Total Pageviews

Friday 24 April 2020

Galmudug 2020

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor iyo Madaxweyne Ku Xigeenka, Cali-Ciid, waxaan ugu hambalyeynayaa dhismaha Xukuumadda tayada leh ee Galmudug ee qabyada ah.

Aad ayaan ula dhacay miisaanka wadar ahaantooda ay leeyihiin Wasiirrada loo xulay Galmudug. Waan  ku kalsoon ahay in haddii ay u guntadaan ayaga oo kaashanaya Dadweynaha degaannada Galmudug oo dhan ay nabadgelyo, xasillooni iyo horumar u horseedi karaan Gobolka iyo dalkaba.

Waxaan si gaar ah u jecleystay tallaabada ugubka ah ee Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalku ay door bideen xubinnimo Golaha Wasiirrada ah, ugu yaraan inta markaan ah.

Waxaan hubaa in hadda ka dib dhaliishii ay Federaalka u jeediyaan aan looga tala geli doonin aragti Xildhibaan ee ay tahay mid ka culus oo ah go’aan Gole Wasiirro Galmudug.

Waxaan ka dhicin saraakiisha sare ee hey’adaha Federaalka iyo mas’uuliyiin gobolka shaqo wanaagsan ka soo qabtay oo isugu jira dad iskood isu xilqaamay iyo qaar ka tirsanaa Dowladihii hore ee Galmudug.

Xubnaha Guddigii Caleema Saarka ka aflaxay iyo dhammaan Golaha Wasiirrada waxaan leeyahay hambalyo. Ilaaheey ha idinla garab galo waajibka culus ee aad qaaddeen.

Waan jeclaa in saamiga gabdhuhu uu intaan ka badan yahay, waxaanse rajo ka qabaa in dhammaystirka lagu dheelli tiri doono, maaddaama ay Wasiir Ku Xigeenno badani ay dhimman yihiin.


Xilliga degdegga ah waxaa ugu muhiimsan ilaalinta amniga iyo ka hortagga Coronavirus. Wacyi gelin ayay tabartiinna ugu xoogga badani tahay. Haddii aad sida ugu habboon uga howlgashaanna wax badan ayay tari kartaa.

Istaraatiijiyad


Nabadgelyada Gobolka oo Ahlu Sunna ay gacan keliya ku soo gaarsiisay meel aad u sarreysa. Hadda waxaan hubaa in saraakiisha sare ee ciidanka ee ka soo jeeda Ahlu Sunna iyo siyaasiyiintii Ahlu Sunna ka tirsanaa ee hadda haya maamulka degmooyinka iyo Talisyada ciidanku marka ay iskaashadaan cutubyada Booliiska Federaalka iyo militeriga ay wax badan ku soo kordhin karaan nabadgelyada iyo xasilloonida Galmudug oo dhan.

Waxaa istaraatiijiyad lagu casriyeeyo loogana manaafacdsado u baahan kheyraadka Galmudug. Wuxuu isugu jiraa xoolo, kalluun, gaaska iyo batroolka la xaqiijiyay iyo macaadin faraha badan laakiin hadda ay faa’iidadeedu ku kooban tahay dhagaxa burjikada Ceel Buur.

Sidoo kale waxaa u baahan in la gooreeyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreeyaan dhismaha Dekedda Hobyo, dhammaystirka mashruuca waddooyinka Hobyo ilaa Gaalkacyo iyo Guriceel ilaa Gaalkacyo oo hadda dadweynuhu ay iskaa wax u qabso ku wadaan dhismahooda.

Waxaa qabaa in beelaha Gobolka ee dhammaantood qabka weyn sida keliya ee lagu hoggaamin karaa ay tahay in ay Dowladdu u hoggaansanaato sarreynta sharciga, madaxbannaanida garsoorka iyo sugidda Xuquuqda aadanaha. 

Dadweynaha gobolka is aamminaddooda, wadashaqeyntooda iyo la shaqeyntooda Dowladda waxaa fure u ah maamul qaddariya, oggolna iska warqab iyo wada tashi uu isla xisaabtan barbarsocdo.

Waxaan qabaa in labada Dowlad Goboleed ee jaarka la ah Galmudug lagula noolaado nabadgelyo dhammaytiran iyo iskaashi jootga ah. Sidoo kale Dowlad Goboleedyada kale ee dalka.

Federaalka


Dardaaranka iigu dambeeya wuxuu yahay Galmudug  in aanay ka fogaan Federaalka, aadna ugu dhowaan oo ku milmin.

In Dowladda Galmudug ay xiriir dhow oo wada shaqeyn ay la lahaato Federaalka.  Waxaan qiyaasayaa in uu haddaba jiro xiriirkaasi. Waliba uu doorashadaba ka fac weyn yahay.

Waayo Madaxweynuhu wuxuu ka tirsanaa Golaha Wasiirrada. 

Dhanka kale in aan Federaalka looga tanaasulin awoodaha Dastuuriga ah ee Dowlad Goboleedka.

Waajibaadka Dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug isma diiddana. Waliba waa isku mid.

Waxa is diiddani waa danaha shakhsiyaadka siyaasadda ka shaqeysta ee Gobolka ka soo wada jeeda oo qaar ay awood ku leeyihiin Dowladda Federaalka. Oo iyaga oo adeegsanaya awooddooda iyo tan shakhsiyaad ganacsato ah oo dano u gaar ahi ay ka dhexeeyaan doonaya in ay inta kale u quus gooyaan.

Iyo qaar iyaguna Gobolka ka soo jeeda oo mucaarad ah iyo xataa qaar ka tirsan Golayaasha Dowladda Gobolka ama kuwa Fereaalka oo u qaba in ay ugu badiso in ay is hor taagaan danaha uu Federaalku rabo in uu Gobolka ka fushado.

Wax qabadka Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa xukumi doona hadba inta uu gaarsiisan yahay sida ay Galmudug isugu waddo siyaasiyiinta Gobolka intooda ugu badan.


Si aanay Madaxda Galmudug u noqon hashii ninka gurrani hooyay, waxay uga dabaalan karaan xaaladda iyada oo ku shaqeeysa Dastuurka dalka iyo kan Galmudug, la timaaadda siyaasad furfuran oo horusocod ah, leh dariiq loo maro isla xisaabtan joogta ah, talowadaag iyo in ay ka warqabto wadatashina la sameyso Dadweynaha marka ay gudboon tahay.


Tijaabada ugu weyn afarta sano waxay idin soo mari doontaa kol dhow. 

Ku shubasho, u yeerin iyo caddaalad mid ay noqotaba waa sida aad Guddiga Doorashada ugala shaqeysaan doorashada Federaalka ee hadda u asteysan 2020/1.

Waan ku kalsoon ahay, Allah idankii, in intaas iyo in kale oo ka badan ay suurta gal u yihiin Madaxda wada cusub ee Galmudug oo ay u qabsoomaan afarta sano ee soo socota.

F. G.
Aniga qormadeydu waxay ku kooban tahay miisaanka Wasiirrada oo aan u fiirinayo hal Gole. Laakiin saamiga qabaa'ilka loogu qeybiyay xilalka kala mudan iyo sida loogu jimeeyay xilalka ay Madax degaanka ka soo jeedda ka hayaan Federaalka, anigu hoos uguma daaddegin, umana dhuun daloolo.

23 comments:

  1. Mudane Wasiir waxaad bixisay talo aad u qiima badan, kuwii qaato in ee noqdaan aya rajeynayaa Reer Galmudug

    ReplyDelete
  2. Talo dhameystiran thanks mudane

    ReplyDelete
  3. Well said Yusuf Garaad, run ahaantii waa tallooyin dhamaystiran qofkasta reer galmudug ahna farxad Galinaysa haddi dawlada cusub hirgaliso.

    ReplyDelete
  4. mashllh ustaad Yusuf waa talo iyo tusaaleyn aad u fiican waxana rajaynayaa in inta ay quseeysaba wax ka qaadan doonaan.

    mahadsanid ustaad.

    ReplyDelete
  5. Garraad runtii waan la dhacay tallooyinka aad bixisay mahadsanid mudane

    ReplyDelete
  6. Mar waa dhiirigalin ,marna waa talo marna waa digniin iyo feejognaan galin,waxaan rajaynayaa in uu caqligu shaqeeyo qoor-qoor oo uu miisaanka fiican ee hadda laga arkay uu sii lahaado,kooxaa loo shaqeeyaaye ay ugu yaraan hesho galmudug in majaraha xoog u qabsata oo aan dadwaynaha iyo siyaasiyiinta ka fogayn ,dadka kalena aysan u arag dhibaato dhankooda ah.

    Waxaan ku talin lahaa oo ku darilahaa in ay ka fogaadaan ,dhaliilaha meelaha kale iyo dooda dhiciska ah ee dadku ay iskaga caan bexeen laakiin ay shaqadooda qabsadaan.


    Waa bilaahi towfiiq

    ReplyDelete
  7. runti wa talo iyo tusale
    mzha allah usda yusuf garad

    ReplyDelete
  8. Mudane was mahdsan thy morka hoter
    Somalia hazel waxeedu was shady iron taco so jeedin

    ReplyDelete
  9. Waa qormo ad u xiiso badan,wasiirada galmuduna wax badan ka baran karaan.waa digniin marna waaa hambalyo. Waxaa aad ii soo jiitay"faderarka hana ka fogaan ka ku milmin"oo ad mooda in uu yuusuf garad ula jeedo shekada nabada iyo nolol ito khaliijka oo ah dhexdhexaad baan ka nahay waxwalba.
    Galmudug waxaan ana ku darsan lahaaa in aysan mamulgiboleedyada iyo federalla mid tageridiisa ku talax tagan

    ReplyDelete
  10. Waa talo wanaagsan, insha allah Galmudug waxaan u rajayn horumar iyo isbeddel dhab ah Oo ah midnimo iyo xukuumad wax qabad leh.

    ReplyDelete
  11. wa talo wanagsan reer galmudugna waxaa rajeynaa in ay ka faaidaan ambassadore midkale wasiradan adiga ka dhiman aya isleeyahay mdne ma jirtaa in laguu soo bandhigay adna aad diiday?

    ReplyDelete
  12. waa talo aad u wanaagsan oo waxtar badan keenaysa haddi sida ay tahay loo isticmaalo waana sida ay tahay, ilaali xuquuqda bulshada, cadaalada, dastuurka iyo sugida amniga waa waxa waxkasta lafdhabar u ah bulsho kasta oo horumartay.

    mahadsanid MUDANE: YUSUF GARAAD

    ReplyDelete
  13. Runtii waxan aaminsanahy in siyaasiyiinta reer galmudug ey garasho uyeeshan ka shaqeynta gobolkooda waxaa hormuid u ahaa adiga, waayoo waxaa tahy qofkii ugu horeeyay oo siyaasi ah kaasoo ogolaado in uu deegankiisa ushaqeyo kadib markii caleema saarka qoorqoor aad ogolaatay taas ayaa sabab unoqotay in dadbadan sidada oo kle ey ku hamiyan utanaasulka dadkooda iyo dalkooda, runtii waxaa tahy siyaasi kudayasho mudan, waxan kuleeyahy eebe cimri dheer haku siiyo wXaa tahy qof aragti dheer aaminsan Soomalinimada mhddbn👏

    ReplyDelete
  14. Dardaaranka iigu dambeeya wuxuu yahay Galmudug in aanay ka fogaan Federaalka, aadna ugu dhowaan oo ku milmin, halkaa ayaa firo gaara u baahan.

    ReplyDelete
  15. Maasha Allah Ambassador, waa qormo si fiican u taxliininaysa GM oo dhamaystiran.

    ReplyDelete
  16. Lkn waxaad Moda in dadka daga galmudug in aysan usineen saami qabsigaa golaha wasiirada waayo waxaad arkaysaa dad la iskugu daray wasaaradaha A B halka kuwa kalana lasiiyay c D taasna maahan wax cadaalada udhow bal waa cadaalad daro bilowgeed

    ReplyDelete