Midowga Yurub
Maanta waxaan qaddar saacad ah Nairobi kulan kula qaatay
Danjirayaasha dalalka ka tirsan Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo
Danjiraha Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Yurub u qaabbilsan Afrikada Bari.
Waxaan kala hadlay isbeddelka siyaasadeed ee dalka ka dhacay,
nidaamka cusub ee shaqo iyo waxqabad ee ay Dowladdu soo rogtay.
Inkasta oo ay waxoogaa sare u qaadeen qaabka ay ula macaamili jireen
Dowladda Soomaaliya waxaan haddana xusay in ay Dowladdu dalbeyso isbeddel intaa ka badani in uu
ka muuqdo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladaha ku bahoobay Midowga
Yurub iyo weliba Midowga Yurub uuna soo saaro horumar la taaban karo oo tayo
leh.
Aakhirka waxaan xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay xoojineyso Adeegga Habmaamuuska Qaran, ayna ku soo dhoweyneyso Danjiyarayaashu in ay ka faa'iideystaan iyaga oo dhowraya Axdiga Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadda ee 1961 oo qoraya in Safaarad kastaa ay la shaqeyso ama ay u sii marto shaqadeeda Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka ay martida u tahay.
Waxaan ku faraxsan ahay in Danjirayaasha U. K. iyo Danjiraha Talyaanigu
inkasta oo ay shirka ka qeyb galeen haddana aanay qolka nala fadhin. Iyaga oo jooga Muqdisho ayay shirka uga qeyb
qaateen hab maqal iyo muuqaal ah oo video lagu soo xiriiriyay.
India
Intaa ka dib waxaan la gooni ula kulmay Danjiraha India ee qaabbilsan
Soomaaliya, Suchitra Durai oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi.
Waxaan ka wadahadalnay xiriirka labada dal ee soo jireenka ah,
iskaashiga labada Dowladood oo heer billow ah taagan, korna u sii socda.
Waxaan uga mahadceliyay ciidanka India ee ka qeyb qaatay nabad ilaalinta
Soomaaliya sagaashamaadkii iyaga oo ka tirsan Qarammada Midoobay.
Waxay iiga warbixisay xaaladda Maxaabbiista Soomaaliyeed iyo sidii
gacanta Dowladda looga soo wareejin lahaa. Arrintaas oo intii hore ka soo dhowaatay maaddaama ay Golaha Wasiirrada ee India ay aqbaleen heshiis ay kala saxiixan doonaan labada Dowladood oo Maxaabbiista la isugu celinayo.
Waxaan u sheegay sida arrinkaas muhiim iyo weliba deg deg noogu yahay. Waxaan ka codsaday in saxiixa heshiiska iyo ebyidda howshan ay dhankooda de-dejiyaan.
Waxaan aakhirkii kala qaadannay howsha labada Dowladood ay mid waliba gaarkeeda u soo sameyn doonto.
Waxaan u sheegay sida arrinkaas muhiim iyo weliba deg deg noogu yahay. Waxaan ka codsaday in saxiixa heshiiska iyo ebyidda howshan ay dhankooda de-dejiyaan.
Waxaan aakhirkii kala qaadannay howsha labada Dowladood ay mid waliba gaarkeeda u soo sameyn doonto.
Norway
Waxaan fadhi wadaqaadannay Danjiraha Norway
u qaabbilsan Soomaaliya, Victor Ronnenberg, oo fadhigiisu yahay Nairobi iyo Ku
Xigeenkiisa, Vebjørn Heines, waxaanan iska wareysannay
arrimo dhowr ah oo ay ka mid tahay dib u heshiintu. Waxaa kale oo aan ka wadahadalnay Oslo Forum
oo aan toddobaadka soo socda aan ka qeyb geli doono.
ICRC
Mas’uul ka tirsan Guddiga Caalamiga ah ICRC ayaan ka dib kulannay oo
aan ka wadahadalnay xaaladda dadkii Soomaaliyeed ee lagu dilay Yemen oo dhowaan
la aasay oo uu warbixin iga siiyay. Sidoo kale waxaan ka wadahadalnay liiska
dadka meydkooda la aasay iyo qabriga mid kasta in lagu sunto magaciisa.
ICRC waxaa kale oo aan markii labaad isla soo qaadnay Maxaabbiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalal kala duwan iyo in ay ICRC na soo wargeliso mar kasta oo ay ka warhesho maxbuus Soomaaliyeed ee dal shisheeye ku xiran.
US iyo UN
Si aan ballan ahayn waxaan iyagana wadajir isu aragnay Danjiraha
Mareykanka ee Muqdisho, Stephen Schwartz iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee
Qarammada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, Michael Keating oo aan erayo kooban
is weydaarsannay.
Kulammada waxaa badankood goobjoog ka ahaa Sii hayaha Safaaradda
Soomaaliya ee Nairobi, Cali Maxamed Shiikh kulanka Norway waxaa isaga goob joog ka ahaa Mustaqiim Wayd oo ka tirsan Xafiiska Ra'iisal Wasaaraha.
No comments:
Post a Comment