Inta aan joogay Ankara waxaan midba kulan
gooni ah la qaatay Wasiir Ku Xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga Ahmet Yıldız.
Saacad ka dibna waxaan la kulmay Ra’iisal
Wasaare Ku Xigeenka Turkiga Veysi Kaynak.

Waxaa kale oo aan isla soo qaadnay sidii aan wadajir daraasad ugu
sameyn lahayn iskaashi dhinacyo hor leh sida ganacsiga iyo isugudbinta
teknooliyada warshadaha yaryar.
Mas’uuliyiinta Turkiga waxaan la soo qaaday xaaladda ardeyda Soomaaliyeed
ee ay keentay kooxdii dalkan laga mamnuucay afgembigii dhicisoobay awgiis.
Kulammada aan la qaatay mas’uuliyiinta Turkiga waxaa dhammaantood
goobjoog ka ahaa sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara, Suleymaan Kaarshe.

Waxaan ku bogaadiyay diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha safaaraddu
howsha wanaagsan ee ay dalka u hayaan iyo in ay dhowraan sumcadda iyo karaamada
Shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkigu wuxuu hadda booqasho ugu maqan
yahay dalka Japan.
Inta aan joogay Ankara waxay mas’uuliyiinta Turkigu qowl ahaan iyo ficil ahaanba ii muujiyeen
qaddarinta ay u hayaan Qaranka Soomaaliya taas oo aan si weyn uga mahadceliyay.
Markii aan caawa ka amba baxayay Ankara, waxaa garoonka igu sagootiyay
Duqa Magaalada Ankara oo uu ku xigeenkiisu shalay i soo dhoweeyay sida ka
muuqata sawirka calammada sita.
No comments:
Post a Comment