Total Pageviews

Tuesday 14 April 2020

Suleymaan iyo Walaalkiis iyo Qaybaha Saddexaad iyo Afraad ee Taxanaha 77

Sarkaalka Goobta ee ICRC

Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Labaad



Xamar aniga oo aan ka bixin ayaan day dayi jiray meel ay u badan yihiin oo aan ku wadahadalno Soomaalida ka soo jeedda Woqooyi, raadin jiray reer Bariga iyo dadka Gobollada Dhexe, Kuwa ka soo jeeda Bay, Bakool iyo Gedo, Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka intaba waan goobi jiray. Maxaan ka rabay?



***

Suleymaan iyo Walaalkiis

Taxanaha Maxaabiistii 77 - Qaybta Saddexaad



...In muddo ah markii aan wax qoranayay, ayaan mar dambe madaxa kor u qaaday.  Waxaan ku soo baraarugay Suleymaan oo ay wejigiisii ilmo qoysay. 

Sida dareenkiisu noqday darteed Suleymaan markaas ma qori karin waraaq jawaab ah.  Waxaan siiyay foomka uu ku soo qori lahaa jawaabta.

Waxaan goostay ninkaas dareen ahaan dhaawacan in aanan magaalada ku sii deyn. 


***

Caliyaale iyo Naar Weyne

Taxanaha Maxaabbiistii 77 - Qaybta Afraad



“Xataa haddow nool yahay, ooy run tahay, ma nin gacan Amxaaro ku jira aad warqad u diree?

Cabdulle intuu saas u fiiriyay, ayuu ugu jawaabay, “Inta labada oday ka wadahadlaayaan eey ka shiran tahay”.

Waa sheekadii baaddiyaha Caliyaale ku dhex martay Cabdulle iyo saaxiibkiis markii laga war keenay in uu nool yahay Maxamed Cabdille oo ay toban sano ka hor ay duugtiisa ugu duceeyeen.

4 comments:

  1. Waa Qormooyin aad u xiiso badan lagana dheheen karo masuliyad,karti,aqoon iyo hufnaan.mahadsanid.

    ReplyDelete
  2. Waa Qormooyin aad u xiiso badan lagana dheheen karo masuliyad,karti,aqoon iyo hufnaan.mahadsanid.

    ReplyDelete
  3. Waagas dad badan ayaa tacsiyo loo dhigay sanado ka dibna iyagoo nool soo laabtay

    ReplyDelete
  4. Waad kumahadsantahy Mudane/wasir/qoraa yusuf garaad taariqdaan aad noso gudbisay.
    suasheydu waxeytahy majiraan dad aad ehelkodi waysay o aad ka quusatay?
    Anigu aderkey ayaa kumaqan magaciisuna waa Galad maquul cilmi miyaad meelkushegi kartaa? mahadsanid

    ReplyDelete