Sunday, 29 January 2017

Run ma aha Laakiin Been lama dhihi karo - Dood USA

Saxaafadda Soomaalidu maxay ka baran kartaa xarig-jiidka u dhexeeya Dowladda Madaxweyne Trump iyo saxaafadda Mareykanka?

Maalmahaan waxaa dalka Mareykanka ka socota dood ka dhalatay muranka u dhexeeya Dowladda iyo saxaafadda.

Su’aal ay saxaafaddu aad u falanqeysay ayaa ah – wixii aan dhab ahayn ma la dhihi karaa waa been?

Taasi waxay kalliftay in qaamuusyada lala kaashado si loo fahmo been marka la qeexo waxa uu noqonayo macnaheedu.

Jawaabtu waxay noqotay been in ay tahay hadal qofka sheegayaa uu og yahay in aanuu run ahayn oo uu ugu talo galay marin habaabin.  

Micnihii kuma filna in aan warku sax ahayn ee waa in ay wehlisaa in qofka sheegayaa uu sidaa og yahay kana leeyahay ujeeddo ah marin habaabin.

Aad uma dhib badna in warka uu Afhayeen sii daayo lagu jimeeyo xaqiiqada oo la hubsado in warku uu dhab yahay iyo in kale.

Laakiin Weriye iyo Tifatire waa ay ku adag tahay in ay dhexgalaan maskaxda qofka hadlaya oo ay ogaadaan in uu isagu og yahay in warka uu sheegayaa aanuu sax ahayn isla markaana uu si ulakac ah uu uga dan leeyahay marinhabaabin.

Ma og yahay in warku aanuu sax ahayn?  Ma waxaa la siiyay xog khaldan?  Ma wuxuu doonayaa in uu dad ku marin habaabiyo?  Mise wuu ka dhacsan yahay?  Yaa og?

Maaddaama aan saxaafaddu jawaab u ahayn su'aalahaas waxay kalliftay in laga gaabsado adeegsiga ereyga been.  Waxaa la adeegsaday erayo kala oo ay ka mid yihiin; war aan sax ahayn, aan xaqiiqada ku saleyneyn, aan dhab ahayn iwm.

Haddii aad weriye tahay isweydii xafiiska Tifatirka Idaacadda, wargeyska ama barta internetka ee aad ka shaqeysaa ma yeeshaa dood noocaas ah inta aan warka la sii deyn? 

Friday, 27 January 2017

Muranka Soohdinta Badda Soomaaliya & Kenya - Alif ilaa Ya'

Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee Qarammada Midoobay ICJ ayaa Khamiista 2-da Februray 2017 saacaddu marka ay tahay 5-ta Galabnimo wakhtiga Soomaaliya waxaa ay soo saari doontaa go'aan ay ka gaartay dacwad u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya oo ku saabsan soohdinta badweynta India ee labada dal.

Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ, Garsoore Ronny Abraham, ayaa ku dhawaaqi doona go'aanka.

Soomaaliya ayaa dacwadda gudbisay.  Kenya waxaa ay ku doodday in Maxkamaddu aanay dacwaddan furin ee ay u deyso labada dowladood in ay ka wadahadlaan oo ay xalliyaan khilaafkooda sida ay horeba isugu af garteen.

September 2016 ayay Maxkamaddu dhegeysatay Kenya waxa ay ku saleyneyso diidmadeeda ku wajahan in dacwadda ay gasho oo ay qaaddo Maxkamadda ICJ.

Sidoo kale ICJ waxaa ay qareennada Soomaaliya matalaya ay ka dhegeysatay dacwadda Soomaaliya waxa ay ku saleysan tahay iyo fal-celinta Soomaaliya ee ku wajahan diidamada Kenya.

Kahmiista 2-da February 2017 ayay ICJ ku dhawaaqi doontaa go'aankeeda ku wajahan in ay dacwaddan qaadi doonto iyo in kale.

Faahfaahin ku saabsan mowqifyada labada dal oo ku saleysan doodihii ay Qareennadoodu ka jeediyeen Maxkamadda ICJ ee magaalada Hague ee dalka Netherlands bishii September ee 2016 oo aan goobjoog ka ahaa ayay ku saleysan yihiin lix qormo oo aan isla boggan ku soo lifaaqay.

Qormooyinkani waxay agab u noqon karaan Weriyayaasha doonaya in ay ka warramaaan go'aanka ICJ marka uu soo baxo iyo guud ahaanba muranka la geliyay soohdinta badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Waxaa kale oo ay qormooyinkani waxtari karaan muwaaddin kasta oo daneynaya faham qoto dheer iyo keyd uu berri dib u milicsado. 

19 September 2016
20 September 2016
21 September 2016
22 September 2016
23 September 2016

Monday, 23 January 2017

Tabta tebinta Kufsi

Kufsi waxaa uu ka mid yahay dembiyada culculus ee Saxaafaddu ay tahay in ay aad uga fiirsato qaabka ay u tebineyso.  
Khibrad, aqoon guud iyo mid qaanuun in lala kaashado ka sokow, Saxaafadda tebineysa kufsi waxaa habboon in Tifatiraha ugu sarreeyaa uu ka warhayo habka loo dhigayo warka, mas'uuliyadda kama dambeysta ah ee go'aanka tebintana uu isagu qaataa.
Xeerarka saxaafadda ee aan muddo dheer ku soo shaqeeyay, in bandanna aan tababbar uga bixiyay London iyo caasimado badan oo Afrika ahi waxay qabaan in haddii uu dhaco kufsi oo ah faldembiyeed aad u culus aan la sheegin magaca dhibbanaha.
Dalalka qaarkood sida UK wuxuu sharcigu qabaa in aan abid la soo hadal qaadin magaca dhibbanaha kufsi iyo xataa in aan la sheegin tilmaan lagu garan karo qofka la kufsaday.

Monday, 9 January 2017

NISA

Diblomaasiyiin u badan kuwa shisheeye ee Muqdisho fadhiya iyo madax kale oo badan ayaan shalay ka mid ahaa oo lagu casuumay munaasad ay qabatay hey’adda Qaranka ee Amniga iyo Sirdoonka oo 47 sano jirsatay.

Munaasabadda waxaa maalin cad lagu qabtay teendhooyin isu wada muuqda oo dhinacyada ka furan oo neecowda badweyntu ay toos ugu soo dhacayso.  Qaar waxaa la dhigay kuraas.  Kuwo waxaa la dhigay kuraas iyo miisas si loogu qadeeyo.  Mid waxaa isdaba joog uga socda heeso tiro badan iyo khudbado toban ku dhowaad ah oo sameecado aad u cod dheer ka baxaya.  Roog cagaaran ayaa lagu goglay teendhooyinka iyo marinka isku xira.

Waa xarun ay hey'addu ku leedahay gudaha xeyndaabka gegida dayaaradaha.

Waxyaabaha la xusay waxaa ka mid ah xaaladda adag ee uu ku shaqeeyo guud ahaan ciidanka Soomaaliyeed iyo kan Nabadsugiddu.  Waxaa kale oo la xusay ciidanka naftooda ku waayay iyaga oo howl Qaran fulinaya.  Sidoo kale kuwa ku naafoobay iyo kuwa hadda dhaawaca ah.  Iyo muhiimadda ay Dowladnimada u leedahay in laga kaaftoomo ku tiirsanaanta ciidan shisheeye. Waxaa iyadana talo lagu soo jeediyay in la kala saaro sirdoonka iyo ciidanka lebbisan.

Mas’uul sheegay in uu ka mid yahay dadkii hindisay wuxuu fasiray astaanta hey’adda, marka laga reebo sababta ay ugu qoran tahay keliya laba af oo midna aanuu Soomaali ahayn.

Horumar iyo waxqabad wanaagsan oo ay hey’addu ku tallaabsatay ayaa la soo bandhigay.
           
Waxaa aad loogu mahadceliyay Dowladaha gacanta ka geysta waxqabadka hey’adda.

Markii la asaasay waxaa hey'adda loo yaqaannay NSS waxayna howsheedu xoogga saari jirtay sirdoon qarsoodi ah.  Burburka ka dib marka dib loo soo nooleeyay hey'adda waxaa loo bixiyay NISA waxaana sirdoonka loogu daray in ay lahaato ciidan lebbisan iyo gawaari magaceedu ku asteysan yahay oo u shaqeeya sida booliiska marmarna ka qeyb gala dagaalka fool-ka-foolka ah.

Goobta iyo agaasinka munaasabaddu waxaa ay ahaayeen kuwo ka ilbaxsan xafladaha laamaha dowladda ee aan arkay oo iyagu inta badan isu wada eg, hal-abuurkuna uu ku yar yahay.

Hal-abuurka munaasabaddu wuxuu ka gaabiyay Heesaha iyo khudbadaha goobta laga jeediyay isu-geyn wakhtiga ay qaateen.  Tiradooda iyo qaarkood nuxur iyo ujeeddadoodu waxaa ay i xusuusiyeen kuwii berigii Kacaanka.