Bisha
September 2019 waxaa loo ballansan yahay dhegeysiga dacwadda soohdinta badda ee
Soomaaliya iyo Kenya. Ballantu waa Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ICJ,
oo ku taalla magaalada Hague. Soomaaliya ayaa dacwadda u gudbisay Maxkamadda. Kenya
waxay berigaas ku doodday in aan Maxkamaddu soo faragashan labada dal oo ay
iyagu wadahadal ku dhammeystaan arrintooda.
Bishii September ee
2016 ayay Maxkamaddu afar maalmood dhegeysaneysay Kenya oo fasireysa sababta ay
tahay in Maxkamaddu aanay qaadin dacwadda iyo Soomaaliya oo sababeyneysa waxa
aan labada dal uga fursaneyn Garsoorka Maxkamadda.
Aniga oo ku magacaaban
Danjiraha Soomaaliya ee Qarammada Midoobay ayaan ka mid ahaa Ergada Soomaaliya
ee goobjoogga ahaa. Halkaan waxaan kuugu soo koobay afar qormo oo ay Soomaaliya
iyo Kenya ay isugu jawaabayaan oo aan berigaas diyaariyay. Waxay kuu sahli
karaan fahamka billowga dacwadda.
Afarta Qormaba isla boggan ayaad ka heleysaa. Cinwaanka kasta oo aad dul istaagto dhag ayaad siin kartaa si aad u akhrisato qormada oo faahfaahsan.
Afarta Qormaba isla boggan ayaad ka heleysaa. Cinwaanka kasta oo aad dul istaagto dhag ayaad siin kartaa si aad u akhrisato qormada oo faahfaahsan.
Qormada Koowaad
Maxkamadda Caddaaladda oo dhegeysatay Kenya
Kenya waxay ku eedeysay
Soomaaliya in ay qaadatay Istaraateejiyad ay isku-diidsiineyso Is-afgaradkii la
saxiixatay Kenya. Mar waxay Soomaaliya ku doodday ayay tiri in aan Wasiirkaa
saxiixay aanuu haysan Is-afgaradku aanuu u haysan oggolaasho. Taas waxaa
beenisay ayay tiri in la helay warqad lagu siiyay oggolaasho. Mar kale
Soomaaliya waxay ku doodday ayay tiri in Baarlamaanku uu waxba kama jiraan ka
soo qaaday Is-Afrgaradka. Taas waxaan haynaa ayay tiri Kenya dooddii
baarlamaanka ka dhacday oo dhan oo la qoray kelmad kasta oo maalintaas laga
yiri Baarlamaanka. Kuma jirto doodda wax muujinaya in waxa ku qoran
Is-Afgaradku ay yihiin khalad.
Qormada Labaad
Jawaabta Koowaad ee Soomaaliya
Tuesday, 20 September 2016
Paul Reichler wuxuu sheegay in heshiiskan oo ay diyaarisay Norway ay marka hore kala hadashay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, ka dibna ay Soomaaliya codsatay in cinwaanka wax laga beddelo. Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenku wuxuu email uu u diray Danjiraha Norway uga mahadceliyay in ay qabatay howl uu yiri waxay ahayd in aan annagu qabsanno. Waxaa la soo bandhigay email uu diray Ra'iisal Wasaare-ku-xigeenku.
Qormada Saddexaad
Weedha ugu dambeysa diidmada Kenya ee Hague
Si macnaha MoU-da loo fahmo, khasab ma ahan ayuu yiri in lagu takhususo Qaanuunka Heshiisyada. Wuxuu si gooniya u daba galay Prof. Pellet oo Talaadadii u dooday Soomaaliya. Wuxuu ku tilmaamay in uu doonayo in macnaha MoU-du ay leedahay uu keliya ku soo koobo cinwaankeeda.
Garyaqaanka Kenya, Githu Muigai wuxuu Guddoomiyaha Maxkamadda iyo xubnaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda uu u soo jeediyay codsi ay Kenya qabto:
Jamhruiyadda Kenya waxay si sharaf leh ay Maxkamaddu uga codsaneysaa in ay ku dhawaaqdo in kiiska Soomaaliya ay soo gudbisay ee Kenya ka dhanka ah uu yahay mid aan Maxkamaddaan khuseyn, aanay aqbaleyn oo uu yahay waxba-kama-jiraan.
Qormada Afraad
Wakiilka Soomaaliya: ICJ ha Diiddo diidmada Kenya
Waxaa hadalka furay Prof. Pellet asaga oo ka jawaabaya Qareennada Kenya sida ay u fasireen MoU caanka noqotay ee 2009 ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Kenya.
Prof. Pellet wuxuu ku tilmaamay in qareennada Kenya ay MoU 2009 ka yeersiinayaan wax aan ku qorneyn. Waana xadgudub ay Maxkamadda ku sameyneyaan, ayuu yiri, in ay isku dayaan in qoraal hor yaalla uga sheegaan wax aan ku qornayn.
Paul Reichler ayaa sheegay hadalladii uu isagu Maxkamadda ka jeediyay wareeggii koowaad in ay Qareennada Kenya hadda aqbaleen ama ugu yaraan aanay dood ka hor imaaneysa aanay bixin sidaa darteedna looga talo geli karo in sidooda ay u aqbaleen.
Wuxuu taxay toban qodob oo qaanuuniyan muhiim ah oo uu sheegay in uu ku jeediyay jawaabtiisii wareegga koowaad. Taas oo Kenya ay fursad u heysatay in ay riddiso markii ay sameyneysay soo jeedinteedii wareegga labaad. Mid ka mid ah tobankaa qodob oo ay diideen ma jiro.
Mona Sharman oo iyaduna dood dheer jeedisay ayaa ugu dambeyn soo jeedisay codsiga Soomaaliya ee ugu dambeeya.
Waxay Maxkamadda ICJ ka codsatay in ay diiddo diidmada hordhaca ah ee Kenya oo ay furto dacwadda Soomaaliya ay soo gudbisay ee ka dhanka ah Kenya.
Aad ayaad ogu mahadsantahay sida quruxda badan ee aad somalida ola wadagtay afartaan arimood.
ReplyDeleteGood
ReplyDeleteWaxaan jeclaan lahayn inaad marwalba update nagasiiso daxwaddan.
ReplyDeletewaad mahadsantaht sacaadatul wasiir sida aad mar walba shacabkaaga aad ula wadaagayso xog ku saabsan hantidooda iyo masiirkooda .... waxaan rajeynayaa in heeg ay soomaliya u xukumi doonto kiiska badda insha alaah
ReplyDeleteMahadsanid mudane yusuf Garaad Cumar.
ReplyDeletemahadsanid mudanE
ReplyDeleteAad ayaan u Mahadsantahay Mud. YUUSUF GARAAD
ReplyDeleteAqoon-yahan Yuusuf Garaad haddii go'aanka maxkamadda lagu dhawaaqo oo ay u dhacdo sida Soomaaliya doonayso, ma u malaynaysaa in Kenya u hogaansamayso go'aankaas.
ReplyDeleteMr Yusuf waad ku mahadssntahay shraxa waafiga ah eed u soo gudbisey umadda somakiyeed, lakiin maxaad ugu soo gabagabey weydey goaankii maxkamada, mahadss
ReplyDeletenid
Mr yuusuf garaad waakumahadsantahay sidaad noogusharaxday xaalku meeshuusoomaray iyo halkuu usocdo
ReplyDeleteThis comment has been removed by the author.
ReplyDeleteMahadsanid aqoonyahn waxbadan fahansan ayadthy
ReplyDeleteMahadsanid in badan Ex Mudsne Waziir yuusuf garaad
ReplyDeleteabsolutely si wacan ayaad noogu sharaxday
ReplyDeleteMahad sanid garaad
ReplyDeleteWaad mahad santahay mudane, Somalia waxan U Rajenayaa Guul insha allah
ReplyDeleteAad ayaad umahadsan tahay Yuusuf Garaad.
ReplyDelete