Inkasta oo laba Wasiir oo isaga ka horreeyay mid ay ka suurta geli
weyday kan kalena ay oggolaashadiisii fuli weyday, Wasiir cusub oo Arrimaha
Gudaha qabtay ayaa Laanqeyrta Cas u fasaxay in ay u tallaabi karto goobo ay ku
sugan tahay SNM oo dalka Soomaaliya gudhiisa ah.
Wasiirku oggolaashadiisa wuxuu raaciyay in farsamo ay hey'addu la fariisato militeriga
degaankaa jooga.
Xilli habeen ah ayaa shir la isugu yimid magaalada Berbera. Laanqeyrta Cas iyo Saraakiil sare oo Militeriga Soomaaliya ka tirsan ayaa isla gorfeeeyay faahfaahinta. Shirka oo aan fadhiyay waxaa la si weydiiyay meelaha ay Laanqeyrta Cas
tegeyso, gaadiidka la adeegsanayo, cidda tegeysa, walxaha la qaadayo - kuwa laga
soo tegayo iyo inta soo noqoneysa iyo su’aal kale oo kasta oo ay ciidanku ka fekeri
kareen.
Militeriga waxaa hoggaaminayay Taliye ku Xigeenka Xoogga Dalka
Soomaaliyeed oo isaga iyo saraakiil la socotay ay ka soo duuleen Muqdisho. Waxaa fadhiyay Saraakiisha ugu sarreeysa
Talisyada militeriga ee Hargeysa, Burco iyo Berbera oo aan fadhinno. Waxaan
xusuustaa in Laba Taliye oo u kala dambeeyay, aan filayana in ay ayagu ugu
dambeeyeen Taliska Qeybta 26aad ee Hargeysa ay labaduba fadhiyeen. Waxay
ahaayeen General iyo Gaashaanle Sare. Ma aqaan sababta ay shirka u wada
fadhiyeen.
Mararka qaar waxay tegeysay in labada dhinac midkood ay ergadiisu
madaxa is geliso oo ay hoos isu wareystaan.
Shirku wuxuu ku dhammaaday militeriga oo sheegay in uu soo dersi
doono arrinta.
Jawaabtiisu waxay aakhirkii noqotay mid waafaqsan oggolaashihii
Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Laanqeyrta Cas waxay u duushay Sallaxley oo ay gaarsiisay howlaha
Samafalka. Anigu kama mid ahayn kooxdaas.
Waxay Laanqeyrta Cas u ahayd tallaabo horumar ah, maaddaama 1988 loo
diiday in ay tagto Hargeysa iyo Burco.
Markan oo la joogo 1990 ay mareyso, ma ahan Hargeysa, Burco, Berbera iyo Borame oo keliya ee loo fasaxay ay ka howlgasho degaan ay SNM gacanta ku hayso oo dalka gudihiisa ah.
Sababta ay siyaasadda Dowladdu isu beddeshay oo ay uga suurta gashay
in ay Laanqeyrta Cas u fasaxdo in ay ka howgasho degaan aan Dowladdu gacanta ku
hayn oo Soomaaliya ka tirsan waxay inta daneyneysa uga baahan tahay is weydiin iyo baaritaan.
No comments:
Post a Comment