1995 Waxaan isu maray Muqdisho iyo Kigali. Muqdisho waxay ku sugnayd xaalad aad u
qallafsan. Waxay ahayd Dowlad
la’aan. Waxay u kala qoqobnayd
hoggaamiyayaal dhowr ah oo mid kastaa uu isku darsaday hub, indha’adeyg, qabiil
“weyn” iyo siyaasad.
Wax kasta oo sharci darro ah waad filan kartay in lagaaga sheekeeyo, hortaada ay ka dhacaan amaba ay
adiga kugu dhacaan. Filan waa’ ma jirin
marka laga reebo sharciyad.
Nin ama ka badan qori sita oo waddada la maraya ama meel la yuurura
in aad aragto la yaab ma lahayn. Xataa
baabuur xawaareynaya oo uu ku dul rakiban yahay qori lidka dayaaradaha ah asii
hadda loo sito in xataa hal qof lagu dilo waxay ahayd muuqaalka joogtada ah ee
magaalada.
Waddo dayactiran ma jirin. Waddo
dhinaca saxda ah keliya loo maraa ma jirin.
Waddooyinka qaarna lamaba mari karin amni darro darteed.
Dhismayaasha magaaladu waa ay burbursanaayeen siiba guryaha iyo
xafiisyada dowladda iyo kuwa xaafadaha ay reer Xamarkii hore ay u yaqaanneen
magaalada hoose.
Kigali 1995
Gegida dayaaradaha Kigali waxay ahayd dhismo aad u yar oo guri qof
deggan yahay aad mooddo. Nin miis yar oo gaaban gadaashiisa kursi ku fadhiyay
markii aan baasabboorkeyga Soomaaliga ah u dhiibay dhowr bog ayuu midba mar
rogay ka dibna wuu ii soo taagay. Wuxuu
ii raaciyay – ma taqaan Raaqiya Oomaar?
Raaqiya waxay berigaas ku caan ahayd daafaca xuquuqda aadanaha siiba
Soomaaliya iyo Rwanda. Waxay mar Madax ka ahayd hey’ad caalami ah oo xuquuqda
aadanaha daafacda. Ka dibna mid kale
ayay iyadu wax ka sameysay Madaxna ka noqotay.
Ma hubo in Omaar iyo Omar ay isula yara ekaadeen iyo in uu
Soomaalinnimada ii weydiiyay, waxaanse ugu jawaabay haa oo Raaqiya waan
aqaan. Ka dibna wuxuu ii fasaxay in aan
gudaha u galo dalkiisa.
Garoonku wuxuu ahaa mid aan dayaarado badani joogin imaanna. Dayaarad Qarammada Midoobay ay leedahay ayaan
raacay.
Hoteelka aan ku degey wuxuu ahaa labadii markaas magaalada ugu “wanaagsanaa”
midkood. Xaalkiisu ma ahayn mid lagu
tilmaami karo hotel caasimadeed.
Waxay magaaladu la murugeysnayd gumaadkii qorsheysnaa ee ugu yaraan
800,000 (Siddeed boqol oo kun) oo ruux lagu dilay 100 maalmood gudahood.
Meel kasta waxaa lagu iibinayay kabo aan cusbeyn oo aad u tiro
badan. Waxaa la ii sheegay in ay yihiin
kabaha dadkii la dilay.
Dad ayaa muslimayay bil kasta.
Sababta waxaa la iigu sheegay in ay soo jiidatay sida ay dadkii
Muslimiinta ahaa ee reer Rwanda ay u daafaceen muslimiintii ka dhashay qowmiyadda
ay tooda colka ahaayeen.
Masjidkii ugu weynaa ee lagu daafacay dadka oo dakharradii weerarku
ay ka muuqdaan ayaan booqday.
Dhismayaasha qaarkood weliba xafiisyo ah marka aad gasho waxaad indhahaaga
iyo sankaaga si weyn ugu dareemi kartay in nafleey lagu dhex dilay.
In aad aragto askar qoryo sidata oo baareysa baabuurta waddada mareysa
ma ahayn wax lala yaabo. Maalinjoog aan
u tagnay magaalada quruxda badan ee Gisenyi oo ku baal taalla harada Kivu ee kala
qeybisa Rwanda iyo Congo ayaa habeenkii markii aan ku soo laabannay Kigali
waxaan nimid magaalada oo ciidan badani uu tuban yahay waddooyinka. Aad ayaana naloo baaray.
Waxaan ka warhelnay hoteelkii Gisenyi ee aan maalinjoogga u tagnay
in la soo weeraray oo la dilay qaar ka mid ah shaqaalihii noo adeegayay. Nasiib
wanaag in aan diiday talada ay soo jeediyeen qaar ka mid ah saaxiibbada Soomaaliyeed
ee igu martiqaaday goobta taas oo ahayd in aan seexanno Gisenyi weliba isla
hoteelka ku ag yaallay harada. Talo ay
hore khubaro ii siisay inta aanan London ka amba bixin ayaa ahayd meel aan
Kigali ahayn in aanan ku hoyan.
2017
Toddobaadkan ayaan mar kale isu maray Muqdisho iyo Kigali. Muqdisho waxay yeelatay Dowlad. Waxay yeelatay kala dambeyn ilaa xad ah. Waddooyin dhowr ah ayaa la dayactiray. Waddooyinka waaweyn badankood nal ayay
leeyihiin. Dhowr dhisme oo waaweyn asaan dowladdu lahayn ayaa soo baxay.
Duq magaalo iyo ku Xigeenno ayay yeelatay, kuwaas oo magaalada oo
dhan canshuur ka qaata.
Xamar aragtayaaba qori aragtay. Garoonka dayaaradaha, fatashka
waddooyinka, xafiisyada, hoteellada, baabuurta la carareysa madaxda iyo xataa
baabuur askareed oo iskood u socda intuba waxay ka mideysan yihiin AK 47 iyo
ama dabajeex waxayna ka mid yihiin nolol maalmeedka Muqdisho.
AMISOM iyadu waxay sidataa qoryo kuwaas ka culus.
Dayaarado aan yareyn ayaa taga laakiin midkoodna ma sidato magaca
Qaranka.
Hoteelka aan degey (bidix) & Hoyga Shirarka Kigali (midig) |
Amniga, waddooyinka, nalalka, dhismaha, nadaafadda, dhirta iyo
cagaarka iyo nidaamka gaadiidka loo kala hagayo, Kigali waxay ku tallaabsatay
horumar weyn.
Ujeedid la’aanta qoryaha ayaa iyaduna ah wax aan aad uga helay
Kigali gudaheeda.
Hotel ay deggan yihiin Wasiirro badan oo Afrikaan ah ayaan iridda
hore ee laga soo gelo oo qiyaastii dhowr boqol oo tallaabo u jirta dhismaha
hoteelka aan ku arkay askari qori sita. Sidoo kale irirdka hore ee gegida dayaaradaha.
Laakiin xataa markii qol aad u weyn oo aan shir ku lahayn uu soo
galay Madaxweyne Kagame oo maalinta inteeda badan uu nala joogay ma arag askari
lebbisan iyo mid qori muuqda sita.
Hotelka aan ku degay xag dhisme iyo nadaafad wuu ka sarreeyay qaar
badan oo Yurub ku yaal.
Waxaan Kigali ku imid Rwandair oo ah sharikadda dayaaradaha ee
Rwanda.
Hadda Madaxda Rwanda waxaa ay ka hadlayaan waa sidii qaaraddan
Afrika loo horumarin lahaa. Shirka ay
marti-geliyeen wuxuu ku saabsanaa dib u habeynta Midowga Afrika taas oo uu
horseed ka yahay Madaxweyne Kagame.
Waxaa la isaga yimid Afrika oo dhan – Bari, Galbeed, Woqooyi, Koofur iyo
Bartamaha.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame wuxuu yiri, Rwanda-da aad maanta aragtaa ma aha mucjiso, waa natiijada howl badan oo adag oo la qabtay.
Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame wuxuu yiri, Rwanda-da aad maanta aragtaa ma aha mucjiso, waa natiijada howl badan oo adag oo la qabtay.
Waxaan ku kalsoon ahay in maamulka cusub ee Gobolka Banaadir iyo caasimaddeenna Muqdisho ay wax badan oo wanaagsan soo kordhin kari doonaan mustaqbalka.
Yuusuf ninkasta waxa uu qabsado ayuu leeyahay
ReplyDelete