Shirka Golaha Wasiirrada IGAD oo aan uga qeyb galay magaalada Addis
Ababa ayaa waxaa uu ahaa shir-doceed dhinac socday laba maalmood oo shirka
Golaha Wasiirrada dalalka ku bahoobay Midowga Afrika ay ku lahaayeen Xarunta
Midowga.
Wuxuu shirka Afrika u gogol xaaray shir-Madaxeed laba maalmood u
socday Midowga Afrika oo uu Soomaaliya matalayay wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal
Wasaare Xasan Cali Kheyre ayna ka mid ahaayeen Xildhibaanno labada Aqal ee
Baarlamaanka.
Shirar-doceedyo sida maaratoonka aan kala go’ lahayn ayaan la qaadannay qaar
badan oo ka mid ah Madaxda shirka ka qeyb gashay.
In kooban haddii aan xuso, Madaxweynaha Djibouti, Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia, Madaxweyne ku Xigeenka Seychelles, Wasiirrada Arrimaha Dibadda
ee Kenya, Djibouti, Ethiopia, Masar, Mauritius iyo Libya ayaa ka mid
ahaa Madaxda aan uga warbixinnay marxaladda uu dalkeennu soo gaaray, yoolka aan
higsaneyno iyo iskaashiga ka dhaxeeya ama ka dhexeyn kara Soomaaliya iyo
dalalkooda. Madax kale oo badan siyaabo
kooban ayaan isugu aragnay miis qado, mid casho ama xilliga birifta iyagana waan u warbixinnay waxaana ka mid ah Madaxweynaha Rwanda, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Nigeria iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Tanzania.
Waxaan si gooni ah uga wadahadalnay arrinta maxaabbiista
Soomaaliyeed ee dalalka qaarkood ku xiran sida Seychelles, Ethiopia iyo Libya.
Waxaa kale oo aan wadahadal la yeelannay Wasiirka Arrimaha Dibadda
ee Sucuudiga oo socdaal ku tegey Addis Ababa annaga oo isla soo qaadnay
xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya labadeenna dal iyo arrimaha hadda ka
taagan mandaqadda.
Madaxa Bankiga Afrika iyo Madax ka tirsan Midowga Afrika ayaan
iyagana yeelannay wadahadal ku saabsan amniga iyo horumarinta dalka.
Xildhibaanno labada aqal ayaa nagu wehliyay kulammada qaar, kuwaas
oo aan saaka markii aan ka soo toosnay Addis Ababa aan yeelannay kulan
is-xog-wareysi ah oo ku dhammaaday is faham iyo in la iska kaashado howsha baaxadda weyn ee ku wajahan soo celinta iyo kor-u-qaadidda sharafta iyo karaamada ay
Soomaaliya ku leedahay caalamka.
Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Addis Ababa iyo Diblomaasiyiinta
Soomaaliyeed oo si wanaagsan u shaqeeyay saacado badan ayaa lahaa
qabanqaadabada dhammaan kulammada aan ka qeyb galnay. Howlwadeennada Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
ayaa iyaguna qeyb weyn ku geystay howlaha Addis Ababa nooga qabsoomay iyo diyaarinta daba-galkooda.
Intaa ka dib waxaan saaka Addis Ababa kulan kula qaadannay wakiillo
ka socda ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barta dalka Ethiopia oo Ra’iisal
Wasaaraha uga warramay xaaladdooda, una muujiyay taageero Xukuumadda uu horseedka ka yahay, isaguna uu ku baraarujiyay in ay iyagu yihiin
mustaqbalka Soomaaliya.
Galabta markii aan nimid Muqdisho, waxaan Ra’iisal Wasaaraha iyo
aniguba ka qeyb galnay shir uu Madaxweynuhu guddoominayay oo ay ka qey
galeen mas’uuliyiin Qaran.
No comments:
Post a Comment