Goor fiidkii ah ayaan cashada ka dib waxaan
aaday guryaha ICRC u kireysan ee Berbera midkood.
Waxaan ku ballansan in aan halkaa isku
wareysanno laba dhakhtar oo Soomaali ah oo magaca Bisha Cas ku jooga Isbitaalka
Berbera iyo Farsamayaqaan Raajada Isbitaalka mas’uul ka ah. Saddexduba Muqdisho
ayay ka yimaadeen.
Sheeko ka dib waxaan wada cayaarnay
kubbadda cagta ee miis dushiis gacanta lagu cayaaro.
Dhowr jeer ayaan rasaas maqalnay. Inkasta
oo Berbera ay caadi u ahayd shanqarta rasaastu haddana si gooni ah ayaan tan u qoonsaday.
Dareen ayay i gelisay. Markii aan
weydiiyay waxaa dhallinyarada mid ka mid ahi iigu jawaabay in aan anigu
beryahan Xamar ku maqnaa oo aan malahaa illoobay laakiin ay Berbera mar walba
noocan tahay.
Berbera marka aan habeen soconno, ka sokow
calanka ICRC oo weyn oo baabuurka xagga hore u suran, hoostana uu kaga shidan
yahay nal kor u ifinaya, waxaa khasab ah in nalka gudaha ee baabuurku uu shidan
yahay.
Aniga oo sidaa ku socda ayaan u hoyday
guriga aan degganaa oo ku yaalla xaafadda Burco-Shiikh.
Mayd bannaan yaalla
Aroor hore, abbaaraha lixda subaxnimo ayaan
tegey goobta aan ka cunteyn jirnay. Ma ihi dadka xilligaas quraacan yaqaan ee
waxaan doonayay in aan shah ka cabbo. ka dibna aan halkaa iska raacno duuliyaha
dayaaradda ICRC oo aan ku ballansan nahay in aan u safarno Muqdisho.
Markii aan imid miiska raashinka oo ku
yaalla isla xaafaddeyda Burco Shiikh, isheydu ma qaban duuliyihii. Waxaan ka hubsaday
Shaqaalaha in uu duuliyuhu quraacday. Waxay ii sheegeen in uu ku baxay meydka.
Markii la ii sheegay in xalay la dilay 17 nin, la iina tilmaamay barta meydku
yaal oo isla xaafadda Burco Shiikh ah, ayaan markiiba dhaqaaqay aniga oo socod
boobaya.
Dariiqa aan sii marayay waxaa dhegeheyga
isu dhiibayay baroorta ka baxaysa guryaha waddada la teedsan.
Meel bannaan ah, oo xusuusteyda aan
dhismayaasha magaalada ka fogeyn wax ka badan dhowr boqol oo tallaabo ayaa
waxaa yaalla meydka toddoba iyo toban rag ah.
Xusuusteydu waxay ii sheegeysaa in laba iyo
toban ay is ag yaalleen ayaga oo garbahoodu ay siman yihiin. Waxaa ka muuqday
dhaawacyo rasaas..
Shan nin oo garba-duub u xiran gooni ayay u
yaalleen. Rubadda ayaa dhiig uga yaallay. Waxaan ka dib ka warhelay in shanta
nine e goonida u yaalla lagu dilay middi.
Waxaa meydka dul taagan rag dhowr ah.
Murugada wajiyadooda ka muuqata ma ahan mid aan erayo ku soo gudbin karo.
Goobtu hadal ma alaha. Shanqar kalena ma maqleysid marka laga reebo dadka qaar
aad neeftooda maqasho. Qaar ayaad ka maqleysaa shanqar neef ka weyn, hadalna
aan ahayn oo sida reen ama riin ah. Indhaha la isma siin karo. Qof waliba wuxuu
hoos u eegayaa meydka.
Fahamkeygu wuxuu ahaa in aan aanay jirin cid ku dhacda in ay gudato waajibka wadareed ee ay diintu na
fareyso ee ah in meydka la dhaqo, janaaso lagu tukado, ka dibna la aaso.
Goobta cid qori haysataa ma taagna.
Dowladda oo loo tirinayo in ay dilka ka dambeyso cid matashaa ma taagna. Haddana qof waliba wuxuu og yahay, dadkii
nimankan dilay, uguna talo galay in ay halkaa dhigaan meydka si inta kale ay ugu
quus qaadato, in aanay goobta ka fogeyn.
Waxay iigu darnayd, markii aniga oo meydka
dul taagan aan gacanteyda ku arkay camera aan awalba sitay, iskuna soo
illoobay. Haddii aan sawir ka qaadi lahaa, uma maleynayo in aan hadda sadarradaan
qori lahaa.
Muqdisho
Daqiiqado ka dib, aniga iyo duuliyihii ayaa
u safarnay Muqdisho. Dayaaraddu hal matoor ayay leedahay waxay badiyaa ku
duushaa 10,000 ilaa 14,000 oo cagood, intaa daruuraha ayay dhex mushaaxaysaa. Aad
ayay daruuraha, dabaylaha iyo buuruhuba ay u ruxaan. Wayna socod gaaban tahay
oo qiyaastii 4 saacadood ayay u kala socotaa labada magaalo.
Dad badan ayaa ku mataga ama qaata kaneeni
ka hor istaaga. Qaar kale aad ayay u dhibsadaan safarka dayaaraddan yar ee intaa
ruxmeysa. Anigu qaybta dambe ayaan ka
mid ahaa.
Maalintaas markii aan Berbera ka soo kacnay
muragada i haysay, fekerka igu dhashay iyo riyo maalmeed ayaan dhex muquurtay.
Waxaan arkay annaga oo Muqdisho dul nimid. Dhibkii aan safarka dayaaradda yar
ku qabay, daqiiqad ma dareemin.
Xamar markii aan imid dad ayaan arrintii
uga warramay. Waxaa ka mid ahaa rag aad iiga khibrad badan siiba xagga
siyaasadda oo midkood uu madaxda Dowladda ka mid ahaan jiray, la xiray
shaqadana laga saaray. Mid kale wuxuu ka
tirsan yahay Raggii ugu baaqay Madaxweyne Siyaad in uu xilka ka dego.
Waxaan u sheegay in aan u baahan ahay si
aan ugu tago Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aan arrintaan ugu sheego. Waxay soo
istaageen in aanan sidaa yeelin. Waxay taladooda ku saleeyeen in laba mid ay
tahay. In uu og yahay oo uu raalli ka yahay. Ama in uu og yahay waxna aanuu ka
qaban karin. Intaa waxay raaciyeen in ay suurta gal tahay in uu dhib iiga
yimaado aniga.
Waan ku qancay hadalkooda.
Waxba
Laakiin suurta
gal iima ahayn in aan la aammusnaado waxa aan arkay ee aan goobjoogga u ahaa. Waxaa
iga go’nayd in xataa haddii hadalkeygu aanuu waxba ka qaban karin arrinta, in
aan dhankeyga dadaal ku baaqan.
Waxaan goostay in aniga oo aan cidna la
tashan aan go’aan qaato.
Waxaan la ballamay mas’uul sare oo Dowladda
ka tirsanaa, Jaamacadda Macallin ka ah, laguna tirinayo in ay is xigaan Madaxweynaha.
Markii aan telefoon kula hadlay oo aan u
sheegay in aan doonayo in aan kala hadlo arrin xasaasi ah, wuxuu ii sheegay in
uu xafiiska ICRC howl u imaan doono oo uu markaas igu soo mari doono
xafiiskeyga.
Inkasta oo aan go’aan qaatay, haddana sida
aan is lahaa wuxuu ahaa mid qar iska tuurnimo ah oo uu dhib iga soo gaari karo.
Welwel iguma yareyn.
Mas’uulkii markii uu Xafiiska iigu yimid,
qolka ayaan hoosta ka xirtay aniga oo murugo iyo baqdin la neeftuuraya ayaan u
sheegay waxa aan arkay oo dhan.
In yar ayuu aammusay inta aanuu ii
jawaabin. Neef culus ayuu neefsaday. Wuxuu igu yiri, Yusuf waxaad ka hadleysaa
Berbera oo in ka badan kun kiilomitir noo jirta. Halkan aan joogno ayay ka
dhacaan waxa aad sheegeyso.
Maxaa laga qaban karaa? Ayaan weydiiyay.
Jawaabtiisu waxay ahayd: “Waxba”.
Tirada toban Orommadu waxay dhahdaa
Ku-dhan. Macnaha in tiro ay ku dhan
tahay toban.
Aniga kelmadda Waxba waxay ii noqotay in hadalka Soomaaliya uu ku dhan yahay.
Waxayna qeyb weyn ka noqotay waxyaabaha igu qanciyay in aan dalka ka dhoofo.
Qaybta Afar iyo Tobnaad ee Taxanahan 89 iyo 90 waxaan ku soo qaadan doonaa sida uu u dhacay dilka Berbera.
No comments:
Post a Comment