Maanta waxaan booqday Safaaradda Soomaaliya ee Riyaad, dalka
Sucuudiga. Booqashada waxaa igu wehliyay
Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow, waxaana na soo dhoweeyay Danjiraha
Daahir Maxamuud Geelle.
Fadhi aan la qaadannay Diblomaasiyiint, howlwadeennada iyo
shaqaalaha Safaaradda waxaan uga warrannay isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka
dhacay ee uu horseedka ka yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo barnaamijka
Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre.
Waxaa kale oo aan ka wadahadalnay wadashaqeynta ay Safaaraddu la
leedahay caasimadda iyo adeegyada ay Safaaraddu u fuliso Soomaalida Sucuudiga iyo sidii labadaba sare loogu qaadi lahaa.
Intaa ka dib waxaan mid mid u qaabbilay oo is xogwareysannay qaar badan oo ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.
Waxaa kale oo aan la kulmay Soomaali ay safaaraddu u fulineysay adeegyo kala duwan. Gabar ka mid ah Soomaalida ay safaaraddu u adeegeysay oo ka soo jeedda Somaliland way ila dardaarantay wayna i ehbisay. Waxay i xusuusisay in Ilaaheey hortiisa la isku xisaabin doono ayna waajib nagu tahay in aan umadda u adeegno, wax u qabanno, colaaddana ka saarno. Waxaan u ballanqaaday in aan taas ku shaqeyn doono.
Safaaradda waxaaan kala soo noqday guud ahaan cabbir wanaagsan iyo
Soomaali waddaniyiin ah oo shaqo wanaagsan dalkooda u haya.
Hore waxaan u booqday Safaaradaha Soomaaliya ee Abu Dhabi iyo
Nairobi.
No comments:
Post a Comment