida wax yihiin
    #dadkaaga waad ushaqeysay mudane

    ReplyDelete
  3. Waa qormo fcn meela badan oo GDH ah cagta waa soo marisey mudane wasir kaaay gobalda gedo imoow anu ku kala barnee markaada. Mhdsnd

    ReplyDelete
  4. Masha allah aqoonyahan yuusuf garaad waa safar runtii xiiso gaara lahaa adiga iyo intii kula socotayba
    Run ahaantii tani sheeko oo kaliya ma ahan ee waa mid dadkaaga aad ku baraarujineyso wax ugu sheegeyso waxa ka dhiman iyo sida wax yihiin
    #dadkaaga waad ushaqeysay mudane

    ReplyDelete
  5. Yuusuf Garaad omar waxaan ka mid ahay dadka
    Kugu xidhan jecelna taariikhda iyo qoraalada aad bulshada la wadaagto marar badan suaalaha iigama jawaabtid sida fariimaha Facebookga.Ex-wasiir iyo suxufi ruug cadaaaya waxaan kaa soo lamayaa magalada Bonn ee wadanka Germany Ramadaan kariim

    ReplyDelete
    Replies
    1. Abdirisaaq, waan kaa qaaday salaanta. Aad ayaan kaaga mahadcelinayaa in aad ku xiran tahay qoraalladeyda.

      Bonn beri horaa iigu dambeysay. Magaalo deggan oo buuq yar ayaan u qabaa in ay tahay.

      Delete
  6. Mudane runtii intii aan akhrisanayay qoraalkaan aad ayaan ugu raaxaystay. Balse dhawr su'aalood ayaan is weydiiyay oo ay ugu weyn yihiin haddii dalkeennu sidaas amnj u yahay maxaa loo buun-buuniya oo looga dhigaa meel bahalo galeen ah. Tan labaad ee niyadayda kusoo dhacday waxa weeye in qof walba dalkiisa uusan waxba siisan karin oo dalal shisheeye kaga maarmi karo. Ilaahay dalka hanoo barakeeyo

    ReplyDelete
  7. waa ku mahadsantahay warbixinta aad nala wadaagtay, waa ka fahmay hadalkaada biya dhiciisu inuu yahay deegaanku waa nabad lkn hormar la aan xagga arimaha bulshada ayaa ka jirta!!waan rajaynayaa intaa ka qayb qaadandoonto hormarka deegaanka af iyo addin waxaad awoodo.

    ReplyDelete
  8. waxay ilatahy in dhulkeeno shekoyin iyo Qisooyin badani aykujiran intaa iyo inkabadan.wad kumadsantahy qormadada inad siiwadaan rajaynaa oodmeelokalo badan tagidoonto

    ReplyDelete
  9. Magaalooyinkaan: Caabudwaaq, Guriceel iyo Matabaanba waa meelaha dalkeenna oo aanan weli booqan aanse rajo ka qabo in aan mustaqbalka dhaw maro. Waxyaabaha qoraalkaaga iiga baxay waxaa ka mid ah nabadda ka jirta dhulkaas oo idiin sahashay in aad idinkoo ciidan u baahan aad si nabad qab ah ku marteen. Waxaad sheegtay in Caabudwaaq ay leedahay farac Jaamacadda Ummadda ah oo ardayda wax ka bartaan, ka warran magaalooyinkaan kale, ardayda ma helaan adeeg waxbarasho oo heer jaamacadeed ah? Dugsiyo sare ma ku yaallaan dhammaantood?

    Mahadsanid sida aad u sharraxday waxii aad aragtay iyo waxii kaaga baxay.

    ReplyDelete
  10. Runtii waa qoraal qiimo badan, oo natusinaa waxyaabo badan;

    Nabada ka jirta GM

    Wanaaga aay leedaha in Aqoonyajanada iyo madaxda aay dib ugulaabtaan Gobolada Dalka.

    Mahadsanid Ambassador Yusuf Garaad.

    ReplyDelete
  11. Mar Kasta waan Xii seynaa Qormadaada hadii Aa Nahay Dhalin Yarada Wasiir Garaad.
    Hadii Aad Xil Qabatid Mar Kale .
    Qormada Masii Wadi Doontaa? Wasiir Garaad.

    ReplyDelete
  12. Qoraal ayaan aqrinayay lakiin in aan muuqaal daawanayo ayaad mooddaa sida ad ereyada isu saartay.

    waad mahadsantahay.

    ReplyDelete
  13. Dalwaxa wadikara dhisina kara waa adi oo kale mudane yusuf waxaa tahay macalin nolasha iyo siyaasadaba waxka bari kara dadka waa inaa adiga kaaga dayanaa wanaaga qadiyada soomaalimoda alle haku xifdiyo sxb

    ReplyDelete
  14. Waa qormo cajiiba oo aadan ku caajiseynin aqrinteeda!

    ReplyDelete
  15. Mahadsanid Yuusuf, waan kaaga mahad celinayaa qormadaan xiisaha leh.
    Waxaan si gaar uga mahadcelinaya warbixinta wadada. Insha allah dadaal ma reeban doono si aan wax uga qabano.

    ReplyDelete
  16. Yusuf Garad runtii waxaa roqaalkaaga ka muuqda farshaxan iyo sida qofka aqrinayaa ula jaan qaadayo waxaaba is ini safarka miyaa ku wehlisay

    Mida kale waxaa kaa codsan lahaa inaa dhamaan soo wada martid dhulka Somaliyeed inta macquulka kuu ah sida aad xogta dhabtaa ee ka jirta noola wadaagto mahadsanid

    ReplyDelete
  17. mansha alah waa safar iyo sheeko wanagsan oo xiiso leh balse waxaa wacnayd inaad jiilka yar yar shiriso oo aad ku wacyi geliso sidii ay dib u dhiska dalka uga qayb geli lahaayeen. Safarkaas intaas uunbaa ka dhimanayd Yusufow

    ReplyDelete
  18. Magalada guricel wa meeshi aan ku dhashy 24 sano ka hor wana meesha aan wax ku bartay kuna barbaaray, inkasto aan sanda moogahay aadban ugu helay xasuusta aad dib igu culisay dhulki hooyo allah haku barakeyo

    ReplyDelete
  19. Mahadsanid Xaaji Yuusuf Garaad, waxaan rajeynayaa in qormoyinkaan Dhalinyaro Bdn oo aan kamid ahay eey Keeyd &Korror siino dhaxal gal ah unoqondoonto.

    " la ima tusin Anna maweydiisan "

    Anigoo si fahan ku jiro u aqrinaaya Qorraalka ayaan sogaarrey Qeeyb qorraalka aan kor kuxusey .
    Kalmaddahaasu waxeey xasuusteyda Dib uceliyeen mudo malaheeyga laga joogo 14 sano , waa markaad lakulantay Hugaamiye sarre oo katirsanaa Urrurka Somaliya ka Laguna mahgacaabijiray 'Aadan Xaashi '

    " la Iima ogallaanin in aan sawirro Anna kama codsan !"

    ReplyDelete
  20. Yuusuf Garaad, qoraalkan wax badan ayaan ka kororsaday, degmooyinkaas oo aan weli tegin wax uun ayaa aad iiga bidhaamisay. Mahadsanid.

    ReplyDelete
  21. Guriceel waa meeshii ugu horeysay ee alshabab laga saaro somalia
    Guriceel burburkii kadib waa meeshii ugu horeysay ee dugsi sare arday uga baxdo galgaduud
    Gobolka galgaduud jamacadii ugu horeysay waxa lagaa furay guriceel markii ugu horeysay ee arday jamacad galagaduud ku taala ka qalinjabshana waxey aheed 2015 guriceel.
    Idaacadii ugu horeysay ee gobolka radio galgaduud guriceel ayaa laga furay .
    Guriceel wa magalada kaliya ee gobollada dhexe ku taal oo leh local tv lagu magacaabo laas tv.
    Isbitalka ugu weyn gobolka oo ey dhistay hayada MSF waa istarliin hospital guriceel.
    Garoonkii diyarada guriceel waa kan ugu runway fiican galmudug xilii roobaadka xitaa beledweyne aya laga soo aadaa.
    Sanadkii dugaiyeedkii lasoo dhafay ardada dugsi sare ka baxday guud ahaan gobolka galgaduud marka la isku daro waxaa ka badnaa inta guriceel kasoo gashay
    Dhaman gaadiidka ganacsiga ee itoobiya ka keena barandhada waxa lagu rogaa guriceel waxaa loo iib geeya muqdisho illa baydhabo.
    Sida wasarada maliyada galmudug sheegtay guriceel waa magalada canshuurta ugu badan bixisa guud ahaan galmudug

    ReplyDelete
  22. Masha Allah abti safarkaan wax badan baa kaaaga soo kordhay.

    ReplyDelete
  23. Waxan codsan lahay inad codkada noo sarto warbixintan

    ReplyDelete
  24. Qormo aan ku raaxaysatay aqrinteeda anan ka daalin, wiliba aan si qurux badan ugu sugtay afurka, allaha gacanta kuu barakeeyo, waaan la socon doona qaybta kale yusuf garaad,

    ReplyDelete
  25. Mashallah mudane allaha nooga dhigo wadan mid nabad ah...

    ReplyDelete
  26. Qormadi aan shalay kuwaydiyay ayadoo xiso badan waan arkaaa

    Intii aan jeclaa inaad ku mujidana wad ku mujisay

    In halkii dowladii siyaad barre ku burburtay ay taagantahay siyaasada iyo shurucda ku saabsab degmoyinka iyo gobolada dalka

    ReplyDelete
  27. Yuusuf Garaad . Waad mahadsan tahay runtii dhanbaalkan waan akhriyay oo dhameeyay.
    Waxanaa iiga soobaxday labo arin.

    1. Inaad tahay shaqsi wanaagsan oo runtiina ay dhibayso dayaca iyo burburka dalkeena dawlad la aantu badday oo aad moodo dalka oo idil inuu ka siman yahay wada aad ka sheekaysay runtii waxay isla mid yihiin wadada isku xirta Garowe iyo Bartamaha somaliya Gaalkacyo.
    Oo runtii rafaad iyo ba iyo dayac ka jiro .

    2. Waxaa ka bartay in dalkeenu amni yahay oo kaliya ka dhiman talladii dalka lagu midayn lahaa sidaa sheegtay safarkaaga wax ciidan uhubaysan ah kuguma wa helin .
    Taasna waxay ani iga saartay fikrad aan ka haystay gobaladaas aad safarka ku martay oo runtii beenawday .
    Waxan ka aaminsanaa meel la isku dhaco oo aan nabadi ool runtiina dhanbalkan baa taas daaha kafayday.

    Waan ku salaamayaa yusuf garaad

    ReplyDelete
  28. Maashaa allaah waad ku mahadsantahay yusuf.

    ReplyDelete
  29. Yusuf mudane waxaa noo tahay role model, waxaa fiicnaan lahayd inaa courses bixisid ku saabsan tijaabadaada nolosha.

    ReplyDelete
  30. Ugu horeyn Mahadsanid Mudane Yuusuf Garaad
    Waa qoraal ka tarjumaya
    - Dansheegashada Wadada aad ku socdaasheen
    - Baahida nidaam Dowladeed ee dhulka ka jira
    - Isu hilowga & jaceylka dadka Soomaaliyeed isu qabaan
    - Nabadda & barwaaqada ka jirta deegaanadda Galmudug
    - ugu danbey kusoo jeedinta Indhaha dadka ku abtirsadda deegaanka Galmudig

    ReplyDelete
  31. MashaAllah xaqiiqdii wuxu ahaa safar xiiso leh oo dhiiri gilineysa dadweynaha ku dhaqan deegaanadaas oo arag madax ama siyaasiyiin soo booqata waliba darinta la fariisata guuleyso walal

    ReplyDelete
  32. Runti sheekada waa wax malin kasta si sahlan u dhaca safarka wadada iyo so dhaweeynta diran ee dadka degaankas balse aniga waxaan kugu amanay qoraalka farshanka leh ee ey ka muuqato so gudbin ku dhisan aqoon iyo cilmi
    Tanlabaadna waa geesinimada aad u martay wadad iyo la qeeybsiga aad la qebsatay shacabka deganadaas nolosha dhabta ah ee ka jirta.waxaana rajeeynaya in dad badan kugu daydaan. Mahadsanid


    ReplyDelete
  33. Yusug Garaad, aniga waxaan ka soo jeedaa Xaradheere iyo jowle degaankeenna maahan sida Guriceel iyo Dhuusamareeb waxaan rajaynayaa inaad dowlada Galmudug iyo tan federalka ka dhaadhicid si loo xoreeyo dhulka si aad u soo booqato waa dhulka ugu shidan Galmudug oo beero iyo barwaaqo taallo oo xeeb leh.

    ReplyDelete
  34. Walaal yussuf Garad waa sheeko aad uxiiso badan run ahaanti meeshaan waxaan ka fahmay inaad isku dhinac wado wacyi galinta bulshada sida isku tashi bulsho iyo kawaramida nabad gelyada ka jirta gobalada dhexe , run ahaanti waan kaaga mahad celinayaa taas.

    Qaabka usoo tebinta sheekada waa mid kale oo iyaduna xiiso gaar ah wadato oo waanbo la socda bartaadab waxaad so galiso had iyo jeer.

    Mhdsnd

    ReplyDelete
  35. Masha allah dhabtii waxaad nabartay mo,alim wax an ogeyn iyo wax naga dahsoonay ,waana warbixin dheelsi Tiran oo dhinac waliba Taabaneysa.
    Guricel waad Cadeysay in Ey tahay Xarunta Ganacsiga Gobaladda dhexe

    ReplyDelete
  36. Masha allah wa qormo aad u wanagsan mudane wadna ku mahadsantahay so bandhigidada wana rajeyna inad ku labandontid magaloyinkas ood waqti intas ka badan ku so qadan dontid weliba xiligan robka ah insha allah

    ReplyDelete
  37. Masha allah qormo aad u wangsn sxb

    ReplyDelete
  38. Waan gartay? su aal mawduucan ka baxsan maku waydiin karaa? Aamina Muse Wehilye dhibkii aad u gaystay adoo u adeegsanayaa awooda aad kaga saraysay maka raali galisay?

    ReplyDelete