Sawirka waxaa qaaday Adow Mohamed |
Galabta waxaan magaalada Juba, caasimadda Sudan-ta Koofureed uga
qeyb galay shir ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ay kula kulmeen wakiillo
ka socda bulshada rayidka ah ee dalkan, goobjoogna ay ka yihiin wakiillo ka
socda beesha caalamka.
Danjirayaasha Mareykanka, Norway, UK, China, Germany, Japan,
Switzerland, Qarammada Midoobay, Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ayaa
fadhiyay.
Kulanka waxaa igu wehliyay Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda
Arrimaha Dibadda, Cabdilatif Maxamuud (gar madow) iyo Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Juba, Xuseen Xaaji (gar cad) iyo diblomaasiyiinta Safaaraddeenna Juba.
Haddana waxaan ka soo laabtay casho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sudan-ta Koofureed uu u sameeyay Wasiirrada dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo wufuuddooda.
Haddana waxaan ka soo laabtay casho uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Sudan-ta Koofureed uu u sameeyay Wasiirrada dalalka xubnaha ka ah IGAD iyo wufuuddooda.
In saaka aan ka soo tooso Muqdisho, howl aan qabsado, galabtana aan
ka qeyb galo shir ka dhacaya Sudanta Koofureed iima suurta gasheen haddii aan la
joojin sii maritaankii Wajeer, sababta oo ah kamaan soo gaareen dayaarada kowda ka kacaysa Nairobi. Wajeer waxay khasab ka dhigi lahayd in aan maalin ka
hor ka dhoofo Muqdisho oo aan u hoydo Nairobi inta aanan u gudbin Juba.
No comments:
Post a Comment